Faahfaahin: Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalkii Koobnaa ee Kismaayo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
KISMAAYO (RBC) Wararka ugu dambeeya ee caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in uu joogsaday dagaal kooban oo socdsay ku dhawaad hal saac oo maanta ka dhacay agagaarka saldhiga Booliiska Kismaayo.
Sidee wax u Dhaceen.
Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday maleeshiyaad dooneysay in ay xoog kula baxdo sarkaal iyo askar kawada tirsnaa ciidamada wax ka qabtay kismaayo oo lagu soo qabqabtay hawlgalo ay ciidamada AMISOM, iyo kuwa Soomaalida ah ee kasaaray Al Shabaab ay ka fuluyeen gudaha Magaalada Kismaayo.
Sida dadkii aan la hadalnay noo sheegeen dagaalka ayaa xilli barqanimadii maanta ah ka qarxay saldhiga booliska ee Kismaayo oo ku yaalla xaafada Calanley halkaasoo rag shalay la soo qabtay lagu soo xiray. Dagaalka ayaa bilawday markii Maleeshiyaad ay isku heyb yihiin raga la xiray ay weerar ku soo qaadeen saldhiga halkaasoo ay ooda uga qaadeen dhammaan dadkii ku xirnaa saldhiga.
Waxaa goobtaasi lagu dilay taliyihii saldhiga booliska oo ka tirsanaa Raskambooni kaasoo lagu magacaabi jiray Labo Gadhle iyo sarkaalkii hawlgalka lagu soo qabtay.
Ugu yaraan sagaal (9) ruux ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalka maanta ka dhacay magaalada Kismaayo kaasoo hubka fudud la isku weydaarsaday. si weyna looga maqlayay magaalada Kismaayo. Waxaa jira illaa 5 ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah oo guryahooda rasaasta ugu tagtay oo ku dhaawacmay dagaalkii maanta.
Isgaarsiinta ayaa maanta go’nayd ka dib markii ay amreen maamulka kumeel gaarka ah ee ka arimiya Kismaayo in hawada laga saaro dhammaan isgaarsiinta, taasoo adkeysay in markaas wax badan laga ogaado sida ay wax u dheceen maanta.
Hase yeeshee caawa ayay isgaarsiinta qeyb ka mid ah ay dib ugu soo laabatay, iyadoo Raxanreeb ay u suurtagashay inay la hadasho dad ku sugan Kismaayo.
Dhammaan dhaqdhaqaaqii magaalada ayaa joogsaday markii dagaalku uu qarxay, waxaana la xiray ganacsiga iyadoo jawiga uu isu rogay mid colaadeed.
Xaalada magaalada Kismaayo ayaa tan iyo casarkii ahayd mid degan ka dib markii ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ay soo kala dhexgaleen dhinacyadii dagaalamayay. Saldhiga degmada ayaa hada ku sugan ciidamada Kenya, markii hore ay gacanta ku hayeen ciidamada hoos taga maamulka kumeel gaarka ah ee ka arimiya Kismaayo.
Dawlada oo ka hadashay dagaalka
Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo war saxaafadeed ka soo saaray dagaalka Kismaayo ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo.
“Waxaa dhawaan isoo gaartay in dagaal ka dhacay magaalada Kismaayo. Waxaana aad uga xunnahay in dhiig dad walaalo ah oo Somaliyeed si micno darro ah u daato waqti ay dadka magaalada Kismaayo ay sugayeen in ay maamul sameystaan” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid
Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo u waramay idaacadda VOA ayaa sheegay in dagaalka Kismaayo uu u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed kuwaasoo ku wada sugan magaalada.
Wasiirka oo la weydiiyey dib u dhaca shir maanta ka furmi lahaa Kismaayo ayaa sheegay inuusan wax war ah ka heyn shir Kismaayo ka dhacaya isla markaana aan dawlada guud ahaan lagu martiqaadin shirkaasi.
RBC Radio












dagaalkani wuxuu dhacay kadib markii shalay laxidhey 120 ruux oo lagu qabtey waxyaabaha qarxa,waxaa saldhiga sooweerarey kooxo qawleysata ah,oo alshabaab kacansaar laleh,waxaana lagadiley 7 qof,
@ beesha gedo,waxaan idin fiican inaad ilaashataan gobolkiina ,hadii kale intaad kudhimataan kismaayo,sidii galgaduud halaqaato
Wasiirka. Arimaha gudaha. Kismayo waxaa ku dagaalamay. Labo maleeshiyo beeleed,, xamarna Kuwa jooga Waa maleeshiyo beeleed , Hadii. Kuwa xamar jooga yihiin. Ciidan, Kuwa kismayana Waa ciidan dawladeed,, dadka kismayo isku dagalaya oo. Isku xaniiyowayn Maad sugaan. Culusaw iyo mooryaan. Xamar katimid oo shaati dawladeed wadata Ayaa. Duulaan. Idinku soo ahee,, nimankii. Reer Tolkeen. Waa in quraan lagu akhriyo. Waayo waxay aamineen. Inaysan xamar ka maarmin, in. Meelkasta ay kayihiin. Lambar 2, oo. Maba hawaysanayaan. Lambarka 1aad, galgaduud waxay ka noqdeen lambarka 2aad, juboyinkana lambarka 2aad.
kkkkkkkkkkkkkkk ragga laqabtey ayaa ku jirey nin ay qaarabo yihiin xasan oo sheegey iney wadeen iney qas iyo qalaase ka fuliyaan Kismaayo oo laga soo direy Muqdishow haddba maxey rabaan dadkani Kismaayo loo soo direy waa iney hab qabiil ayagoo adeegsanya ay kisamaayo biliqo ka fuliyaan haddba madaxweyen ku sheega oo dhinaca gashtay USC oo C/qaasin Salaad taladiisa raacey maxaa dhici doona waa dagaal lagu hoobto inuu ka dhaco Kismaayo Muqdishow sida hadda laga warhayo waxaa socda isku aad laisku wado iney fooda isdaran Iljeex vs abgaal oo goor dhow dhamaan doona haddba USC maxey u soo noqtey oo Muqdishow saldhig ooga dhigatey???
waxay ila tahay maleeshiyada ogaadeer waa wax dhaqan xun oo dadka aan kadaynaynin dhibaatayn ta manadoonayaan wanaag markii dagaal uu bilawdana waxay yaqaanaan in ay cararaan oo qoryahadaadiyaan marka waxaan leyahay dhaqankiina badala hadii kale ethobiyo ayaad ku noqonaysaan
ASC, dhamaantiin,
Waa si wanaagsan sida eey Ra’iisalwasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha gudaha uga hadleen arrinka Kismaayo, waliba waa laba nin oo runtii si mas’uuliyad u hadlay, walibana ayagoo xeerinaya wanaaga iyo dib u heshiisiin ayeeysan wali sida eey tahay dhibka Kismaayo ka dhacay u sheegin. Aniga, waxaan dhihi lahaa hadii aan madaxda dalka ahay, waxii meeshaas ka dhacay waxaa mas’uul ka ah qawade Faroole, cadeeynteedana waan heeynaa, taasoo ah hadal duuban, oo ah qaran dumin. Sidoo kale, dhibka halkaas ka dhacay waxaa mas’uul ka ah Ahmed Madoobe, oo runtii hada u dhaqmaya sida qab qablaha dagaal oo wali Somaliya ka jira, marka lagu daro qaswade Faroole. Marka, waxaa fiican in umada Somaliyeed in eey ogaadaan fitnada iyo isku dirka maamul beeleedyada ka imaan doona. Sidoo kale, waan ku raacsanahay Dowlada ra’iisal wasaare Saacid in eey tiraahdo wax shir ah, oo maslaxada umada Somaliyeed ku jirta oo Kismaayo kasocdo kama warqabno, raalina kama nihin, sababtoo ah, waa taas dhibaatada ka imaan doonta hadaba dhacday, oo dad si maalaayacni ugu dhinteen. Waa in lalal xisaabtamaa dadka qaska ka wada dalka Somaliya. Waa in ciidanka Amisom, oo eey Kenya ka mid tahay, mandate ka Dowlada Somaliya ku shaqeeyaan, hadii eeysan ku shaqeeyneeynin ee wadanka Somaliya si dag dag ah uga baxaan. Qofkii amaba qoladii wadanka Somaliya rabta in eey gacanta u galiso Dowlad kale, ayadoo Dowlada Somaliya ka amarqaadaneeynin, una adeegeeyn danta Dowlada oo ah danta umada Somaliyeed, waa qaa’inul wadan, waana in laga soo horjeesto, lana cambaareeyaa kuwa mahbarka ah, ee raba in eey Koonfurta Somaliya sii qasnaado. Kuwaasi waa munaafaqiin, cadow ku ah umada Somaliyeed iyo dalka Somaliyeed.. God bless Somalia.
kkkkkkkkkk
waxaan leeyahay waan ka xumahay waxii ka dhacay kismaayo waxaana kaxun somaali dhamaanteed inta garashada iyo caqliga u saaxiibkaa allaha u naxariisto waxii ku dhintay oo somaali wayn ah iyo dhamaanba dadkeena rayidkaa iyo kuwa ku dagaala maaya waxaan leeyhay walaalayaal hadii aad ku farxi lahayd iyo hadii aad ka nixi lahayd wax dhintay waa somaali waa garab kaaga iyo midig taada kismaayana ilaah ka sakow waxaaleh somaali wayn ee dadka sad bur sanaayow ogaada in aad ka galay saan 2 mitir oo mugdi ah cinqaab iyo suaal iyo cadaabna ay kuu dheer tahay waxaan ka cod sanay naa wax garadka odayaasha iyo dhamaanba inta caqliga u saaxiib kaa in ay ka horta gaan dhiigaa micna darada ku daadanaaya waa in ay si shuruud la, aan ah ay ku jooji yaan dagaal kaa kuwa dagaala maaya u naxaan shacabka masaa kiin taa ee gaajadu iyo cudurka u il dar naa hana ugu darina xabad ee bad baad sha mida wasiirka gudaha hadal kaaga maaha mid masuul ee waxaan ku oran lahaa waa in aad u a deegtaa bulshada aad u dhaaratay hadii aad daacad ka tahayna waxaad soo kala dhex dhigi lahayd ciidan kala dhex gala sida ay u kala dhex galeen kenya xataa waad u tac siyeen way day dadkaa ku dhintay meeshaa ha ahaado rayid iyo kuwa dagaala maya hadaba dowlada somaaliya shaqa deedii aaaway ma dowladii somaaliya ayaa ah kenya dowladii kenyana waa somaali oo shacabka is laayay kala dhex galaysa allow somaali hagaaji allow dalka noo hagaaji
waxaan dhihi karaa dabkii munaafaq shido muumin baa ku gubta,
waxaasoo dhan waxaa ka dambeeya nimankii farmaajo ka qaadey talada dalka ayagoo mahiga iyo cid kasta adeegsadey,hadana waxay wax ku raadinayaann sawaaxili iyo kuwo raba somalida intii xorta ahayd iney gumeeysi geliyaan,waxa ay wadaana waxay tahay in reiisalwasaare saacid iyo madaxweryne iska horkeenaan ,si ay sheekada ugu raraan garawe,laaakiin somali aqoon ayey isu leedahaya,waxaa wax lagu heli doonaa sanduuq lagu ridi doono VOTE.kaas
cidii wax ku hesha ayaa wax noqon doonta…hala fikiro,,,,,,
Nin ayaa indhabeeley,markaas waxa uu arko waxaa ugu dambeeysey bakeyle.marka waxkasta oo la weydiiyo,waxa uu yiraahdaa sidee bakeyle ka yahay,war nimakii SSDF,AMA SOO DAF,la dhihi jirey
waxay wax ku raadinayaa USC waa saas waa saas waa saas,ama waxay ka naxsanyihiin in koofur ay wax noqoto,,,,,,,,war qaranimada ilaaliya somaalinmada,ilaaliya.markaan arko dhaqankooda,waxaan
u duceeyaa geesigii ,wadanigii Mohamed siyaad barre,alla janadii ka waraabiyo,AAMIIN MADAXWEYNIHII QARANKA UMADA SOMAAKLIYEED,
@Boosaaso waad caytamaysaa Beeshatan cidna marti waligeed uma noqon in iyaga loo noqdo mooyaane jubalnd cid aan ayaga ka ahayn madax ka noqon mayso
waligeed keenyaati hala soo kaxaysto soo keenyaatigii oo jooga maantay lama cunin qolyihii gacansaarka lalahaa keenya ayaa dhakafaartay oo yaabtay kkkkkkk
marka adigu Galgala orad ina godane kasoo saar kismaayo iyo jubaland waxba kaama galine
bosaaso war murtileh ku aadan hadlin ee waxad uhadashey isda nin maseyrsan ookale waligiinba munaafaqiin ayaad aheydeen melna maracsanidiin somaliya iyo somaliland xuduud udhaxeyso ayaa tihiin sida KASHMIIR ookale sababta aad udiidantihiin nabada somaliya waa xaasinimo udinkujirto waayo somalidakale qeyraad ayey leyihiin idinkase dhulkiin waa buuraley iyo kuley marka cuqdad nafsi ayaa qabtaan allah in daweeyo hadiikale somalida kale allah idin tuso sideyda ookale
ningaarisa kayimid maxaa kagalay kismaanyo ninkenyan ah maxaa soomali kadhigay.waa in lacadeeyaa sharciga aad ku joogtaan kismaanyo.dhulka dadka ugu badan waa mareexaan idinkana qaar soomalia ah ayaa idinku jira waana lasiihaa xaqooda lkn kenyan tabar looma hayo dhulkana waxaa iskale soomali soomalia ayaana maamul asameyneysa raaskambooni hadey maamul dhisto shabaab maxaa udiidaa ayaga waxaan umaleyhaa raskambooni dagaalka ayaa ku cusub waasa bara doonaan natiijadiisa.sharcigaada keen gaarisa ayaan kunacay.kismaanyana in leygu weydiiyo marabo
Asxaabey yaan waxba la qar qarin dagaalkan ha ahaado labo beelod ama raaskanboni iyo dadka deeganka si walboo loo dhigaba waxuu u dhaxeeyay Soomali diid iyo dad nasab ah oo soomali ah oo madax ah dalka inee hogaanshan mudan wbt
To: Boosaaso
Abow, reer Puntland madiidana madaxweynaha Xassan Shiikh ee waxay diidan yihiin R’saare Saacid. Waxaan idiin sheegi waa dhamaatey waqtigii aad siyaasad qiyaano soomaliya kukala qaybin jirteen. Hadde kuleyka iyo kaluunka isku qoosho oo halkaa ku’ekow. Abow bari laga reysay waa dhammaatey, Kismaayo dadka dago ayaa utalin oo katashan dadka doonta kuyimid waa marti, martina waa inay edeb lahaato haddii kale kuleykii iyo biyo la’aantii ayaa lagu noqon,
Ku: Geed Jicibeed
kkkkklk waad iga qoslisay. Soo Daf kkkkkk
Waa un intaa, Soo Daf. Mid kalena wuxuu yiri, Soo orod Sii orod Diid Furinta, SSDF. klkkkkkll
Ana waxaan leeyahay Soo cunbuq cunbuq dheh Sii canbaq canbaq dheh Dalkana Fidnee, SSDF. kkkkkkkk
Aduunka. Waxaa ugu caqli xun. Mooryaanta oo. 22sano. U diidana inay. Soomaliya hesho dawlad, maanta oo. Ay arkeen. Gurgurte oo. Fikrad. USC. ,ku shaqeenaya. Ayaa waxaa galay dawlad jaceyl iyo boosaaso baa dawlada diidan Waa Suaale 22sano oo mooryaanta dawlad diidka ahaayeen. Boosaaso saw dawlad ma ahayn, mooryaanta waxay iska dhigayaan. Dad jecel. Farmajo iyo beeshiisa waana munafiqnimo oo. Doorashadiii. Farmaajo waxuu Helay. 8cod, xataa1cod oo mooryanta mahelin, markii. Danbana xamar Ayaa lagu bahdilay. Markii. Gurgurte dhahay Waxba uma magacabin kk.k. Hadana mooryaanta waxay ku eedayn reer garowe,, Siyad bare. Dhib Inuu geesto ayuu ku fekaray isagoo xukunkisa ilaa shanaa waxana laga dhaxlay sida ay maanta tahay soomaliya.
Dad Kala Feker Duwan baa Qaarba Dhinac wax Gooniya u Wataan Cumar Jees iyo Caydiid Dadki ku Fekerka ahaa baa Xiriirki 1991 Odayasha ka Dhexeyey in ay soo Nooleyaan Rabah. AL Shabaab Shatigi bay Bedelatay oo Ciidan Beeleedyada bay Dhinac ka Raceen Masuliyiinta Xamar Fadhidah Qaarkood waa Ogayihiin Sida ay Wax u Socodan ee Xasarada Xamar Taal In Kisamaayo loo Raroh bay Doorbidayan.
Maaanta sida wax u dhaceen waxa buunbuuniyey hag oo xamar xaaraan ku qaatay kismaayana raba inuu ku darsado. koox yar oo alshabaab ah ayaa rabay in ay saldhiga nin la soo qabtay ka furtaan waase eedeen oo ciidanka xaq u dirirka jubbaland ayaa jilbaha u dhigay magaaladuna waa nabad wax dhib ahina kama jiraan.waa wax cad waxa socdaa soomaalidu waxay tiraahdaa ” ninkayan shantu kaa reebin sharci kaamo reebo” Kismaayo, gedo iyo jubada dhexe dadkii lahaa baa degan iyagaana dhulkooda leh marnaba marti ugama noqonayaan hawiye naareed iyo dooxatada jubba. nimanka xamar ka soo ciyaya waa walaalaha galguduud oo wasiirka arimaha gudaha iyo raiisal wasaare sucaad ka tirsan yihiin. hadii xasan xoolo is tusay sidaas wax ku carqaladay waxan oran lahaa ” Goormaa laga tegay warkaas.” Shirku waa dhacayaa maamul loo wada dhan yahayna waa lagu dhawaaqayaa reer gedana waa diyaar. ogaada reer gedo iyagaa dhul leh ma ahan kuwan sumeeyey ee gobalada dhexe ka soo haajiray. waxan oran lahaa soomaalidu waxay tiraahdaa ninkii wax leh baa wax lagu darsadaa reer gallguduud waa . jubbalad waa dhismaysaa shirkuna waa dhacayaa. culusow, ahmed bililiqo, iyo tima jare xaad waxba kama qaban karaan. waxa ku xigta digil iyo mirifle land waxana inoo balana waa xuduuda uu noqota ceelasha biyaha yaanan loo joojin ilamaa miyirsado. culusow waa fashilmay xaafada wardhiigley ayuu xakumaa iyo marko oo uu xoog ku haysto. shilin ma haysto waa ( BROKE) lacagaha uu soo baryo nin ingriisa ayaa la maamulaya waana xaqiiq.
VIVA JUBBALAND. dhul ninkiisaa leh.
gargado ma daayo waa nala laayayna ma daayo! war dhulkiina jooga yuusan idin waalin! Ogaden maal iyo muruq midna kuma gaartaan maanta.Still waan soo dhaweynaynaa walaaleheen sade lakin cadowgooda ma fahmaan aan wax wada dhisano soo dhawaada dhibka inaka daaya.
waa been waa dhalinyaro df ayaana kadanbaysa si an loo xasilin deegaanka oo kharash ku bixinaysa
waayo madweyanah ma ogala in ay maamulsamaystaan.oo waa kaligii taliye sidiisii udhaqmaya
ee reeer jubaland nabadooda ha ilaashadaan beelaha daroodna iyo dadka ladagaba.nabada ila shada
waadna ka guulaysanaysaan.culusaw.dagaalka sokeeye ee uu hurinayao.colooshii ushaqaystayashana iska ilaaliya qoxootiga darood ee keenya daadsan soo celiaya.beelaha hawiyana deegaankooda ha ku ekadaan oo maamul ha usamaystaan
ASC dhamaantiin
Maantoo dhan waxaa war wayn laga dhigayaa 7qof ilaa 10qofood meel wax ka dhaceen. Reer miyaga daaqsinka ku dagaalama ayaa ka dhamisho badan caadiyan. Waxaan oo kale in laga hadlo maahan waayo wili dagaalku mabilaaban sidaas waad inaad ula socotaan, kuli yoom mush ciid.
WBT
WAR ILEEN TANOO KALE…..HABARTII HADASHABA PUNTLAND AYEEY AFKA LA SOO GALAYSAA…. KISMAYO ILLAA MUQDISHO MIDNA KAMA SOCON DOONTO TALO AAN KA IMAN PUNTLAND AMA OOYA AMA QOSLA…..ISKA CAYTAMA WALIGEED RAG SIDII DUMARKA U CAYTAMAY WAA RUUX AWOOD WAAYAY
ku raxanreeb cadaalada inaad ka tagtaan ma aha hadii xataa aad neceb tihii dadka meesha ku dagaalay qaarkood sababtoo ah dagaalku wuxuu ka bilowday nin saraakiisha ciidanka dawlada ah ayay nimankaan raaskanbooni wax been ah ku eedeeyeen kadib markii uj murankii batayna saldhiga hortiisa ayay si bareer ah ugu dileen waana taa xaqiiqda dagaalka aniga shaqsiyan ma jeclaysan dagaalkan laakiin sheekada dagaalku waa taa mida kale dadka beelo aan meesha ku jirin wax aan jirin u saarinaya ee raba inay colaada dadka walaalaha ah ka faaidaystaan ilaah ka baqa oo beenta iyo borobagaandaha iska dhaafa wax aad ku dheefaysaan ma lahane hawiye dagaalkan kuma jirin daqlad federaal ahna kama shaqeyn waa dad walaalo ah oo shaydaan ka dhex shaqeystay gogol nabadeed haloogu baaqo dad islaam ah ayaa layahee intii cuqdad iyo qabyaaladii lagu fashilmay ay qalbigaaga ka buuxi lahayd waxaa fiican inay malaxi ka buuxsanto sababtoo ah ayadaa dawo loo raadin karaa wbt
Marna Al-shabaab marna Ehlul Sunna waljameeca adeerayaalow La taga Gedo arimahaas halkaasoo aad ka soo cararaysaan Itoobiyaanka halkaan hadaad imaanaysaan edeb ku jooga laba wejiilinimada ula taga Galgaduud dadka Madaxa idinka soo qabsaday. Waalida iyo riyada reerkaan haysata bal fiiriya hada nimanka aad xabadda ku dhufateen oo idinku sugaaya magaalada banaankeeda iyo magaalooyinkeedoo idil xageed maraysaan
War ha is haligina
wasiirka wuxuu leeyahay nalguma casumin shirka c/madoobe xalay waxaan arkaayey isagoo leh dowlada ayaa u baajiney oo madaxweynha iyo raisalwasaaraha ayaan lasugeynaa oo aan warqad udirney welina nooma soo jawaabin arintaa hadaad eegtaan yaa saxsan yaa khaldan yaa shacabka been u sheegaaya ma qolada kismaayo ka hadashey mise wasiirkii dowlada u qaabishanaa arimaha gudaha arintaa aad haloo baaro ka dib aan jawaab waafiya ka soo saarno.
Waa wada salaamantihin.
Inti dhimatay ALLAHA u naxariisto. Hooyooyinka asayda saartay & dhalaanka agoontoobay cidii dhibaatadaa baday waxaa ka mida qolyahiinaan meelahaan ka naadiya dagaal qabiileed oo dhiig ku daato & bà & hoog. Intaasi hayga gaarto ahlu naarka qalin ku dhiig laha ah.
Cabdi Faarax Shirdoonow, dawladaan adaa madax u ah xumaanteeda & samaanteeda. bal u fiirso, waxaa si fiican loo xasuusta (inti dhimatay & inti noolba AUN): Maxamed Ibraahim Cigaal, Cadullaahi Cise Maxamuud, Cabdirisaaq Xaji Xuseen & Cabdirashiid Cali Sharmàarke; si fiican looma asuusto Aaden Cabdulle Cuthmaan taasi waxay caddaynaysa ruuxa wax qabta waa ràiisul wasaaraha. Ma dhicin abidkeed dawlad walaalow ama baryo lagu helay, adiguna Jubaland & shacabkeeda xalaasha ah waa dayacday, waxaan tuhun sanahay inaad qaylada danayste, sawaxanka & buuqa Qaran dumis kasta ee meel walba kaaga imaana inaad u dhego nuglaatay. Waa baahanahay baqti looma cune (waa tabar yarahay dawlad ahaan) horta HANTI magaalada Kismaayo cidnana hawga haybeysan walaa Maraykan walaa beesha ugu yar oo Jubada hoose degta. Qaran dumis & beeshisaa muranka ku jirtana yaysan ku dabrin, dhegna jalaq hawsiin. Wixii lagaa sheego macno maleh, waxaa micno leh waxaa tahay. Eexna, HOR ILAAHAY ADIGAA LA TEGI HOLACI NAAREED. Seef la bood maya, la tasho wasiiradada labada gabdhood Maryam & Fawsiya, C/xakiim, C/kariim & kuwa kalaba. ALLAHA KU GARAB GALO.
waxaan la hadlaayaa cadaado,qoono, ciid iyo inta sidooda u fekeraysa oo dhan isha allaah denbi iga raacimaayo hadaan iraahdo waxaa tihiin mooryaan kuwii ugu liitay oo weliba aan qarsan karin cadowtinimada ay u qabaan dadka muslimka ah ee dega jubbaland, gedo, caabudwaaq iyo puntlabd.waxaan idin oran lahaa [af waa kane may lagu aamee] waxaad weli u ooman tihiin dhiigii jubada hoose, jubada dhexe, gedo iyo gaalkacayo hada waa la idin bartay wabana qaadikari maysaan 1991 wixii ka horayey dadka ayaad kujirteen oo dhaqan kiina lama aqoon. waxaad lanaac leedihiin kismaayo ayaa wax ka dheceen iyadoo aanba wax weyni jirin waxaad is leedihiin isku dira dadka walaalaha ah ee halka aabbe wada dhalay ee aan ahay wax la isku kabkabaayo sidiina oo kale. bal hadaba yaa idinka liita oo aad isku dirikartaan maadse ka hadashaan mugdisho ilaa dhuusomareeb imisaa bishii qabiil iyo caqli xumo ku dhimata oo aad isku leysaan mese ku waasi dad maaha oo lagama hadlo. midda kale DR faroole afkiina ha gaarsiinina masayrkana joojiya. dr faroole allaha daayo waa nin dalkiisa iyo dadkiisa horumar gaarsiiyay adduunkana la jaanqaaday. idinkana waxaa idinku fiicnayd in aad abaal ugu haysaan waayo maatadiinii aad dhacdeen oo qaxiseen ayuu soo dhoweyay oo xeryo u sameeyay oo nabad gelyadooda iyo noloshooda ka shaqayay laakiin masayr ayaa idinka tan badiyay af xumo ayaad ugu abaal gudeen aniga si kastaba waxaad iila muuqataan kuwo aan fekerayn. ka waantooba daarood isku dirka mase idinlatahay in aad siku dirikartaan hadayba noqdaan dad aad isku diri kartaan idinku anigu kamaba dhalan iyaga
Ciid ka raali ahow, magacaaga si qalad ah ayuu ugalay qoral keeyga kore ee Faisa. qoraalkayga wuxuu ku wajahanyahay mooryaanta jabardi kala saar saaraaya iyagoo ka dhigaaya in walaaluhu iska soo harjeedaan
asc hadii aan soonaali nahay qolo kasta oo kamid ah sadexdeenaan
qolo wadanka dhib bay ugaysatay hawiye daarood isaaq
marka runta aan isku sheegno mafiicna inuu qiyaamaha nugu naco
anagoo xaqdaro isku haysano hadii ay qabiilkayga 6 dileen adna qabiilkaaga
afar dilay iidoorna 2 dilay oo intuba xaqdaro ahaayeen sooma haboona in aan ilaahay cafis waydiisano
wixii dhacayna maadaama qabiilkayga loo tiriyo inuu xasuuq gaystay wuuba gaystage in diyo lakalaqaato ama la is cafiyo ama aan kuwada hashiino ragii kadambeeya oo xiliyadaas madaxda ahaa aan cadaalada horkeeno dhalin yaradii iyo intii iskadhici un taqaanay aanan lawareerinin walaalayaaloow iska dhici un kuma jirikarnee mahadsanidiin
Faisa Fariid
Good job baby! Meel fog baad ka fikiraysaaye Noolow!
Ciid, miskiiiiiiiiin kkkkkkk markuu wadaadoobay cidkasta iyadoon arkeyn bay lugta kusii qaadaysaa kkkkkkkk sorry walaal. kkkkkkkkkkkkkk xitaa Faisaa ku tumatay kkkkkkkkkkkkkkkk
Wallaahi inaan kaa celiyaan rabay oon u sheego iintaan kaa naxay markaasaan hadana waxaan arkay iyadoo ku garatay goor aad jabtay lkkkkkkk Ilaahow kuu saa’idi walaal walaahi wax fiican baad sameynaysaa.
Ciid Best kkkkk former Ciid Yare warlord kkkkkkkkk
to faisa wad ku mahad santahay sida fudud aad u fahantay moryantani ad ku dhawaqday magacoda
abaye ma aragtay dadkani xanuunsan waxey moodeen in leysku diri karo dadka walaalaha ah
lkin ma dhaceyso walalaahaa waaa daad aqli saliim ah ma ahan dad jacbur ah hunguri xaaran ku koray
sidaa moryanta isbaarada u tala xuduuda afgoye ila joohal ilaa iyo mel kastaa maarkasi aayey ka haadlayan kismayo oo aysan shaqa toona ku laheyn mida kale midkan ayan ka yabay wuxuu ku qoray Garoowe ayey ku wadaan adeerk Garowe dhul ajinabi ma mooday ma caabsi aad ka qabto dadka nasaabka ah aya ka kentay,DR farole xafidahullah waa geesi geesi dhalay oo DROOD u curtay
oo dhabtana ka hadla gadaal kama hadlo sida duqii tuuga guriga bililiqadaa heeystay diiriye iyo xaad tima jare,marka dadkana ka madow barida waana is kasayan magaacodaa waxba kama qadi karan dadkan walalaha ah tasi ha ogadan wixii hore wa lasoo dhafay adeer kismayo beentasi kuma imaneysid
meshani c/qasim ma jooga ina salaad boy warkisa lama ajoogo waa waa cusub
waxan kalaoo ku sheegayaa dadkani ku dhaqan (gedo /baardheere/galgaduud/kismaayo/laascanood/boosaaso/garowe/raas kanbooni/dhaagaax buur ama ajigjidhaa heeeeeey heeeeeeeey waxasi dhan wa walalo bar fiiri power ka meshasi somalia oo dhan iyagaa dagan min raaas kanboni ila raas caseyr o ku taala dhulkii carfayay ee putland
masha allah waa dad duceysan oon waligood gaaja arag awoowgii ayaba u duceeyay
,oryaan nareed ma ahan sida kuwa aka xun mamulka ajubland
vivaa jubaland
war bal beelwaynta D war bal sali calaa nabi c.s.w.s war inoo kaadiye kkkkkk war ukunta yaan salad keliya lagu wada ridin war arinta jubooyinka hadaynu niri aan ku daba faylno qolada raaskambooni war armayba kilil cusub inaga dhigaan reerka madoobe ka dhashay kuma negaado xuduuda soomaaliya e kkkkk yaan layga xanaaqin waa kaftan magaalo intaasiye kkkkkkkkkkkkkkkkk ta kale haday beesha D ay hada ku noqoto sinaaryoogii 1991 kismaayo ka dhacay tolow yay dan u tahay war bal meesha inaga baandheeya waxyaabo badan baa qarsoone waa siday khadiija sheegtaye maba laga yaabaa in kismaayo khilaaf ka jirin ee muqdisho villa soomaaliya madaxdeeda la kala fogaynayo oo dee madoobaha raaskambooni waa kii dawlada la heshiiyey e markaa see wax u jiraaaaan ??????????????????
@garaad yuusuf
kkkkkkkkkkk boowe intaan qoraalkaaga arkayey maantaad iga qoslisay kkkkkk armayba itoobiya inoo wadaan awoowgood la naari waaye kkkkkkkkkkkkkkk kaftan kkkk
Ilayn doqoni hadal kama damana, waxaan idiin sheegayaa hadaan nahay beelaha Daarood in aan runta Laga boodin ” waxaa la yiri waxaan nabada igu yeeshaan colaad iguma yeeshid” dhib ogaadeen Intaa ha inoogu filnaato dhac, moobeel sadex qof lagu dilay isbaareysi , guryo baarasho garaacid , kismaayo anaa iska leh waxaa qaadi karto waanu u joognaa Jaalleyaal , mida maamulka , waxay ila tahay wixii markaa heshiis ah ayaa maamul wada sameesta Marka hore aanu is Aragno hadaa dad baad moodaa inay Indho la’yihiin markaa aragti yeeshaan baanu wada hadlaynaa wixii Intaa ka horeeya hubkaaga diyaarso Hartidaadana soo kaxeeso kuligiina imaada
Shirku waa inoo xiran yahay Jaalleyaal
Soomaalidu waa qabaa’il ,hadday qabaa’ilku wax isu ogolaan waayaan oo ay midoobi waayaan dulmi iyo is nacaybkana iska daynwaayaa waxaa hubaal ah in aan wax Somalia la yidhaahdaa jiri doonin kuwa reer hebel baa sidaa ah ku hayaana ha ogaadeen inay ka qayb qaadanayaan burburka xadhiga dadka ka dhexeeya waa Soomaalinimo eh.
kimaayo waxaan ku ogaa magaalo dad qabaa’ilka Soomaaliyeed intooda badan kasoo jeedaa ay ku nool yihiin iyo weliba Hindi iyo Carab Soomaali ah. Dadka maanta ku dagaalamaya iyo kuwa dagaal hurinayaaba waxaa waa’ ugu baryi doonaa cidla iyo Soomaali oo sii kala fogaata.
ASC, dhamaantiin,
@Faisa, horaan u sheegay, abaayo, marnaba dhici meeyso in aan gabar walaasheey adoo ah aan kula caaytamo, marka waxaad rabto dheh. Kaliya, waxaan kaaga digaa sida aad u dhahday in aan dambi laguu qoreeyn hadii aan aniga amaba reerkeeyga caayso. Taas waxaan u maleeynayaa in aadan hubin, oo aan laguu waxyoon.
@Ciid Best, waxaan rajeeynayaa in Fa’isa raaligalinta eey kusiisay aad qaadatid. Aniga iyo walaalo kale ayeey rabtay kaliya in eey caayso, sida eey leedahayna Ilaaheey ayaa la hadlay oo dhahay, go ahead, wax dambi malaguu qoraayee kkkk..
Waxaa nasiib daro ah in dad eey ku dhintaan Kismaayo, dadkaasoo dad Somali ah. Waa in la’is weeydiiyaa maxeey nooga dhinteen? Dadbaase raba in eey ka macaashaan dhimashada dadka Somaliyeed, iyo isku dirka dadka Somaliyeed. Kuwaasna waxaa hogaamiya qabqable Faroole. Mardhowna qaska uu ku haayo Somali waan kashifi doonaa, tilaabo ayaana laga qaadayaa. Kuwa kale ee hayin raaca ah, walaalayaal yaan caqliga la’idinka xadin, oo hadii aad reer qurac keentaan, ogaada waxaa imaanaya reer qansax. Ma waxaad rabtaan marka in aad taas nagu celisaan? War hooy halaga jooga, waxa Garoowe lagu soo kar karinaya, oo loogu dan leeyahay in Dowlada Somaliyeed oo Somali oo dhan u dhantahay lagu carqaladeeynayo, maadaama reer Garoowe laga diiday in eey dadka doortaan, oo dhagartooda iyo munaafaqnimadooda laga daalay. War hooy halaga joogo. God bless Somalia.
Asc Dhamaan akhyaarta waxaan kulatalinlahaa arinta indhanka wanaagsan laga eego oo maslaxada lawgawada shaqeeyo iyada ayaa dhamaan inawada deeqda waxaa wanaagsan inaan waxkabarano wixii inasoo maray wakhtigii burburka saaxiibayaal. walaalayaal mudanayaal dhamaan inaga oo iskuduuban aan raadino xal iyo maslaxada umada iyada ayaa ina wada deeqda (qabyaaladu waa qurun) waaana waxa soomaali meesha aymaanta ay taalo dhigay ilaahayna aan kaxishoono nafteenana aan udanayno waa mahadsantihiiin dhamaantiin balanteenu waa inaan kawadashaqayno maslaxadda walaalaha soomaaliyeed iyo dhamaan muslimiinta
kkkk asc dhamaantin..
WXN LAYABANAHAY BEENTA LA’ISKU MAAWELINAAYO DADKUSE JECELAA KISMAAYO INUU DAGAL KADHACO,JECELAA INAY BILILIQAYSTAN,JECELA INAY ISBARO DHIGTAN,JECELA INAY HABEENKII DADKA XADAAN! MORYANEEY HABEENKII AYEY DADKU RIYOON JIREENE RIYADAN MALINTA SOCOTAYI MAXAY AHAYD?
WAA INAY NABAD KU JOOGAN KISMAAYO HADII KALE WAAD TAQANAAN MESHAD KASOO LUGEYSEEN WAA LA’IDINKU CELINAYAA..
LABADA NIN EE MDWYNAHA XAMAR XASAN QOSLAYE,WASIRKA ARIMAHA GUDAHA MAMULKA XAMAR ADER BENTA INTAAD UMADA KADAYSAN KHAYALIGA JOOJISAN RIYODA JOOJISAN MORYANTA AAD KADHALATEN MAMUL USAMEEYA!
KISMAAYO DADKII LAHAA AYAA KATALIYA TALADUNA KA GODAA!
QOFKUNA WAXUU DOONO WUU KU HADLI KARAA AMA CAYTAMA AMA SIDAAD WAX U JECESHIHIIN U HADLA
JUBALAND SOCOTAYE DARUURAHAY MARAYSAA
VIVA RAASKANBOONIAN FORCE
JUBALAND ANIGAA ISKALE..
To: Garaad Yusuf
Sxb Ogaden Waa Rag waa dad Taariikh ku leh Somalia iska daaye Aduunka oo dhan Waa dad Geesinimadooda La wada Yaqaano Meleeshiyaad yar iska daaye Waxay la Dagaalamaan ethiopia oo dhan oo 80 malyan ka badan waxaa ka dhashay dadka ugu magaca waynaa somalia oo dhan hadii aad hawiya tahay 91 kadib ayaad dhalatay dameeraha ayaad intii ka horaysay araaci jirtay; hadii aad ilkayar tahayna biliqadii aad Kismaayo idinka iyo Hawiya la socda cuni jirteen way dhamaatay ileen kaligiin ma istaagi kartaan hawiya ayaad mar walba daba dhilif u tihiine hawiye hadii uu rag yahay meel ha ku heshiiyo daarood Puntland ayay disteen Jubaland hadda ayay dhisanayaane.
Dad 60 sano Amxaaro madaxa oga kaadshaysay baanu rabnaa in aan hal qormo iyo hadal wax ku fahamsiino. Horaa loo yiri, “Amxaaro madax hadal galo ma lahane madax gumuc galey leedahay” Ogaadeena Amxaaraa soo baleysay. Bal Ogaadeenka soo qamaamaya halkeebuu Soomaaliya ka degaa ama dhul ku leeyahay? Maxay Soomaali isaga dhigayaan? Ma luuqada? Jabuutiba luuqada afsoomaaliga waa looga hadlaaye malaha wada dhalashadeenaa khaladay oo ay moodeen in aan wax walba wada leenahay.
War dhulka waa la kala leeyahay Soomaaliyana anaa leh. Adinka iyo qeyb dhulka soomaaliya kamid ahna waa la idin boobay oo cadawbaa idin boobay layiraahdo Kenya iyo Itoobiya. Geel iyo xoolo la kala boobaan arki jirnay laakiin dad lab iyo dhadig isugu jira oo la boobo oo waliba African boobo adinkaa ugu horreeyay. Ceebtiina iyo carada aan cadawga u qabno ha noogu darinina caacdiina. Dhulkiinana ma taqaanaane aan idiin tilmaamo meeshuu ku yaallo.
Ogaadeen dhulkiisa waa la yaqaan; Waa Soomaali Galbeed oo uu qeyb ka dago iyo Gaarisa. Labadaba waxay lahoos galeen Itoobiya iyo Kenya oo ku guumeysta oo dumarkoodana ku kufsada caruurtoodana ku laaya. Dhul kale oo Ogaadeen ugu haray Somaliya majiro. Waxaad dhacsan weydeen dhulkiinii iyo dumarkiinii oo aad gumeysi aqbasheen, markaasaad waliba caqli xumadiina kusoo qamaamaysaan dhul rag dhacsanayay ka qarni ka qarni oo aad rabtaan in aad misane guumeeysi la hoos gashaan. miyaad sixrantihiin koley sidaan kuma caafimaad qabtaane? mise gumeysigaa caqligiinii qalibay sidaan horeyba u iri?
Xaqiiq in Jubaland xoogaa ogaadeen ah uu hada deganyahay laakiin taas macneheedu maahan waxbay ka leeyihiin. Waa qoysas fara ku tiris ah oo waagii dhaweyd ee Dawladii Kacaanku rabtay inay xoreyso Soomaali galbeed ay meesha kusoo qixisay si goobaha dagaalka looga fogeeyo. Waxaa Itoobiya agteeda kasoo raray Maxamed Siyaad Barre oo kala jeeday siyaasad ahaan iyo in marka Itoobiya la xanuunjiyo aysan maatada ka aarsan sida ay hadaba idinku sameeyaan.
Dadka meesha lasoo dajiyay xitaa dad xoog leh maaheyn ee waxay ahaayeen dumar iyo carruur. Waa iyadii Dajuuma iyo Sablaale lagu furay oo Boorashkii nafaqada ahaa ee anagoo Soomaali pure ah oo u baahan inta naloo diiday adinka la idin siiyay. Alla walaal jisaarsanidinaa? Mise xaajadu waa Boorashkaaga Cunaa Bootadaada yaqaan?
Walaal xishooda oo dadkii awgiin iyo inay idin xoreeyaan Kenya iyo Itoobiya ola dagaalamay cadawgiina ha ka raacinina. Sade oo kula dhashay iska daaye xitaa waa inaad tixgalisaa oo ka xishootaan Soomaalida kale qabiil kasta ha noqdee (Mahbarka Majeerteen maahee) maxaayeelay in cadawga lagaa xoreeyo looma kala harin. Jisaarka iska dhaafa, dhulna Soomaaliya kuma lihidin oo idiinkuguma harin ee qamaamka joojiya yaan la iskiin raacine, dadku Soomaalinimo iyo Muslimnimay idinku soo dhaweynayaane.
Mise waxaad u xoogweyntihiin Sade iyo Soomaali? Walaal hadaad raganimo is bidaysaan maad dumarkiina ka dhacsataan Kuukuuyada iyo Itoobiyaanka iyagaad ajar ka helaysaan oo ay xabadoodu ka qaboowdahay mida Sade iyo Soomaalibee?
Waxaan u maleynayaa inuu xaalku yahay “Waano Abuuris baa ka horreysay” maxaayeelay Maxamed Cabdille Xasan oo idinka dhashay baa caaqibo idinka waayay oo aad cidla oga cararteen oo aad cadawgiisa usoo raacdeen isagoo Dawlado la dagaalaya oo dalkiisa difaacaya sida aad hadeerba Sade iyo Soomaali oga cararaysaan.
War caqli yeesha oo ka fikira mustaqbalkiina. Noloshiina dhan iyo Dalkii iyo Diintii iyo Dadkiiba ma waxaad ka doorateen inaad Kikuuyu iyo Wayaano lahoos gashaan adinkoo Gaaweetooyin wata oo U.Nta Masago u hoosfadhiya? Ma Galeydoodaa ka macaan Boorashka nafaqada leh ee Soomaaliya?
Cid kaleba yeelkeede Ogaadeen waxaa xaq loogu leeyahay in ay qof kasta oo Somali ah saqiir walaa kabiir lugaha ka shumiyaan maxaa yeelay way u deymaysanyihiin. Qaranka Somaliya wuxuu u burburay in Ogaadeen la xoreeyo oo kaliya.
Waxaad u egtihiin Doqonkii quraanka lagu sheegay ee uu Nabi Muuse (CS) u hiiliyay.
Ilaahay ha u naxariisto adeer Calidhuux caqli badnaayaa saa doqonimuu idinku lamaaniyee. Waa kii yiri, “Doqonkii Ogaadeen ahaa doollo laga qaad” Abwaan Calidhuux.
Wax la idinka qaado maahane goormaad wax qaadeysaan Ogaadeenow? Doollada uu Calidhuux sheegayo soo arki maysid? Dhulka Ogaadeen isma qariyo ee waa la yaqaan laakiin nasiibdarro way ka cararaan.
Soomaaliya sheegashadeeda yaan la idinka maqlin hana ku riyoonina markaan waayadii dhalashada iyo dhiiga la isku beerlaxoowsan jiray waa lasoo dhaafaye. Wax walbaa dhici kara iyo in laisku talaxtago markay xaajadu barakomaleh gaarto.
faisa @ walaal waad ku mahad san tahay sida aad ii xustay oo xish mada badan ha ahaado kii hore iyo kii danbe oo raali galinta laakiin intaba waxaan u qaatay wanaag aad i faray say oo ilaah nagu manays tay taas oo ilaah ku leeyahay wal amru bimac ruuf wanah yi canil munkar marka waalaal adoon caayin walaala heena aad wax u sheegay say waxaad ugu sheeg taa si wanaag san waxii ay ku qal dan jihiin oo si naxariis ku jirto waayo qofka waa bini aadam oo wax sax u malay naayo ayaa qal dan wax uu qalad u malay naayo ayaa sax ah aana iska dayno qab yaalada iyo reer cayga waana mahad san tahay walaal mar labaad dadaal kaaga shaqo wacan cali food @ walaal waad ku mahad san tahay l sida qiimaha leh ee aad ii xustay iyo difaacii aad ii gashay laakiin walaashay hadii ay igu tuman lahayd waxba uma arkeen oo waan is badali lahaa waxii iga qaldan lakiin hadii ay igu dar tana walaalahay waan soo dhawayn lahaa oo waa somaali iyo garab kayga midig oo aan marna kala go ayn laakiin nin walba fakir kiisa asagaa xor u ah ha qal danaado amaba ha wanaag sanaado laakiin waxaa wanaag san in aan u istic maal no dhanka wanaaga iyo diinta iyo dalka waxaana ku leeyahay waad mahad san tahay walaal xusitaan kaaga mar labaad
cadaado @ walaal waad ku mahad san tahay sida aad ii xustay runtii waxaan kaa raali gali nayaa adiga iyo qoono@ hadalka walaashay oo ay ula jeeday in ay idin ku canaanato laakiin ka soo qaad walaashaa oo ku canaanatay waxaan ku leeyahay dhamaan teen somaali ayaan nahay waxaana nahay walaalo meel kasta aan joogno waana in aan is cafinaa dalka iyo dad kana ugu shaqay naa somaali nimo iyo wanaag laakiin waxba noo matarayso garoowe ba saan ah muqdishaa saan ah kismaayaa saan ah gedo baa saan ah iyo gaari saa saan ah iyo hargaysaa saan ah laakiin dhamaan teen waxaan wada leenahay isku af isku diin iyo isku dal marka waa in aan iska daynaa waxaas aan meel na gaarayn tusale india waxaa ku noo qoomi yado kala duwan aan isku af ahayn aan isku diin iyo dhaqan toona ahayn waana is wada xukuma yaan oo is walaalaysa nayaan maxaa taas oo kale noo diiday anagoo intaa aan soo sheegay aan wadaagno dhul keenuna naga badan yahay waa caqli daro iyo aqoon la, aan ee aan u soo laabano wanaaga dhamaan tiin waxaan idiin rajayn qayr ku ligiin meel kasta oo aad ku noo shihiin allow somaali hagaaji allow dalka noo hagaaji
Sida wax u dhaceen oo kooban waxaa weeye:
Koox yar oo uu hoggaaminayey mooryaan la ydihaa laga gadhle ayaa waxaa la soo hadley Xasan Culusow si loo fashiliyo shirkii shalay ka furmi lahaa Kismaayo.
Nimankan waxaa sahay u soo diray Farah Abdiqaadir iyo Ina Shirdoon oo Xasan Dhuxulow u rat gareeya..
Hadafka 1aad wuxuu ahaa in la dilo saraakisa oo ku shiraysay saldhigga.
Ragga loo jeeday in la khaarijiyo waxaa ka mid ah:
General Saxardiid iyo rag kale oo muhiiim ah.
Markii dagaalku lagu jebiyey oo fashalkau dhacay ayay ku xaroodeen Somali Fruit Building iyo fariin u dirsaday Axmed Madoobe.
Maanta waxay ku jirtaa inay iljeex dabadhilifno u xuub siibato.
Marna waa shabaab marna waa HG.
wararkii u dambeeyey waxay sheegayaan in calanka cad sudhataye.
Kacaami waxaa uu yidhi
“Ogaadeen dhulkiisa waa la yaqaan; Waa Soomaali Galbeed oo uu qeyb ka dago iyo Gaarisa. Labadaba waxay lahoos galeen Itoobiya iyo Kenya oo ku guumeysta oo dumarkoodana ku kufsada caruurtoodana ku laaya. Dhul kale oo Ogaadeen ugu haray Somaliya majiro”
Adeer waa aad ka dhacsan tahay. Weli ma ku jidhaan Somali ka jaahil Somali Geo 101 tribal Map
Jubbaland oo ah labada Jubba iyo Gedo waxaa u badan Absame iyo adeerkiisa.
Bakool waxaa uu Ogadeen ku leeyahay 4 Degomooyin
Bay inta badan isagaa iska leh..
Haddaan ka xuso degmooyinka Ogadeen in Jubbaland waxaa ka mid ah
Kismaayo
Afmadow
Badhaadhe
Xagar
jamaame
Jubada dhexe
Buaale
Sakow
Sarinley
Jilib
Gedo
Dolow
Luuq
Ceelwaaq
Garbahaareey
Iwm
Bakoool waa la mid ee adeer khalad kale haku dhicin.
WAXAAN LA YAABANAHAY DADKU WELI MA DHIIG BAY U HARADANYIHIIN<QOLOYINKAN GEDO LAGA SOO ERYADEY MA KISMAAYO BAY DEKAD U SOO DOONTEEN MISE MOORYANTAY DERBI U YIHIIN DHULKA INTA ILAHAY IDINKA SIIYEY HA IDINDEEQDO 21!KII SANO DIB U SOO NOQONMAYSEE! RIYADA KA KACA
kanaxoow nafta waa, midkaan la baxay garad yusuf u dhimo cuqdadaada, adeer magaaladaan waa magaalo absame kii ku farxaayo iyo kii kanaxaayaba, dadka walaalaha ah ee nala daganna xaq ayay u leeyihiin maamulka magaalada, adiga iyo wixii kula mid ahna waan karbaashaynaa, adeer meeshaan xamar ma aha. ha qaldamin.
waligood maysan haweysan jirin ee kenya aya mel idin fadhisa waxana idin lenahay 2diinaba waan isku kiin dareynaa dad la gumeysto ayaad tihiin anaga cadowgu magaceena ayuu ka cararaa.
[...] waxaana dhaawacyadaasi ka mid ah maleeshiyaad ka tirsanaa ciidamada dawlada oo ku dhaawacmay dagaalkii Sabtidii hore [23/02/2013] ka dhacay saldhiga booliska ee magaalada Kismaayo oo aan waxba ka fogeyn [...]