Dooddii Faraha iyo Gar-naqii Dawacada. W/Q Cabdullaahi Janno


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Dooddii Faraha iyo Gar-naqii Dawacada
Cabdullaahi Janno
claahijanno@gmail.com
Febraayo 02 2013

Beri ayaa waxaa isku carooday farihii gacanta ku wada yaallay. Oo is colaadiyay. Is xasday. Waxna isku quuri waayay. Mid walbana dulan iyo duris ayuu dood ka dhigtay.

Suulka: “Aniga ayaa ah meesha ay xisaabta iyo wardigu ka kacaan—oo waa aniga hoggaanka faraha. Bal maxaad idinku tihiin masaakiin yahay raaciyadda ah?”

Murugsato: “Suulyahow madaxa buuran goormaad hoggaamiye noqotay? War ma aniga cid i gaadhaa jirto? Ataxiyaadka iyo tilmaantaba aniga ayaa idiin qaabilsan oo idin hagee meel fadhiista. Ma cid baa igu darajo ah?”

Far-dhexo: “Baqbaq iyo faataadhug! Anigaa udub-dhexaad idiin ah, oo awooddiina isku dheelli-taro. Oo isku kiin hayo. La’aanteey ma isku imaan kari laheydeen?”

Faadumo: “I maqla, yaa buuxin karo kaalinteyda? Ma far-yaraa la arki lahaa haddii aysan aniga igu tiirsaneyn? Mise hawsha aan qabto ayaad quursaneysaan?”

Far-yaro: “War aamusa! Dhammaantiinba waxaad meesha ku heysaan faan iyo huuhaa. Ii sheega ciddee si sahlan u sujuudi laheyd haddaanan anigu xigi laheyn calaacasha geeskeeda? Yaa xoqi karo gudaha dhegta oo sideydoo kale u dhuudhuuban? Ma suulka madaxa ballaaran? Mise far-dhexada dhererka badan? Mise faadumo faan-badan?”

Hal mar ayay farihii wada aamuseen. Oo midba midka kale cadowtinimo uurka ugu hayay.

Far-yaro: “Xaqiiqdu waxay tahay, dhammaanteenba kaalin muhiim ah ayaynu ku wada jirnaa—oo midkeenba midka kale ku tiirsan yahay. Ee ma is xushmeynnaa? Oo ma is aqoonsannaa? Sidii walaalihiina ma is weheshannaa? Wallee is xasad iyo wax isku quuri-waa cidina wax kama dheefto, colna kaama dhiciyaan.”

Waxay farihii durbaba billaabeen inay midiba midda kale eedeyso, cilladeyso, bah-disho, nacladdo, habaarto, fogeyso, jaajuusto, jabkeedana maleegto. Saa maalin ayay waxay farihii ku heshiiyeen inay garta u dhiibtaan dawaco.

Markay Dawacadu dhageysatay dooddii sokeeyihii isdiiddanaa ayay ku qancisay in la kala hoydo, gartana laysugu soo noqdo maalinka xiga. Saa farihii intay aamineen hadalkii Dawacada ayay farxad ku hoydeen. Hayeeshee Dawacadii ayaa mid mid ugu soo guureysay habeennimadii—oo sidii inay la showreyso inta iska dhigtay bay hadba mid gawska ku hubsutay.

Markay dhereg-dhacsatay ayay Dawacadii dhinac dhinac isku tuurtay, tirina: “Doqomihii heshiin waaya, gaws dawacaa u danbeeya.”

~Dhammaad~

Wixii talo iyo tusaale ah fadlan qoraaga kala xiriir cinwaannadan hoose:

claahijanno@gmail.com

Facebook.com/Qalinmaal

=================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: ,

21 Responses for “Dooddii Faraha iyo Gar-naqii Dawacada. W/Q Cabdullaahi Janno”

  1. Ex-Muslim says:

    Waa sheego aad iyo aad u wanaagsan.

    Waa aad mahadsan tahay mudane.

  2. kkk CAKU RAXANREEB kkkk ugu dambeyntii ma waxaad saarteen SHEEKO CARUUREED kkk

  3. jawaab! says:

    whatever ur name is yaab or amakaag dhibaada ma ahan adiga laakin sababto waxa ay tahay ma aadan fahmin dulucda sheekada iyo meesha ay u socoto, iyo waxa looga danleeyayay. Do more research samee oo waxad kala barataa noocyada loo qoro sheekoyinka markaas ayaad wax fahmaysaa ee, laakin hada I don’t think so..

  4. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,
    Thanks Cabdullaahi, very entertaining yet full of wisdom piece of article you wrote here. Your story clearly tells the plight of our people and how clan mentality has reduced our once proud nation into a pile of rubbish. But, in light of the recent election of a president inside Somalia, and the selection of a very patriotic and visionary prime minister along with well educated speaker of parliament, and team of technocrats in the executive cabinet, once again, the Somali nation is about to rise up again and restore hope, dignity and fraternity among all Somali people. I see light under the tunnel.
    God bless Somalia. Thanks again.

  5. PUNTLAND says:

    waa sheeko caruur xaqiiqdi tan bal idinku fahma ninkan waxa uu ka wado labo siba xiisa uma leh midda hore haday sheeekadu faro oo kali ah tahay xiisa maleh oo anagu caruur ma nihin hadii uu dhibti soomaliya ka dhacday ula jeedaan waxaan oran karaa ninka qoray waa ilmo caruur ah waayo wixi soomaaliya ka dhacay ma ahayn dad is huruufay ee waxay ahayd XASUUQ IYO JINSI NADIIFIN aan hore adiuunka loo arag oo ilaa hadda uurkutaaladeedi wali taagantahay !!!!!!!!!!!!!!!!1111

  6. wadaad yare says:

    Puntland

    Laakiin “xasuuqaas iyo jinsi nadiifintaas” iyo “guryaha la heysto” maxaa kaliya oo loo maqlaa markii labada kusri oo dalka ugu sarreysa laga waayo nin R/Puntland ah? Marka kalena dadku u noqdaa dad ahal ah oo walaalo ah?

    Waagii Cabdullaahi Yuusuf heystey xukunka iyo labadii ra,iisal wasaare ee kasoo jeedey Puntland ma jirin sheekada ah in xasuuq dhacey. Xataa shirkii Cabdullaahi Yuusuf dowladdiisi Muqdisho ku qabatey laguma soo qaadin arrintaase maxaa hadda keeney dooddaas?

  7. Cadaado says:

    @wadaad yare, kkkkk, waa su’aalo aad muhiim u ah in uu ka jawaabo Puntland, laakiin waxaan hubaa in eeysan jawaab u heeynin su’aalahaaga, marka sow ma haboona in ruwaayadaan raqiiska ah iyo hadalka aan soconeeyn in eey iska dhaafaan. Sow maahan in eey walaalaheen reer Garoowe iyo hogaamiyahooda qabiilka ee qaswade Faroole in eey fahmaan in Somalida maantay oo u badan dad aniga iyo adiga oo kale ah eeysan la mid aheeyn Somalida 1960 iyo dadkii eey madaxda beenta iskaga dhigi jireen, dadkaasoo daacad iska ahaa, oo aan haba yaraatee wax dan ah ka laheeyn qofka hogaaminaya iyo meesha uu ku hogaaminayo? Sow maahan in eey hurdada ka kacaan, oo eey jihada markabkaan eey saaran yihiin meel kale u jiheeyaaan, meel ah is ogonlaansho, wada noolaansho, sinaan iyo cadaalad Somali oo dhan la dhex dhigaa? God bless Somalia.

  8. ciid yare says:

    wadaad yare @ anaa ku siin jawaabta horta waa laya qaan waxa ay qabato puntland iyo waxa aysan qaban puntland waa waxa uu hada walaaqaayo xasan oo ah u adeegida qabiilka qaaskaa mida ay qabatana waa qaranka sidii c\ laahi yuusuf iyo r\ wasaare gaas oo dowlada hoodii ay si dhab ah wax uga qabteen wadanka tan cabdulaahi waxa ka mid ah wax qabadkiisa 1_ soo celinta qarankii dumay oo ah kan hada shaqay naaya 2_ ku laabashadii caasumada oo uu nasiib uyeeshay siyaad bare ka dib in uu fariisto 3_ in uu ka saaro shabaab dhulkii qaasatanmuqdisho oo dowladii nabad ku soo dabaashay muqdisho oo bahal galeen ahayd mida gaas waxqabadkiisa 1_ hir galinta dastuurka iyo fadaraalka 2_ka saarida al shabab g\ koonfur in tii ay ku dhimanaayeen 3_ soo celintii rajadii dadkii kala fogaaday iyo dibu dhiska wadanka iyo xarumuhii dowliga ahaa iyo soo celinta kaa bayaasha bulshada iyo dhisida 4_maamulada wadanka iwm hada markay ka baxeen madaxda ka soo jeeda puntland waad aragtaa say is kugu dhex yaacday taas oo u sabab ah 1_ qibrad alaan 2_ aqoon laaan 3_ karti l aan iyo wada shaqayn laan ka dhex jirta dadka madax daa uguna adeega qabiilka iyo dan qaaseed taasna puntland lama shaqeenayso wax qabiil u adeega iyo dan qaaseed mida maxa loo soo hadal qaadi waayay xoolaha xaaraantaa marka ay hayaan m\da dadka ka soo jeeda puntland taas ma aanan cafin waxii loo gays tay somaali wayn ee waxaa somaalidu dhah daa oodo dhacameed say u kala sareeyaan baa loo kala guraa oo waxaan leenahay jad wal amaba nadaam aan u kala saar no how laha tusaale adoon qaran kii dhisin max kamadihii aadan dhisin ciidan kii dhisin ma ku dac woon kar tid hanti iyo guryo lahaysto taas ayaan dib ugu dhiganay oo qaran kaa mid nimada koowaad aan siinay laakiin maanta intaa aan sheegay way dhisan yihiin waxaana lagaaray xili gii biyo iyo bur loo kala bixi lahaa laakiin taas ma iiga muuqato d\ ku sheega waxaaba iiga muuqda dhul balaar si horle iyo xaaraan doon horle oo ay shar ciyayso moor yaanta kkkkkkkk

  9. ciid yare says:

    cadaado@ markabka aad sheegtay waxaa saaran badeeco ay ka mid tahay dil, xaaran , kufsi , biliqo, xaasid, tuugo, daroogo ,cadaalad daro , tuugsi , qabyaalad, taasna hadaa nahay puntland waan ka yaq yaq sanaa oo waan ka sharaf waynahay , markab ka yaguna waa sidaan, qaranimo karti , aqoon , daacad , nolol , caafimaad , iyo wax qabad, aan mar na lagaari karin marka labadaa markab yaa if wayn kkkkkkk oo somaali soo daban kara ??

  10. Cadaado says:

    @ciid yare, kkkkk, xildhibaan Xasan Abshir waxuu helay 5 cod doorashadii uu u tartamy gudoomiyaha baarlamaanka, ex prime minister Abdi wali Gaasna markii uu madaxweeynaha u tartamay waxuu helay 29 cod. Xasuusnow, baarlamaanka oo ka kooban 275 qof ayeey codadkaas ka heleen labadan nin ee kasoo jeeda Waqooyi Bari Somaliya. Marka, saaxiibow, markabkiina wax fiican ma saarno, ee kan Somali eey saarantahay oo aad beenta ka sheegeeyso inta aad iska dhaaftid, soo raac markabka Somali weeyn, oo fahan dabeeyshu meesha eey u socota.
    God Bless Somalia.

  11. ciid yare says:

    cadaado@ waxaan kuu sheegin xasan markii uu maraayay wareega labaad wax doorta waa la waayay sidaa awgeed ayuu ibar yay mar kuu qadka ka sii dhacaayay oo iyiri xasan iyo gaas walaala yaalow idinkaa qaran wadidiisa ku caan baxay oo qibrad leh wadan kana wax ka soo noqday oo xilal badan ka soo qabtay sida c\ laahi gaas \ abshir \ c\rashiid\ galayr iyo cumar c\rahiid sidaa darteed igu caawiya cod kiina si aan waxaan cawan taa ee reer muqdisho aan hor seed ugu noqdo oo aan u yeelo wax nin ah oo ay ku faanaan taas oo ku qasaareen waxii aniga iga horeeyay sida cali mahdi \ caydiid\ c\qaasim\ shariif\ geedi\ nuur cade\ iyo x\caydiid marka codka isiiya taas oo aan u eegnay in aan siino fursad waxa uu sheegaayo in uu samayn karo dad kaana dad ka soo dhigi karo laakiin sinji iyo sadkii masuu ree waaba ka sii daray oo dabaashay hadaa nahay puntland shabaag ayaan utuur nay aan ku bad baadi nayno ileen doon tiisii waa sii quusin shabag taas oo ah waxii lagu heshiiyay sida fadaraalka dastuurka iyo raod mapka oo aan aniga fikir keeda aan lahaa taas oo dowladi hii hore ay ku soo shaqay naayeen laakiin waaba isku sii mir jiyay amaba isku sii cee jiyay shabaag taan u tuuray dee markab kayga inuu dago uma quuree waan ka xa waareeyay asna gacan haadis buu iigu jiraa sheeka diisu waxaa waaye nin soo joog laga waayo soo jiif saa laga helaa iyo ceesaan tii ari geeda ka or goota orki kalaa shab shab siiya kkkkkkkkkkk good byyyyyyyyyy

  12. Maryam Mahamud says:

    Thanks wiilka shekada so qorow mida kale waxaan ad ula yaabay wanaaga iyo wadani nimada ka buuxda ilaahow raga somalida cadaado boy o kale noga dhig amiin

  13. Cadaado says:

    @ciid yare, I don’t think so, in eey run yihiin sheekadaan raqiiska ah ee aad meesha kusoo qortay. Xasan Abshir iyo Abdiwali Gaas bal raadi oo wareeyso, waxeey kuu sheegi doonaan in aanan reer Garoowe laga jecleeyn dalka Somaliya. Marka hadii aadnaan wax iska badalin Walaahi waxaa balan ah in aadnaan 30 sano ee soo socota Somaliya xil weeyn sida Madaxweeyne, Prime Minister amaba Gudoomiya baarlamaan aadnaan ka noqon. Dadkiina waa iska dhex jiri kartaan, hadii aad fitnadiina iyo qabyaalada iyo kala gooyn gooynta dalka Somaliya joojisaan. God bless Somalia.

  14. Cadaado says:

    @Maryam Mahamud, aad baad u mahadsantahay abaayo. Rajada soo noqoshada dalkeena uu kusoo noqon doono siduu ahaa barisamaadkii aad ayeey u fiican tahay. Niyada qeeyr haloo sheego.Inta yartaa ee tafaraaruqa ka dhex wada umada Somaliyeedna waa masaakiin aan ogeeyn fursada eey ayaga iyo Somali weeyn kaga dhuminayaan in aan af iyo adin iyo “energy” badan ku bixino in aan ayaga gacmaha ka qabano, waqtigaasoo ka fiicnaan lahaa in uu meelo kale iyo wax u qabadka dalka nooga baxo. Laakiin, sidooda kuma fiirsan karno, kamana aamusi karno. Kama daaleeyno in aan isha ku heeyno dadkaas. God bless Somalia.

  15. wadaad yare says:

    Cadaado
    Saaxiib nin doodaa ah oo xikmad badan ayaad tahey. Laakiin xoogaa ka khafiifi nimanku waa walaaleheen haba shiddo badnaadeene. Hoggaan xumo iyo istiraatiijiyad la,aan siyaasadeed ayaan u arkaa iney heysato walaaleheen R/Puntland. Waxey doonayaan intooda badan iney ku qanciyaan bulshada soomaaliyeed cay,faan iyo xabad garaacid. Haddii aqliga badan oo walaaleheen sheegayaan sidaas yahey waxaan kula talin lahaa wax yar ha iska bar dhimaan caqligaas badan oo R/Muqdisho wax yar oo dabbaalnimo ah haka amaahdeen si aysan bulshada uga dhex bixin. Waa dhib haddaad dadka boqol sano oo aqoon ah ka horreyso. Xoogaa waa inaad masaakiinta kaa aqliga hooseysa si ay fahmayaan ula hadasho si aadnan isku gefin dadkoo dhan.

    Ciid yare
    Maxaa talaa marka bulshadii soomaaliyeed badankeedi waxey rabto miyaa uu tix gelinayaa ninka xakumayaa mise boqolka sano oo aqligaa oo uu ka horreeyo ayuu iskaga soconayaa, dadkuna khiyaarkood ayuu leeyahey?

  16. XASUUQ says:

    PUNTLANDIYOW HORTA XASUUQA AAD SIYAASADA KU DOONEYSAAN ISKA ILOOBA.HANA ILOOBINA SHICBIGII AAD BADA KU XASUUQDEEN EE AAD DOOMANKA KADAADISEEN,DADKI SOMALIYEED EE AAD EHELKA AHAYDEEN EE AAD INTAAD QABATEEN CADAWGA ETHIOPIA UGACANGELISEEN MEESHAANA LAGU XASUUQAY MIDA UU FAROOLE ICLAAMIYAY E UU LEEYAHAY RER KOOFUR HALA LAAYO WAA ALQAIDEE.KADIBNA AAD XERYIHII KU GUBTEEN QAARNA XIRXIRTEEN QAARNA AAD KU TOOG BARATEEN MISANA AAD ISKU WADA RAACDEEN XUMAANTAAS CID KADANQATANA AYAYN JIRN KASII DARANE AAAD DOWLAD MAGACEED KUXASUUQDEEN UMADAA SOMALIYEED ISKA ILOOBA NACASNIMADA SOMLI SO RAACA WAA LAYS WADA BARTAYE QIIQ WAX MAQARIYO XILIGII UU QARINJIRAY WAA LASOO DHAAFAYE DADKIINA DHIAC KASOO RAACA

  17. LADAN says:

    puntland waan ogahay waxaa idinka mid ah shacab aad uwanaagsan qalbi fcn balse mabadna
    bal taariiqda gadaal uraac weligiin umada somaliyeed idinkaa dumin jiray TUSAALE.
    YAA DILAY MADAXWEINE C/RASHIID ALI SHARMAARKE.
    YAA DILI RABAY(INQILAABI RABAY)HALYEEY MAXAMED SIYAAD BARE
    YAA CALANAK SOOMALIYEED MARKII UGU HOREYSAY GUBAY(KULMIS.C/YUSUF)
    YAA UMADA CADOWGEEDII ULA SO SAFTAY.(PUNTLAND)
    YAA JAAMAC ALI JAAMAC UQUURI WAYAY XILKA (IDINKA)
    YAA HADA XILKA LAGA QAADI LA,YAHAY (IDINKA)
    YAA DHIBKAA OO DHAN UGEYSATEEN
    alaha idin soo haddiyeeyo dhibka maanta idinka sabab uleh weligiina somali wey ku balantay in eydaan xil kaqabanin taa ogaada saa leydin ogaaye

  18. ciid yare says:

    cadaado@ maxaan karaadin way cadahay waxaana yaal fid yoow gii doorashada oo uu xasan ku tuugaayo walaala yaal inta aad shariif aad iga siin lahay deen anigaa mudan madaama aan ahay nin siyaasada ku cusub oo N G O ah laakiin aan galin dagaal aan aqoon qabiil aan ka xanuun saday dhibaatada somaaliya iyo jaahil nimada sam cad xumada iyo qaa in wadanka beeshayda si aan ugu soo rido tubta toosan ee aad qaadeen idinka iyo s\land marka walaala yaal isiiya fur sad oo igu tijaabiya taas oo aan u fiiri nay buuga naxariista maadaama uu intaa oo cududaara uu soo sheegatay laakiin anagu ma aaminin ee waxay ahayd bal in aan tusno wax qabad la ,aan tiisa waana asaga maanta gaari luga la ,aan ah darawal u ah una saaran yahay kirish boy hurda oo in uu gaari gii shidaal kii ka dhamaaday aan warba uhayn kkkk taas oo lagu tabay darawaladii reer puntland oo ku caan baxay pailot nimada oo gacanta loo haadin laakiin gaari lugo la ,aan ah iyo kirish boy hurdaa darawal uma noqonee waxaan ufa dhinaa next level iyo best pres . of pailot kkkkkkk midaada xilka 30 sano ma qabanay saan?? waxaa inoo balan ah marka ay dhamaato 4 sano oo mug digaa iyo darawalka mu kulaal madow kkkkkk hadaana helin ii xira dhago sidii naagi hii kkkkkk waa inoo balan ee yaan la idin waayin qaasatan cadaado kkkkkk

  19. ciid yare says:

    wadaad yare @sxb waxa aan lahayn istiraa jiyada iyo caqliga waa idinka tusaale waxaan kaasiin meelo dhowr ah 1_ tarsan oo qabtay shirkii muqdisho ee hala iscafiyo waxaa gadaashiisa suranaa sawir obama aaway kii wadanka ka madaxda ahaa ? 2_ m\ ku sheega ayaa london tagay waxuu duubay vedio uu shacka been ugu sheegaayo waxuuna ka tagay waxii ugu waynaa dowlad iyo dal waana calanka kasii daaran oo far buu sanka kula jiraa hadaba aaway samcadii dal ,dad iyo mid madax wayne , ! yaase lahayn istiraa jiyad ?? 3_waxaan kuu sheegin kiis kii koronto iyo dadkii laxiray imisaa kala hadal ka soo baxay sida x\ ilaali yaha go, aanka gaaray iyo w\ oo leh dadka la ma oran karo wa dan biile hadaba aaway istiraajiyadii aad ku doo daysay ?? yaase xilka ku wayn w\siirka iyo xeer ilaaliyaha ?? kkk waxaan ka loo kuu sheega yaa qaraxii ka dhacay muq disho waxaa la sheegay in uu ninka is qar xiyay uu ka tir sanaa ciidan ka nabad sugida hadana waxa la sheegay in uu xero dhaqan celin ugu jiray hadaba waxaa is way diin mudan ninkaan see xerada uga soo baxsaday haduu dhaqan celin ahaa ?? hadiise uu ka tir sanaa ciidanka nabad sugida mi yuusan lahayn taliye amra ,baara , ogaada meesha uu usocdo , taasna waa is tiraajiya diinii iyo wax qabad kii nii ugu wanaag sanaa oo soomara somaaliya , , kiis ka koran tana idiin dheer ! aqlaaq m\ wayne oo habar casho u doon tana idiin dheer ! waa taas wax qabad ka lagu faanaa kkkkkkk suaasha aad iway diisay hadaan kaaga jawaabo anaa ku siin , , 1_ waa in uu tix galiyaa waxii 30 sano iyo asaga ka horeeyay oo ahaa xori yadii somaaliya oo uu maanta leeyahay anaa keenay 2_ waa in uu tix galiyaa waxii ay ku heshiisay somaali oo asaga ka horeeyay sida dastuurka lagu soo doortay oo uu u is ticmaalay beel ahaan iyo fadaraalka , r \mapka , iyo cadaalad ugu adeeg dadka dhex diisa, iyo han tidii xaaranta ahayd oo uu dadkii lahaa u celiyo , dadka ka soo duulay cadaado iyo gal gaduud waa in uu ka saaraa xamer caday una ceshaa dadkii lahaa sida reer xamer kii cadaa intaa haduu raaco somaali waa hagaagin oo isaga ka horeeyay laakiin hadii uu raaco fikirka iyo u a deegida beesha HAG taas waxuu maraayaa wadadii cabdi qaasim oo ahayd dameer iyo dub kiis waa lays la tuuraa kkkkkkkkkkkkkk

  20. ciid yare says:

    xusuuq @ sxb waxaad sheegay sid waxba kama jiraan oo waa tii ay sheegeen xaab sade iyo xaad ka dibna reer bay iyo bakool ay wac daro ka muuji yeen laakiin aan ku xasuusiyee puntland dadka gaari yaal in tay ku soo gurtay ma keen san wadan keeda mana saarin doonta ee waxay u fidi say hooy sida xero ay dagaan iyo wax yaabihii asaasiga ahaa sida caafimaad ,wax barasho, amni , iyo biyo nadiif ah , in tii joog tana waa joogin oo si xor ah ayay uga ganac saadaan cidii gudub taana waa gudubtaa oo ayagaa is haliga puntland waxay samaysay dadaal ay ku jooji nayso ayadoo soo xirta kuwa tah riibiya iyo kuwa tah riibaaya iyadoo ku celisa wadan kooda qarash kana ayadu bixisa waa haday raali ka yihiin noqoshada wadan kooda laakiin waxaa wax aan la iska indha tiri karin in ay dad ka ganac sadaan oo ka soo ra raaya wadan kooda ku waas oo awal wadan koodii dhacay sida adoo kale hadana iska dhigaaya qa udoode kkkkkkkk waa shaarar kii bad naa oo la idin ku yi qiin shaar ku soo saa iday oo xaq udooda kkkkkkkkkk soo dhawoow sxb

  21. ciid yare says:

    ladan@ tuugu in tusan tuug aadan oran ayuu asagu ku dhahaa waxaana somaalidu dhadaa maroodiga takarta saaran markee tan kale takarta saaran buu arkaa taas oo aan ula jeedo adiga soo maaha kii dadka xasuuqay muqdisho ! adiga soo maaha kii xoolahoodii dhacay ! adiga soo maaha kii qaranka hor istaagay sida kii c\ laahi ! adiga soo maaha kii shababka iska soo dhigay oo bilaabay wadan kana xasuuqay ! adiga soomaaha kii isbaarada bilaabay ! adiga soo maaha kii qabaa il ka dil kiisa bilaabay ! adiga soo maaha kan dhul balaar siga wadah ! adiga soo maaha kii caasimada ku hab saday adoo ka soo orday dhagaxii gubnaa ! horaana somaali way utiri tuug iyo kab tiis ba waa laysla tuuraa ee qaranka aad sheegayso adiga qaado qaran kuna waa intaa aan soo sheegay iyo in ka badan ayaad utaqaan kkkkkkkk soyyyyyyyy bro isma dhaaf no laakiin waa haday tahay waxii lagu heshiiyay iyo fadaraal hadii kale waa guul wadayaal oow gacalayaal goid baa inoo balane gaca layaal kkkkkkkkk god byyyyyyyyyyyy

Leave a Reply