Maamulka G/Banaadir Oo Sheegay In Amniga Muqdisho Uu Suganyahay 95% Qurba Joogta Soomaaliyeedne Ugu Baaqay Iney Dalkooda Kusoo Noqdaan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho uu suganyahay 95% boqolkiiba Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle ayaa tilmaamay in amniga caasimada Muqdisho uu yahay mid la isku halayn karo isagoona sheegay  in xiligan ay Caasimada ka socdaan dib u dhis guud oo lagu samaynayo Laamiyada iyo guryaha magaalada oo ku waxyeeloobay dagaaladii wajiyada badnaa ee dalku soo maray.

C/Kaafi Hilowle ayaa sheegay in maalmaha soo aaddan ay magaalada Muqdisho ka shaqo bilaabi doonan (1200) Kun & Labo boqol oo askari  kuwaas oo uu sheegay in la geyn doono 54-ta Isgoys ee ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya si ay u adkeeyaan amniga magaalada,isagoona tilmaamay in amniga ka jira Muqdsho uusan iska imaan balse lagu bixiyey juhdi badan si loosoo gaaro halka maanta la taaganyahay.

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku dhaqan iney dalkooda kusoo laabtaan isla markaane ay dhistaan guryihii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho,C/kaafi ayaaa farta ku fiiqay in dadkii guryaha laga haysaty loo celiyey 95% wuxuuna tibaaxay in 5 ta dhiman ay iyagu iskood uga maqanyihiin magaalada Muqdisho hadii ay yimaadaane gacanta loo galin doono.

C/kaafi Hilowle ayaa ku booriyey dadka Soomaaliyeed ee ay hantidoodu ku maqantahay magaalada Muqdisho ama laga haysto guryahooda iney lasoo xiriiraan maamulka gobolka Banaadir si gacanta looga saaro hantidooda,wuxuuna  ballan qaaday in qofkii la yimaada cadeynta lahaanshaha gurigiisa aysan cidne awood u lahayn iney xoog ku sii haysato, C/kaafi ayaa intaa ku daray in qofka uu ka lumay Dukumiintigii gurigaasa uu soo doonan karo hantidiisa maadaama la heli karo deris marqaati ah.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

4 Responses for “Maamulka G/Banaadir Oo Sheegay In Amniga Muqdisho Uu Suganyahay 95% Qurba Joogta Soomaaliyeedne Ugu Baaqay Iney Dalkooda Kusoo Noqdaan”

  1. Cadaaado 2 says:

    waa wax lagu qoslo in la dhaho Qurbo Joogta ha yimaadaan waryaa beenta loo sheegaa waxaan mareenaa ilaa 10 qof oo Mogadishu lagu dilay , guryahooda markeey raadsadeen. Meeshaan Xamar waxaaba ka nahay ajaanib anaga iyo cadaanka waxaa ku sharaf baddan meesha ninka Yurubiyaanka asaga waaba loo jilba jabsanaa ixtiraamka loo hayo ayaaba la yaabaysaa, kan soomaaligana xabad ayaaba lagu dhufanaa. Meeshaas Rabi baa idinku dhaariyey ma wax loo xiisaa ??!!!

  2. asc wr wbr tarsan wa uu dadaaley masha allaah illaahne garabkiis ha galo dalkena anaga aya baahan isaga nooma bahna walee illaahow dalkeena nabab waarta walalka ilyas365 waxan kuu shegaya illaah u noqo hanti wala hela dad lama helo nabaduna waa shey qaali ah marki nabada soo noqoto baa wax walba hagaagayaan marka walaal nabadu anaga ku nool iyadu naguma noola marka wa ayaandaro ina saas u hadasho adoo wiil somaliyeed ah towba keenkana ilaah bey u sugnaatey subxana watacala qof weena been shegesa lama dhaho kuguma haboona xita xaga aqlaqda marka waa wax lagu farxo casimadeeni oo nabad ah illaah hana tuso waxba lama ahee ila illaah isaga ah shadiidul ciqaab gafuuru raxiim ahee wabilahi towfiiq

  3. waxaan u fahmey 1200 oo tuug ayaa 54 ta isgooys isbaarooyin cusub loo dhigaayaa si masaakiinta BL leyda ah iyo islaanta DAMBIILEYDA ah ee bakaaraha ka xamaalato ay baad uga qaadaan,, hadalka HILOWLE waxaan u arkaa DADQALATO SHABAQ DHIGANEYSO OO DADKA UGU YEEREYSO IN LOOGUSOO DHACO camal, xamarna maalintaan soo dardaarmo oo ciyaalkeyga meel ku hubsado ayaan HABAARANEEYda guriga iga heysto iiga baxa dhahaayaa, inta ka horeysa meelaheygaas ayaan ilaahey ku baryaayaa.

  4. mugadisho says:

    xamar waa nabad dadka qaar wey kanaxaan lkn xamar waxaa iskale kii kufarxa nabadiisa iyo horu markiisa dadka qaar tuuley qaran moodeen.ninkii marti iska dhigana waa marti markasta lkn meel lagaa ga badan yahay mar hadii aad timaad dadka ayaa ladhex galaa adaa asxaab yeelaa kii xamar ka cabsaaya yowsan isku imaan.kii raba lkn waa welcame cidna laweydiin maayo imaanshaha xamar marba hadii aad soomalia tahay hadaba qabiilkasta soomalia ayaa ku dhex nool lkn waa lakala badnaa karaa .hantiyaa leega heestaa, waa badatay lkn waa la.ogaaday markii horaba dad xaaraan ayay ku deganaayeen ,marka waa xaaraan xaaraan ladulsaaray. dhib male. dowladaa xal ka.keenee.

Leave a Reply