Madaxweyne Faroole oo loo doortay Gudoomiyaha Rasmiga ah ee Ururka Horseed [Sawirro]
Garoowe (RBC RADIO) Kulankii 3xaad oo ay Maanta ku yeesheen Xarunta Jaamacada PSU Ergadii ka kala socotay Gobolada Puntland ee taageersanaa Ururka Horseed ayeey ku doorteen Gudoomiyaha Xisbiga ku Xigeenadiisa iyo Xoghayaha Xisbiga waxaana u gacan taagay in ka badan 500 oo qof kuwaasi oo ka kala yimid Gobolada Puntland Guud ahaan.
Gudoomiyaha Xisbiga ayaa loo doortay Dr Cabdiraxmaan Faroole waxaana ku xigeenka 1aad iyo kan 2baadba Noqday Gen, Cabdisamad Cali shire iyo Cabdirashiid Maxamed Xirsi halka Xoghayaha Ururka loo doortay Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir), Maxdaxweynaha Madaxweyne ku xigeenka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntaland ayaa marka la eego xisbiga ka noqonaya Hogaanka sare halka hogaanka dhexe ee Xisbigana ku dhawaaqidiisa dib loo dhigay oo lagu dhawaaqi doono 4ta bishan.
Madaxweynaha Puntland oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceshay Ergada Codka ay siiyeen iyo sida ay usoo dhaweeyeen wuxuuna madaxweynuhu Cudur daar ka bixiyay qodobo dib loogu noqday oo ku xusan Xeerka ururka iyo in wax laga bedelay dhanka tirada ee Golaha dhexe oo awal ahaa 180 balse hada laga dhigay 250 Xubin 4ta bishana lagu dhawaaqi doono Xubnaha Golaha Dhexe iaydoo Gobol walba uu iska eegayo in uu liiska ku jiro iyo in kale.
Dr Faroole ayaa sheegay in isaga iyo saaxibadiisba hadii ay ahaanlahaayeen Baarlamaan ama Wasiiro ay arintaan hirgelinteeda dadaal dheer usoo galeen inta dhimannah ay dhameen doonaan isagoo xusay in Golaha sare ee Ururku uu ka koob naan doono 25 xunood wuxuuna madaxweynuhu sheegay in ay bilaabatay wadaadii dimuqraadiyada lagana gudbay Mugdigii lagu jiray.
Dad badan ayaa horay u saa daaliyay in Horseed uu hogaamiye u noqon doono Madaxweyne faoole oo horay ugu dhawaaqay in Ururkan uu yahay Muxaafid hoseedna u noqon doono danaha Shacabka Puntaland waxaase jira Ururo badan oo ku daba dhagan Horseed kuwaasi oo sheegay in ay ku kalsoon yihiin taageerayaashooda ayna soo bandhigi doonaan wax ka badan xafladihii iyo shirarkii uu soo bandhigay Urur siyaasadeedka uu Gudoomiyaha rasmiga ah u yahay Dr Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud faroole.
IBraahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe.


















































han balyo hanbalyo hanbalyo ninkii da daalaa ayaa dadaal kiisa gaara reer puntland waa dha qaaqeen ka naxow nafta waa guuuuuuul puntland guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul horseed guuuuuuuul dr faroole cabdisamed cabdi rashiid ilka jiir iyo dhamaan shacabka iyo ergada guuuuuuul shacabka puntland hor socod iyo midnimo weeye balanteenu guuuuuuuuuuuuuuuuuuul
asc xooga ah waa been qof misaan weyn ku leh gobolada oo tageersan waa jiran dhalinyaro gaajeysan oo gobolada kala keeynay oo lacagta habeen dhaxa iska qadanaya lkn waa wax lala yaabo in lacagta dowlada ama cashuurta shicibka olale lagu galo anigu waxan kaso jeeda magaalada waaciye waxan ka mid ahay dadka u jooga ururka midnimo oo ah urur cadalad iyo sharaf xaqsoor diin walaalnimo intaba ku dhisan shirweynihi midnimo waxu noo furmaya bari ama bari danbe
Kkkkk. Waxaan ku qoslayaa Gobollada tirada badan
Ee maqalkeyga ku cusub. Haylaand what?
Isbaarada meelkasta way saameysay.
aaheey maxaad nin dooran doorta u dhahdeen dadka udan baajiseen
Guuul guuuul
WALAALAYAAL MASKAXDA KA XOROOBA
Waa wax eey la doonayaan reer galbeedku in umadda Islaamka eey sameystaan xisbiyo badan oo kala duwan si eeynan waligood u heshiin oo eey xisbi xisbi isku laayaan.
Sida la soo wariyey xisbi walbo waxaa hortiisa taagan sheydaan ugu yeerayo in qof walbo uu ka mid noqdo xisbigaas.
Walaalayaal dadka horboodayo arinkaan oo uu ka mid yahay faroole iyo kuwo hoosta wax kala wado waxeey abuurayaan halaagii umadooda.
Qudbadii jumcaha magaaladaan joogo waxeey ku saaabsaneyd arinkaan iyo duliga iyo wahan umadda muslimiinta ku dhacay iyo tafaraaruqooda.MIn shiinaha ilaa marooko weey duleysan yihiin Mareykan,Ingiriis iyo Faransiis iyo kuwa soo raaca waxeey laayaan umadda muslimiinta oo eey hadda ugu dambeyaan Maali oo xasuuq ba’an ka jiro hadda MACDANTOODA ,DAHABKOODA IYO SHIDAALKOODANA KA SOO QAATAY XOOG IYO XEELADBA.
Xadiiskii nabigeena nnk ha ahaatee waxaa imaan doono maalin aad aaad u badan tihiin isla markaasna aad tihiin sida xumbo oo kale waan aragnaa arinkaas hadda.Xisbiyada badan ee siyaasadda qasaaro maahinee qeyr soooma wadaan .Ka jooga.
Teeda kale haddi eey Soomalidu maskaxda ka xoroobaan waxeey noqon lahaayey umad horumarsan.Ka xooroobidda maskaxdana waxaan ula jeedaa in eey ka xoroobaan Qabyaaladda.Qabiil ilaah baa abuuray si umaddu isugu garato ,waxaa aad u xun aqas ah waa qabyaaladda.Cadaalad la’aanta ka jirto wadamadda Islaamka waa ogtihiin iyo naxariis la’aanta.
Walaalayaal maskada ka xorooba waad liibaaneysaan.Qabyaalad iyo goboleysi meel lagu gaari maayo.Kii balaayo doonayo in uu abuuro tol beelayeey ayuu ku hadaaqaa.
Ina mal mu’miniina ikhwa fa aslixuu beeyna akhweykum …….Lagama hadlin markaan Soomaalinimo ama jabuutiyaan ama itoobiyaan ama masaari ama sacuudiyaan iwm.Jalaafooyinka na loo dhigay weeey badan yihiin ,waxaa ka mid ah in umadda islaamka loo kala qeybiyey wadan ,wadan waxa la yiraahdo wadani ama (nationalism), waana waxa wiiqay awoodii eey lahaayey umadda Islaamka.Sidaas ma u garateen guuleysta.geediga horeey u wada.
Oo tolow yaa laga doorway ?ileen afka soomaaliga marka la yirahdo waxa waa la doortay ama qofkaa waa la doortay waxay muujinaysaa wax la kala doortay oo midood ama qaarkood laga doortay intii kale.markaa waa ayo cidda laga doortay ee la tartamaysey.xitaa waxaan la odhan karin waa la magacaabay waayo odaygu isagaa is magacaabay ,xisbi ku sheeganina isaga ayuu ka bilaabmaa isaga ayuuna ku dhamaadaa.markaa dadka yaan garaadkooda la aflagaadayn.
kacaanka barkaysan ee faroole hadafkiisa iyo hogaankiisuba waa cadyahay mana adka in la fahmo waana hadalkii caanka noqday ama afkaaga hayso ama afgooye aad ama afkaa ha go,o! dee warku waa cadyahay meesha doorasho kama soo socoto ee faroolaa markale umadda reer puntland rabba inuu boobo waa xisbiga hantiwadaaga umadda soomaaliyeed wax mucaarada majiraan labadii gole xisbigaay ku jiraan golaha shacabka iyo kan xukuumadda maxaaba kuu hadhay ? sanadkan uu boobay faroole ku joogi maayo ee 5 sano oo kale buu rabaa inuu boobo laakiin waa la tahay!!!
qadiyaadi waxay noqotay shilimaad meel walba waxa jooga mid gaajeesan oo qaata xooga la doonayo in lagu qaado raiyul caamka amaba calamka looga tuugsado waxa nahay amaba haysan dimuqaraadi kkkkkkkkkkkk ha iska socoto riwayaadu
Faroole cabinet Ministers kiisa ayuu xisbi ka dhigtay, kadibna sidii uun bay Xisbiga u qaybsadeen. Markaa ma garan karo dadka leh Xisbiga maxaa loogu tartami waayey, markii isla kuwi asaasay hadda ay hogaan si fiican loogu dhawaaqay in ay wadaan. Guddoomiyenimada waa loo ordi karaa, markii mandate ka uu dhaco oo ah waqti ay ayagu isku afgarteen sida afar sano iwm. Dad ka cyper mucaarad ka ah, waan ka xumahay in uu waqti idinka dhacay inaad is diiwaan gelisaan by Dec 31, 2012, Ooops, you miissed, good luck next time.
hanbalyo madaxwayne faroole iyo xisbiga horseed shir waynahooda quruxdabadan hanbalyo masuuliyiinta ladoortay iyo ergooyinka dhamaan 8gobolba iyo tageerayaasha xisbigaba
hanbalyo madaxwayne.
waxaan rajaynaa inaad ku guurlaysatid xilka laguu doortay.
soomaliya alaa umaqan meel walba calan qabiil iyo xayndaab qabiil ayaaba lagu iloobay qaranimadii walee inaan qabiil is dawladeeya meela lagu tagayne soomaalaay qaranimada kudhaga
Kkkkkkkk Faroole buufiskii ma wuxuu gaadhsiiyay in uu waraaqo iskaga qorto magacyada gobolo uunan xitaa ka talin dhowr sanadood kkkkkkk miskiin fashilmay weeye.
Sool, Sanaag iyo Cayn Puntland waxay ka carartay 2007kii kamana taliso waxaana ka taliya oo u dhismay maamulka Khaatumo State.
Mudug ayadana shaqo kuma laha Faroole oo horey ayuuba u yidhi Puntland kama tirsana kkkkkkkkkkk Garoowe kaliya ayuu ka taliyaa qabqable Faroole oo iminka si sharci daro ah ku xukuma
Viva Khaatumo State
waxaan la hadlaaya jeesto walaal qof reer puntland ah oo aan aqoon gobolka haylaan ma jiro laakin waxaa laga yaaba inaadan puntlander ahayn hadaadan ahayn reer puntlanda arintaasi kumama taalo
kkkkkkkkkkkkkkkkkk cajiib faroole ma marmarsiinyuu wayay aboowyoow kolay ani ku aamini mayo hadaa dharato miljuunjeer.