Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari Muxuu Kusoo Arkay Markii uu Tagay Magaalada Jigjiga?
Muqdisho (RBC Radio) Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Soomaaliya iyo wafti Ballaaran oo uu hogaaminayo oo casuumaad ka helay dhigiisa wadanka Itoobiya ayaa markii kulamo kula qaatay magaalada Addis ababa ee caasimada wadanka Itoobiya gudoomiyaha baarlamaanka dalka Itoobiya iyo R/wasaaraha dalkaas waxa uu u ambabaxay safar uu ugu socdaalay dhulka Soomaalidu degto ee wadanka itoobiya isaga iyo waftigiisa ayaa dayuurad ka raacay magaalada Addis ababab ee xarunta dalkaas iyagoo u dhaqaaqay safar ay ku aadeen magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida wadanka Itoobiya.
Gudoomiyaha iyo waftigiisa oo ay magaalada Addis ababa kasii raaceen madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Max’uud Cumar ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey gagida diyaaradaha magaalada jigjiga halkaas oo ay ku sugayeen boqolaal kamid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaas iyo masuuliyiinta ismaamulka Soomaalida,waxaana waftiga markiiba loo galbiyey aqalka martiga ee magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka halkaas oo loo qorsheeyey iney degaan inta ay ku sugan yihiin magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida wadanka Itoobiya.
Wadahadaladii uu la yeeshay Shacabka & Masuuliyiinta Dowlad deegaanka.
Gudoomiyaha ayaa intaa wixii ka danbeeyey guda galay wada hadalo uu la yeelanayey madaxda ismaamulka Soomaalida iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Jigjiga waxayna is dhaafsadeen talooyin iyo fikrado la xiriira habka ugu dhow ee ay wada shaqeyn u yeelan karaan Soomaalida kunool ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Jamhuuuriyada Soomaaliya waxaana la isku raacay iney muhiim tahay wada shaqeyn ay yeeshaan dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan isla markaane ay iska kaashadaan arimaha taagan.
Xafladii Sagootintiisa.
Markii ay soo idlaadeen wada hadaladii uu gudoomiye Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari la qaatay shacabka iyo madaxda dowlad deegaanka Soomaalida isla markaane uu soo afmeeray kormeero dhowr ah oo uu ku tagay goobo kala duwan oo ku yaala magaalada jigjiga isla markaane uu u kuur galay marxaladaha ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku nool dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa magaalada Jigjiga loogu qabtay xaflad si weyn loosoo agaasimay oo lagu sagootinayey gudoomiyaha iyo waftigiisa.
Xaflada oo lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaalida ayaa waxaa xusid mudan in gudoomiye Jawaari loo xiray dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed isla markaane uu ka qeyb galay ciyaarihii iyo qoob ka ciyaarkii goobta ka socday isagoona laga dheehan karay sida weyn ee uu ugu faraxsanaa sida kalsoonida,niyadsamida iyo walaalnimada ay ku dheehan tahay ee loogu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga isla markaane loogu sagootinayey isaga iyo waftigiisa.
Wixii uu ku Arkay Inii uu ku sugnaa Jigjiga.
Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa intaa ka dib ka waramay wixii uu kala soo kulmay safarkii uu ku tagay magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Jawaari ayaa sheegay inuu Jigjiga maqli jiray iney ka socdaan mashaariic hor marineed balse uusan fileen iney gaarsiisan yihiin heerka uu kusoo arkay wuxuuna shaaca ka qaaday inaan hadal lagu sifeyn karin horu marka iyo guusha ay gaareen dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.Isagoona tilmaamay inuu ku dayasho mudan yahay wanaaga ay ku talaabsadeen.
Jawaari ayaa tibaaxay in waxyaabaha sida weyn usoo jiitay intii uu ku sugnaa Jigjiga ay kamid yihiin horu marka baaxada leh ee ay gaareen mudada kooban isagoo tilmaamaya waxyaabaha ay ku guuleysteen mudada kooban uu ka xusi karo horu kac ku saabsan dhinacyada adeegyada bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Beeraha, Jidadka, Goobaha lagu nasto iyo magaaleynta deegaanada magaalooyinka ka fof fog, Jawaari ayaa shaaciyey iney tahay wax lagu farxo guusha intaa la eg ee ay gaareen mudada kooban.
Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sidoo kale sheegay iney saameyn weyn ku yeelatay markii uu arkay madaxda dowlada deegaanka Soomaalida oo uu ku tilmaamay laga bilaabo madaxweynaha gudoomiyaha baarlamaanka iyo dhamaan qeybaha kale ee madaxda ismaamulka Soomaalidu iney yihiin dad dhalinyaro ah oo aad u da’yar balse ay cajiib tahay habka ay ugu duuban yihiin horu marinta dhulkooda isagoona ku sifeeyey madaxda dowlada deegaanka iney yihiin Masuuliyiin uu ku weynyahay jacaylka dalka iyo dadkooda iyo guul gaarsiinta deegaankooda, isla markaane mudan in lagu daydo lagana faa’iideysto habka ay u mareen horu markaa la taaban karo ee ay ku talaabsadeen.
W/Q: Cawil Caadil Max’uud
Email: Xornimo1960@hotmail.com
RBC Radio






















War propaganda-da gumeystaha naga daayo. Jawaari matagay jeelalka gobalka iyo ma ka waramay sida saraakiisha Tigreyka dusha uga xukumaan maamul ku sheega gobalka. Tigrega wuxuu dusha ka xukumaa maamulada Jamhuuriyada Soomaali iskadaa kililka 5aad. Howsha Jawaari loo geeyey Soomaali Galbeed waa in propaganda loogu sameeyo maamulka Habashi oona loo wiiqo halganka ka socda dhulkaas. Ogaada in aysan halgankaas sidaas ku wiiqmeyn maadaam maalmo ka adag hore u soo maray. Kuwa leh gobolka ismaamul ayuu heystaa ee nabada haa la qaato iyo ereyga ah Itoobiya waa Itoobiya cusub. Waxaan waydiin halganka kontan sano ka hor miyaa loo bilaaway in ismaamul daaqili la helo? Itoobiya waa Abyssinia waxaana si dhab ah u xukuma Habashida mayalka adag ee Orthodox-ka ah. Qowmiyadaha kale oo dhan waa la heystaa. Beenta la wado mardhow ayey burburi. Ugu dhambeyn, Jawaari howshiisa barlamaan ee Soomaaliyeed haa ku ekaado. Hadii kale wuxuu taarikhda Soomaali ka geli baal madoow.
aamiin
masha allaah waxeey hestaan nimco ala hausiyadiyo kii aan hesana ala hasiiyo waxaan leeyahay madaxweene cabdi cumar guul
kkkkkkkkk waa magaalo horey u martey oo mooryaan aan joogin oo guyo xalaal lagu wada jiro ayuu arkey ninkani ah marka waxaa uu arkey meel dadka isjacelyihiin oo aan dumarka lagu kufasan hab qabiil ah sida kuwa direyska ciidamada loo galiyey oo kufsiga iyo dhaca ku hayaan shacbka masakinta iyo madaxweyne aan aqoon laheen oo somaliya ka taliya oo afka cadeynaya oo cidkasta hoosta ka galaya sida dameer xaley dhashey ayuu ciridka cadeynaya marka somaliya dowlad kama jirto
madaxweyne cabdi m cumar guuleyso wanaaagga iyo horumarka aad ku waddid degaankaas DDSI waxaan rajeynaynayaa insha-allaah madaxweynaha puntland ama kan next year la dooran doono uu ku daydo walaalkiis cabdi mahamed cumar oo dadka iyo dalka puntland uu horumar iyo wanaag uu ku hoggaamiyo waa in la hawl geliyaa dhallinta wax baratay ee waddanka gudihiisa ku sugan lagana kaaftoomo waxna aan lagu qaybsan danyuus barayaasha waddanka u so shaqa tegey
waxaan mar kale ku faraxsanahay horumarka ay gaareen walaalahaya reer somalida ethiopia ilaahay ha idiin siyaadiyo horumarka iyo nicmada
Waxaan shaki ku jidhin in Ogaadeen iyo Absame Ogaden isku tashadeen mudanna yihiin inay dalkooda horumariyaan.
Yaa filayay in Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee laga sugayey xoreynta Ogaden rajayn ku dayanayso horumarka Ogaden.
Waxaa kale oo la yaab leh sida nacasnimada leh ee Jawaari isugu dayay inuu duudsiyo Xaqa Absamaha Jubaaland iska leh.
Gob weligeed waa gob. Ina gumeedna waa ina gumeed.
Maxamed
Adeer cabaad iska dhaaf. ONLF haddii ay rabto horumarka Ogaden haka joojiso falalka Shabaab. Gaandiba dhulkiisa xabbad kuma xoreyn.
MaanshaALLAH madaxwayne abdi cumar madaxaaga kor cadawgaaga hoos shaqadana ha la wado gaar ahaan la dagaalanka ubo iyo qorshaha xoolo dhaqato beeraleynimada viva New Police
kan leh muxuu xabsiga u tegiwaayey jawaari waxan oranlahaa adigu xabsi ma booqan lahayd. xabsiga waxaa ku xiran tuug, fidnowale, UBO, alshayaadiin oo dhamaantood diidan horumarka uu gaaray kililka.
@Kismayo33
Gaandhi wuxuu qaatay wado nabad ah markuu arkay in British-ka yihiin dad fahmaayo mudaharaadka nabada ah laakiin Gandhi hadii Hitler kala hortigi lahaa mudaharaad nabad ah miyey kula tahay in uu noolaan lahaa? Ugu dambeyn India xoriyad ayey heshay laakiin Itoobiya xoriyad kuuma ogala wa tii kaa hor-istagtay 1991 laakiin Eritrea u ogalaatay. Eritrea waxaa loogu ogalaaday ayagoo awood ciiidan ku maquunin karay Itoobiya oo xitaa Meles keenay Addis kuna hayey. Xoriyad kililka iska daa Habashi waxay rabtaa Soomaaliya. Dhinaca kale, adeer qabiil dowlad ma noqdo, Soomaali Galbeedna Absame keliyah ma dago. Waxaan kaala hadlenay halgan boqolaal sano soo socday ilaa Axmed Gurey adigana waxaad rabtaa in aad nagu soo koobtidh Absame. Itoobiyada aad la rooraysid waa tan kaa hortaagan Jubbaland, hadii aadan is indhatireyn
@Qardho Boy
Xabsiga waxaa ka buuxa dad badan oo u halgamaayo xoriyada dadka Soomaali adigana halkaan ayaad muufo cunow iyo arrimo qabiil la soo taagantahay. Bal aan aragno wixii aad tiraahtidh markii god kaadi biyo kugu soo galaan maadaama hadaba Puntland Habashi gacanta ku heysho si dadban iyo shacabkeeda lagu soo buuxshay. Waxaa kuu sii dheer, afduubkii oo laguu soo xawilay oo looga gol-leeyahay meel ay Soomaali degto in aysan nabad ka dhicin. Laakiin nasiib cumo adiga afduubka waxaad u aragtaa qabiil. Dheeshu wax yar sug.
Gunaanad, Beenta aad isku shegeysaan waxaay cadaan mardhow sida ay u cadaaday beenta wahaabiyada oo hada Shabaab iyo Ictisaam is dilaayaan. 1990s cida ku oran kartay majirto war beentiina naga daayo. Kuwa hada wada beenta Itoobiya yaan idin arkin idinkoo ka qeylinaayo Itoobiya sidii kuwii Cabdullahi yusuuf taagersanaa 2007 laakiin cay ku bilaaway markii odaygii laga ceyrshay xukunka 2009. Cabirka qabileystaha wuxuu ku taaganyahay maalin kaa un. Aan sugno Soomaali oo koonfur ilaa waqooyi isla dawaaqdo……
jaahil picolo@ uqdad ayaa ku dilootey meel walba waad ka calaacaleysaa, Xasan sh.Maxamuud is your President nd Mogadishu is your Capital!!! ama cabaad ama qosol xaqiiqda waa taas kuwaas aad mooryanta ku sheegtit aa ku leh oo ku madaxa kkkk, laangaab!!
Waa wax lagu farxo umad somaliyeed oo
La nool umada kale hadii ay asaagood la
Tartamaan ‘waa guul doofaarka ayaa ficil
La’aan loo cadaabaa laakiin kuwa qoryaha
Wata oo aqoon waxay u dagaalamayaan
Dadkooda dhinac ha ka raacaano.
Koley waxaa soo direy kuwa hoteelo ku jira
Oo jaga doon ah,
Laakiin ha loo aqliceliyo :waa dadkeeniiye.
Waxaana amaan mudan madax-weynaha
Kilinka shanaad oo ah shaqsi leh maskax
Caafimaad qabta,iyo sida wacan uu u soo
Dhaweeyey prof”jawaari oo ah shaqsi qaali
Ah oo ah afhayeenkii umada somaliyeed’
Ogaada aduunka ruux aan somaali ahayn.
Waxa uu inoo yaqaan somali *anagaa iskala
Saara !meeshaas is dhigney ,
guul walaalaheyga jigjiga ee western somali nation
mardhaw waxaan isku xiraynaa jubbaland,puntland khaatumo iyo kilinka shanaad hore ee western somali ilaahay baa naga dhigay dad badan oo daga kismaayo garbahaareycabudwaq galkacyo galdogob garowe bosaso garrisa buuhoodle las canod iyo jigjiga iyo harar !!!!!!! kkkkkkkkk
iyo waliba stateka Minnesota ee US
Waxaan rajeynayaa jawaari inuu fahmo muhiimada ay leedahay shakhsiga in gacanta loo galiyo horumarkooda, oo uuna ku daydo horumarka ay gaareen Ogadenia waxaana ka codsaneynaa inuu taageero barnaamijka federalismka isaga lagu doortey kuna saleysan ninkasotoow iyo deegaankaaga iyo dadaalkaaga,,….
Aynu ku socono wada lagu heshiiyey, edebna halaga yeesho reer Ogadenia, ogaadana iney ahaayeen dad isku xiran hadaganaadaan jubaland ama itoobiya ama kenya, guumeystihii ayaa kala daadshey kana aarsadey isagoo kala qeyb qeybiyey, enaugh is enaugh, halaga daayo jilaafooyinka, hana la taageero jubaland, it is not about puntland or darod in general, it is all about reer Ogadenia meelkasta ay joogaan, waana ku faa ideen federalismka, halagu socdo,,…
Maasha’allaah Allaha idiin siyaadiyo reer Jig-jiga midna ha iloobina dadkiina wanaaggooda cidna ha u hoos-fariisanina, Soomaaliya rajadeeda ma dhawa.
kheyr ayaan u rajeynayaa xukuumadda dhulka soomaalida ee Itoobiya shacab & xukuumadba.
Jigjiga Janaay waa caasimada DDS iyo Baydhabo Janaayna waa caasima Koonfurgalbeen waana dhul Somaliyeed oo cidkasta oo nabad rabta haybad iyo sharaf ugu noolaaneyso hadii ay qaadato nabada. End of story.
@ maxamed
qolyahan onlf iyo alshabaab waa iskumid,xataa hal tuulo maxukumaan,cadawga kilil5 waa ubo,
Ilowsha dhawa !!
Waxan la yaabay jawari iyo ninkad gurgurte u taqanan maxey kala yihin? Sow ma ogidin iney isku fikrad yihin oo hal dowlada kawada tirsan yihin? Sidese dad aad inaad la shaqeysan aad diidan tihin
Maatidina xabsiyada Tigreega ka buuxda u rabtan iney wax uga dhahan?
Mida kale ma ilowsan tihin raxan weyn oo u ka dhashay Jawaari iney jubaland kablalax ku heystan? Oo ay wax badan ka dagan yihin ila Gedo ?
Ogadenku wa dad Caqli Gaaban walahi wax la mid ah ma arag, kuwi kablalaxa ay isla sheeganayen Majerten) waad xasuusatan iney maalin walba cadowga Meles Senawi ay gacanta idinku gelin jiren, ma hadad ilowden kablax marki la idin dhahay dabka la idinku shiday baad naxariis mooden?
Waxaad gumeysiga uga bixi weysen waxa weeye tala xumada iyo laabla kaca aaad ku ilowden kuwi barqa cad kismayo idinka ceyriyey (Majeerten) inaad maanta hadana so wadatan, sidi iyo si ka mid ahayaa hadana gacantina talo looga maroojinaya hadaad faroole qoomkisa so dhaweysatan .
Marki kablalax idinka dhaqaaqay dadki aad u laabaten waxey ahaayen dadki reer wa moodka aha ee aan daaroodka aheyn hadaad isla ayagi rabtan inaaad boobtan ogaada ithopia iyo kenya sumcad idinma jirto somaliyana waad ku hafmeysan kleen mareexan iyo inti kale ee an kablalax aheyn waka so horkeedan, mj yo inta kalena kuma dhawa ada yaqan caafimadkaga Ilowsha Dhaweyn (Ogadeen)
Jawaari waa siyaasi wuuna fahmayaa waxa muuqda iyo waxa qarsoonba oo meesha ka jira. Waxa qarsoon oon la sheegeyn waxaa ka mid ah in Kililku uu heysto ismaamul magac u yaal ah oo dhab ahaantii laga xakumo Addis Ababa. Horumar hadduu ka jiro waa mid soo dhoweyn leh,laakiin waa horumar gobol ka tirsan Itoobiya oo dowladda dhexe ee Itoobiya xakunto.
Maxaan uga dayan karnaa Jigjiga iyo Itoobiya?
Wax aan uga dayan karno waa in gobollada maamul goboleedyadooda caasimadda laga soo qorsheeyo oo kor looga keeno shax diyaarsan oo qowmiyaad dalka loogu qeybiyey ee soomaalidu ma leedahey qowmiyado kala duwan?
Gobolkii isku daya inuu dowladda dhexe ka hoos baxo oo inta booliis degaankaa loo qorto la xasuuqo oo la bahdilo oo la go,doomiyo ilaa marka danbe ay iska oggolaadaan xukunka dowladda dhexe oo qoor dhiibtaane taas soomaalida ma anfaceysaa?
In meydka Sinawi laga dul baroorto oo lagu wardiyo “Zinawi ma dhiman” oo sidii quraankii la iskaga dabo aqriyo!
Waxa meeshaas yaalla waa dad iyo degaan la sidkadey oo sidii loo karbaashayey Itoobiyaannimada si qasab ah lagu oggoleysiiyey.
Innaga Jamhuuriyadda ah haddii dadkii degaankaasi oggolyihiin iney Itoobiyaannimadooda ku faanaan oo wax ku noqdaan waa culeys naga degey iyo xil la,aan aan firaaqo u heleyno inaan teenna ku mashquulno.
Laakiin waxaan marna la aqbaleyn iney inta Itoobiya la heshiiyaan qalalaase usoo aadaan Somaliya. Taas lagama yeelayo walaaleheene degaankooda ha iimaansadeen haddey ku barwaaqo qabaan.
asc kan maxamed sheeganaaya waan is naqaan adeer dherigii agoonta iyo dhiigii shacabka aad cabi jirteen dal iyo dibad ayaa la idinka joojiyay waxa ka jira zone 5 waxa la qarin karo ma aha rag yar yar ayaa tashaday waxayna ku tashadeen kuwa UBBO la dhaho inay madaxa ka gooyaan hadaad ka warqabto waad ogtahay meesha ay UBBO marayso maanta. ONLF nabad ayay qaateen lakiin waxa yar ee UBBO dal iyo dibadba waan dabargoynaynaa ninkii nabada qaatana waan soo dhaweynaynaa sida kuwii hore.
jawaari wuxuu kalahadley itoobiya in lasooceliyo qaxootiga ogaadeniya lagusoceliyo kalinka shanaa oo laga soraro jubboyinka 60da meyadii lagusodhaweyey hadana sheganaya in eyleeyihiin gaandi iyo axmed madoobe waxey kudhashen QALAAFE hadana waxey ku arkutaglenaya dadkii dhulka kusodhaweyey waa wax lalayaabo
aniga waxaan qabaa mar hadii ismaamulka somali itoobiya uu hagaagay in qaxootiga jubaland ku nool ee asal xagaas kasoo jeedo dib loo celiyo waayo waxa hada qaska ka wado jubaland ka wada waa iyaga
war naga daaya qabyaalada oo ka hadla dawlada soomaaliya mr jawaari wuxuu ka soo furay jigjiga qunsuliyad matasha dawlada soomaaliya iyadoo halkaa laga kantarooli doono ganacsiga arimaha amaanka iyo wixii wada shaqayna ee itoobiya iyo soomaaliya ka dhaxeeya xuduuda soomaaliya iyo itoobiyana noqonmayso halaq mareen iyo waraabe dareereen waa la soo xidhayaa waana la sugayaa amaanka xuduuda labada dal viva soomaaliya dawlada soomaaliya baa meesha maraysa cid kale hadal uma furna
@wadaad yare siyaasadii zenawi uu soomaaliya ugu talagalay waxay soo socotay ilaa 1991 markii zenawi jabhadiisii xukunka timi waxay itoobiya gelisay fderaal oo ay goboladii goosashada rabay sida soomaalida ku sa sabtay horumar iyo dhaqaale soomaalidii jabhadaha ahaa iyagu dalkii bay burbur u horseedeen senaawina waxaa u sahlanaatay in uu fuliyo siyaasadiisii ahayd soomaaliyada xorta ah in uu hoos geeyo oo laga maamulo kililka sida wardheer iyo jigjiga dhamaan beelihii deganaa xuduudana ee soomaaliya dhinaceedana wuxuu ka dhigay ururo diineed oo itoobiya amarka ka qaata insha alaa in dawlada cusubi arimahaa kaga hor tagto siyaasad degan oo wadaninimo ku dhisan oo soomaaliya u soo celisa karaamadeedii iyo haybadeedii dawladnimo soomaliya hanoolato
@Samatar iyo Axmeey:
Maangaabnimada iska daayo. Halganka Soomaali Galbeed wuxuu ka weynyahay ONLF ama waxa aad ku sheegteen Ubbo. Markii la idin isticmaalo sida kuwii kuwaan ka horeyey, jaalleyaal adkeysta oona hoosta haka soo gelin wadaniyiintu. Gumeyste kalkaal magac kasto haa loo bixiy sida dowladda degaanka waxaa u dambeyn fool xumo.
@ Prof Piccolo, sxb waxaa jira waxyaabo si fudud loo yiraahdo laakiin aad Ilaahay xagiisa dembi kaga muteysaneysid, walaal madaxda oo la caayo ama la canbaareeyo waxaa lagu muteystaa dembi ilaahay xagiisa ah,in badan oo xadiis fara badan iyo daliilo ah ayaa kusoo oroortay, xitaa waxaa la yiri haddii uu qaldan yahay xitaa adiga waajibkaaga waa inaad taageerto, tiisa Ilaahay ayaa kala xisaabtamaya, xitaa saraakiishiisa hoose ee isaga wakiilka ka ah ayaa mudan in la xishmeeyo.
wallahi aniga Xasan kula qabiil ma ihi mana isu dhowin laakiin waxaad tahay walaalkey waa inaan kaa qabtaa wixii qalad ah , kaamana cilmi iyo aqli badni laakiin wixii aan isleeyahay waad ku siyaadin kartaa ayaan kuu soo gudbinayaa.wabilaahi towfiiq
@Ali Soomali
Taasi waa talo walaalnimo. Kheyr Eebe haa kaa siiyo. Laakiin waxaan qabaa in la saxo oo aan qalad lagu taageerin. Caydu ma fiicno. Xassan Sheikh waa madaxweynaha adigoona caayin ayaad dhaliili kartaa. Dhaliisha xushmada iyo xaqiiqda ku jirto waa saxid ayadaba. Caydu wax ay soo kordhin majirto.