Hay’ada Nabad Sugida Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Meydka Nin ay Ku Sheegtay Inuu Xalay Dil U Geystay Sarkaal Ka Tirsanaa Nabad Sugida


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho(RBC Radio) Hay’ada nabad sugida Soomaaliya ayaa ka warbixisay meydka nin ay sheegeen inuu xalay dil u geystay sarkaal ka tirsanaa hay’ada nabad sugida kaasoo fiidnimadii xalay lagu toogtay goob ganacsi oo ku taalla xaafada Nasii-Buundo ee  degmada Shibis ee gobolka Banaadir Taliyaha hay’ada nabad sugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Nabad sugida ee magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta uga warbixiyey Meydka ay maanta soo bandhigeen.

Khaliif Axmed Ereg  ayaa sheegay in ninka meydka ah ee ay soo bandhigeen uu dil u geystay sarkaal ka tirsanaa nabad sugida dowlada  Soomaaliya waxaana xiliga uu shirka Jaraa’id qabanayey taliyuhu agyaalay ninka Meydka ah iyo bistoolad la sheegay inuu xalay dilka ku fuliyey, Ereg ayaa tilmaamay in ninkan oo weerar kusoo qaadat sarkaalka geeriyooday isagoona tilmaamay in rasaas ay is weydaarsadeen ay sababtay geerida labadoodaba.

Taliyaha ayaa sheegay  in ninkani uu u geeriyooday dhaawac uu gaarsiiyey sarkaalkii ka tirsanaa hay’ada nabad sugida oo uu isagu toogtay wuxuuna sheegay iney hawlgalo ballaaran ka wadaan goobtii uu falku ka dhacay isagoona ballan qaaday iney gacanta kusoo dhigi doonaan dhamaan dadka falalka amaan darrada  ah ka wada gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Khaliif Axmed Ereg ayaa dhanka kale sheegay in maanta ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom oo iskaashanaya ay hawlgalo ka wadaan qeybo fara badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho wuxuuna sheeegay in ujeedka hawlgaladu ay yihiin sidii loo xaqiijin lahaa amaanka magaalada Muqdisho isagoona shaaca ka qaaday in hawlgaladu ay sidoo kale gaarsiisan yihiin duleedka magaalada Muqdisho oo uu sheegay iney dhibaatooyin ka wadaan askar ku labbisan direeska ciidamada dowlada isagoona tibaaxay in saxaafada looga warbixin doono marka ay soo idlaadaan.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Hay’ada Nabad Sugida Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Meydka Nin ay Ku Sheegtay Inuu Xalay Dil U Geystay Sarkaal Ka Tirsanaa Nabad Sugida”

  1. milgo says:

    waa wax aad ufiican in ladilaa kuwa umada hal halka utooganayo alaha uraxmado sarkaalka wuxuu ahaa geesi in kastoo aanan aqoonin magaciisa hadana haduuba calamad reebay ah kii dilay waa geesi alaha uraxmado

Leave a Reply