DOOD FURAN: Aqoonsiga Caalamka Ee Dawlada Federaalka & Walwalka Maamulka Somaliland
Dawlada Mareykanka ayaa markii ugu horreysay muddo 22 sano ah shaaca ka qaaday in dawlada Soomaaliya ay u aqoonsatay ulana dhaqmeyso sidii dawlad rasmi ah oo la siman taasoo aan jirin mudadii burburka dalku ku jiray. Arrintan timid ka dib booqashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay wadanka Mareykanka. [AKHRI muxuu ka dhigan yahay aqoonsiga Mareykanka]
Washington waxay kaloo damaanad qaaday taageero siyaasadeed, mid dhaqaale iyo xiriir soke inay la yeelaneyso dawlada Soomaaliya isla markaana ay qadarineyso madaxbannaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.
Maalmo kadib dhawaaqa dawlada Mareykanka waxaa sidoo kale Muqdisho tagay wafdi ka socda dawlada Talyaaniga oo uu hogaaminayey danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya Andre Marcelo oo shaaca ka qaaday in Talyaaniga uu sare u qaaday heerka xiriirka labada dawladood iyadoo xukuumadda Rome ay shaacisay inay safaaradeeda Muqdisho dib u dhiseyso ka horna ay xafiis ka dhigteen garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Shirka London
Dhanka kale, dawlada Britain ayaa bisha May ee sanadkan qabanqaabineysa kulan ballaaran oo ku saabsan Soomaaliya kaasoo ay wada gudoomin doonaan raysul wasaare David Cameron iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Midowga Yurub oo uu ku jiro Ingiriiska ayaa iyaguna markii ugu horeysay sheegay in isbedel ay ku sameynayaan siyaasadooda Soomaaliya, waxaana dawlada Soomaaliya oo wafdi ka socda uu tagay Brussels ay dalbatay in xubno korjoogyaal ah laga siiyo baarlamaanka Yurub.
Haddaba waxaa soo baxaya walaac ku aadan xiriirka dawlada federaalka ee caalamka la yeelaneyso inuu saameyn ku yeelan karo maamulada gudaha ee dalka, gaar ahaan maamulka Somaliland oo 21 sano sheeganayey inuu ka go’ay Soomaaliya.
Madaxweynaha Somaliland oo hadlay Arbacadii wuxuu sheegay inuusan ka xumeyn horumarka Soomaaliya laakiin wuxuu sheegay in dawlada federaalka ee Soomaaliya aaney xukumin deegaanada Somaliland. Ururada siyaasadda iyo mucaaradka Somaliland qaarkoodna waxayba sheegeen inuu dhintay hankii gooni u goosadka.
Maamulada kale ee dalka ka jira waxaa ka mid ah Puntland, Galmudug, Ximan iyo Xeeb oo sheegay inay soo dhoweynayaan xiriirka caalamka iyo aqoonsiga dawlada federaalka.
Haddaba muxuu ku saleysan yahay walaaca maamulada qaar ay qabaan?
Dawlada federaalka ma guul ayey dalka iyo dadka u soo hoysay aqoonsiga dartiis mise looma baahneyn?
Ma loo baahan yahay in Soomaalida si hoose u wada hadasho intaan la is eedeyn?
Maxay adiga kula tahay?
–Waa dood furan.












asc dhamaaan hadii aan dowlada la aqoonsan waxaa badanaayo isku dhax yaacfarabadan mamulwalbo iyo qabiil walbo waxuu iskutayayaa in uu aduunka laxiriiiro taasna maquraxbadno hormarna lakuma kaaro aniga waxey ilatahay aqoonsika siyaasiyiin badan oo somaali ah ayuuu xaqiiqda tusinayaaan oo qabaailka kafaaideysdo ayakoo rabo in mansab siyaasadeesan ayku karaaaaan waaaaaa guuul somaliweyn usoohoyatay xaqiiiqdiii
Asc All walaalaha, inta kadib, anigu waxay ila tahay aqoonsiga lasiyay dowladeena in faaido moyee ayna khasaaro kujirin. Mamulka ka hor yomadana wa mid anan doneyn is somaliya sumcadeedii soo noqoto. Waxayna rabaan in ay si socoto munaafaqnimadii aheed DUAl TRACK tasoo xoriyada naga qaaday. Inta kadib Somaliland waa walalhena wana garabkena midig kamana marano ayaguna sidoo kale, waxan ku talin laha in mamulkas si kasta oo lagu qancin karo laisku dayo maxa yelay midnimadu waa XOOG. Waxaadna ogataan mamuladan tirada badan ee nalagu imtixamay inay gumeysi tahay oo waxa ladiidan yahay in awoodeenii iyo ciidamadeenii soo noqoto. Puntland waxan leyahay anagu ma haysano marmarsiyo ad somali uga tagno cz waxaanu wadanka soo hogaamineynay ugu yaraan 30sano waxan xoriyada haysanna 53Sano. Lkn waxan kula talina in aan mamulkena xun ee afka adag sida faroole iska ceyrino.
Mahadsanidiin
Soomaliland. Waxay u walaacdo maba jirto sababtoo ah. Aqoonsiga dawlada soomaliya Waxba masoo kordhinaayo xoogaa lacag ah Ayaa laga helin yurub iyo amerika sidii caadada ahaydna xamar Ayaa lagu cunin, 4sano oo khasaro ah Ayaa kusoo wajahan soomaliya, oo dawlada xasan gurgurte madaxda kayahay meel uma socoto, sababtoo ah xasan meeshii uu karaadin lahaa wadahadal iyo tanaasul qabiilada iyo maamulada soomaliya ayuu taa bedelkeed bilababy iyo Inuu aduunka hub warsado,soomaliya maanta hub cusub uma baahna ee kan ay haysato in laga urursho Ayaa waa jib ah, nin quraysh ah Ayaa. Lawaydiiyay maxaa seefta u wadataa , waxuu ku Jawabay seef AMA seefo maxay natareen dagaal kii bedar, hadaba xasan halawaydiiyo hub waxuu nataray 22sano, Hadii la dhihi lahaa itobiya Ayaa cadaw noo ah maanta itobiya Waa saacid ka 1aad ee dawlada xasan,hubka xasan raadinayo Waa mid larabo in soomali isku dhibatayso, aakhirkiina hubkaa gacan khaldan ayuu geli doonaa, waxana kasii daran in soomaliland iyo putland ay hub soo iibsadaan iyagoo leh hubka soomaliya oo dhan baa loo fasaxay ee xasan iyo jufadiisa looma fasaxin, waxaa kasii daran maanta ciidan qaran oo soomali ah oo lahubeeyo majiro, ciidanka xamar jooga Waa haljufo, ciidanka hargaysa Waa haljufo, ciidanka garowe Waa haljufo, ciidanka baydhabo Waa haljufo, ciidanka kismayo badankiisu Waa haljufo. Arimahaas xasan Kama fekerin ee hala ogaado, 6bil kabacdi waxaa la arkin amerika oo leh waxaan oqoonsanay hay adaha ,federaalka soomaliyeed iyo dastuurka ee madaxwayne xasan ha ilaaliyo heshiiyadii Somalida ee garowe 1.2 ,galkacyo, Addis Ababa ,soomaliland. Waxay kawalaacdo maba jiraan oo 4sano oo khasaro ah Ayaa kasoo socota konfur.
ASC
Aqoonsigu wax weyn ayuu ummadda Soomaliyeed usoo kordhiyey, waxaana la gudboon inay ka faa’ideystaan,mideeda kale waxa Somaliland iyo Puntlandba ay la cabanayaan waxay u badan tahay cadaalad daro laga filayo Maamulka dawlada Federalka ah,lagana baqayo intey is mahdiyaan inay niyada gashadaan iney ku takrifalaan oo ay sida la rabo ka yeelaan xeerkii iyo geedi socodkii nabadeed ee Soomaliya maanta halkaas kusoo gaartay.
Waxaa dawlada Federalka ah laga sugayaa sii ambaqaadida iyo taabo galinta, waxii Soomali ku hishiisey oo ah maadaama 22 sano dagaal sokeeye iyo is aamin daro dhacdey in maanta Soomali isku aamintey inay sameystaan dariiq Federal ah oo qof kasta caruurtiisa iyo maatada ku ilaalsado, lagana wada shaqeeyo danta guud ee Ummadda Soomaliyeed iyo sidii sharafkii iyo qayimkii Soomalinimo lasoo celin lahaa.
Saansaanka la arko ayaa ah in waxii laga filayey dawleda Federalka ah inaysan bilaabin, waxaas oo ah
1. Dib u hishiisiinta Shacabka Soomaliyeed iyo U kala cadaalad falka
2. Dib u dhiska wadanka Soomaliyeed iyo abuuridda Xaalad la isku aamini karo
Waxaana dadka durbadiiba baqdin galiyey
1. Cunaqabateynta Hubka ha nalaga qaado
2. waxii dhacay yaan dib loo fiirin
3. Gobalkaas maamul waa samaynsan karaa, kana anaa u samaynaya
4. Xamar oon wali laga hayn garqaadasho iyo inay waxii dhacay kala xaasho dadkii loo geystay.
WSC
waxaan leeyahay somaliyeey gacmaha isqabsada oo ku waaloowba dawladan noo dhalatay waxad ogtahiin in mareekanka oo ku dhisanyahay 52 state lkn wadagaan hal wadan hal calan iyo hal doowlad ninkii ka danbeeyay in mareekan oo kala qeebsan oo civil war isku dilaayo wuxu ahaa george washington madaxwenihii ugu horeeyay ee mareekan 52 labadana UNITED wuxu ugu dhigay wada hadal iyo dagaal oo ku dilaayo cidii ka soo horjeesato midnimada america marka madaxweene xasan waxaa u banan in uu la dagalamo oo dhiig u daadiyo midnimada somaliyeed hadii wada hadal wax luku gaari waayo somalia marnaba kala goi meedo kii gooyona waa cadaw waana la dilayaa inshalaah george wasington wuxuu u dilay millions oo diidan midnimada america xasan shiikh na wuu udilayaa midnimada somaliyeed.
Somali land should have to face the reality sooner rather later, this sort of game is over
Dowladda aqoonsigeedu waa guul iyo waxtar weyn oo dowladda iyo shacabka taageersanba wax u tareysa. Hase yeeshee mashaakilkii dalka xallintoodu dadaal gooniya oo gudahaa ayey u baahantahey.
Faroole wuxuu yiri: “Soomaali land eey aan wada hadalno inaan idinla go,no ayaaba laga yaabaaye”!
Marka xaalku halkaas marayo inaan dalka xaalkiisu weli sahlaneyn way iska caddahey. Laakiin aqoonsigu waa mid ka mid ah mashaakilaadkii iyo caqabadihii oo soo xallismey.
Bishimillah hadii aan u hadlo si cadaalad oo wadani nimo ku dheehantahay waxay ila tahay anigoo uga wada jawabaya sidee ukala horeeyan marka hore aan dib dhigto su,aasha ah walaaca ee qaban maamulada aan ka bilabo jawabaha su,alaha kale ( Haa guul weyn bee usoo hoyisay dowlada Soomaliya heshiiskan dartiis waayo waxaan aheen Dowlado badan oo is bar bar yaacaya oo ninkii xasuusta shirkii London Soomalida loogu qabanayay waxaa kasoo qeeb galay dhoor nin oo madaxweyne isku sheegayay oo mid walba calan gaar ah wadan hade arinkasna culeskiisa ayuu lahaa oo waaba nalagu jah wareerayaa xitaa hadii aan oran lahen aan anaga is fahamno intan aduunka la iska taaken waa mid aan dhici karin oo umada faroole baa ku jira waxuna ku habon yahay asagoo baalasha laga rifay in hadana la iska sii wanaajiyo ilen heer lala tirsado majoogyee waana loo baahnaa heshiskan, way haboonan lahed in Soomalida wada hadasho lkn wax walba qaab ayee leeyihin oo iyadoo laga wada hadlay sidee horay ugu socon karnaa oo hormar u tiigsan karnaa ayaa faroole oo kale ku dhahayaa hala I raali galsho bal yaa raali galinayo oo wax kasameyay Marxum siyad bare wa dhintay ceydid waa dhintay xitaa hadii qof kaloo shaqsi uu raali galin karabo waa la amri lahaa inuu raali galsho lkn hadii uu rabo in Jaale siyad oo Soomali oo dhan ka wakiil ahaa qaladadkisi laga raali galsho it means Soomali ha iraali galiso waana inuu dhahaa Soomali maahi siyad adinkoo madaxa idin ahaa oo soomali lahee soomali oo dhanee iraali galsho oo ani xabashi ban ahay hadiise tii ceydid uu rabo in laga raali galsho. Waa waali oo ceydid ma joogo dadka uu ka dhashay ee aad hawiye utaqana iyaga ayaa dhibato kala sheeganayo marka wax ka haboon malahan in waxii dhacay aan dib loo faagin ee horay loo socda Soomaliya doorasho xor ah ayaa ka dhacday waana la is rabay markas markii qof ku guulestay in la mucaaradase ma ila ahan macno aad usii weyn ee waa ani maxan wax u waayay oo majerten ah !!!!!!! Cafwan su,alaha dhan eesan jirin ayaad noo jeedisen anigana dhankee fidnada iyo qaska jiray ayaan ka hadlay Oo somaliland dhib dhanba ilama lahan mar hadii dibadii laga xir xiray shirna loo balansanyahay waa la is fahmi doonaa in la fasaxo iyo in la qanciyo koley waa dad meel u cadahay lkn ninkan leh Soomaali ban ahay hadana u hadlaya in cadowga soomaliya oo yahay cmn weeye fidnada
Waxaad ka hadashaan waxaan dan idinku jirin, idina waad ogtihiin inaan somaliland aanay xukumin dowlada federaalka, lana mid ahayn waxan aad maamulada ku sheegaysaan, waxaan qarsoomeen baad qariya isleedihiin, dadka reer somaliland iyo dowladoodaba way ku faraxsan yihiin waxa usoo kordhay walaaladod somaliya. laakin cida walaaca iyo welwelka hayo waa qoladi badaha maraakiibta ka qabsan jiray ee ku mamay lacagta xaaraanta ah ee budhcad badeeda.dowlada federaalka haday awood hesho waxa kaliya ay la dagaalamayso waa budhcad badeeda, taasina cida ay saamaynayso waa la yaqaanaa…
Heshiiskasta oo lagalo wuxuu ku danbeeyaa burbur ciduu sababsadana waa Muqdisho.
Aqoonsi bulshadaani waxay heshay 50 sano ka hor in laga dhigo wax maanta yimidna waa gaf loo gaystay jiilalkii hore ee soo halgamay.
Aqoonsiga la siiyay xukuumada Xassan waa wax fiican hadii uu qaranka ugu adeegayo laakiin taas ma muuqatooo horay ayay Somali ugu maahmaahday soortaan cuni doono sansaankeedaan ka gartaa.
Kooxda HAG oo sharcigii wadanka ka doortay riyadii qabiilkoda inay meel mariyaan taas ayaa keentay in la kala shakiyo.
aniga waxay ilatahay mamulkan madaxweyne xasan sheekh aqoonsiga la aqoonsaday waa faa iido hadii sidaytahay looga faa iidaysto, tan somaliland welwelka kamuujisayna aniga waxay ilatahay somalilan wanaag badan bay samaysay markii lagareebo arimahan ssc oo waliba rer ssc ayaga gacantooda iskuduleeyeen. somalilan ha iskukalsoonaato saamiga aykuleedahayna somaaliyana haloogadhiibo maamulka shacabka soodoorteen wixii lagadoonayana mamulkaas halagalaxidhiidho tanwadahadalkana dib haloodhigo inta dowlada federaalka aytagayso dhamaan gobolada soomaaliya iteeda kale
asc wt wt.sx.yaal magaca s1land ee aad sheegaysaan ma aha in reer la siiyo,magacaas waxaa wadaaga somali badan oo ka soo jeeda goboladii laysku oran jiray waqooyiga somalia,sida lala socdana somalia waa midoowday,goboladiina waa sii bateen,waadna ogtihiin in dadka hadda magacaa waxaa ku qaraabta waa hal reer waana reerka la dhaho isaaq,hadaba magaca ha laga daayo in reer la siiyo,haddii aad rabtaana ugu yeera “isaaqland”lakiin ma aha in magacaa lagu taageero somali-diidka,somalia,somali ayaa leh ee taa ha la ogaado.
1. Hadii aana Cunaqabateeynta hubka la qaadin Somalia ma waxa rabtaa in wadanka AMISOM sii joogaaan ilaa yoomul aaqro?
2. Waxii dhacay hadii dib loo fiiriyo yaa godob galay yaasa laga galay? Cida dhibka soo gaarin waa tee?
Cida Misaajidka ku jirtay waa tee Ama gacmaha Cilaanka u saarnaa?
3. Cid dhahday ma jirto Gobaalkaan maamul ha sameeysato kana ana u sameeynaa ee been la soo dhoodhoobay oo dana gaara laga leeyahay ee allah ka xishooda umuda walalahana ha isku dirina.
4. Xaalka aad Xamar ka radineeysid maxa Gobalada kale u diiday?
Waa guul kii walaac qabaa QURUN BAA KA BUUXA.RIWAAYADII
SOOMAALILAND LA DHIHI JIRAY DHAMAA WALAALE SHHEKADU
WAA XAGAA IYO KOONFURTAY KA CARARAYE
QABIILKA IYO QARMUUNKA IDINKA SOO URAYA INTAAD ISKA DHHFTAAN
SOOMAALI WAA MID. MADAXWEEYNAHANA WAQTI HA LA SIIYO
MARKUU WAX IS DABA MARIN KEENO SHARUUC BUU WADANKU LEEYAHAY
TAAS BAA QABANEEYSA
asc. Salan ka dib waxay ilatahay in aqoonsiga maraykanka uu siiyey somalia wuu san wax u soo kordhinayn somalia waayo meesha wax laga raadinayo majiraan waayo somalia waxay u baahantahay in dib loo heshiisiiyo ummada somaliyeed oo la isku keeno hadii aan taa lehelin wax soconaya majiraan madaxweyna xasanna nin somalia kheyr soowada uma muuqdo waayo wali mafahansana meel laga jiro marka mamulada dalka ka jira waxaa u muuqda wixii dalka kala burburiyey waa 4sano oo khasaartay
Soomaliland welwel xoog badan ayaa soo gaaray sababtoo ah waxay qorsheysteen iyo waxa usoo baxay ayaa kaaf iyo kaladheeri ah, waxay qorsheysteen in niman argagixiso ah ay u diraan koofurta soomalia sida Inagodane iyo Ibraahim Afghani si qas iyo qalaase iyo jahwereer uga ridaan Koofurta Soomalia taasoo gundhigeedu yahay inaanay wax dowladnimo ah ka hana-qaadin koofurta Soomalia, intaas ay qalaasaha koofur ku jirto inay siyaasiinta waqooyiga dadaal badan u galaan intii ay awoodooda tahayna tab iyo xeelad waxba aanay la harin sidii S/land loo aqoonsan lahaa,labaatan sano oo aqoonsi raadis ah irid walba loo garaacay,alshabbab oo dhankooda ugu yaraan toban sano shaqaaqad ka waday koofur, isku soo wada duub waxaa ka dhashay inay sirdoonka reer galbeedka ay ogaadeen munaafiqnimada reer waqooyiga ay kula kaceen walaalahooda koofur ka dib markii la ogaaday in Alshabaab oo lagu aasaasay magaalaada Burco ayna ka dambeeyeen syaasiyiin, ganacsato reer waqooyi ah oo ku xiran niman carab ah oo khaliijka deggan ayaa abaabulka iyo kicinta iyo usoo dhoofinta koofurta soomalia iska lahaa, maanta shabaab koofur waa lagau xasuuqay waxayna dib ugu noqdeen dadkii mandateka soo siiyey, sirdoonka reer galbeedkana taas ayuu ogaaday markaas ayey ku amreen muwaadiniintooda inay ka baxaan Soomaliland ka dibna liifadda loo gaabiyo, siyaasiinta reer waqooyi waa gartood inay welwelaan waayo warankii ay tuureen ayaa dib ugusoo noqday.
Asc, , maamul goboleedka somaaliland walaacoodu waa mid aan dhamaan 24 saacna wadnahay farta kuhayaan run ahaantiina aad iyo aad bay uga nexeen arinkan lkn kama xumintu waa afka baarkiisa. Dhanka kale aqoonsiga waa faa iido waana loo baahanyahay waxan oran karaa wuu soo daahay maamulada kaloo soodhaweyayna wayku mahadsanyihin lkn munaafaqnimada hayska daayaan oo haka dhabeeyaan waxay afka kaga hadlayaaaan .w.t
Mashruucii jabhada snm ula baxday somaliland fashil iyo fool xumo ayuu ku dhamaaday waxaana lasoo afjaray sanadkan cusub ee 2013.
Waxkasta oo qabyaalad iyo qudhun lagu dhisana sidaasaa u danbeyneysa. Maanta snm land waxaa ay ku dhacday godkii madoobaa ee ay la rabeen soomaalida kale waana taa maanta gaaladii ka yaacday dhulkii snm kuna sheegeen iney hoy u noqotay argagixiso caalami ah.
Viva Somalia
Viva Khaatumo State
wax saamayn ah kuma yeelanayo somaliland sababtoo ah aduunku waa yaqaan somaliland moowqifkeeda iyo meesha aay taagantahay shirkaasi waa shir lacag loogu ururinayo somaliya
wadahadaladana waa cadyihiin somaliland oo moowqifkeedu cadyahay waana goitaan aakhirkana sidii south sudan waxaay tatiijada ku dhamaanaysaa in afti laga qaado dadka reer somaliland natiijada ka soo bixikartana waa arkaynaa
waxaan oran karaa in uusan wax soo kor dhinayn xaga ic tiraf ka oo horaa somaaliya loo aqoon saday una soo shaqayn jirtay ee maaha mid hada gumaysi ka soo baxay mida faa iidada uu lahaa ee uusan xasan ka faa ii day san waxay aheed in dalka dibu dhiskiisa uu uga faa iiday sto sida dibu heshiisiin tababar ciidan tacliin caafimaad amni iyo dhisida fadaraalka laakiin taas kama soo faa ii day san ee waxaa umuuqata qab yaalad iyo reer bur si iyo nicayb maamulada hor maray oo uu lahaa aad ku cuna qabatay sid oo muqdisha hasoo fariis teen ayaga oo ku tuug sanaaya maamuladaana waa puntland iyo somaliland mida aqoon siga somaliland waxba u dhimi mayso waxaaba oran karaa waxay usah lay saa wadada taas oo ah qayaano loo maleegay xasan guur guurte tusale maraykan iyo ingiriis waa saaxiibo ingiriis kuna waxuu u ola olay naayay xoriyada somaliland madaama uu horay ugu maysan jiray ay saxiibo dhowna ay ahaayeen sidaa dar teed in uu in giriisku ka danbeeyo qiyaano uu udhigay xasan qoslaaye qayaanadaa oo ah in xasan maraykanka shir uqabto kuna dhaho waan ku aqoon saday ka dibna xasan isla waynaado oo is dhaho wax baa laguu qabtay amaba somaliland iyo puntland baa irid ka soo xirtay laakiin hadana laqaban qaabi naayo shir lagu qabanaayo in giriiska bishaan shirkaa in lagu cadeeyo in somaliland uu yahay wadan ka madax banaan somaliya xasana u howl fududeeyo ka dib markuu diido xasan in maray kanku soo boodo oo dhaho aqoon sigii baan kaala laaben ee saxiix taas oo lamacno ah dibigu qool buu iigu xiran yahay xasana haduu taas diido ay ku soo fur mayso car qalad kale oo ah in shacabkii somaaliyeed uu lahaa waa la iqoon saday hadii lagala laabto maxuu ula tagin kkkkkkkk marka waxaan dhihi karaa waa ku qasban yahay in uu saxiixo waxaana u howl fududayn fawsiyo oo leh xasan hadaadan saxiixin ceeb ayaa nasoo gaaraysa oo aqoon sigii ayaa meesha ka baxaaye ee naga saxiix ka dibna xasan culusow ay wado cidlaa uu ooyi doono laakiin waxaa somaalidu dhah daa in taadan filan ka fiirso taas oo xasan uusan ka fiirsan hadana uu gacan tiisa isku gow racay waxaana sug naa waa shirka london kkkkkkkkkkkkkk goronyooy gabal kuu dhac m\ ku sheeg siyaasad xun iga dheh duf ku bax
asc wt wt.sx.yaal dowladda somalia midnimadeedu wa muqadas,mana jirto mana jiri doonto cid gorgortan ka geli karta,waxaa soo haray reerka ku qaraabta magaca s1land,kuwaa waxaan leenahay”dadkiina dhinac ka raaca”oo muddo soo qaraabatee caanaha hayska daadinina,kulayto yeeli maysaanoo oo idoor ayaad tihiine cagaha dhulka dhiga,hadii ayaad jalam jalamta dayn weydaan,idinkaa cirka roob ku oge wata wixiina,waxaad ka heshaana waxba ha naga siinina.
Asm marka xigta waxaan idin odhan lahaa bal aqoon siga aad ka hadlay saan waa kaan 60 cumaamada ku soo qaadnoo ku kale majire waxaad yeeshaan anaga bal albaab walba naga soo xidha oo bal markaanu idiin catawno hala arkee cayduun naga daaya ilmaaderayaal
horta waa ta koobaade Dawlada Somalia iyo Dawladda Somaliland dhe, maamulada yaryar ee gacan ku rimiska ah ee puntland, galmudug, ximin iyo xeeb iwm. ha ag dhigin waayo waxaad isku tihiin dhamaantiin somalia (italian protectrate oo waxaad tihiin kuwii aanu dawladnimada isku darsanay). markaa taariikhdu sida ay tahay ha loo sheego Somaliland+Somalia=Somali republic, sidaasay ahayd waata ka koobaad.
Walaac naguma hayso shacab ahaan ictiraafka dawladiina la siiyey sidaa madaxweynahayagu sheegay 22 sanno maahee haday 50 sanno iyo in kabadan intaanu hamigayaga ku gaadhayno diyaar ayaanu u nahay, intaa aanu nabada ahayn ee jirnay inaanu magaca dawladii SOMALI REPUBLIC intaanu Hargeisa keeno inaanu ku shaqaysano awoodeeda waanu lahayn, adeer waanu idiin daynay waananu idinka tashanay ee ha nagu mashquulina ee dantiina raacda walaalayaal.
somaliland waxaa ka daran oo ka fog Puntland ilaahay fitnadooda iyo shartooda hanamootiyo.
Ilama aha in Xassan Qoslaaye iyo aqoonsiga qaladka laga fahmay ay Somaliland wax u dhimayso. Soomalida Koofurta waa in daydkooda xaarxaartaan, aysan ku mashquulin hub urursi, region nada qaar anaa u samaynaya maamul iyo hajuun aan loo tabarhaynin. Mida kale nin ay AMISOM ilaalinayso xaggee buu hubka geyn? aan ka ahayn inuu maleeshiiyaad beeleedkiisa uu hubeeyo, kaagana darane ayaagaaba isku dhameyn oo hal iska reebeyn sida caadada u ahayd. Waxa baas oo uu Xassan Guurguurte raadinayo, ha ka foojignaado asagay dib ugu soo noqon doontaa. Xassan iska daa Somaliland inuu soo celiyee, wuxuu hadda sii fogeynayaa Puntland oo hadduu howshaan uu si wado ayana isaga tegi waxa loogu yeero Soomalia.
NO WAY HOSEY, SOMALILAND ERA IS OVER. REASON WHY 22YRS THEY COULD NOT SHOW PROOF OR SELL THEIR HALLUSANATION TO THE WORLD. AFRICA NO KU TIRI. AMERICANA NO KU TIRI. CARABTUNA WEY FOGEYSEY. IT’S TIME THIS RACIST, NARROW MINE NOMADIC CLAN TO LAY LOW. OGOWNA QABIIL QARAN MANOQDO. ON THE OTHER HAND HOW MANY OTHER CLAN LIVE THAT EARA ARE AGAINST THEIR UGLY NARROW MIND.
To raxanreeb anigu waxaan idiin heystay wariyaal usiman dadka oo dhan lkn waxaad noqoteen kuwa aan tilmaamay ee uu qabiilka kala weyn yahay magaca soomaaliga maxaa yeeyal anigu warbaan soo qoray warka aan qoray cid gooni ah kumuu socon wax xumaan ahna kuma jirin halkaan waxaa kujira war madaxda soomaaliya iyo qabaa,ilo soomaaliyeed loogu gafaayo oo aad siideyseen marka maxaad keyga oo waaqiciga jira kahadlayaa u qariseen soomaalida waxey tiraahdaa timir lafbaa kujirta fadlan waxaan idiinka doonayaa jawaab anigoo ah muwaadin soomaaliyeed kana mid ah dadka aad rabtaan inaad wax gaarsiisaan waa haddaa tihiin wariyaal sax ah oo aanay kujirin waxaan sheegay wabilaahi towfiiq
markii 2006di muqdisho nabad noqotay ,rer putlan wa ka nexeen o amaxaaro u wateen , waxey ku xasuuqeen dad 20kun kabadan , suuqa ugu weyn 2jeer waa dheceen asagoo dhan , wax kabadan 2milion waa barakiciyeen intaas ayagoo sameeyay ay leeyihiin 91dii aa wax naloogeystay , xasuuqaas aa muqdisho ka geystaya maxuu ahaa kaas cibaado muu ahaa, waxii morgan ka geystay dhulkaas koonfurta maxuu ahaa , umada iska baabi,injiray, hadana markii nanad soo iftiinta muqugo a aidinla soo gudboonaatay ku jira murugadiina xamar wa anabad dowlad weyn oo somalia dhan ahayey saldhig u tahay kanax ama iska daa, waxaad is leedihiin waxii 2007/2008 dhacay ayaa reer muqdisho idinka aarsanayaan , cidaas wa aidinka gobsantahay waxas ma sameyso , waxba la idinkuma sameenayo , hadaa didaana meeshiina iska jooga