Maamulka Gobolka Banaadir Oo Sheegay In Nalalka Cad-ceeda Ku Shaqeeya La Gaarsiin Doono Wadooyink Wadnaha Iyo Sodonka Ee Magaalada Muqdisho
Muqdisho (RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in Nalalka Cadceeda ku shaqeeya oo hore looga hirgaliyey qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho maalmaha soo socda la gaarsiin doono wadooyin hor leh oo ku yaala magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle ayaa shaaca ka qaaday in wadooyinka Wadnaha iyo Sodonka ee magaalada Muqdisho laga hirgalinayo Layrarka ku shaqeeya Soolarka(Cad-ceeda)
Nalalka ku shaqeeya Cad-ceeda ayaa hore si tijaabo ah loogu xiray qeybo kamid ah wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho C/kaafi ayaa sheegay in Layrarkani ay ka bexeen Tijaabadii hada wixii ka danbeeyane lagu wada xiri doono wadooyinka magaalada Muqdisho balse waxa uu sheegay in wajiga xiga Makka al-mukarama uu yahay wadooyinka Wadnaha ,Sodonka iyo Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ka mid ah halbowlayaasha Caasimada Muqdisho.
Xoghayaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir Cabdikaafi Hilowle Cismaan ayaa ugu baaqay qurbo-joogga Soomaaliyeed inay dalka dib ugu soo noqdaan. ” Dalku waa nabad , guryihii la haystay 95% dadkii lahaa ayaa loo celiyay” buu yiri Cabdikaafi
Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle oo Saxaafada kula hadlayey xafiiskiisa ayaa tilmaamay in maamulka gobolka ay ka go’antahay iney keenaan wax walba oo ay faa’iido ugu jirto shacabka Soomaaliyeed sidaa darteedne shacabka looga baahanyahay iney ilaashadaan Nalalkaas oo uu sheegay iney yihiin hanti dadweyne isla markaane loogu danaeynayo shacabka Soomaaliyeed.
C/kaafi Hilowle ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacbka Soomaaliyeed iney maamulka kala shaqeeyaan soo celinta bilicda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ay ku hawlanyihiin maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya dowlada dhexe ee dalka, waxaana Muqdisho si xawli ah uga soconaya dib u soo nooleynta waxyaabihii lagu aqoon jiray inta aysan dhicin dagaaladii sokeeye ee dalka ragaadiyey.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho














waa arin lugu farxo waana ku mahadsanyahiin gobolka banaadir
shacabku waa in ay ilaa shadaan bilicdooda aduunka shicbiga ayaa ilaa shada danahooda somaliyeey ilaasho nabada iyo hantidaada