Iiraan Iyo Yemen oo Lagu Eedeeyey Inay Hub Siiyeen Al Shabaabka Soomaaliya Iyo Amisom oo Hub Ka Heshay Waqooyiga Kuuriya (Warbixin)
New York (RBC Radio) Sida ay qortay wakaalada wararka Reuters oo soo xiganeysa diblomaasiyiin iyo xubno ka tirsan Guddiga Golaha Amniga Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka Cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya waxaa la sheegayaa in hub iyo waxyaabaha qarxa oo ka yimid wadanka Yemen iyo Iiraan ay soo gaareen gudaha Soomaaliya hubkaasoo gacanta u galay kooxda Al Shabaab.
Diblomaasi aan sheegin magaciisa ayaa Reuters u sheegay in Soomaaliya uu si xawli ah u soo galo hub ka yimaada wadamada Iiraan iyo Yemen hubkaas oo gacanta u gala dagaalyahanada Al Shabaab kuwaas oo kusii huriya colaadaha ka socda dalka Soomaaliya.
Diblamaasiyiinta ka tirsan gudiga la socodka cunaqabateynta hubka ee lagu soo rogay wadanka Soomaaliya ayaa tilmaamay iney jiraan kooxo isku xiran kuwaas oo hubka u daabula gudaha wadanka Soomaaliya, waxaana si gaar ah farta loogu goday wadamada Iiraan iyo Yemen kuwaas oo lagu sheegay iney jabiyeen Cunaqabateynta hubka ee saaran wadanka Soomaaliya ka dib markii hub dhankooda ka yimid uu gaaray kooxda Al Shabaab.
Siduu hubka ku yimaadaa Soomaaliya?
Warbixinta lagu daabacay wakaalada Reuters oo soo xiganeysa dablamaasiyiinta ka mid ka ah guddigaas ayaa sheegaya in hubka markiisa hore laga keeno wadanka Iiraan kadibna uu soo gaaro wadanka Yemen oo ay qeybo ka mid ah ka arimiyaan kooxo ku xiran Shabakada Al Qaacida, waxaana la sheegay in markaas kadib hubkaas doomo lagu soo daabulo lagana soo dejiyo deegaanada ay ka arimiyaan maamulada Soomaaliland iyo Puntland.
Al Shabaabka ku sugan gobolka Galgaduud ayaa la sheegay inay heleen dhowaan hub u badan waxyaabaha qarxa kaasoo ka soo gaaray dhanka wadanka Yemen soona maray gobollada waqooyiga Soomaaliya.
AMISOM oo hub heshay
Diblomaasiyiinta u xogwaramay Reuters waxay sidoo kale sheegeen in hub ka yimid dhanka wadanka Kuuriyada Waqooyi oo soo maray Liibya uu gaaray Soomaaliya. Hubkaasi ayaa la sheegay inuu gaaray ciidamada AMISOM ee magaca Midowga Afrika ku jooga Soomaaliya kuwaasoo dagaal kula jira xoogaga Al Shabaab.
Su’aalo badan ayaa ka dhashay sababta hub ka yimid Kuuriyada Waqooyi oo ah dal ay siyaasad ahaan isaga soo horjeedaan reer galbeedka, uu u gaaray ciidamada AMISOM oo lacagtooda ay bixiyaan wadamada reer galbeedka ee ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska.
Bishii hore ayey ahayd markii ay si wadajir ah gacanta ugu dhigeen ciidamada ilaalada xeebaha Yemen iyo Mariiniska Mareykanka dooni siday hub fara badan taasoo kasoo shiraacatay dalka Iiraan sida ay sheegeen kuna siijeeday gudaha Yemen. Dawlada Yemen lafteeda ayaa marar badan Iiraan ku eedeysay inay hubeyneyso kooxaha mintidiinta ee ku xiran Al Qaacida.
Dawlada Iiraan ayaan illaa hadda wax jawaab ah ka bixinin warbixintan ka soo yeertay guddiga cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea.
Dablamaasiyiinta ayaa tilmaamay in arinkani ay caqabad ku noqon doonto doonitaanka dowlada Soomaaliya ee ahaa in Soomaaliya laga dulqaado xayiraada dhanka hubka ah ee saaran taasoo ay u ololeynayaa wadamo uu Mareykanku hormuud u yahay.
Dawlada Mareykanka ayaa qabta in si dhab ah loo tixgaliyo codsiga dawlada Soomaaliya ee ah in laga qaado xayiraada hubka si dawlada Soomaaliya ay u dhisto ciidamadeeda qalabkasida. Cunaqabateynta hubka ee la saaray Soomaaliya sanadkii 1992 markii dawladii dhexe ay burburtay ayaa waxaa illaa hadda loo arkaa caqabad weyn oo hortaagan dhismaha iyo tayeynta ciidamada dawlada Soomaaliya oo dagaal kula jira ururka Al Shabaab.
Laakiin xubno ka tirsan Guddiga La Socodka Cunaqabateynta hubka ayaa qaba in la fududeeyo cunaqabateynta hubka balse aan la wada qaadin. Sidaasi waxaa qaba dawladaha France iyo Argentine oo ka mid ah 15 wadan ee xubnaha ka ah Golaha Amaanka Qaramada Midoobay.
RBC Radio














ninka cunaqabatayn hubka somalia la socda sow gaalkii beenta badnaa maha ee somaliland u ololayn jiray balse ceebobay markii englandtii uu ku abtirsan jiray xita la yaabtay oo tiri ducufyohow siyasada somalida dhex-taal maxad u dhex dabalatay howshii lagu dirsaday qabso kuna ekow kor kala socoshada howlahaas wixi aqoonsi ah adiga howl kuu taal maahee kkk he is sick guy
Iiraan waa waddan dagaal kula jira R/Galbeedka, waxeyna u isticmaaleysaa taageerada ay siineyso Alqacida iney jabhado badan ku furto waddamada R/Galbeedka. Waa istiraatiijiyad dowladeed oo loo adeegsanayo Alqacidada maskaxda ka jirran. Waxey ku doodaan iney Shiicada la dagaalsanyihiin, addana iney Iiraan iyagoon ogeyn adeegsato isma oga. Wahaabiyo majaaniin ah oo aqliga iney meel iska dhigaan lagu ababiyey ma ogaan karaan waxa caalamka ka dhacaya.
Su’aashu waxaa weeye wadamadee soo saaro hubka aduunka lagu xasuuqo? Waxaa la sheegay wadamada ugu badan ee soo saaro kana macaasha hubka in eey yihiin todoba wadan, waxaana eey kala yihiin Mareyakanka,Ruushka,Shiinaha,Ingiriiska,Jarmalka,Faransiiska iyo Iswiidhan.
Tuug waxaa la yiri intaan tuug la oran buu tuugga ku yiraahdaa.Waxaan oganahy in kalaashnikoofka iyo hubkan Soomaaliya la keeno uu asal ahaan ka yimaado wadanka Ruushka,Hadaba maxaa Iiraan iyo Yemen farta loogu fiiqayaa?.Wadankii sameeyo,wadankii muqalas ka noqdo iyo kuwii dagaal ku galo dhamaantood waa isku dambi ,miyaaney siadaas aheyn?.
Colaadaha aduunka ka taagan dowlado badan ayaa dan ugu jirtaa in eey sii socdaan.
Aniga waxaan ka soo shaqeeyey warshad hubka soo saarto,waxaan soo saari jiray xabadaha waaweyn fuuqooda,waxaan ku duceysan jiray markaan shaqeynayo ilaahoow adigaa risaqeyga meeshaan geliyey dad muslim ah ha ku dilin.Sanad kadib warshadii waa la xeray oo waxeey u guurtay wadan kale.Fuuqa aan soo saari jirnay waxaa baaruudda looga buuxin jiray wadanka kale.
Haddi la doonayo in aduunkan nabad ka dhacdo kamaba dhaceysee waa in todobadaas wadan eey joojiyaan hubka wax guumaado eey aduunka u qeybiyaan.Wadamadaas aan kor ku soo sheegay waxeey aduunka u qeybiyaan iskuguna daraan baaruud iyo raashin.Waxeey ku andacoodaan in eey wax nabadeeynayaan laakiin iyagaa wax qaribaya mana oga sidaas suuradda albaqara.
Waxa Soo Yeeray Dhawaaq La Aminsanyahay oo ah In Somaalia Cunaqabataynta Hubka Laga Qaado. Waa Caadi In ay U soo Tartamaan Somalia Wadamada Hubka ka Ganacsadaa. Noorad Koora iyo Iiraan waa Meesha Ugu Dhow Uguna Jaban Dhinaca Hubka. Ururdiineedyada Xariga Lamasiin ah Ee Somalia Wakhatigaka ka Jirah Isku Jaho Uma Socadaan Kuwa Al Shabaab La Yiraahdo Qasatigoodu waa In ay Naato Laf dhuunkashay ku Noqodaan.
hadaan fikir kayga ka dhiibto ma qabo in xiligaan xayiraada hubka saran laga qado waayo kuma haboona hada mana la joogo xili somaliya manta hubka laga dulqaado waayo weli waxaa ka jira is haysi badan oo u dhexeeya somalida gudeheeda
kow hada wadanka waxaa jooga alqacido oo hadii wadanka hubka loo furo aay sii fudud uga faa idaysanayan oo markaasna aay ku xoogaysanayan awoododi yaratayna way soo nolan
2 dawlada hada jirta iyo mamulada dalka ka jira iyo kuwa la rabo in la dhiso wax xiriir wanaagsan ah oo u dhexeya ayaga iyo dawlada ma jirto
hadii aay dawlada hada jirta ayada oo aan sharcigii u hogan samin ayeey hanjabaad iyo kibir keentay oo aaay is mowaa in aay awood ku maquulilayso cidii ka hor timaada mawqofkeda hadii hubka loo furo waaxa u fududaan in aay daal sokeeye ku soo celiso somalia oo kii 1991 ilaa 1992 ka daran aay bilowdo
marka aduunka waxan uga digaynaa in aay ka firsadan hubka in aay furan waa in loo ka diyaaa ilaa dawlada aay cadalad ka samayso somalia iyo ilaa inta aay ku dhaqmayso sharciga dalka u dagan iyo tastuurka aduunka waxan ka codsanaynaa in aan hubka somaliya lo furin ee waxaa noo ron ilaa inta is badal dhab ah imaanayo inuu naga xirnaado
waana in adunku shacabka codkiisa qato oo aan 4 nin oo ordaya kali ah aan wadanka taladisa lo marin ama la waydin dad yar talo ayaga oo dana gaar ah ka leh
Gudiggan sidooba warkooda iskuhaleyn malaha maxaa yeelay hadda ka hor waxay baahiyeen warar been ah oo abuuray xaalad cakiran-is not a credible source.