Faah-faahin: Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Puntland oo Ka Hadlay Dilka Loo Geystay Suldaan Muuse Onkod !!


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Taliyhii hore ee Ciidamada Booliska Puntland Xukuumadii Madaxweyne Cadde Muuse,Cabdicasiis Siciid Gacamey “Baduugaaye”"

Boosaaso[RBC Radio] Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxay dil maanta gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari loogu geystay mid kamid ah Issimada ugu waaweyn Puntland kana soo Jeeda gobolka Bari.

Taliyhii hore ee Ciidamada Booliska Puntland Xukuumadii Madaxweyne Cadde Muuse,Cabdicasiis Siciid Gacamey “Baduugaaye”" oo Saxaafadda gudaha Wareysi kooban siiyey ayaa sheegay in kooxda dishay Suldaanka loogu ay Xirnaayeen dharka Ciidanka kuwa kalena ay dharcad ahaayeen.sida dad ka agdhowaa u sheegeen.

…”"Bismilaahi raxmaani raxamiim Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun,waxaa maanta lagu dilay magaalada Boosaaso dhexdeeda Suldaan Muuse Faarax Muuse,waxaana dilay rag qoryo ku hubeysnaa oo naloo sheegay qaarna iney tuute qabeen,qaarna dhar Cadaayeen,Odaygaasi waa dhintay anigu waan ka tacsiyeynayaa…”"ayuu yiri Baduugaaye.

Cabdicasiis Siciid Gacamey ayaa sheegay in AUN Suldaanka lagu dilay kasoo horjeedka Dawladda hoose ee magaalada oo ah meel waadax ah,dadka iyo gaadiidkuna si weyn u adeegsadaan.

…”’Waxaa lagu dilay meesha la yiraahdo Dhex=taal oo maqsinada Qaadka agtooda ah oo dawladda hoose agteeda ah baa lagu dilay,waa meel waadax ah oo cadaan ah,wuxuuna fadhiyey halkaas,niman Odayaal ah oo Nabadoona ahna waa la fadhiyeen marka la dilaayey Suldaanka….”"‘ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in ay hadda hayaan faahfaahin ku saabsan cidda dishay Suldaanka ayna garanayaan balse Ciidamada Booliska u deynayaan baartitaanka ay wadaan kana war sugayaan iney gacanta kusoo dhigaan kooxda dilka geystay maalin cadaan ah.

Dawladda Puntland ayuu ka codsaday in si degdeg ah gacanta ugu soo dhigto cida dishay AUN Suldaan Muuse Faarax Muuse si buu yiri aysan u dhicin dhibaato kale oo keenta isku dhac.

…”"”Waxaan ka Codsanaynaa dawladu iney si degdeg ah gacanta ugu soo dhigto si aysan wax kale oo dhib ah u dhicin baan dawladda usoo Jeedineynaa,waana ku adkeyneynaa dawladdu in kiiskaas xil iska saarto…’”"ayuu yiri Cabdicasiis Gacamey.

Gabagabadii ayuu EEBE uga baryey AUN Suldaanka la dilay in Janadiisa fardowsa ka Waraabiyo,Samir iyo Iimaana ka siiyo Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay.Amiin Amiin.

______________________________

RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

4 Responses for “Faah-faahin: Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Puntland oo Ka Hadlay Dilka Loo Geystay Suldaan Muuse Onkod !!”

  1. qandalawi says:

    ilaahay ha u naxariisto suldaan muusa unkud
    geeri nin aadan aqoon iyo geel jire bey ku wacan tahay baan maqli jirey
    gacan ka xaq daran ayaa dishey ilaahay ha ka soo dhex saaro umadda waxaana sabab u ah dilka maalin walba loo geysanayo dadka qiimaha u leh mujtamaca waa caddaaladda oo laga tegey
    war ilaahay ha la baqo oo qofkii qof kale dila tiirka ha la geeyo nolosheenna ayaa sidaasi ku jirtaaye waana sida ilaahay sheegay
    mar kale suldaanka ilaahay qabriga ha u nuuriyo dembigiisana ilaahay ha dhaafo eheladiisana samir ha ka siiyo waad mahadsan tihiin

  2. Jugsodhacay says:

    Hadii. Raga dambiilayasha ah. Lagaranayo. Hala sheego oo Hebel iyo hebal hala dhaho.

  3. Mubarik Yusuf says:

    Puntland waa gooob argagixiso & amni daro xarun u ah..

  4. Run sheeg says:

    Mubarak yuusufow waxay u egtahay inaad ku faraxsantahay dilalka ka dhaca puntland gudeheeda oo sidaas awgeed carrabka ugu adkaynaysid.

Leave a Reply