Faaf Faahin kasoo baxaysa Shan qof oo ka mid ahaa toddobo qof oo ku afduubnaa koonfurta Mudug oo la sii daayay. (Sawirro+Dhagayso)
Gaalkacyo [RBC Radio] Waxaa maanta oo sabti ah koonfurta Gaalkacyo lagu wareejiyay odoyaasha beesha Laylkase ee galbeedka Mudug shan ka mida toddobo qof oo muddo afar bilood ku afduubnaa koonfurta Gaalkacyo.
Kulan dadkaasi afduubnaa loogu wareejinayay shantaasi qof oo lagu qabtay hoteel Embasy waxaa ka wada qayb galay masuuliyiin ka mida Galmudug,ehelada dadkaasi iyo odoyaasha beesha Laylkase, waxaana halkaasi hadalo ka jeediyay maamulka Galmudug iyo odoyaasha shantaasi qof lagu wareejiyay.
Ugu horayn waxaa kulanka ka hadlay nabadoon Cali Diiriye Aloore oo ka mida odoyaasha koonfurta Gaalkacyo, Aloore ayaa nabadoonada beesha Laylkase wuxuu ugu baaqay in looga fadhiyo dib u soo celinta nin Puntland ay ku eedaysay Alshabaabnimo ayna sheegtay inay ku qabatay hub iyo waxyaabaha qarxa.
Nabadoon Axmed Maxamed Cali oo kulanka ka hadlay ayaa mahad naq ka dib waxaa uu sheegay inay ka qayb qaadanayaan sidii ninkaas wada xaajood looga gali lahaa, nabadoonka ayaa xusay in dhaqanku ay kaalin buuxda ku leeyihiin arimahaasi.
Sidoo kale nabadoono iyo xubno kale oo kulankaasi ka hadlay ayaa dhamaantoodba soo jeediyay adkaynta iyo ka shaqaynta arimaha nabad galyada deegaanka.
C/samad Nuur Guuleed m/weyne ku xigeenka Galmudug ayaa madasha kaga dhawaaqay in ay maanta wixii ka danbeeya xor yihiin oo ay fasaxan yihiin shantaasi qof, isagoo dhanka kalana Puntland ugu baaqay inay iska soo dayso ninka ay u haysato inuu qayb ka yahay Alshabaab.
Mid ka mida raggii la soo daayay ayaa madasha ka hadlay isagoo ay ka muuqatay dareen faraxdeed, isagoo dhanka kalana sheegay inaan wax dhibaataa lagula kicin intii ay xirnaayeen haba yaraatee.
Si kastaba waxaa wali gacantii afduubka ku maqan labo qof oo kale.
Halkaan ka dhageyso Madaxweyne ku xigeenka Galmudug C/samad Nuur Guuleed
Halkaan ka dhageyso Nabadoon Cali Diiriye Aloore
Halkaan ka dhageyso Nabadoon Axmed Maxamed Cali
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio Xafiiska Gaalkacyo













































wa khyr hadii si nabad ah howshii lagu soo dhameeyay waxan leeyahay dowlada puntland wa inay soo daysaa ninkaas reer galmudug ee ay haystaan ama maamulka galmudug xita ku wareejiyaan haduu alshabab yahay ayagu hala macamileen e
Puntland dhiibi mayso Hadii aay danbi ku cadaado Baraxleey waxaan lee yahay joojiya Mooryaan nimada qofkastaana u baahan ,Hadii layiri hala sugo amaanka oo Afduubka tuugta diinta ah hala qabqabto oo markii laxiro dad aay ku cadahay afduubnimadu intii xaga laga wareego Dad la’afduubto see loo wada noolaan karaa daris loo wada noqon karaa ‘ Baraxleey Guryo dhinca Puntland ah Waxay ku garaacday suu , Habeen dhexdaasa Rag maqaayad iska fadhiya Gaari baa soo dul istaagay ragbadana ku laayay Alaha una xariistee , Baadiyaha Rag geeleey ah 4 beey ku dileen , Qarxiska & Dilal baa intaa wadaan nabad & Wada noolaasho la’idinkama hayo Puntland dadkeedu dhibka & shidada ma jecla idinkuna waa idinla walaal, Waxaa ogeeydeen baa Gaalkacyo kasameeyseen 1991 Markaad ilmihii afka ku qaa dateen oo wisil la’idin dhaaf siiyay oo Gaajo & oon la’baa badeen baa hadana biyo & Raashin la’idinka daba gee yay Gaalkacyana Dib la’idiinku soo celiyay heshiisna laka saxiixday , Reer baraxleey Puuntland Xaafad baa kagadan tihiin saaseey tahana Maamulbaa sameysateen waana idiin ogol nahay oo waliba idinku taagee reynaa Marka mid aan idiin sheego Sharcigoo la’ilaa liyaa Waa gobonimo , Nabad laguwada noolaadaa waa gobo nimo, dhulkaas ilaah baa nagu wada beeray waana ku qasbanahay inaan kuwada noolaano ee shidad & dhibka naga daaya , Viva Puntland & Jubaland
Hadee qofkii Argagixiso lagu qabto, lagu qabto asagoo bomb wata, lagu qabtay intaas oo hub ah, lagu cadeeyay inuu lug ku lahaa danbiyo waaweyn oo gobolka ka dhacay see loo sii dayn, war waxaasu waa iska sheeko baraley, ilaahow may boqol qof badalkiisa afduubaan, ninkaas waa tuug alshabaab ah, dil toogasho buuna ku xukumanyahay, marka Argagixsada iyo alshabaab yaan loo hiilin.
wa mahudsan tihiin reer galmudug , dadkan lasiidaayay waxey degaan koonfurta gaalkacyo waxaa sii deyntooda ka danbeeyey maamulka aw walaalaha yihiin e hiiraan state
Alshabaab waxyaabaha qarxay lagu qabtay oo rabey inuu dad badan laayo, la soo dayn maayo oo xabsi buu ku jiraya. Laakiin 4 bilood ragga Baraxley lagu haystay soo deyntooda waa wax lagu farxo, laakiinse reer Baraxley xiisaab baa hadda ku socoto oo ay dad badan waxyeelo gaarsiiyen maalmihii la soo dhaafay. Sheeko waxay maraysaa Linea Tomaselli miyaa dib loogu celin mise si daris wanaag ah bay ummada ula degeyaan.
saas lee iga dheh