Guddi Wadajir ah oo Ka Kooban Soomaaliya & Ethiopia oo Markii ugu Horreysay Kulan Ku Yeelanaya Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Sida ay shaacisay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan waxaa markii ugu horreysay dawlada federaalka Soomaaliya iyo Ethiopia ay wadajir u sameeyeen guddi wadajir ah oo loogu magacdaray “guddiga wadajirka ee heerka wasiir” kaasoo looga dhawaaqay magaalada Addis Ababa.

Guddigan ayaa ku yimid heshiis ay wada saxiixeen wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fawsiyo Yuusuf ahna raysul wasaare ku xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Tedros Adhanom Ghebreyesus oo kulan ku yeeshay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia ayaa sheegay in dhismahan uu u furayo labada dal bog cusub oo nabadeed oo ku dhisan deris wanaag iyo iskaashi.

Wasiir Fawsiya ayaa sheegtay in guddigan heerka wasiir ah kulankooda ugu horreeya ay ku yeelan doonaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Hawsha ugu weyn ee guddigan ayaa illaa hadda lagu sheegay iskaashiga amaanka, ganacsiga, dhaqanka iyo waxbarashada.

Sidoo kale dhismaha guddigan waxaa si weyn u taageeray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinimadii Khamiista hadal ka jeediyey baarlamaanka Midowga Yurub oo sheegay in dawladiisa ay culeys weyn ku bixineyso xiriirka wanaagsan ee wadamada deriska la ah Soomaaliya.

Haddii kulanka wasiirada wadajirka ah uu ka dhaco Soomaaliya waa markii ugu horreysay oo guddi heer wasiir oo wadamada gobolka ay shir ku yeeshaan caasimada Soomaaliya.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

6 Responses for “Guddi Wadajir ah oo Ka Kooban Soomaaliya & Ethiopia oo Markii ugu Horreysay Kulan Ku Yeelanaya Muqdisho”

  1. XAQUDIRIR says:

    SOMALIDA MAANTEY,HOREY BEY U SOCOTAA!!!!!!!!!!!

  2. jamaal says:

    Asc sln ka dib waa tilaabo taariikhi ah oo mudan in la tagero mida kale dunida oo dhan aya ku dhisan maslaxado marka waxa loo bahanyahay in aan danhena garano lana xisabtano dowlada itobiya faraha na kala baxdo arimaha gudaha ee somaliya guul somaliya

  3. Diirshe says:

    Hadii ay tiaabadaan uu R/wasaare Cabdiweli ama Ina Cabdirashiid sameyn lahaayeen maanta HAG way ku banaan bixi lahayeen oo oran lahaayeen waddanka Amxaara gacant aloo galiyay. Walaaahi waan ka yaabay hab dhaqanka dadkaas.

  4. Muxumad says:

    SC;
    Waxay Somali u sii socoto sow ma’aha inay itobiya qabsato? waxaad ka heshaan ayaad leedihiin. itobiya hadafkeeda ugu dambeeya waa inay somaliya ka taliso, sidaas ayay waligeed aaminsaneed, waxaa un ka hortaagnaa waa wadinyiintii syl iyo kacaankii oktoobar, maantana iyo ood moodo inay ka carar darteed ay itobiya isugu dhiibayaan ayaa xukunkii haysta .. waxaase la hubaa in weli noolyihiin awlaadii axmad gurey iyo maxamad cabille xassan.

  5. ascw. waawareeeeeeeeey,waawareeeeeeeeeeeeeeey,

  6. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,
    @Muxumad, walaal, wax eey Ethopia qabsaneeyso Somalia ma lahan, oo wax wax ku falaayo dad maalin iyo habeen wax aan is dil, iyo isku xadgudub aheeyn aan aqoon ma jirto. Mida kale, dadka la laaynayay oo aan ku dileeynay qabiil, urur diimeed iyo waxyaabo badan oo xaaraan ah, sow Somali kale ma dileeyn. Maxaad umada ugu cabsiineeysaa wax aan jirin, iyo Ethopia ayaa na qabsan. Siyaasada Dowlada Jamhuuriyada Somalia iyo Ethopia, waa mid bog cusub furay, oo ku dhisan iskaashi labada dal iyo dowladood dhinac walba ah.

    @Diirshe, Gaas iyo in Sharmaarke hadii eey heshiiskan eey wasiirka arrimaha dibada Somalia la gashay Dowlada Ethopia eey sidaasoo kale sameeyn lahaayeen, lama diideen, hadii eey heshiisku ahaa mid madaxda Dowlada sida Ra’iisal wasaare Saacid, Madaxweeyne Hassan, Gudoomiyaha Baarlamananka Jawaarie, iyo xataa wasiirada oo dhan ayaa arrinkan ka warqaba. Waxa la diidi jiray waxeey aheeyd labadaas ra’iisal wasaare ee hore markii eey sameeyn jireen heshiis reer gooni ah sida qabiilkooda loogu daneeynayo, sida kii Omar Abdirashiiid Kaalgacyo ku saxiixay oo dhigayay in maamul beeleedka Garoowe la siiyaa 50 % deeqaha waxbarasho iyo wax la mid ah, kuwaasoo ahaa baadil, xaaraan, iyo dulmi. Marka qiyaanooyinkaas oo kale waaye waxa lagu diidanaa labadaan Ra’iisal Wasaare hore ee kor aad ku sheegtay, saaxiib.

Leave a Reply