Maamulka Galmudug Oo Ku Guuleystay Siideynta 5 Ruux Oo Kasoo Jeeda Waqooyiga Gaalkacyo Oo U Afduubnaa Maleyshiyaad Kasoo Jeeda Maamulkaas
Muqdisho(RBC Radio) Maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta maamulka goboleedka Puntland ku wareejiyey 5 ruux oo afduub loogu haystay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug manaasabad ka dhcday magaalada Gaalkacyo ayaa dadkan oo kasoo jeeda waqooyiga magaalada Gaalkacyo in muddo ahne ay gacanta ku hayeen maleyshyo beeleed hubaysn oo kasoo jeeda deegaanad Galmudug ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyey maamulk Punland.
Madaxweye ku xigeenka maamulka Galmudug State Ckariin Nuur Guuleed oo xaflada wareejinta 5-tas uux ka hadlayey ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu ku guuleystay 5-ta ruux oo afduub loo haystay muddo 3 bilood ah isagoona tilmaamay iney u heelan yihiin nabad ku wada noolaanshaha magaalada Gaalkacyo oo ay labadeeda dhinac ka kala arimiyan maamulada Galmudug iyo puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa dhanka maamulka Puntland ka codsaday iney isku hawlaan sidii loosoo deyn lahaa nin uu sheegay inuu kasoo jeedo deegaanada Galmudug kasoo sida uu sheegy lagu haysto si afduub ah deegaanada puntland.
Guuleed ayaa shaaca ka qaady in maamulka Galmudug ay ka go’antahay ilaalinta deri wanaaga labada maamul iyo shacabka ku wada dhaqan magaalada Gaalkacyo o ay kusoo noqnoqdeen rabshadaha ku salaysan aanooyinka qabiilka.
Qaar kamid ah dadkii xoriyadooda lasiiyey ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxan yihiin sii deynbtooda iyagoona ku amaanay masuuliyiinta maamulka galmudug kaalinta wanaagsan ee ay ka qaateen soo deyntooda.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho














Allaahu akbar thank you galmudug
mAshan allah
illahow adaa mahadleh
ascw.ilaahay ayaa mahad iska leh,
waxaan filayaa walaalaha reer buntland
sidaan oo kale ayaa laga rabaa,ilaahay
ha waafajiyo si wada noolaashaha loo xaq dhawro.
Shuushoow bax.