Madaxweynaha Puntland: Qofkii Cid Alshabaab ah soo qabta Abaalmarin ayaanu siineynaa.
Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in Abaalmarin lasiin doono cidii soo sheegta ama soo qabata Qof ka tirsan Alshabaab wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynuhu in Cafis loo fidin doono hadii ay jiraan Dhalinyaro raba in ay isa soo dhiibaan kana baxaan Kooxda Alshabaab oo ay Dowlada Puntland Cafis u Fidin doonto mar uu ka hadlayay banaanbax Xoogan oo Maanta ka dhacay Barxada Wayn ee Magaalada Garoowe kaasi oo looga soo horjeeday Baneysiga Dhiiga Islaamka iyo Dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ay soo Abaabuleen Culumada, Bulshada rayidka, iyo Dowlada Puntland.
“ Waxaan halkaan ka cadeynayaa in aan Abaal marin siin doonno cidii soo hesha ama soo qabata Qof Alshabaab ah ama nabad diid ah waxaana balan qaadeynaa in arintaasi aan ka dhabayn doonno dadkuna heegan ha galeen dibna ha u eegeen guryahooda iyo ilmahooda baaris badanah ha sameeyeen waxaa laga yaabaa kan dad kuugu dhaw in uu Alshabaab yahay oo ay qalbiga ka xadeen, waxaan kaloo horay u sheegay hadana ku celinayaa in aanu cafis u fidineyno Dhalinyaradii kasoo baxda Fikirka qaldan ee alshabaab,waxaa nagu balan ah in aan Alshabaab uga hortagno meel kasta oo ay Puntland ka joogaan dadkuna hanala shaqeeyeen, waxaan kaloo u mahadcelinayaa dadkii geesiyaasha ahaa ee la dagaalamay Gacanku dhiiglihii dilay sheikh C/qaadir Nuur waxaan kaloo u mahadcelinyaa ciidanka Amniga Sugaya waxaana alle ka baryayaa in uu naga qabto Cadawga Puntland Dal iyo Dibad meelkasta oo ay Caalamka ka joogaan ayuu Yiri Madaxweynaha Puntland Dr Faroole.
Marka la eego habka nidaamsan ee loo soo abaabulay isu soo baxaasi iyo qudbadihii qiirada xambaarsanaa ee halkaasi ay kasoo jeediyeen Qaar ka mid ah Culumadii, Isimadii iyo Madaxdii Madasha ka hadashay ayaa sababtay Dad badan oo haween ay u badan yihiin in ay goobta ku suuxaan dadkaasi oo gaaraya ilaa 20 Ruux kuwaasi oo ka qiirooday Hadaladii halkaasi laga soo jeediyay oo ay usii dheertahay Sida ay uga Xunyihiin Dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax 15kii Bishan loogu gaystay Magaalada Garoowe.
Hoos ka daawo Qaar ka mid ah Sawiradii banaanbaxa ee ka dhacay Xarunta Puntland ee Garoowe.
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe.


































Salaama.
Hayeey candhaa curatay oo ceesama dhashay. War bal daya Faroole oo miyir saday oo wax lagu farxo oo looga daydo ku dhawaaqay. Aamiiin.
Okey mudane madaxwayne
Al shayadhiin insha Allah waa dhabar go ayaan.
Qofkii soo sheega shahaado la dirirna maxaa la siinsyaa
Waa duun halaabay. Muslinkii dhuimadho ku jiro