Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Ku Sugan Muqdisho Iyo Warar Sheegaya in Isbedel Lagu Sameynayo Maamulka Gobolka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax.

Muqdisho (RBC) Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada ka dib markii uu horey u soo raacay wafdigii wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed oo dhowaan tgay magaalada Beledweyne.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa la sheegayaa inuu wadatashiyo la leeyahay madaxda dawlada si loogala hadlo qorshe la doonayo in isbedel ballaaran lagu sameyn doono maamulka gobolka Hiiraan oo shaqeynayey tan iyo sanadkii hore markii ay magacwaday xukuumaddii ku-meelgaarka oo ku qancisay C/fataax inuu ka tanaasulo sheegashada xilkii madaxweyne maamul goboleed.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa Raxanreeb u sheegay in wasaaradda ay wado qorshe xilka looga qaadayo C/fataax Xasan Afrax taasoo la xiriirta cabasho ka timid odayaasha iyo waxgaradka deegaanka oo codsaday in maamul loo dhan yahay laga dhiso gobolka Hiiraan.

Dhowaan wasiirka arrimaha gudaha ayaa magaalada Beledweyne ku tagay socdaal qaatay ku dhowaad hal toddobaad isagoo kulamo kala duwan la yeeshay waxgaradka deegaanka, masuuliyiinta gobolka iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaaladaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in sababta gudoomiyaha gobolka Hiiraan loogu yeeray ay tahay in isaga lagu qanciyo xil kale oo dawladu ay siineyso si looga wareejiyo xilka maamulka gobolka Hiiraan.

Mudo dheerba waxaa jiray cabasho fara badan oo ka imaaneysay dadka deegaanka oo dalbanayey in maamul cusub oo bulshadu ay dooratayay laga sameeyo gobolka Hiiraan, maadaama deegaanka uu ka talinayey maamul ka yimid kooxdii Dooxa Shabeelle oo horey uga tirsanaa qabqablayaasha dagaalka.

Isbedel noocan oo kale ah ayaa dhowaan laga sameeyay gobolka Baay oo gudoomiye cusub loo magacaabay, inkastoo weli buuq uu ka taagan yahay sidii maamulka cusub xilka ula wareegi lahaa.  Waxaana illaa hadda inuu xilka dhiibo diidan gudoomiyaha xilka laga qaaday C/fataax Geesey oo ku doodaya in maamul la doortay uu bedeli doono isaga.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

3 Responses for “Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Ku Sugan Muqdisho Iyo Warar Sheegaya in Isbedel Lagu Sameynayo Maamulka Gobolka”

  1. Hanad says:

    Waan soo dhawey neynaa isbadalka siyaasaded ee dowlada federalka ah ay wado waana ku farax sanahay in laga taqlusiyo meeshana laga saaro qable dagaal oo dhan iyo wixii magac qabiil la cararaayo waayo waa ayiga waxa dib noo dhigay reer hiiraan waxay hileen fursadi ugu fiicneyd ee ugu tashan lahaayen aayahoda waa dhamaaday qabiil dadki sid bursiga iyo qabiilka la carari jirey NO MORE Dambe anaa iskaleh hiiraan waxa la gaaray ka xisaabtami lahaa ninkastow deegaan iyo dad waxad leedahay la shir imaaw ayey saaki sheekadu taagan tahay

  2. Hiiraan_Man says:

    Waa arin lagu farxo oo aan soo dhoweeyneyno isbadal inun dhaco oo eey dhamaato aniga xureystay meeshan oo kaadideyda uso cabaday.Waa soo dhoweyneyna go,aanka eey gaareen Odayaasha, wax garadka, iyo salaadiinta gobolka oo ugudbiyay dowlada go’aankooda.Yaa wax uqaban karo Hiiraan eey taagantahay maanta .Qabiil waa dhamaaday.
    GUUL Somalia.

  3. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin, maasha’allah ayaan leeyahay ninkaan dhalinyarada ah hadii uu dantiisa shaqsiga ah inta iska dhaafo ka hormariyaa waxa u dan ah dadka gobolka Hiiraan. Kala roonaansho, iyo isu tanaasul wax ka fiican ma lahan. Dowlada Jamhuuriyada Somaliyeedna waxaa laga rabaa in eey u abaal gudo gobolkii amaba deegaankii la yimaado in uu garab istaago Dowlada dhexe. Fududeeyana ku baahinta Dowlada dalka oo dhan. Guul ayaan u rajeynayaa reer Hiiraan, iyo waliba gobolada Somaliyeed oo dhan.
    God bless Somalia.

Leave a Reply