Faah Faahin kasoo baxaysa Qarax ka dhacay Gaalkacyo (Dhageyso + Sawirro)
Gaalkacyo[RBC Radio]Hal ruux oo ahaa nin isa soo miidaamiyay ayaa ku dhintay 27 kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ismaadiimina oo barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka taliska qaybta booliska iyo saldhigga dhexe ee Gaalkacyo.
Qaraxa ayaa noociisu ahaa nin isa soo miidaamiyay oo loo adeegsaday gaari yar nooca soomaalidu u taqaan (saabuunta) ayaa dhacay sagaalkii iyo barkii barqanimo,kaasoo lala eegtay saraakiil uu ku jiray taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland Gen, Muxiyadiin Axmed Muuse oo dhaawac uu ka soo gaaray, taliyaha ayaa hada xaaladdiisu ay wanaagsan tahay balse waxaa ka muuqda raadadka ay ku reebeen qaraxaasi, waxaana lagu dabiibayaa cisbitaalka GMC.
Dhawacyada ayaa isugu dhafan ciidankii la socday taliyaha, ciidamo kale oo ammaanka qaabilsan iyo dad shacaba oo ka ag dhawaa goobta qaraxu uu ka dhacay.
Taliye ku xigeenka booliska Jeneraal Muxiyadiin oo dhawaaciisu uu sahlanaa ayaa cisbitaalka GMC ee Dr, Dhaga-cadde waxaa uu kula hadlay saxaafadda waxaana uu sheegay inuu ka badbaaday falkaasi qorshaysnaa ee la doonayay in lagu khaarijiyo, ayna jirto dhaawacyo soo gaaray qudhiisa iyo ciidankii la socday.
Siddoo dhankiisa saxaafadda la hadlay taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug G/sarre Jaamac Maxamed Axmed waxana uu sheegay inay horay u hayeen xog digniin oo muujinaysay khatar noocaan oo kalaa, wuxuuna sheegay inay hayaan raadadd falkaasi la xiriira.
Guud ahanba waxaa xiran gabi ahaanba jidka laamigaa inta u dhaxaysa garoonka cayaaraha illaa cisbitaalka, balse waxaa dagan xaaladda magaalada inkastoo la dareemayo samaaynta qaraxaasi.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen masuuliyada weerarka lagu qaaday taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Puntland.
Qaraxan ayaa noqonaya markii ugu horaysay oo Gaalkacyo uu ka dhaco qarax ismiidaamina oo noocaana oo kalaa isla markaana loo adeegsado gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay iyo nin miidaamaysan.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo




















Alle haa caafiyo tliye ku xigeenka, runtii wax badan oo muuqda ayuu ka qabtay ammaanka magaalada iyo waliba gobolka Mudug, waxaana rajaynaynaa in shacabka ay caawiyaa ciidammada amniga waxa socdaa Al-shabaab ma ahee waa Al-Xasan Qoslaaye+Alshabaab, dadku waa inay sidaas u fahmaan sidaasna ku talo galaan oo madaxa ku hayaan.
Illaah baa maahd iskaleh ka badbaadiyey khawaarijta xalaalaystay dhiiga umaadda muslimiinta ah
haddii ay noodeen in weerer fullaynimo ah oo dad shacab ah lagu dhaawacay in lagu dayniyo
waxaan usheeginaah in dhammaan umadda soomaaliyeed meelkastay joogaan caddow uyihiinn
sidda aan maqalay before 3hrs baa laga war hayey dhacdadaan lkn lama ogayn meesha ay ka dhacayso dad shacab ah baa sheegay,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,, viva umada soomaaliyeed
Faroole al shabaab bu isgu ba’dalaay ha la diilo
Dictator waye muxu ula so adaa galkacyo garowe mu laa’ado
ALXAMDULILLAH ILAAH AYAA MAHAD LEH NAGA BADBAADIYEY DHAGARTII KHAWAARIJTA
MUNAAFAQII ISQARXIYEY KELIJA AYAANA HALKAAS KUBAXAY ALLE MAHADI.
INATA DHAAWACA AHNA WAXAN LEYAHAY RABBI CAAFIMAAD SARIICA HAYDIN SIIYO.
CIIDAMADA AMMANKA PUNTLAND EE SOOMA JEESTAYAASHA AH WAXAN LEEYAHAY WALALAYAAL HABAQINA MABAQDAANE , HA,U DEBCINA KHAWARIJTA, HAMORAL JABINA
WAXADNA OGATAN KIINNA DHINTAA INUU SHAHIIDYAHAY SIDA CULUMADA AHLU XAQA AHI NOOSHEEGTAY KIINA DHAWACMANA DHIBICDA DHIGA AH OKA DHACDA QIYAMADA LOXISABINAYO MARKAA IDINKA AYAA JIHAAD XAQ AH KUJIRA E OGAADA .
maxaa mucaarad laga rabaa faroleba wuu dilaa dadkee
oo ma dhiman miyaa odayga ?
Nimankii mucaaradka sheeganayey ayaa ka dambeeya oo xulufo ay yihiin shayaadiintii dadka layn jirey oo ay garab ka helayaan!!!
Waa Illaahey mahadii haddii aysan cidna ku dhiman. Taliyaha iyo ciidankiisa dhaawaca fudud soo gaaray allaha caafiyo. Ninka is miidaamiyayna Ialaahay Jahanaba ha geeyo.
Faroole ayaa ka masuul ah qaraxan sidoo kale suldaankii Boosaaso lagu khaarajiyay wiilkiisaa amray in la toogto wax baadhitaana oo laga sameeyey dilkaasna wali majiro
cadowgu waxba kaqaadi maayo puntland waxaas waa laxaaqayaa waa alshaydaan oo meelay aadan la waana qiriiricdii ugu dambeysay waa loodiyaarsan garoobay hada wax weyn mageysan dhaawac yar yar mooyee taliyuhuna aad buu ufiican yahay waa dhaawac sahlan iyo ilaaladiisa oodhowr dhaawac fudud ah ninkii qawaarijta ahaa meesha kubaqtiyay wuu googo ay ciidamada wax dhimasho ah magaarin ilahay baamahadaa leh ciidamada geesiyaasha puntland waxay had iyo jeer utaagan yihiin siday cadowga halbowlaha ujari lahaayeen amaankana usugi lahaayeen viva puntland