Maangal Ma Noqoneyso Laxow-jecleysiga Kismaayo. W/Q Dr. Said Issa Mohamud


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Maangal Ma Noqoneyso Laxow-jecleysiga Kismaayo
Dr. Said Issa Mohamud
saciidciise258@aol.com
Febraayo 25 2013

Dr. Saciid Ciise Maxamud Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

Marka aad odorostid colaadaha ka soo curanaya Kismaayo waxaa kuu muuqaneysa iney doorsoontay maankii hogaamin lahaa in xalka lagu gaaro si xalaala oo nabadgelyo leh, waxaadna is weydiineysa in Kismaayo ay ka maqneyd markii awood-qeybsiga dowlad-wadaaga laga unkayey Muqdisho. Waxaa sidoo kale sheeda kore kaaga muuqanaya in Itoobiya iyo Kenya oo adeegsanaya IGAD ay si xeeladeysan u qorsheeyeen iney gudoonsiiyaan Kismaayo beel ay dano gaara ka leeyihiin si tanaasulaad ay uga sameeyaan dhulalka ku maqan wadamadaas.Bariga, bartamaha iyo koofurta Soomaaliya waxey beesha caalamka u sameysay wadatashi gacan looga siinayo sidii ay uga bixi lahayeen nidaamka kmg-ka, una sameysan lahayeen dowlad rasmiya. Intii ay socdeen wadatashiga Soomaaliyeed ma jirin cid lagu qasbay qaadashada go’aamadii lagu soo dhisay dowlada dhexe, inkasto ay ku jireen dastuurka waxyaabo dhaliyey mugdi, taas oo heshiis looga gaarey in baarlamaanku turxaan bixiyo.

Awood-qeybsiga lagu saleeyey dowlad-wadaaga wuxuu ahaa mid lagu gaarey nidaamka habqeybsiga beelaha, inkasto qabiil wax ku qeybsiga uusan ahayn hab-dhaqan qaranimo, haddana waxgaradkii hindisayaasha bulshada caalamka kala shaqeynayey dib u dhiska dowlad-qaran ayaa hanaanka beel wax ku qeybsiga xal u arkay, taasna ay biday danta guud. wadashaqeynta odey dhaqameedyada, aqoonyahanada, iyo bulshada caalamka oo ay horkaceyso UNka waxey dhalisay dowlad lagu soo doortay madaxweyne, ra’isulwasaare, gudoonka baarlamaanka, iyo wakiilada baarlamaanka oo qaabka awood-qeybsiga lagu saleeyey beelnimo in lagu wadaago dowlada.

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogeen waxey kalsooni ku taageereen dowlad-wadaaga ay Soomaalidu u wada dhameyd, taasna waxey keentay in caalamku uu taageero oo aqoonsi iyo dhaqaalaba uu la garab istaago. Taas waxey meesha ka saartay in beel gaara iyada oo kaashaneysa shisheeyaha deriska ama kuwa ka fog ay awood xooga ku muquunsato danaheeda gaarka ah, iyada oo dhinac mareysa talada dowlada ay dhismaheeda wax ka qeybsatay.

Madaxda dowlada dhexe haddii lagu aamini waayo talada maamul kala shaqeynta degaanada Soomaaliyeed, taas macnaheedu waxey u muuqaneysa in dib loo soo nooleynayo nidaamka dagaal oogayaasha oo beel walba ay adeegsaneyso awoodeeda ciidan si ay xoog ugu muquuniso degaanada ay maamulidooda doonayaan. Kalsoonidarada ay tabaneyso beel wuxuu iman kara marka madaxda sare ee dowlada ay iska casilaan xilka ay u hayaan beeshooda ama ay walaac ka muujiyaan saamiga awood-qeybsiga maamulada dalka.

Wadanka taladiisa waxaa hogaaminaya dowlad uu horkacayo ra’isulwasaare kalsooni buuxdana ay siiyeen xildhibaanada baarlamaanka, isaga ayeyna masuuliyad ka saaran tahay in dowladiisu ay kala shaqeyso degaanada dalka sidii ay u sameysan lahayeen maamulo dowlada dhexe iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaan karaan. Maangal ma noqoneyso haddii madaxdii ku timid qeyb-wadaaga iyo baarlamaanka ay ku dhan tahay Soomaalida oo dhan in inta dadaalkooda la dhinac maro, lagu hamiyo in beel gaara ay xoog wax ku xalaaleysato.

Waxeysan ka fursaneyn in madaxda sare loo daayo dhismaha maamulada degaanka inta doorasho madaxbanaan laga gaarayo, awoodna loo siiyo iyaga iney talo mideysan ku gudoomiyaan maamul u sameynta gobolada, iyaga oo marka hore salka u dhigaya maamulka goboladii horay u jirey, dabadeedna kala shaqeynaya shacabka degaanka doonaya in ay goboladoodu midoobaan si ay u hirgeliyaan maamul-goboleedyo waaweyn.

Degaan kasta waxaa ka jira dad aragtidoodu u jeedo lahaanshaha degaanka, iyaga oo fikirkooda ku xalaaleysanaya qoraalo ay horay ugu qoreen shisheeyaha sida in shisheeyuhu uu bixiyo milkiyada lahaanshaha degaanka, tabtaasna ku doonaya dadka degaanka kula nool oo aysan ku jirin hamiga dhul doonka, iney qaxooti ku noqdaan degaankooda. Inta la xaqirayo iyo inta wax duudsiineysa intuba waxey gunta u galeen maskax qabyaaladeed oo dumineysa wixii wadatashi Soomaaliyeed lagu soo wadaagey. Hogaamiye beeleedyada ay taladoodu xuntahay waxaa u muuqda qumanaanta jidka ay ku dhumayaan, ka fiirsasho badana ma geliyaan waxyeelada ka dhalaneysa himiladooda dhalanteedka ah, xaalka Kismaayana waxey aragtidoodu u socotaa isbaheysi beeleed iyo xaniinyo ku cartan iney joogto.

Soomaalidu waxey ka toobad keentay in magaalooyinka waaweyn aysan noqon magaalo-madax beleed iyo in beel gaara ay maamulato dowlada degaanka. Waayoaragnimadii hore lagama dhaxlin waxaan ka ahayn dhiig badan oo daatay iyo shacabkii Soomaaliyeed oo ay kala firdhiyeen hogaamiyeyaal-beeleedyo oo qasadkoodu ahaa awood kelitalisnimo iney degaanada ku maamushaan. Haddaad u jaleecatid dhinaca Kismaayo marna hididiilo kuma gelineyso dagaalada ka soo curanaya iyo ciidanka beelaha ku hardamaya gacan ku haynta magaalada. Miyeysan ogsooneyn beelaha dagaalamaya ineysan keli ku ahayn magaalada, mise miyey hilmaameen iney ku dambeynayaan oo ay ku dhamaanayaan sida kuwii ka horeeyey xaalkoodu ku idlaaday. Waxaa kaloo isweydiin mudan dagaalka kuwa daaha gadaashiisa ka hurinaya, qeybna ka ah maamul-doonka miyeysan dareen walaaltinimo ama mid waxgaradnimo lahayn, mise dantoodu waa in nabada la waayo ama iyaga loo qoordhiibto.

Kismaayo waa magaalo Soomaaliyeed waana magaalo-madaxda degaanka Juba oo beelo Soomaaliyeed ay kuwada nool yihiin, sheegashada beelo gaara ay u xaglinayaan lahaanshaheeda waxey la mid tahay sahan rumeystay xareeda dhaan dabagaale. Waxaa madaxda sare iyo baarlamaankaba la isugu dhafay iney waxqabad dheelitiran ugu adeegaan dib u dhiska dalka, waxaana madaxdaas doorasho si kalsooni leh loogu siiyey iney wadanka dowladnimadiisa maamulaan, wixii ay ku saxan yihiin ama ku qaldan yihiin in uu baarlamaanku cod buuxa uu ku siiyo kalsooni ama ku diido. Wixii aan raacsaneyn maslaxda ay ka shaqeyneyso dowlada dhexe waxey u muuqaneysa mid hagardaameyneysa heshiiska lagu soo dhisay dowlad-wadaaga ka dhaqangashay Soomaaliya. Ma jirto cid uga haboon madaxda sare ee dowlada in loo daayo dadaalkooda inuu ka dhasho maamul ay aqoonsan tahay dowlada dhexe. Waxaa qiimo jab ku ah Soomaalinimada in IGAD, Kenya iyo Itoobiya ay casumaad u fidiyaan madaxda dowlada si marti goob joogayaala ay uga noqdaan maamul u sameynta Kismaayo.

Dr. Said Issa Mohamud
Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
saciidciise258@aol.com

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: ,

23 Responses for “Maangal Ma Noqoneyso Laxow-jecleysiga Kismaayo. W/Q Dr. Said Issa Mohamud”

  1. Qoraaga BEEN WAYNAA?? kulahaa”Soomaalidu waxey ka toobad keentay in magaalooyinka waaweyn aysan noqon magaalo-madax beleed iyo in beel gaara ay maamulato dowlada degaanka.”

    AQRISO Magacyada iyo Qabiilada Gudoomiyaasha Gobolka Banaadir

    Macalin Cabdulle Cali Hilowle Dharkeenley: Abgaal

    Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) Wadajir: Abgaal

    Muxudiin Xasan Jurus Yaqshiid : Abgaal

    C/laahi Xasan Xuseen CadiCasiis : Abgaal

    Axmed Meyre Makaraan (Faal} Waabari: Abgaal

    Daa’uud Cabdala Maxamed Shibis : Abgaal

    Cali Calasow Xasan Kaaraan : Abgaal

    C/laahi Xirsi Wardheere (Istakiin) Boondheere: Abgaal

    Cabdi Maxamed Warsame (Dhabaney) Hodan: Habar Gidir

    Maxamed Cali Axmed Xamar Jajab: Habar Gidir

    C/laahi Ibraahim Sahal Gardhuub Xamar Weyne: Habar Gidir

    Deeqa C/qaadir Axmed Wardhiigley: Habar Gidir

    Cumer C/lle Axmed Jacfaan Hiliwaa Duduble.

    Maxamed Abuur Cali (Jacfar) Howlwadaag : Murusade

    Daahir Xasan Xuseen Dayniile: Murusade

    Cali Cumar Abuukar “Cali Xamari” Shangaani; Reer Xamar

    QORAALKAAGA sxb waxaa ka muuqda QABYAALAD XUN OO XUN OO QURUNTEY,, horey beyna somalida u tiri, QOF walba muuqiisa iyo haalkiisa waa isku egyihiin, dharka iyo jaakaduhuna qofka qof kama dhigaan.

  2. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,
    Waa mahasantahay Dr. Saciid, maqaalkaan, waana dhab waxa aad ka hadashay, oo aan boqolkiiba booql kugu raacsanahay, aad ayuu maqaalkaan xaqiiqda uga dhow yahay kaagii hore (Somaliland, Waqooyi Galbeed ku saabsanaan, kkkkk)

    Waa sax in hadii Dowlada Somaliyeed oo qabiil kasta ku jira, laguna saleeyay Shanta qabiil oo dhan, in Dowlada Somaliyeed looga dambeeyaa maareeynta iyo hagaajinta maamulada dalka, ayadoo dadka deegaanka isku keenidiisa iyo mideeyntooda ka shaqeeyneeysa.

    Mushkilada ayaa laakiin waxeey tahay maamulka Waqooyi Bari, ee Garoowe, oo uu horboodaya qaswade qabqable qabiil Faroole, iyaga oo Dowlada ka mid ah, lugtana ku walaaqaya, oo raba in eey isbaaro u dhigto Dowlad kasta oo kasoo baxda dalka Somaliyeed. Sidoo kale, waxaan meesha ka marneeyn, oo wali aamusan caqabada ka imaan doonta maamulka kale ee qabiilka ku dhisan ee Waqooyi Galbeed, Somaliland.

    Waxaa muhiim ah hadii eeysan horay u fahamsaneeyn labadaan maamul beeleed ee Hargeeysa iyo Garoowe, in eey hada fahmaan lug gooyada iyo isbaarada eey dadka Somaliyeed ku hayaan. Isbaaradaas dowlad diidka ah oo labadaan eey noqdeen labadii ugu horeeyay ee Dowladii hore ee Mohamed Siyaad Bare (Allaha u naxariistee) biyaha hoostiisa ka aragtay, qatarta eey ku yihiin jiritaanka qaranka Somaliyeed. Waxaa cajiib ah, labadan sida eey kadib bur burkii Dowlada dhexe u noqdeen kuwii ugu horeeyay ee maamul beeleed dhista. Misana waxeey hada iyo in muda ah ku dadaalayeen in caqabadaha iyo isbaarooyinka siyaasadeed eey inta sii badiyaan (maamul beeleedyo kale oo tira badan) eey meeshaas ku fashiliyaan jiritaanka iyo midnimada dadka Somaliyeed. Waa in dadka Somaliyeed eey si fiican arrinkaan aan ka hadlayo hoos ugu sii fiiriyaan.

    Somalia is one nation under God, indivisible, with justice and liberty for all it’s citizens in the 18 regions of the Somali republic. God bless Somalia.

  3. Samsam says:

    IGAD & AMSIOM waa dadka xamartan aad ka soo aflagaadeynaysid idinku haya doofaar yahow caqli lix saac…

  4. Cadaado says:

    @Yaab iyo Amakaag, munaafaq ayaad tahay, sababtoo ah, dadka aad meeshaan kusoo qortay ma dhahaan, mana ku doodaan in eey Mogadisho ayaga kaliya leeyihiin, Caasimadana dadka oo dhan ayaa ku nool. Mar dhowna waad arki doontaa ayada oo Dowlada dhexe sida eey rabto u kala badaleeyso gudoomiyayaashan oo ah kuwa ka haray dagaaladii ahliga iyo waqtigii dowlad la’aanta. Dadka Somaliyeed oo xalaasha ahna, waxba kama qabi doonaan, xataa hadii 17 gudoomiyayaasha degmooyinka eey Dowlada u magacowda dad kasoo jeeda beesha Ra’iisalwasaaraha, amaba beelaha kale ee xalaasha ah ee Somaliyeed. Taasna waa Ilaaheey mahadiis iyo dadaal dheeraa oo loo galay dib u heshiisinta. Waa kalsooni lagu qabo dadkaas.

    Waxa kaliya oo aanan raali ka aheeyn, cadaaladna ahaan doonin in mahbar dabadhilif ah oo maskaxda qaswade Faroole oo kale ah wax xil ah looga dhiibo Kismaayo, amba Mogadisho amaba meel kale. Ilaa aad habdhaqankiina munaafaqada ah wax ka badaleeysaan.Gdo bless Somalia

  5. Jama says:

    Saaxiib waxba ha qorin hadii aadan wax la
    Socon fadlan hadii ay kaatahay qabyaalad
    Max aad ulayaabaysaa Kuwa kale.
    Laakiin markaad wax qorayso hadii aad jigo
    Kuraadinayso Xassan Shiikh wax ma akhriyo.
    Taas badal keedda waxaad Waatay eed aadan
    Adigu lahayn waxmagarto matihid laakiin,
    Waad ka agdhowdahay.
    Anigu xataa magacaaga ma fiirin because
    Rabo in aan ku barto allready I know you.
    Waxa aad tahay fikirkaaga gaban.

  6. Sanaag & Haylaan says:

    Kismaayo waa lawada degaa, hal qabiil kaliya ma dego, hadii asal ahaan laga hadlayo, yaa loogu yimid, dee waa Baajuuni.

    Ee dad xaqa jecel ma nahay, oo ma u ogalnahay in Gudoomiyaha Kismaayo noo noqdo Baajuuni??

    Taasi ha layswiidiiyo!

  7. Muwaadin says:

    Meesha caadifad qabiil loogama baahna. Haddaad wax fahmeyso qoraalkii qashinka ahaa ee kanoo kale ahaa ee aad horey u soo qortay wixii kaa raacay waad ogeyd. Adeer wax kale kuuma harsana is-qaawi markan oo intaad dharka tuurto waxaad tiraahdaa ” Kismaayo ilmo adeeraday in ay xaaraan ku heystaan ayaa loo diidayeeeeeeeeeeeeeeey”.
    Kismaayo dadkii lahaa waa joogaan, ciddii nabad doonaysa in ay ugu noolaato-na waa lasoo dhaweynayaa laakiin waa dhammaatay caqli xumada kugu jirta in ay mar dambe shaqeyso. Haddaad ka carooneyso in Kenya ay la shaqeyso ciidamada Kismaayo jooga, Burundi, Ugandha, Nigeria, Siraliyoon iyo kabadan waa kula joogaan sidii ay doonaana kaa yeelaan. Marka Kenya keliya hadda waaba ka gudbeynaa waa in aad dowlado kale oo Afrikaan ah keennaa Kismaayo si awoodda afrikaanka ah ee Muqdisho joogta & kuwa kismaayo joogaa isu dheeli tirmaan.

  8. habargidir says:

    war aan heshiino ee yaanan internetka la iska dhex caayin
    anagoon is caayin is aflagaadeeyn baan qaladaadkeena isku sheegi karnaa
    marka ilma adeerayaaloow aan wax iskula harno iska celi un kuma jirikarnee
    dad kala adagna manihine dad saas ukala fogna manihine in kastoo aad baantuu nagu sheegtaan
    taas oo aan wax dhib ah lahay maalinkasta sida dhoocilo yaryar internetka iskama dhex caayi karnee
    war aan heshiino aan heshiino aan heshiino wixii dhacay anagaa dhabarka u rogonaynee mar un aan heshiino oo aan doqonmadaan nadilootay iska dhaafno oo aan doqon meel wax kusoo qoray ujawaabtaan iska dhaafno mahadsanidiin walaalayaal.

  9. habargidir says:

    sxbkay cadaado adigoo iga raali ah fadlan majoojin kartaa eedeynta dadka kale
    dad un bay kacaraysiinaysaa nacaybna wey sii kordhinaysaa marka sxb kubada dhulka dhig

  10. Hassan says:

    Was fikrad aad u fiican Lakiin waxaan moodaa inay Hal magaalo kahad layso waxayna u Baahantahay dhamaan meel kastasta oo soomaaliya. Kamid ah inaan lakala lahayn am Ahan in qoraaaladu dadka lagu siyaasadeeyo

  11. wadaad yare says:

    Qoraagu maqaal aan turxaan laheyn ayuu qorey waana ku mahadsanyahey.Laakiin mararka qaar siyaasaddu sax iyo qalad kuma shaqeysee xoogga ayaa qalad iyo saxba socodsiiya oo saxdiina saxnimadeeda dadka fahamsiiya, qaladkiina sax ka dhiga.

    Arrinta Kismaayood waa arrin is dulsaaran oo lakabyo badan oo haddii xal laga gaarana soo dhoweyneysa xalka soomaali oo dhan, haddii lagu fashilmana sii kala fogeyneysa soomaalida.

    Arrintu qori qori ku taag ayey ku socotaa,dhammaanteenna ookiyaale qabiil ayaan ku aqrineynaa xaaladda Kismaayo.

    Is mari waagaas yaa nooga gar naqaya oo nasoo kala dhex galaya?

    Dowladdii iyo ha,adeheedi dadbaan kalsooni ku qabin oon diyaar u aheyn iney gar u dhigtaan. Igadna inta badan soomaalidu kuma kalsoona oo gar uma dhiganeyso.

    See is mari waagaas lagu xallin karaa oo xal looga gaari karaa? Yaa loo gar dhiibtaa??

  12. Qoono , says:

    Allaa ilehe caqliga saliimka ah ayaa sidaas ah.
    Dr ,Sicid ;halna ogow dadku waa labo kuwo
    Ibliisku wax u sheego & kuwo alle wanaaga
    Tuso, waxaana sharbadan kuwaan ibliisku wax
    U sheego *ayagoo ku qaylinaaya xaqaa reer hebel
    Ka maqan asigoo raba inuu wax ku helo midaas
    Aanan qanci karin ilaa uu dad somaliyeed isku
    Laayo ,xitaa hadii ay lagasho cadawga dalka
    Adeegsanaaya ,laakiin hadii ay shacabka ka
    Feejignaadaan,waa. Iney ogaadaan shaqsi dan
    Leh,inaan la daba fadhiisan oo dowladii la doortey
    Talada looga dambeeyo,somali hadii ay heshiineeyso
    22 sano ayey ku heshiinlahayd,mana filaayo
    Madaxda maanta joogta.is qabsqabsi joogta ah
    Kan magacyada soo qoraya,hadii la weydiiyo
    Garowe & boosaaso ama hargeysa ha noo keeno
    Magacyada dadka xukuma xadafadahaas,

  13. Nin duqobey iyo wiil yar baa loo dadaa hadal says:

    Horta waan salamaya dhamaan akhrista yaasha. waxaan jawaabo kooban ka bixinayaa qoraalkaan uu qorey ninka la baxey siad Isse.

    1. Horta marka ugu horeysa bilowga qoraalka wuxuu ku sheegay in Dowlada hadda jirta ay wada dhisteyn dadka dagan gobolada koonfurta, bartamaha iyo Bariga Somalia, wuxuu mesha ka saarey dadka dagan gobolada Waqooyi bari marka ma waxey ka tahey aqoon daro mise wuxuuu aamin sanyahey wax dad badan oo reer koonfur ah ay aaminsanyihiin oo ah in maamulka Waqooyo bari laga gooyo Somalia?
    2. wuxuu sheegay in Kismaanyo dad gaar ah ay rabaan in ay maamul u sameeyaan, arrintaasu waa been iyo jiro uu qabo qoraagu, dadka Kismaanyo iyo Jubbaland maamulka u semaynaya waa kuwa dagan qabiil gaar ah ma ahan ee waa beelaha wada daga goboladaas, ciddii aan meesha deegaan ku lahayna hadda cidna waxba kama waydiineyso
    3. wuxuu sheegay in beel gaar ah oo ay Eithopia iyo Kenya hashiis la gashey oo kula heshiiyay in wadamadaas loo daayo dhulkii ku maqnaa ay rabaan in ay Kismaanyo maamul u sameeyaan ayaga oo taageero ka helaya wadamada daris ka ah. horta taas waa arrin Loogiga ka fog oo been ah, beesha uu sheegayna waa naqaan ama waan garan karnaaba, wixii Somali wayn u raadinayay uma dhiigooda u daad she waa Beesha uu sheegayo, dhulka maqana ayaga ayaa dagan hadde nina dhulkiisa waxba kuma bnadasho. tankale ma dadka dagan koonfurta yaa gaga kaga laxow badan dhulka maqan kuwa dagan waa suaal. waxaan taas daliil kuugu filan taariikhada intii dagaal xornima doon ahaa oo dhan waxaa hogaaminayay ama ku gaar ahaa beesha uu qoraagu sheegay fiiri taariikhda ( ilaa Axmed Gurey 1510 1625, Sayidkii 1901 ilaa 1923, ilaa dowladii Kacaanka aheyd) yay ahaayen dadki la dagaalamayay gumeysiga? suaashaas jawaabteeda waxaan ka rabnaa qoraaga/
    4. wuxuu sheegay in lagu kalsoonaado dowladda dhexe, hade haddii cadaaladaro jirto laguma kalsoonaan karo Xasan Shikh, sababta oo ah wuxuu baal marey dastuurkii iyo wuxuu lagu heshiiyay oo dhan. waxaanse qoraaga waydiinaynaa Marki dadka dagan hadda Xamar iyo gobolada dhexe ay ku hadaagayayn MUQAAWAMO oo ay la dirirayan dowladdii ugu horeysay ee Somalia ka hirgasha kacaankiii ka dib ee oo hogaaminayay C/laahi Yusuf maxaa ka maqnaa reer koonfurka maxeysa ka helayn dagaalkii, maxeysa maalintaas ugu kalsoonaan waynaayeen dowladdii Somaliyeed ee ayagy u badnaayan ee uu Raisal wasaaraha ka ahaa CALI GEEDI.
    5. qoraagu wuxuu sheegay in magaalooyinka Somalia aan la kala laheyn, bal waxaan waydiinaynaa Caasimaddii dadka ka dhexeysey meeday, yaa haysta, dadka maanta ma ka dhaxeysaa?, yaa maamulaha, guryihii iyo hantidii taaley ee Somali ka dhaxeysey , soo reer gaar ah kuma habsan, oo xattaa haddii ay ku intifaaci lahaayan wax dhan bay ahaan laheyde soo bililiqo iyo xaar kala ma aysan daalin? Jowhar oo dadka badan oo somali ah ka dhaxeysay meeday, soo beel gaar ah kuma habsam. Ma cidbaa Badladwayne ku haysta reeraha dagan, maxaa Kismaanyo afka loogu hayaa, Caasumaddii labaad ee dalka meeday Hargeysa, so reer gaar ah ma dagan inkasta oo aysan gurihii biliqayxsan kuna xaarin sida kuwa xamar qabsadey oo kale, balse ay ku intifaacayn.
    6. fadlan, dastuurka akhri haddii aad ku kalsontahey, waxaa ku qoran dadku ayaga ayaa maamulkooda dhisayana dowladuna way caawinaysa, marka dowladaan NGO ah cidna wax u dhisi mayso, ee xamar ha ka adkaado maamulkeeda, dakadda Xamar ISBAAROOYINKA yaalna ka ka qaado intaas baa tusaale kuugu filan haddii aad tahey qof wax garanaya Kismaanya iska daa dadkii lahaa baa u tashanayee

  14. geed_jicibeed, says:

    Cadaado,walaalkiis,nin dhagool ah,ayaa waxaa lagu xukumay gardaro.
    laakiin gartii ayuu qaatey,oo waxa uu yiri inaaan gardaranahay,waxaan
    ku fahmey,dadkoo dhan ayaa isoo wada fiiriyey,waa sidaad sheegtey.
    hadii laa laabka,iyo is daba marinta ama afxumada,wadanimo la aanta
    iyo cadaalad darada,ay ka tanaasuli lahaayeen faroole iyo dadkiisu
    Maanta sidii la rabo ayaa loo aamini lahaay,,,,,,,,,,,waana wax jira
    laakiin niman raba iney isuku fiirsadaan maseyrkii ummada somaliyeed.
    hadii ay waayaana ,cadowgii dalka ku soo hogaaminaaya,sidii lagu aaminaa>????

  15. xaqiiqyahan says:

    ASC mr cadaado: waxaan ku dhihi lahaa ka waran meesha aad magaceeda sidatid ee leh wax aan biyo cab xataa la wadaagayo ma jirto alha ka dhigee midka aan deegaan iyo dhalasho wadaagba aan nahay mase iswaydiisay waxa xaalku halkaa idinkaga gaarey, waana dhibaato marka aad arinka aan kor ku xusay iswaydiiso oo aad garan waydo,sababtoo ah waa arkaa waxba iskama kaa badalin sidaad ahaydeen ilaa 1991kii, waxaana cadaynaya sida faalada u bixinaayso iyo sida aykaaga hari la dahay xaraantii gashay dhiigaaga kuuna dalacsiiyay waxa la yiraahdo “XASAD” oo aadan qofna wax wanaag ah aadan uhayn adigiina aadan isugu hayn, ogowna marka qofku gaaro in uu ummad ilaah uuntay iska caayo cudur uu qabo dartiis marka xaalku waa “TB QAB OO HIV” ha kuugu darsamo waana wax ilaah laga magan galo.

  16. same says:

    Aryaa xaad karabtaa gudoomiyaasha xamar loo magacaabay xaad uga masayrsantay mataydana anaa leh taadana kulalihiyaa? yaa garawe kugu haysta arooy isku xishooda dhulkana intaad degantihiin iimaansada waxaad rabtaan heli maydiin hadaad se diidaan arooy tani waa istaqaan kkkkkkkkkkkkkk
    waxaan kuqoslay xaan kacabsaa in ayshaqadii aan ka duqawnay dib noogu ceshaan kkk oo xataa kenya ladhaafo

  17. Cadaado says:

    @Sanaag & Haylaan, waan kugu raacsanahay walaal, Somalida kale, nooceey doonaan ha ahaadaanee, Kismaayo waqtiyo kala duwan ayeey yimaadeen, marka hadii Baajuunta loogu yimaaday, maa ayaga Gudoomiyaha Kismaayo laga dhigo? Meel fiican ayaad ka abaartay. thanks

    @Habargidir, walaal, ma waxaad leedahay mahbarka Faroole oo aan ku dhaaran karno in eey problem ka Somaliya yihiin, halaga aamuso? Oo yaan wax laga sheegin? Sidee beey taas u kaalmeeyneeysaa wanaaga badan iyo waanada aad nasiisay? Sidee baa hadii aan meesha wax iska diidanyihiin dadka loo sheegin wax u hagaagayaan?

    @Wadaadyare, dadka aad sheegtay, oo dowlada ku kalsooneeyn, garna aan u dhiganeeyn, sidee beey Dowladaba uga sii mid yihiin? Sidee beey qeeyb uga yihiin Dowlad eeysan aqoonsaneeyn, oo eeysan ixtiraameeyn? Aniga waxeey ila tahay, taas waa munaafaqnimada aan ka hadlayo. Waxii raali ka noqdana in dad wax duminaya madaxa loo salaaxa, dulmiga ayeey taageeraan, waligoodna xal ma helayaan.

  18. Ali Soomali says:

    Anigu ninkan warkiisa xiisa iima hayo, mana akhrinin maqaalkiisa waayo Soomalida waxay tiraahdaa ” aw dammeera wadow warkaaga waakaa soo horeeyey” nin ku andacoonayey Soomali ha lakala googooyo Soomalida waqooyi inay go’aan halagu abaal mariyo sidee buu gobol kale uga hadli karaa, qadiyadda Soomaliyeed maxay ku kala duwan yihiin gobolka Jubbada hoose iyo Gobolka Waqooyi galbeed? waxaan maqaalkiisa akhrin doonaa markuu apology uu ka bixiyo qoraalkiisi hore ee meel uga dhacay qaranimada iyo midnimada Soomaliyeed.

  19. Cadaado says:

    @Geed_jicibeed, walaalkiis, kkkkkk, Walaahi waa xigmad sheekada aad noo sheegtay ee ninka dhagoolka ahaa oo yiri garta waa la’iga helay sababtoo ah waxaan arkay dadkoo dhan oo isoo fiirinaya. kkkkkk.

    Waa run in qaswade Faroole iyo dhamaan taageerayaashiisa eey u baahan yihiin in dhagaha iyo indhaha loogu furo, dhaqan celin, iyo in la baro seminars lagu barayo waxa la yiraahdo wadaninimo, wadan jaceeyl, iyo Somalinimo. Koorsooyinkaas markii eey kasoo qalinjabiyaan kaliya ayaa lagu aamini karaa masiirka dadka Somaliyeed iyo xil culus. kkkk.

    @xaqiiqyahan, walaal, magaalada aan magaceeda wato, dadka ayagaaba buufis ka qaba maahanee, bal wareeyso qof maray, amaba ku hoyday. Waa meel dadka Somaliyeed kuligood la leeyahay kusoo dhawaada magaaladiinii, lagaama laha, lagugumana xadgudbi karo. Wax in aan dadka dariska la wadaagno iska dhaafee, xataa Somali oo dhan ayaan rabnaa in aan nabad iyo walaalnimo kula noolaano, dalka iyo waxyaabo badan oo naga dhaxeeyana aan dadka Somaliyeed walaalnimo ugu wada noolaano, uguna wada adaagno. Marka, please, bal soo baar taas. God bless Somalia

  20. Cusmaan says:

    Maxey kaa sameeyeen ogaadeen, maxaa kaaa galay kismaayo, mooryaantu caqligooduba waa isbaaaro, that mentality of yours waxaat ka dhaxashey aabahaa iyo adeeradaa, and you will continue and be just like them, and we will continue to put you down, as all somalis do untill you smarten up because that is the least we can do for you, caqli mooryaan waaxid is nacay,,..

    Did you forget you had mogadisho in your hands for the last 22 years and you turn in to qashin, indhahaagoo shan ah ayaa reer somaliland iyo puntland idin dhaafeen dhankasta, and now you are scared jubaland is about to pass you and for that reason, your kind came up with what they do best, ISBAARO, in otherwords road block,Lol, yaa idinka yeelaya oo idinka liita, war boorka is ka jafa waad liidataane kuna mashquula deegaanadiina,,,…

  21. gaalo lagad says:

    arinta kismaayo aniga waxan qabaa beelaha dagan oodhan in meel laisugu keeno kadibna ey aayahoda katashadaan lakin ma ahan in halqabiil oo marna itoobiyan iskasoodhiga marna kenya lashaqeeya oo ilaakuwa kabaha ucaseeya ey yihiin ogaaden ayaa hada kasoonida inlasiiyey oo gaaladiin eylashaqeynayeen kahelen hada raba in dadkiis asal lahaa dhulka kadhacaan halaga digtoonado oo dowlad ayaa wadanka kajirta ayada halaga dambeeyo wabilahi towfiiq

  22. fowsiyo says says:

    war kan wax ha qorina dhuuni qaataha dr na ma aha waa la yaqaanaa kala garan la dadka oo igad iyo dadka dariska ah afka la galaaya meesha sida wax loo qoro ku barbaranaayaa suaal igad iyo dowladaha dariska markay kaa caawinayeen dhisida dowlada ,nabadgelyada iyo amason waxay ahaayeen dad wax kuu taraya oo ku caawina laakiin markay rabaan inay dowlad goboleedyada kaa caawiyaan waxay leeyihiin dano gaar ah miyaa kala baranay beenta iyo runtiina fadlan meelo kale ku barbaro sida wax loo qoro xisbigana ha ceebeen dadoow barasho geeloow rarasho wbt

  23. Abdi says:

    Cadaado wa ceeb in aad cayso, mas uul somali
    Oo mamulo deegaan nabad iyo kale denben leh
    Ku dayasho bu mudan yahay.

    Cadoodo hadaa Caqli heyso mide deganada hobyo iyo cadado.

Leave a Reply