Maamulka Ahlu-Sunna Oo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Ee Ku Sugan Gal-Gaduud Ku Amray Iney Joojiyaan Hawlaha Ay Ka Wadaan Gobolkaas


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Dhuusa-mareeb(RBC Radio) Ahlu Sunna waljamaac ayaa ku amray xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee Maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa gobolka Galgaduud iney gabi ahaanba joojiyaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gudaha gobolkaas shir jaraa’id oo maanta ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Dhuusa mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud gudoomiyaha golaha fulinta Sheekh Max’ed Yuusuf Xeefow iyo gudoomiyaha gudiga tada Sh.Cumar Sh C/qaadir.

Madaxda Ahlu sunna ayaa ku sheegay sababahay ay u joojiyeen hawlihii ay mudanayaasha ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka wadeen deegaanada ay ka arimiyaan ahlu suna ayaa ku sheegay in xildhibaanadu ay ka talaabsadeen waxyaabihii ay ku wada heshiiyeen iyagoona ku eedeeyey xildhibaanada iney dhibaato ka dhex wadaan bulshada ku wada dhaqan gobolka sida ay hadalka u dhigeen.

Sh. Cumar C/qaadir gudoomiyaha gudiga talada ahlu-sunna oo sheegay in xiliga shirka Jaraa’id waxii ka danbeeya aysan damaanad qaadi doonin amniga mudanayaasha isagoona hoosta ka xariiqay iney amar ku siiyeen xildhibaanada iney gabi ahaanba faraha kala baxaan hawlaha ay ka wadaan gobolkaas oo uu sheegay iney qatar ku yihiin dadka ku dhaqan gobolka Galgaduud.

Mudanayaasha maanta lagu amray iney joojiyaan socdaalka ay ku joogaan gobolkaas ayaa maalmihii danbe ku sugnaa degmooyinka gobolka Galgaduud iyagoo halkaa ka waday wada tashiyo ay la yeelanayeen qeybaha kala duwan ee ku dhaqan gobolkaas lamana oga ilaa hada waxa keenay is fahan waaga soo kala dhex galay Xildhibaanada ka tirsan baar lamaanka Soomaaliya iyo ahlu-sunna oo amrkii ay gobolka soo gaareen si diiran ugu soo dhaweeyey gobolka.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

9 Responses for “Maamulka Ahlu-Sunna Oo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Ee Ku Sugan Gal-Gaduud Ku Amray Iney Joojiyaan Hawlaha Ay Ka Wadaan Gobolkaas”

  1. RASHIID says:

    AHLULSUNAH WAX LA DHAHO DALKA KAMA JIRAAN. GALGADUUD AYAY SHABAAB KA WADA SAARI LA YIHIIN MARKAAS BEEY DOWLADA DIDAYAAN. GURICEEL IYO DHUUSAMAREEB BAS MAAHA GALGADUUD.. AHLULSUNAH MEEL KALE OO AAY KA TALISO MA ARKO ANIGA. XITAA GALGADUUD MA WADA HEESTAAN MARKAAS BEEY DOWLADA DIIDAYAAN… CIIDAMADA ETHIOPIA EE GURICEEL JOGO AYAA DABADA KA RIIXAAYO KUWAAN AHLULSUNAH LA BAXAY EE LABADA DEGMO AAN SOO DHAAFI KARIN

  2. Qoono; says:

    Ninkasta oo yaqaan dhaqankii labaatankii sano
    Ama og wixii somaliya ka dhacay,waa garankaraa
    Dhaqanka ama in wax la mucaarado ama aanba
    La ogolaan nidaam & kala dambeyn maxay arkayaaan
    Hadii dowladu talada la wareegto ?
    Waxay istuseen somalidii degeneyd oo soo laa
    Baneysa una baahan hantidoodii iyo guryahoodii
    Sida raiisalwasaaraha iyo dadkiisii & ethopianka
    Oo aan dooneynin in lakala baaso ! Una taagan
    Jaahil aan dareen lahayn !marka dowladkasta
    Oo la soo dhiso meesha lagala dagaalamo waa
    Guriceel dhuusamareeb “laakiin wiilasha ay
    Waayaan & aakhira beelka ku habsadey ma
    Xisaabiyaan! Waxaan leenahay iimaanka
    Allaha geliyo hana loo wada duceeyo !

  3. Cadaado says:

    ASC,dhamaantiin,
    Ahlusunada kuwa sheegta waa ciyaalo suuqiin raba in eey qab qablayaal ka noqdaan magaalo, gobol amaba deegaan. Horaan u sheegay in aan “elevate” gareeyn lagu sameeyn amaba kor loo qaadin magacooda iyo jiritiaankooda. Maantay waxaa la joogaa waqtigii maamulka gobola Galgaduud ee Dowlada dhistay oo dadka deegaanka ah si buuxda uga shaqeeyn lahaa Galgaduud iyo Mudug. Waa in qaska iyo isbaarada xaaraamiyiinta raba in dadka eey sidii qabqablayaashii Mogadisho oo kale u lug gooyaan. Amisoon ayaad sheegeeysaayee, Yahuud iyo Ethopian xataa halooogu geeyo meeshooda. War waxu cawaansanaa. God bless Somalia.

  4. wadaad yare says:

    Ma aragtaan dadkii Itoobiya ku xirnaa iney lasoo baxeen middiyihii u qarsoonaa? Waa inaan foojignaanno oo aysan naga lumin picture ka weyn. Soomaaliyeey xusuusnaada xiriirka ka dhaxeeya Ahlusunna iyo Itoobiya. Itoobiya iyo Geeseeyga Baydhabo iyo Axmed Madoobe iyo Kenya. Waxa dhan waa sil silad isku xiran oo afkeeda ay hayaan labada dal oon deriska nahey. Qofkii ku qanacsan makrigaasna sidaas u ogaado, qofkii kalena waa iney arrintu u caddahey. Mashaakilka jira wacyi iyo ogaal ayaa fiican in lagu waajaho.

    Ma ahan xalku inaan Shabaab iyo argagixiso noqonno. Sidoo kalena xalku inaan dano cadow fulinno ma ahan. Xalku waa inaan dowladdeenna garab istaagno oon gacan siinno oon af iyo addinba ku xooojinno si ay noogu noqoto gaashaan aan iskaga dhigno khatarta.

  5. SOMALIDII waxey ceeb ku dhigtey kii arki waaya sida uu rabo ama dantiisu ku jirto wuxuu dhahayaa WAAWAREEY ITOPIA AYAA WAATA QOLADAAS, WAA WAREEY KENYA AYAA WADATA QOLADAS, WAA WAREEY LOOMA DHAMA AMA WAXBA MA MAAMULAAN QOLAAAS,, war dadka u daaya howshooda iyo maamuladooda, ayagaa loo ogyahey ayagaa alshabaab kula dagaalama, ayagaa ka taliya,,

  6. qandalaawi says:

    @wadaad yare si fiican baad u dhigtay balse dawladaha ciidamada shisheeye waddanka ka joogaan wey badan yihiin waadna kala reebtay
    Maxaad ku qancineysaa qofka aaminsan in Uganda, Burundi iyo Turkigu aaney arrimaha somalia daacad ka ahayn oo ay qola gaara ah taageeraan

  7. ciid yare says:

    kkkkkkkkkkkkkk waxaan ku qoslay dad hal kaan wax ku soo qora oo mar walba leh itoobiyaa cadow geena ah hadana leh waa walaala heen oo dadka ku beer la xow sanaaya marka ay leeyihiin dan qaasa amaba nafta uyaa baan tusaale waagii ay dowladu usoo maga cowday gudoomi yaha balad wayne waxay lahaayeen itoobiya waa walaala heen oo waxay fulinay saa awaa miirta d\ ku sheega laakiin kenya ma fuulinayso awaa miirta d \ku sheega hadana waxay lee yihiin waa cadow geena hadaba imisa itoobiya ayaa jirta imisa dal ayay joogtaa ma puntland bay joog taa ma muqdishay joogtaa ma kismaayay joog taa ma hiiraan bay joogtaa ma gal gaduud bay joogtaa ma gaarisay joogtaa misa somaliland bay joogtaa ?? itoobiya ma xasan bay cadow ku tahay ma xasan bay saxiib latay misa dalka somaaliya ayay saxiib latahay misa cadow ?? waxaas waa wax dadka lagu mash quuli naayo ee waa qabiil waxa ay dad kaan utaagera yaan xasan hadiise itoobiya tahay cowga somaaliya maxaad uga saari way deen wadanka ?? aawayse jihaadkii iyo muudaharaad yadii c\ laahi yuusuf allaha u naxariistee aad kuhayseen aawayse shariifkii jihaadka ku hayaya aawayse tar san kii muda haraad ka ku qay linaayay dee waa qabiil maad caday sataan tan ehlu suna waaa ku sax san tahay deegaa madeeda waxii qal qal; ka wada ay dufaacdo mid na ha hil maamina in ay ehlu suna soo dhistay xil dhimaanadaan oo hadii ay qal qal keenaan ay cay rin karto waliba waxaan ka cod sanayaa culumada in ay xaaq do tuugada maamul beeleed ka hal ka dagmo ku qaraabta kaas oo ah xumin iyo xeeb fidnada gobolada dhexe waa asaga ama ku dara gal mudug ama idin ku qaata laakiin in gabaad laga soo dhigtaa laga yeeli maayo ee cagta mariya siddiii shabab oo kale meesha d\ ka ma jirto ee soo cay riya tuugada dalka nam doon ka wada qaska kuna badala xil dhibaano nadiifa iyo madax nadiifa shaqo wacan gggguuuuuuulllllllllllll culumada ehlu suna wal jameeca iyo inta xaqa iftiiminaysa gooood luckyyyyyyyyyyyyyyyy

  8. [...] shalay ayaa Sheekh Xeefow iyo ku xigeenkiisa waxay si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabteen magaalada Dhuusamareeb iyagoo ku amray wafdi xildhibaano dawlada ka socda oo ku sugan gobolka Galgaduud inay isaga baxaan [...]

  9. [...] shalay ayaa Sheekh Xeefow iyo ku xigeenkiisa waxay si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabteen magaalada Dhuusamareeb iyagoo ku amray wafdi xildhibaano dawlada ka socda oo ku sugan gobolka Galgaduud inay isaga baxaan [...]

Leave a Reply