Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Warbixiyey Caqabado Uu Sheegay Iney Ka Hor Istaageen Gaadiid Aambalaas Ah Oo Lagu Waday Iney Soo Gaaraan Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahne duqa magaalada Muqdisho Max’uud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka warbixiyey caqabado uu sheegay iney kasoo wajaheen gaadiid ambalaas ah  oo gobolka Banaadir uu kasoo iibsaday magaalada Dubai ee  wadanka isu tagga Imaaraadka Carabta oo lagu waday in lasoo gaarsiiyo magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya oo ku tala galku uu ahaa iney ka hawlgalaan.

Max’uud Axmed Nuur Tarsan ayaa warbaahinta u sheegay in gaadiidkan ay Markab kasoo saareen Magaalada Dubai  si ay dalka u keenaan balse waxa uu sheegay in mowjado Hirar ah oo ka kacay badweynta hindiya ay suurta gal ka dhigi weysay in Markabku uu kusoo xirto dekeda caalamiga ee magaalada Muqdisho oo uu kusoo jeeday.

Tarsan ayaa tibaaxay in markii ay taasi dhacday Markabka uu u wareegay dekeda magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland wuxuuna  wax laga xumaado ku tilmaamay gudoomiyuhu in is hortaag lagu sameeyey in gaadiidkaas laga soo dejiyo Boosaaso isagoona tilmaamay in markii ay ku qaadatay 8 bilood in ay maamulka dekedaas ka dhaadhiciyaan arintaas ayaa  waxa uu sheegay iney markii danbe dantu ku qasabtay iney mar kale gaadiidka Ambalaaska ay ku raraan markab iyagoona dib ugu celiyey wadanka Imaaraadka halkaas oo mar kale markab laga soo saari doono.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Max’uud Axmed Nuur Tarsan  ayaa sheegay inuu la yaabanyahay waxa sababay in arintaasi ay ka dhacdo dalka Soomaaliya isagoona isweydiiyey waxa ay kala yihiin Muqdisho iyo Boosaaso Tarsan ayaa hoosta ka xariiqay in arimaha caynkaas ah aysan waxba soo kordhineen isla markaane loo baahanyahay in laga waantoobo ficilada nuucaas ah oo uu sheegay ineysan ku jirin danta umada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

20 Responses for “Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Warbixiyey Caqabado Uu Sheegay Iney Ka Hor Istaageen Gaadiid Aambalaas Ah Oo Lagu Waday Iney Soo Gaaraan Muqdisho”

  1. garowe says:

    waa in sida ugu dhakhsahabadan loobadalaa nimanka dakada boosaaso jooga waayo ma ahayn inay celiyaan xaqbay ulahaayeen inaylasoodagaan waacaawimo ay ayga iyo xamar u sinaayeen illaahayna u sooweeciyay balse ay calfanwaayeen nacasnimo daraadeed waxayna istaahilaan kuwaan in xabsiladhigo calashaan ilkala,aantooda

  2. wiil g/dogob says:

    hadii arintaas ay ku kaceen maamulka p/land waa arin khalad ah maxaa yeelay ambulance waa gawarai dadka soomaliyed ee xamar joga loogu adeegaayo mana wanagsanayn in ay diidaan in markabka laga dajiyo oo colaad iyo uur mariidnimo latuso dadkale oo soomaliyeed

  3. Jugsodhacay says:

    8bilood. Markab. Bada dul Saaraan

  4. tuulo buuryaqab, says:

    Walaale tersan burburka koofurta,waa nolasha bari,ma akhbali karo,nolosha koofurta.
    maxaa yeeley waa burburkeenna………..

  5. wadaad yare says:

    Bal hadde ka warran waxaas! Dadka intaas wax la eg garan waayey iney fududeeyaan maxaad wax ka weyn u maleysaa?

    Dadkaan province mentality ayey yeesheen. Qadiyad weyn iyo heer qaran uma fakarayaan. Xataa haddaad wax diiddantahey waxa saas u yar oo kale laguma muujiyo awooddaada sida ay aniga ila tahey.

  6. Ali soomali says:

    waa nasiibdarro waddan hal isku ah misana maamuladiisa ay u dhaqmayaan sida yuhuudu ula dhaqanto Falastiniyiinta waa wax laga xumaado, goormaan joojineynaa falalka ku dhisan kala shakiga iyo caadifadda? somaliyeey wake up.

  7. Cadaado says:

    ASC,d hamaantiin,
    Bal arka burcadnimada iyo lug gooyada qaswade Faroole iyo kuwa xun xun ee qaa’inul wadanka ah ee maamulka Garoowe xooga ku heeysta. Ilaahbaan idinku dhaarshee maxeey falkaas qaswadanimada, wadaninimada xumada ah oo Somalinimada ka fog oo eey ku kaceen maamulka Garoowe eey horseedi doontaa? Waa in laga jawaabaa, oo intii eey kuugu geeyaan oo kale loogu geeyaa magaalo walba iyo reer wabla. Qofkii wanaag ku tusa, laba jibaar wanaag ugu badal, kii lug gooya iyo munaafaqnima ku tusana, sidoo kale laba jibaar ugu badal.
    God Bless Somalia.

  8. Khaatumawi says:

    Qalabkan hadii ay lahaan laheyd dowlada Ethiopia si weyn ayaa loogu dajin lahaa oo waliba bilaa cashuur tax free ah. Dekedaha berbera iyo bosaso maanta waxaa ka arimiya oo danahooda ku fushada dowlada Ethiopia maamuladaas yar yaree gacan ku rimiska ahna awood ay hush iskaga yidhaahdaan malaha.
    Laakiin nasiib daro Soomaalida kale ayey u xiniinyo waaweyn yihiin kkkkkkkkk

  9. prof piccolo says:

    kkkkkkkkkkkkkkkk tarzan ayaa cadaalad ka hadlya oo naagaha dahabka ka goosan jirey haduu cadaalad rabo hasoo caliyo waxii uu dahab ka goostey Muqdishow

  10. abdullaah says:

    walaahi waa wax laga xumaado oo si xanuun badan u damqaya walaalnimada Soomaaliyeed, reer puntland lama qabaan kuwa sida xun u dhaqmaya ee taa ha la ogaado, dadkana yaanan la isku wada qaban. waxaan jeclaan lahaa inaan arko shacabka puntland inay ka dhiidhiyaan kala fogeynta iyo neceybka la kala dhex dhigayo iyaga iyo walaalahooda reer Muqdisho.

  11. xaawo says:

    asc tarsan miyuu san ogeeyn dadka kasoo jeeda koofurta in toonta bada dhexdeeda looga tuuro marka dadka saas ah sidee ayaadba rajo wanaagsan uga qabi kartaa isku tashada sida soomaaliland ba dadkeeda iskugu tashadeen oo caruurtiina u tura inkastoo tani ku timid cilad farsamo laakiin waxaad ogaataan inta laydin qabo dadkii tarxiilka ahaa ma iloowdeen ee intay diiday puntland laga dajinjiray soomaailland waxaan ka wabanahay waxa koofur laga siiyo soomaali nimada oo ay ku qabto edayaal waxba waqtiga hays ka luminina dhulwanaagsan illaah baa idinsiiyey ee adinku uun dhan isku raaca

  12. BOSOASO HA LOOGU ADEEGO AMBALASTA, miyeyna somaliya aheyn bosaso, tan kale GOORMUU TARSAN WAX IIBSAN JIREY KKKK ASAGOO WAX DHACA AYAAN OGAAYEE, AMA ISBARO DHIGTA,

  13. xasan says:

    inay cashuurta iskabixiyaan bay ahayd dakada boosasona waxa leshacabka jamuuriyada puntland markaa bilacashuur mayasxb

  14. Boosaaso says:

    Cadaado. Malaha waxaa tahay Wiil yar oo arkay eedadiis odaygeeda oo raisalwasare ah Markaas baa adoo xiiqsan soo gashay raxanreeb, Aan ku xasuusiyee xiligii dawladii c/laahi Ayaa waxaa larabay biro dhexyaal dekeda xamar oo Aysan dekada xamar u baahnayn in loo raro dekada boosaaso oo birahaas u baahnayd. Dayactirna looga dhihi lahaa hadaba maxaa dhacay USC oo dhan baa kacday waxaana ugu horeyay adeerkaa Axmed diiriye. Oo ku dhawaqaya dekada xamar biraheeda ma aqbalyno in lageeyo boosaaso, hadaba maalin taas maxaa laguu arki wayay cadoodo adoo soomalinimo ka hadlaaya.

  15. Ahmednuur says:

    Faroole asaga Soomaali naceyb baa ku jira, wixii laga soo gudbay oo uu faarfaarayo, dadkiina waa sumeeyay, waa nin Soomaalinimadu ay aad ugu yartahay, si kale kuma macnayn karee, ninkaan waa in la iska qabtaa, oo qof xalaal ah, Soomaali wanaageeda ka shaqaynayana la keenaa meesha, ninba nin intuu ka quality xun yahay baa Soomaaliya hogaamiya ilaahay amarki.

  16. Abdalla says:

    Acww………..Waxaan aad ula yaabay sida Somalidu ay u fudud yihiin. Dadka maqaalkan akhristay oo kor wax ku qoray kuma jiro hal qof oo is waydiiyey in sheekadan ay sida loo qoray u dhacday iyo in kale.
    Waxaase kasii daran hadayba sidaan u dhacday…….ma iswaydiiseen dhinaca kale ee sheekadu qusayso warkooda? cadaalad miyaa inaadan maqlin dhinaca kale sida dawlada Faroole? Tan kale qofka maqaalka qoray waa qof ka fog cadaalada…..waxaa la rabay in hadduu Tarsan saan yiri uu raadiyo dhinaca kale ee arintu qusayso warkoodana soo sheego, hadduu waayana uu qoraalka ku cadeeyo…………………Waa CEEB IN SIDAAN WAX LOO QORO.

  17. hassan says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk oo bad xiran miya jira ilaa 8 bilood ah mise waxuu ka wadaa 8 maalmood bay bosaso naga taaleey.koleey dadka koonfur daga cuqdad ka bixi meeyso mida labaad waxey sameyn jireen oo dhib iyo xumaan aheyd ma ilaawaan soo tarsan mahan kii dadka leyn jireey oo alshabaabka guriga dajin jireey iyagii bay maanta mas ku noqdeeen waxaa naga disheen 1991kii waxaa ka sii daran waxaa naga disheen 2004-2008. hadalkaana XAAD iyo AXMED DIIRIYE baa soo qoreey tarsan idacada buu ka yiri.dakada boosaso reer puntland baa leh tan xamarna reer xamar baa leh maxaa wax iskugu keen dareey tarsanow xaraan ku naax baa taheey.waxa meesha ku jira waxaa ka hadlinaya waa puntlan naceeyb iyo xumaanta puntland jaceyl.websitekan koonfur lagaba leh ee dayniile aada sidii animals ha u hadlinineee.

  18. Garnaqsi says:

    Anigu labo arrimoodba waan qabaa;

    1, Tarzan been buu sheegayaa ee muusan iibsan qalabkaas, hadii sida uu sheegayo lasoo iibiyayna laguma soo iibin lacag ay dad gaar ah leeyihiin ee waa hanti qaran.

    2, Faroole iyo inta ka amar qaadata ee falka noocaan ah ku kacdayna (Hadeyba arrintu jirto) waa dad aan fikirayn aadna u qalbi xun.

    Malaha Boosaaso waxaa u bannaaneyd in ay sameyso dhowr arrimood midkood;

    Waa mida koobaade inay tiraahdo, “Xalaaley ma dhunto” markii alaabta la dajiyana tiraahdo war ilaahay waa xaqsooree, intaasna qaata oo bulshada Muqdisho ha loogu shaqeeyo, intaanna bulshada Boosaaso aannu ugu shaqeyno. Muqdisho ma diidi karto maxaayeelay waxwalboo magaca Soomaali lagusoo qaado iyada unbay galaan kamana soo baxaan.

    Ama inay inta ka qaataan canshuur ay gudbiyaan si bulshada Soomaaliyeed loogu adeego. Xitaa haday hal ama labo baabuur isfaham-canshuur ahaan ola haraan iyagana faa’iidey u noqon laheyd dadka Soomaaliyeed ee ay alaabtu ku socotayna faa’iidey u noqon laheyd. Waxay kaloo sameyn kareen in aysan canshuurna ka qaadin waxna kala harin ee ay sideeda u gudbiyaan marba hadii qof Soomaali ah uu ka faa’iidi doono.

    Intaasba hadii ay ka hoos baxday, arrintu talo xumo maahan malaha ee waa xasadnimo. Waxaanse anigu filayaa in ay wax u hagaagi waayeen Faroole iyo Tarzan oo dhabiiltamaya awgood. Hadii ay taasi jirtana, Tarzan nin la xasdo waayahay, Faroolana qof wax xasda waayahay. Anaga Shacabka Soomaaliyeed ahna wax lagu dul xasadtamo waan nahay maxaayeelay qoom indha’la baan ku qanacnay in ay na hogaamiyaan oo aan wanaag ka sugaynaa.

  19. Puntlander Man says:

    Waa arin aan aad uga xumahay in ay dhaafto alaabtaas Puntland.
    Baadi iyo ninkii lahaa aragti baa ka dhaxaysa inay aysan soo dhaafin Boosaaso ayay ahayd. Kuwa sidaayayna waa nacasyo nasiib badan.

  20. moha says:

    Tarsan xoolo uu ku iibsado umbulance mahaystee… Wuxuu ka xishooday inuu dhaho mucaawinay ahayd…. Waayahay… Oo mucaawanada Soomaaliya loogu talagalay p/land xaq uma lahan miyaa…. Talaa seegtay raggaas xalaal bay u ahayd inay la degaan baabuurtaas oo shacabka ugu adeegaan…

Leave a Reply