Gen Cabdullaahi Siciid Samatar: Mucaarad Maahin Anagu, Madaxweyne Faroole Dhaar La’aan Buu Tallada Puntland Ku Hayaa
Boosaaso[RBC Radio] Wasiirkii hore ee amniga Puntland Gen Cabdullaahi Siciid Samatar haddana ah Siyaasi si weyn u dhaliilsan Xukuumadda Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Faroole ayaa xiligaan ka hadlay arrimo badan oo khuseeya Puntland.
Gen Cabdullaahi Siciid Samatar oo xiligan ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ka dhawaajiyey mar kale inuusan aqoonsaneyn Jiritaanka Xukuumadda Faroole iyo Baarlamaanka Dawladda Puntland.wuxuuna labadoodaba ku tilmaamay kuwa sharci daro ku dhisan.
Gollaha Samatabixinta Puntland.
Gen Cabdullaahi,wuxuu sheegay in ay dhiseen Golle ay ugu magac dareen “Gollaha Samatabixinta Puntland” kaas oo ay hawshiisu noqon doonto in Puntland iyo Shacabkeedaba uu ka badbaadiyo dhibaatooyinka kusoo wajahan.
Ujeedada Gollahaan ka danbeysay iney dhisaan ayuu ku sheegay iney tahay arrimo badan oo ay kamid yihiin:
01.Sharciga Puntland oo la dumiyey.
02. Kheyraadka dalka yaalay oo Casaabadi Jeebka ku shubtay.
03. Saxaafadda Puntland oo la Caburinaayo.
04. Nidaam iyo kala danbeyn socda oo aan ka jirin Puntland.
05. Xisaab celin iyo la Xisaabta aan ka jirin Puntland.
06. Xisaabiye guud oon shaqeyneyn,Baarlamaan shaqeyneyn,Maxkamado shaqeyneyn.
07. Mudada loo qabtay Xukuumadda Puntland ee hadda oon waxba iska bedelin.
08. Puntland iney burbursantahay,waxaan doorbidnay in Gollahaas aan dhisno Samatabixinta Puntland.
Gollahaan ayuu ku sheegay ineysan wax ku dooneyn hab dagaal balse ay doonayaa si nabadgelyo ah in khilaafaadka jira lagu dhameeyo,wuxuu sheegay marba haddii dagaal ay wax ku dooni lahaayeen xili horeba in ay sameyn lahaayeen.
…”"”Gollahaas waxan ku dooneyno maahan dagaal,si nabadgelyo ah baan wax ku dooneynaa haddaan dagaal wax ku dooneyno waxyaabaha qaarkood uma dulqaadaneen,waxyaabihii ka dhacay Garoowe iyo wax la mid ah oo nagu dhacay uma aanan dulqaadaneen,laakiin waxaanu doorbideynaa Puntland iyadoo iska baa’basan aan u jeedno dhibaato weyn ay mareyso marxalad adag mareyso,waxaanu door bidnay si nabadgelyo ah inaan wax ku doono,inaan si nabadgelyo ah kusoo dabaalno,…”"”ayuu yiri Gen Samatar.
Jiritaanka Xukuumadda Madaxweyne Faroole.
Gen Cabdullaahi Siciid Samatar ayaa mar kale ku celiyey inuusan haba yaraatee aqoonsaneyn Xukuumadda Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole iyo Baarlamaanka Puntland,
wuxuuna sheegay in labadooduba yihiin kuwa Xukunka Xoog ku maroorsaday.
…”"Maanta uma aqoosanin Cabdirixmaan inuu yahay Madaxweyne iyo Kudladiisa,Baarlamaanka anagu wuxuu kaga eekaa 31. Oktobar 2012,isagana mudada waxay kaga ekeyd 7-da January 2013,wixii ka danbeeyey anagu uma aqoonsanin,waxaan u haysanaa inuu yahay nin xukunka xoog ku maroorsaday isaga iyo Kudladiisaba,..”"”ayuu yiri.
Dhaar La’aan Buu Xukunka Ku hayaa!!!.
Wuxuu sheegay in Sanadka la sheegayo ee loogu daray Madaxweyne Faroole haba yaraatee aan lagu dhaarin kitaabka EEBE sidaasna uu dhaar la’aan tallada Ummada ku hayo.taasina waxay Cadeyneysaa buu yiri in xukunka uu Xoog ku haysto balse aysan iyagu ka yeeleyn.
…”"”shan sano waad ogtihiin madaxweynayaasha waa la dhaariyaa,isagu afar sano buu lahaa ninka la yiraahdo Cabdirixmaan,sanadkaan hadda looma dhaarin,dhaar la’aan buu ku hayaa,halkaas waxaa ka muuqata iney tahay xoog baan dalka ku haystaa,xoogna dalka laguma qabsan karo…”’ayuu yiri.
Mucaarad Maahin Anagu!!!
Siyaasi Gen Cabdullaahi Siciid Samatar ayaa sidoo kale ka sharqariyey ineysan ahayn Mucaarad balse ay Mucaarad ahaayeen Xukuumadda Faroole markey Xaqa ku taagneyd,waxna uga dhinaayeen afarta sano laakiin wixii afarta sano ka danbeeyey ay yihiin Golle dhisan oo badbaadinaya Puntland kuwa Mucaarad noqon kara ay iyagu yihiin.
…“”"” Hadda anagu Mucaarad maahin,mucaarad waxaan ahayn markii maamulku xaqa ku taagnaa oo oo afartii sano wax uga dhinaayeen Cabdirixmaan laakiin wixii afarta sano ka danbeeyey mucaarad anagu maahin ee waxaan nahay Golle dhisan oo badbaadinaya Puntland,mucaarad marka iyagaa noqon kara,…”"”ayuu yiri.
Dimuqraadiyad Kama Jirto Puntland
Hannaanka Dimuqraadiyada iyo Ururada Siyaasada ee Puntland ayuu ku Sifeeyey ineysan ahayn kuwa Sharci ku dhisan,dhibaatada dalka ku jirana aanan laga hirgelin karin Axsaab Siyaasadeed.
Waxa uu ka yiri arrinta Dimuqraadiyada Puntland “”"Dimuqraadiyad majirto,lama hadli karo,Saxaafada waxba kuma qori kartaan,waad ogtihiin dadka tirakoob lagama qaadin lama siin aqoonsi,Xuduuda degmooyinka la kala sameyn,waad ogtihiin Sool,Sanaag iyo Cayn Axsaab lagama furi karo,waxaani waa iska Ruwaayad lacagbaa la rabaa in lagu cuno,..”"”ayuu yiri.
Cadde Muuse iyo Mucaaradka.
Gen Cabdullaahi Siciid Samatar ayaa gabagabada sheegay in Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi ay kulan ku yeesheen magaalada Qardho,uuna kala hadlay arrimo badan oo khuseeya danaha Puntland.
Wuxuu tilmaamay in Cadde Muuse u sheegay in Xaaladda si nabadgelyo ah lagu dhameeyo lana ilaaliyo jiritaanka iyo amniga Puntland,wuxuuna intaas ku daray in weli Jawaab ka sugayaan Cadde ee ku aadan mowqifkiisa Siyaasadeed ee Xaaladda taagan.
Siyaasi Gen Cabdullaahi Siciid Samatar oo kamid Xubnaha ugu cad cad ee dhaliilsan Siyaasada Madaxweyne Faroole ayaa hadalkiisan uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee u Saxaafadda Puntland qaar kamid ah uu siiyo wixii ka danbeeyey 8-dii Janaury.
___________________________
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

















samantar waxa uu kahadlayo waa xaaraan puntland dawlad kama jirto iyo hadan dagaal rabno waanu samaynlahayn iyo waxba ma’aqoonsanin adeer hadad wax samaynkartid qardho iyo dadka dagan way ogsoonyihiin khayaanada aad wadataan ee xamar iyo meelo lamida la’idinkaga soo dhiibay cid idinka yeelayso majirto waan idinlasocona wxaad tihiin sidii kuwii jamac a jamac oo xata asaga laftigiisa aya laynka kujira xamar baad ku xirantihiin nabada qaata waxad puntland kasamynkartan majirto .adinka iyo kuwa maanta galkacyo shirka xaaraanta ah ku qabtey waa lalasocdaa amanka puntland wuu suganyahey cid lawaydiinayo majirto good byyyyyyyyyyy
kkkkkkkkkk hadii shaqsi bixinayo aqoonsi soomaaliand baa ubahan halkan puntland baldhahaa sheekada cidma aqoonsani ladhaho atam bana lagadiiday shacabkan puntland askaridanbe madoonayaan ogow amaankoodana wailashanayaan iyo dawladooda
Samatar Adeer isaga soonoqo Uk Retire Baa tahay Daryeel u baahan Waqtigii siyaadada aad rajada ka laheyd waa dhamaatay , Golo bad baado adiga lagaagama baahna wadanku dowlad buu leeyahay Doorashaana la’isu diyaarinayaa , Midse waa qabaa Horseed yaan la’dooran Waxaa cadaatay In Mudane Faroole rabo xukunka inuu sii joogo Halkaasano waa qabaa inuu sharci daro ahaa Marka shacabka Puntland waxaan kula talin lahaa maadaamaa aan ka yeelnay halsano oo qaldan Sanduuqa Codeeynata halooga adkaado Horseed Oo yaan Ladooran Ilaa mudane faroole ayaa Gudoomiye ka Ahe , Viva Puntland & Jubaland
ACWW, Abdullahi Saiciid Samtar wuxuu rabay wuu waayey, waxay ahayd inuu iska aamuso oo sugo waqtiga yar ee halka sano ah. Waxaan aad ugu faraxsanahay in Dadka Puntland dega ay garteen inaan wiilashooda nin siyaasad iyo in uu xukun qabsado u jidbaysan uusan ka kaxaysan. Odaygan Haddii weli damac siyaasadeed ku jiro qaabka hadda uu u maray maaha qaab wanaagsan……yuuse hadda wax u sheegayaa soo horay uma soo ahayn wasiir? muxuu u qabtay Puntland.
Ninkan da’diisu way wayntahay ee muu iska cibaadaysto? uma harin waqti uu lacag kaga sameeyo siyaasade……..ileeyn kuli waxaa loo ordayaa in hantida ummada la lunsado.
Waxaan u hambalyeynayaa shacabka Puntland sida ay isaga ilaaliyeen inay raacaan odaygan, Gablax, Gaagaab, Gaadayare iyo burcad badeeda. waxaan leeyahay yaan laydiin adeegsan sida jaran jaro meel lagu fuulo. Faroolana waxaan leeyaahy waxaa looga fadhiyaa in sanadka kadib uu ka dhabeeyo habka xisbiyada badan, haddii dadku ay gartaan inuu soo noqdana waan soo dhaweeynayaa haddii ay iska diidaana waxaan leeyahay na dhaaf ilaahay mid kaa kheyr badan hanoogu kaa badalo.
Dadka maraykanka waxay aaminsanyihiin sababta uu OBAMA doorashada ugu guulaystey ma ahayn inta badan in Obama la jeclaa ee waxay ahayd ninkii la tartamaayey ee Romney ayaa la necbaa oo ahaa nin xun aan caqli fiicanna lahayn. ujeedadaydu waxa weeyaan FAROOLI waxa kaalmeeyey oo meesha ku haya waa mucaaradka aqoonta daran had iyojeernna ayagu wax doon ah dadwenuhuna aadka u necebyahay oon weliba is ogeyn waa sida Abdullaahi Siciid Samatar iyo Gaagaab.
Fadlan, Samatar iyo Gaagaab na dhaafa oo jidka u bannay-ya dhalinta iyo aqoonyahannada reer Puntland si ay uga hortagaan ciddii iyo waxii turunturo ku ah geedi socodka Puntland.
loooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooool?
maxay shegeysa bay xishoto ilen watay lahed 8 janayo wixi dhaca masul kama ahi 2001 ayu arkay abdullahi yusuf o la saray balse ma fahansaneyn abdullahi Ciidi dalka ka sartay wuxu moday 4 ta xaabo Gubaato ku nol qardho inay wax qaban karto orodo farole wa kase bal saar Puntland muhimadisu wa Gobolka Bari Ciidi majority ga ka ahedna dowlada ayey racsan tahaye orodo sidi falastin dhagaxa tur tur langab ehlu naar loooooool
Maqabo inaad asal ahaan ka soojeedid Magaladaas sharafta leh waxaa iila muuqataa Qofxanuunku ku fiday neceeyb baadana u qaba reerahaan dagan Puntland Adeer is caayi maayno Hadaad lee dahay ka munaa faqee , Su’aashuse waxay tahay Goormaa Mj Laangaab noqday ?