Madaxweynaha Puntland oo Ka Codsaday Iney ka Diktoonaadaan Beesha Uu Kasoo Jeeday AUN Suldaan Muuse Onkod Marin Habaabinta Beenta ah.!!!


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Madaxweye Faroole oo Isku dhac ka digay

Boosaaso[RBC Radio] Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Faroole oo ka hadlay dil maanta magaalada Boosaaso loogu geystay Suldaan Muuse Onkod ayaa sheegay ay ka danbeeyaan dad nabad- diid ah.

Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Faroole oo Saxaafadda gudaha la hadlay dilka Suldaanka ka dib ayaa uga Tacsiyeeyey Qoyska,Qaraabada ,Ehelkii uu ka dhintay,wuxuuna EEBE uga baryey Janadii Fardowsa ka waraabiyo.

…”"” Bismilaahi raxmaani raxamiin,waxaa la isoo gaarsiiyey in maanta magaalada Boosaaso gacan ka Xaqdarani ay ku disahay Suldaan Muuse Faarax Muuse”Onkod”,oo kamid ah Salaadiinta reer Puntland…”"”ayuu yiri.

Madaxweynuhu,waxa uu sheegay inaan weli gacanta lagu dhigin kooxdii dishay AUN Suldaan Muuse Faarax Muuse Onkod,sida laamaha amnigu u sheegeena lagu raad-joogo,dhawaana sida ugu dhakhsiyaha badan gacanta lagu soo qaban doono.

…”"” Gacan ka Xaqdaran baa dishay,gacan ku dhiiglayaashiina weli gacanta laguma dhigin sida la isoo sheegayona in raad la hayo,..”"”ayuu yiri Faroole.

Waxa uu intaas ku daray Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole in AUN Suldaan Muuse Onkod uu dilka loo geystay la wadaago Birmageedo badan oo lagu laayey deegaanada Puntland ayna kuwa laynaayeyna ahaayeen kuwa gacan ku dhiiglayaal ah.

…”"” Geerida naxdinta leh oo gacan ka Xaqdarani ay ku dishay isagoo taas la wadaaga bir mageydo badan oo lagu laayey deegaanada Puntland oo ay ku laayeen dad wadankan ka wada khakhal iyo nabadgelyo xumo oo ay hormuud ka yihiin kuwa Maamul diidka ah,kuwa gacan ku dhiiglayaasha ah,..”"”ayuu yiri mar kale.

Baaqa Beesha uu Kasoo Jeeday.

Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole,wuxuu baaq degdeg ah u diray beesha uu kasoo Jeeday AUN Suldaan Muuse Faarax Muuse Onkod,isagoona ka codsaday ka tiktoonaadaan majara habaabinta kuwa dilka geystay.

…”"”Dadka uu ka tirsanyahay oo Suldaanka u ahaaba iney ka digtoonaadaan majara habaabinta ay gacan ku dhiigalayaashu mar kasta sameeyaan markey qof bir-mageyda ah dilaan ay yiraahdaan waxaasaa dilay.reer hebel baa dilay.Ciidan baa dilay…”"ayuu yiri Faroole.

Mudada baaritaanka dilka AUN Suldaan Muuse Onkod la wado lana Cadeynaayo ayuu Madaxweynuhu codsaday in  Iimaan la yeesho EEBANA inaga samirsiiyo Suldaanka.

AUN Suldaan Muuse Faarax Muuse”"Muuse Onkod”" ayaa maanta kooxo hubaysan ku dileen kasoo horjeedka meel aan ka fogeyn Xarunta dawladda hoose ee Boosaaso,waxaana weli soconaya baaritaan ay wadaan Ciidamada Booliska.

______________________________

RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

23 Responses for “Madaxweynaha Puntland oo Ka Codsaday Iney ka Diktoonaadaan Beesha Uu Kasoo Jeeday AUN Suldaan Muuse Onkod Marin Habaabinta Beenta ah.!!!”

  1. Qoono; says:

    Faroole oo aragtidiisu ayan dhaafsiisneyn
    Nin baaquli madaxa ugu jiro oo arka kaliya
    Inta u dhaxaysa baaquligaas & indhihiisa
    Ayaa waxa uu arki waayey ummadii somaliyeed
    Oo odey & aqoonyahan lahayd ee sidaas oo kale
    Loo diley qirey oo kaliya suldaan muuse kaliya
    Waxay ku tusuaysaa aragtidiisa gaaban & heerka
    Uu mar walba ka hadlo oo ah isku soofeeyn
    Ummada soomaaliyeed ,reer puntland allaha
    Ka dulqaado dadka noocaas ah sidiiba alle uga
    Dulqaadey kuwii la midka ahaa sida warlordii
    Kunoolaa isku dirka ummada somaliyeed .

  2. BARDACAD says:

    WAA LA OGYAHAY CIDA SULDAAMADA DILEYSA WAANA CIDII AYAAMAHANBAXIRI JIRTAY

  3. faroole war ar maad adiga kadan baysay waa maxay Beesho ha is dajiso waa yaab?

  4. beelaha puntland may ilaa shadaa isimadooda waa ladilay oo waa ladilay ee may ku cibro qaataan

    oo isimadooda ka ilaa shadaan a shahaado la dirirka iyo alshabaab ka iyo faroole way wada socdaan intaas ba waa u cul ee ka waan tooba oo ilaa shada wax garad kiina hadii ka le maalinba isin soo xabaala ileen dadnimo ma lihidin aad ku waar di yay sa taan wax ga radkiin

  5. ahmed says:

    faroole baa dilay suldaanka allaha u naxariiste

  6. Hanad says:

    Allaha u naxariisto suldaanka, samir iyo imaan allaha ka siiyo eheladiisa iyo dhamaan shacabka nabada jecel ee reer puntland…

  7. Rako says:

    Salama caleykum Kuwii dailay suldaaankabsidan loogama harayo saan soi qabanaynaa tiirka avaan geenitynaa, waa lagu daba jiraa amaaanka puntlan waa muqadis .

  8. abdiqani says:

    inaa li laahi wa inaa ilehi rajacoo allah unaxaristo asaga iyo intii islama ah

  9. jamaal says:

    Asc sln ka dib alle ha u naxaristo suldanka la dilay wana u tacsiyeynaya umada somaliyed na ha iska qabato kuwa nadab diidka ah intaas hadan uga baxo waxan jeclan lahaa meshan in 1su’aal weydiiyo wiilasha bogan fikradahooda ka dhibta gaar ahaan kuwii difaacay gudomiyaha gobalada waqooyi bari ee somaliya ninka la dhaho FAROOLE QASWADE. Hada wuxuu leyahay yaan loo nisbeyn dilka suldaanka qabiil hebel malin dhoweyd na wuxu ku soo hal qabsaday wixi somaliya ka dhacay 1991 in ey hal qab iil ka danbeysay marka su’aasha isweydiinta u bahan waxey tahay FAROOLE xusuus malahan miyaa?? Shegadiisa u egaa mahmaahdii somaliyeed ee eheyd ALIF WAXMALEH IYO WUULeYAHAY? Marka somaliyeey bal ma ila aragtaan odaygaan istaaga ka dhacay waxan leyahay dowlada somaliyed halala shaqeyo ee hala iska dhaafo nin malin ba hadal ku hadlayo oo aan la aqoon in uu cafimad qabo mahadsanidin viva somalia

  10. Calidhuh says:

    Allaah ha u naxariisto ehelkiisana samir iyo iimaan ha kasiiyo.

  11. faisa says:

    jamaalow ma kuwa dad laayaa tahay, maxaad uga soo horjeedaa dr.faroole. sidaad ogtahay dr,faroole wuxuu shaqo kaqabtaa wax magaradka iyo kuwa dadka laaya ee jahiliinta ah.

  12. QAR says:

    yaw uyahaya madaxawayne doqon faloole wan ka yabanahay

  13. yaaaaaaaaaaaaaa dilay odayka

  14. yaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa

  15. dr xuluuliye says:

    Faroole maalin ba maalinta ka danbaysa wuu ka dii darayaa. Maanta ayuu yidhi xisbi baa i doortay isaga iyo afartii tuug ee kula shirkoobay boobka umada. Puntland bad baado dhab ah ayay u baahantahsyy

  16. Mahdi says:

    Suldaanka waxaa dillay waa layaqaan.

  17. Haashimi says:

    warsame gacayte@ waxaad ku hadleysaa afki argagixisada al-shayadiin eey dadka ku marin habaabin jireen adiguna waxaa tahay argagixiye aan biyo isku daahirin taas ogoow. Mida labaad inshaa allah gacan ku dhiigla yaasha gacanta ayaa lagu soo dhigayaa sida ugu dhaqsaha badan sidii loogu soo dhigay kuwii ka horeeyay ee dilay alle janatul naciim haka warabiye marxuum DR AXMED XAAJI C/RIXMAAN waxaana lasoo tagayaa sharciga laguna fulinayaa iyaga oo duleeysan qabana dhiig bina aadam oo xaqdaro ah.

  18. FAROOLE TACSIKA ADAG WAAN TACSIYA UDIRAYAAH BEESHII IYO BAARISBAA SOCOTA

    WAR DAD DEEQA MAAHA ADEEROW NADHAAF WAXAA TAHAY RUUX FASHIL AH OO XUN

    SALAADIINTII NABADOONADII AQOONYAHANKII GANACSATADII MACALIMIINTII IYO GANACSIGII

    GACANKUMAJIRAAN BUR BUR BAAKUYIMID IYO BAABA MASKAX SOO CELISA KAAMA

    MUUQATO SIYAASADAADII WAXAY ISKUGU DHURATAY QAMAAN BULXAN QARNIGII SII

    FARIIN KUSOCOTA DAL IYO DIBAD REER PUNTLAND KAHORTAG FAROOLE BADBAADO
    PUNTLAND ILAAH UNAXARIISO PUNTLAND

  19. Khaatumawi says:

    Faroole shalay ayey aheyd markii uu lahaa snm iyo iidoorka aan isku dhiibno.
    Maantana waakan beeshii suldaanka uu ka dilay ayuu hadana sii weeraray oo uu leeyahay waxaan idiinka digayaa inaad hadashaan. Ninkan maskaxdiisu ma dagana maamulka Puntland ee aanu dariska iyo walaalahaba nahay waan uga tacsiyeynaa ninkan waalan oo xooga ku haysta.

    Viva Khaatumo State

  20. DHeere power says:

    Kii dilayey baa u doodaya !!
    shirqoolada kadhaca pl waa faroole-afbalaq isaga ka danbeeya shirqoolada
    cidwalba waa ogtahay.
    Dadku waa inay aayahoda ka tashadan iska qabtan burcadbadeedka faroole.

  21. amuureey says:

    waxaan madaxweeyne maaho qashinkaa mana istaahil in loodu yeero gudoomiye iwn ninkaan magaciisa waxaa la dhihi jirey faruureey cidaan oow ka dhashey magac badeli ogaa waxeey faruureey u badeleen faroole bal ila fiirsha hadaan been sheegaayo hana la raadsho waagii uu biitooniga bankiga dhexe ka ahaay inuu shaahiga geeyn jirey waana taxi wade baxsada.

  22. DHeere power says:

    amuureey ,
    oodhan baa sidaa u faruuran
    waa riyaha ay afka ku maalaan
    faruur-afbalaq gudoomiyaha garoowe waxan maqlay
    isago ari afka ku maalaya ayaa ri haraanti afka ku dhufatay
    kadib bushinta ayaa dilaacday.

Leave a Reply