Madaxweynaha Kenya Oo Sheegay Inuu Guuleystay Hadafkii Ay Gudaha Soomaaliya u Galeen
Nairobi(RBC Radio) Madaxweynaha wadanka Kenya Mwai Kibaki ayaa sheegay in hadafkii ciidamada Kenya ay usoo galeen dalka Somaaliya ay gaareen isagoona tilmaamay in ciidamada Kenya eek u sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo Saraakiisha horkacaya ay dhamaantood mudan yihiin abaal marin ku saabsan shqada wanaagsan ee ay ka qabteen gudaha dalka Soomaaliya oo ay kula dagaalameen ururka alshabaab.
Madaxweynaha Kenya ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya ay wax badan u qabteen Shacabka Soomaaliyeed isla markaane ay dhabarka ka jabsheen dagaalyahanada alshabaab oo sida uu sheegay caqabad ku ahaa nabad ka dhalata dalka Soomaaliya sida uu sheegay wuxuuna amaan ballaaran kala dul dhacay askartiisa hawlgalka ka wada gudaha Soomaaliya.
Mwai Kibai ayaa ku booriyey ciidamada Kenya eek u sugan Soomaaliya iney hagaajiyaan la dhaqanka dadka Soomaaliyeed isla markaane ay ka fogaadaan waxyeeleynta shacabka iyo wax walba oo dhaawici kara sharafta dalka Kenya,wuxuuna tibaaxay in dhawaan bedel lagu samayn doono ciidamada Kenya ee dagaalka ka wada dalka Soomaaliya kuwaas oo dib loogu celin dooono dalkaas.
Kenya ayaa Soomaaliya si iskeed ah usoo gashay ciida Soomaaliya iyada oo ku andocoonaysa iney la dagalameyso alshabaab ooay ku eedeysay iney afduub u geystaan dalxiisayaasha ajaanibta ah ee dalkeeda ku sgan isla markaane ay Qatar muuqata ku yihin amaanka gudaha wadankeeda,Ciidanka Kenya oo dagaal adag la galaya shabaab ayaa markii danbe ku biiray ciidamada nabada ilaalinta Amisom ee ka socda midowga Afrika,waxaana lagu eedeeya ciidanka Kenya iney ka gudbeen shaqadii loo igmaday oo ahayd nabad ilaalin iyo nabad dhalin balse ay faraha la galeen arimaha mamul u samaynta gobolada Jubooyinka.
RBC Radi
Xafiiska Wararka Muqdish














amarla aan baad dhulkeena ku so gasheen amarla aan baad shabkeena ku xasuuqten lakiin one day is weyn one day waa balan inaad eday
Kibaaki Huuraale waxba yuusan anaga noo sheegine surwaalka googarada u eg ee maalin walba macsharka oga dhacaya ha ceshado. kkkkkkkk Nacallaa kula duluc weynaada najaas foolxun.
Waxa aad daldalayso orod Faarax Macalin iyo beesha aad gumeysato u sheeg, annagu xor baannu nahay wadankanaga maamul aad u sameysid iska daaye kii horaa lagaa soo celinayaa. Balo kula faruuryo weynaatay, foolxumadiina ma dad cunimuu ku darsaday kkkkkkkk
Waxaa iigu daran kuwa dumarkooda iyo dhallaankooda maalin walba Gaarisa lagu silcinayo oo la kufsanayo oo la xasuuqayo oo intay dhulka soomaaliyeed ku lahaayeen barna amxaaradu ku gumeysanayso barna kikuuyadu ku gumaysanayso oo hadana dhul Soomaaliyeed oo aysan waxba ku laheyn kusoo qamaamaya. Jubooyinkaan wax ka dagnaa kadaa kidaa wakadaa!
Soomaaliyeey u sheega kuwaas in dhulka Soomaaliyeed qaybtay ku lahaayeen ay itoobiya iyo kenya la hoosgaleen oo lagu gumeysto oo uusan dhulkaan waxba ugu harin.
Faroole waydiiya hadaad moodeen in aan qoomkaan been ka sheegayo; wuxuu yiri, “War kuwaanu af soomali ay Soomaali ku jaajuusaan unbay yaqaanaan ee Soomaaliya wax degaan ah kuma leh” Waa runtiis ileen Jaajuusiintu way isyaqaanaane kkkkkkkkk Ileen Jaajuus uma dhuunto Jaajuus kale kkkkkk
Mudane Ali food nin adag baa tahay.kkk xikmad baa soo riday Aleelabe.