Burseel waa maxay? W/Q Faarax Siciid Barre (Dr Xiji)
Burseel waa maxay?
Faarax Siciid Barre
fgureey_06@hotmail.com
Febraayo 01 2013
Burseelka dad badan ayaa aaminsan inuu yahay wax iska caadi ah oo xoolaha ku dhaca waayo waxan maqli jiray neefka waa burseel oo macnaha loola jeedo ma iibsami karo ama waa caato ama maleh tabar uu ku gaaro seylada xoolaha hase yeeshee neefka waa la cunaa hilibkiisa iyo caanihiisa. Laakiin Burseelka waxa lagu qiyaasaa mushkiladda ugu weyn ee caafimaadka guud ee bulshada waayo cudurkan waxa uu keeni karaa dhimasho difaac yari oo uu jirka ku jiro muddo sanado ah taas oo keeni karta inuu u nuglaado bukaanka cudurada sida HIV iyo wixii la mid ah.
Maxaa keena burseelka sideese ku gudbaa?
Cudurka burseelka(Brucellosis) waxa keena bakteriya(Bacteria) cudurkan waxa uu ku dhacaa xoolaha sida Geela Lo’da, Idaha, Riyaha iyo dhamaan xoolaha la dhaqdo isagoo ku samaysmaya hab keyd ahaaneed si uu ugu gaaro qaan gaar isagoo laga yaabo inuu ku jiro muddo bilo ama sanado ah.
Cudurka burseelka waxa laga qaadaa xoolaha(zoonosis). Qaababka soo socda
• Taabashada timaha ama jirka neef buseel qaba
• Cabbidda caanaha neef cudurka qaba iyadoo aan la kululayn iyo waxyabaha laga sameeyo caanaha.
• Cunidda hilibka neefka qaba cudurka ama taabashadiisa
• Qaadashada hawo uu ku neefsaday qof burseel qaba ama xayawaan.
• Ka shaqaynta seyladaha ama meelaha xoolaha lagu xanaaneeyo iyado aan laga taxadarayn ama la iska ilaalin
Calaamadihiisa qofka qaba
Cudurkan waxa uu la calaamado yahay cudurada qandhada leh waxana lagu grtaa:
Xummad ama qandho, jirka oo xanuuna dhaman, kala gooysyada oo xanuuna,dhidid saaid ah, daal badan, dawakh, tabardarro, madax xanuun, miisaanka oo hoos u dhaca, cunno yaraan, quffac iyo calool xanuun.
Side looga hortagaa cudurka?
A: Xoolaha:- sida ugu fudud oo looga hor tegi karo waxay noqon kartaa
- in neefka qaba laga dhex saro xoolaha kale.
- In la talaalo xoolaha markii la keeno seylada amaba guriga xoolaha lagu dhaqo.
- In la ilaaliyo nadaafada xoolaha mar walba iyadoo la dhaqayo dhogorta si taxadar leh lana wacyi geliyo xoola dhaqatada.
B: Dadka :-
- Dawaynta qofka qaba si aanu u faafin cudurka
- Kar karinta caanaha ama waxyaalaha laga soo saaro caanaha
- Hilibka oo si fiican loo kariyo.
- Ku wacyi gelinta sheybaaraysyaalka si ay uga digtoonaadaan baaritanka ay samaynayaan inuu wax soo gaarsiiyo
Guud ahaan cudurkan waxa laga qaadaa isu gudubka xoolaha iyo dadka sidaa awgeed waa in laiska ilaaliyo dhexgelidda xoolaha.
Sida aan la soconno cuduran waxa uu aad ugu faafaa meelaha nadaafada ay hooseyso gaar ahaan wadankeena waayadii ugu damayay waxa soo badanayay xaalada cudurkan iyadoo maalintii goobaha caafimaadka qabtaan in ka badan 30 xaalo.
Cudurkan sida aan ku aragno calamadihiisa waxa uu keeni karaa khatar dhimasho iyo in qofka noloshiisa uu wax yeello u gaysto (daal).
Talooyin
Si aan isga ilaalino faafida cudurkan waa in aan yeelnaa talooyinka
- Iska ilaali xoolaha taabashadooda adigoo aan hubin caafimaadkooda
- Karkari caanaha ilaa ay ka gaaraan heerka xunbo bixinta ama karakarida dhamaan noocyada caanaha sida ( geela lo,da iyo ariga).
- Ha dhexgelin xerada xoolaha ay ku jiraan adoo aan sidan difaac
- Haddii aad isku aragto calaamadahan si degdeg ah u gaar dhaqtar si aanu wax yeelo u gaarin naftaada bulshada kale.
- Neefka aad ku aragto calamadahan gaarsii si degdeg ah. goobta lagu daweeyo xoolaha kana dhexsaar xoolaha kale.
Ku dadaal la dagalanka cudurka Burseelka si aan u gaarno xaalad caafimaad o heer sare ah
By: Faarax Siciid Barre
Email: fgureey_06@hotmail.com
(better health best life)
Khartoum-Sudan
=================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM














maasha allaah dr waa mahadsanyahay. bulshadana waxaan leeyahay hala faa`iidaysto aqoontiisa
dr
:farah waan kaaga mahadcelinyaa imbadan iyo imbadan sida qurxoon oo aad noogu soobandhigtay rayigaag firfircoon oo ay dhiranaantu kujirto waxan kusii weydiin laha a tusaale waxa ihaya burselo syntomeskana maan garanyo maxaan kudareemikaraa aydoo aysaan nooceedu ahayn tan lafaha mahdasidid
Adeer aqligaagu waa kan sudaan ku geeyey. Wax faa’ido ahna maad sheegin ee waxaad maqshay waxba la qora. Horta xoolo dhaqatadda soomaaliyeed ma leeyihin meel xoola lagu daaweeyo? Tan kale vetenary aad tahay waxaa laga rabey in aad dadka uu sheegto daawoyinka dabiiviga ah ee xoolo dhaqaataddu ay isticmaalikaraan. Tan talaalka xoolaha waxaa loo talaala iyada oo neefka qaba cudurka burseel inta la qalo beerka inta laga saaro inta jirkiisa la saro qurub yar oo beerka neefka xanuunka qaba la galiyo. Markaas wuxu jirku ladagaalo ( mobilisation de système immunitaire) xanuunka ku soo foodleh. Adiga oo kale ayaa Dr sheeganayaa ilaahay jaahilinta haka qabto soomaali.
Sida:
-Dr
- Prof
-Wariye
-Avocatto,
-Général …etc
Soomaali laba jaamacadood ayey lahayd, shahaadada ugu sareeysay waxay ah Bachelor of art oo waliba af-soomali lagu qori jiray. Guuddi tayeen jiray ma jirin marka halkee waxaa oo darajo laga keenay. Maalin dhaweeyd ayaa aqriyey xakimka maxkamaddi konroto xukumay walaahay in usan xata bachelor of law haysan waayo sida uu wax u cabiray ayaad ka garan. Wbt- af-Aji