Magaalada Gaalkacyo oo maanta lagu qabtay kulan lagu diidan yahay ururada siyaasadeed, bayaana laga soo saaray (Dhageyso + Sawiro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Gaalkacyo [RBC Radio] Waxaa maanta oo jimcaa magaalada gaalkacyo lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen qaar ka mida odoyaasha,siyaasiyiin,aqoon yahano u badan ergadii dhawaan tagtay magaalada Garoowe.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Kulankaasi ayaa laga soo saaray bayaan lagu diidan yahay furashada ururada siyaasadeed Puntland, isla markaana si kulul looga soo horjeestay in xafiisyo ay ka furtaan Gaalkacyo.

Xubnihii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa nabadoonada kala ah Yaasiin Cabdi Samad,nabadoon Maxamuud Sh doon, nabadoon Cabdiqani Maxamed Baale, Eng C/qaadir Shoole, Eng Siciid Firin.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Siciid Firin ayaa sheegay in la weeciyay xaq uu lahaa garoonka diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf, taasoo uu ku micneeyay khiyaamo qaran oo ay samaysay xukuumadda Dr, Faroole.

Nabadoon Yaasiin Cabdi Samad ayaa shirka ka sheegay in gobolka Mudug uu yahay mid la iska ilaaway, isagoo tusaale u soo qaatay kantaroolada iyo qaabka loo adkeeyay kuwa Garoowe loona dayacay kan Gaalkacyo.

C/qaadir Shoole ayaa xusay in furashada ururada ay tahay sharci darro maadaamaa ay dhistay dawladd aan sharci ahayn waa sida uu hadalka u dhigaye.

Nabadoon C/qaadir Maxamed Baale ayaa isaguna kulanka ka sheegay mar uu hadlay in aysan matalin gobolka xubno uu sheegay inay Garoowe u aadeen shirka ururka Horseed.

Nabadoon Maxamuud Sh Doon ayaa isaguna dhankiisa cambaareeyay xukuumadda Dr faroole, wuxuuna si kulul ugu dhaleeceeyay qaabkii loola dhaqmay ergadii Garoowe tagtay.

Kulankaasi bayaan laga soo saaray waxaa saxaafadda u akhriyay Axmed Maxamed Jaamac (Quraan jecel).

BAYAANKA HALKAAN HOOSE KA AKHRISO

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Bayaan ka soo baxay wax-garadka iyo Guddiga Badbaadada Gobolka Mudug
Jimce, February 1, 2013

Shirar is-daba-joog ah oo ay yeesheen nabaddoonnada iyo wax-garadka gobolka Mudug, ayaa kadib markii ay qiimeeyeen marxaladda ay haatan marayso Puntland, oo ay horay uga soo saareen bayaan cad oo ku aaddan mowqifkooda siyaasiyaga ah, waxay markale maanta oo ah Jimce, 1-da Februay, 2013-ka ay qodobbo ay ku cadeeynayaan mawaaqiftooda ku aaddan sharciyadda golayaasha, axsaabta iyo xaaladda guud ka soo saareen qodobada hoos ku xusan:

1. In sharciyadda golaha sharci-dajintu uu dhammaaday 31-kii October, 2012-kii, halka kan fulintuna uu jiritaan beelay 8-dii January, 2013-ka.

2. In xukuumaddii hore ku fashilantay in ay si sharciga waafaqsan u maarayso marxaladda kala-guurka sidaa darteedna ay mas’uul ka tahay faraaqa bannaanaaday iyo wixii eel ah ee laga dhaxlo.

3. In shacabka Puntland guud ahaan iyo si gaar ah kan gobolka Mudug ay soo dhaweeynayaan geeddi-socod walba oo ku aaddan dimuqraadiyadeeynta iyo u guuridda hannaanka xisbiyada badan.

4. Si kastaba ha ahaatee, waxan hoosta ka xariiqeeynaa hannaanka uu maamulkii hore ku wado barnaamijkaas masiiriga ah in uunan ahayn mid ku bannaan dadka reer Puntland, xisbiyada lagu dhisayna ayan ahayn kuwo sharci ah oo ka tarjumi kara rabitaanka dadka reer Puntland.

5. Waxan hoosta ka xarriiqeeynaa in barnaamijkaasi uu Puntland – iyo meel walba oo hannaanka xisbiyada badan ka hirgalo – ka suuragali karo marka la helo shuruudaha sal-dhigga u ah hirgalintiisa sida:

a. Qeexidda rasmiga ah ee dhulka iyo xudduudaha Puntland
b. Aqoonsiga rasmiga ah ee dadka reer Puntland
c. Marka si sharci ah oo caddaalad ah loo xaddido degmooyinka Puntland iyo soohdimahooda
d. Marka si buuxda loo sugo ammaanka, shacabkana lagu sameeyo hub ka dhigis buuxda
e. Marka la taabba-galiyo hannaan caddaaladeed oo hufan kana madax-banaan maamulka, sida Maxkamadda Dastuuriga ah ee lagama maarmaanka u ah duruufaha caynkan oo kale ah

6. Inta ka horeeysa xilliga ay soo dhameeystirmayaan daruufahaas,

waxan caddeeynaynaa in aan degmooyinka gobolka Mudug aan laga furi karin wax axsaab siyaasadeed ah si looga fogaado khalkhal ammaan oo ka dhaca gobolka gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Talo soo jeedin:

Haddaba si Puntland looga gudbiyo duruufahan adag si nabad ah isla markaana waafaqsan xeerarkii asaliga ahaa ee lagu dhisay maamulka ay ku bahoobeen dadka isir-wadaagga ah, waxan soo jeedinaynaa:

1. In lagu mintido lana ilaaliyo ammaanka guud iyo kan gaarka ah ee dadka iyo dalka Puntland, iyada oo dhinaca kalena si buuxda oo dastuurka waafaqsan loogu ololeeynayo shariciyadda loogana hortagayo wixii xad-gudub ku ah heshiisyadeennii hore

2. In dadka reer Puntland, gaar ahaan dhallinyarada ayan ku khatalmin, kana gacma-buuxsadaan fahamka xisbiyada aan sharciyadda ku dhisnayn ee la doonayo in asaas looga dhigo aayahooda fog.

3. In Isimada marjaca u ah reer Puntland ay hubiyaan in hantida guud ee Puntland aan loo isticmaali karin dano khaas ah, sida in taageero loogu soo jiido xisbi iyo siyaasad gaar ah

4. Waxan u soo jeedinaynaa ciidamada ammaanka meel walba oo ay joogaan in ay ilaaliyaan nabadda iyo xasilloonida maankana ku hayaan in ay adeegayaal u yihiin dadkooda, dalkooda iyo ilaalinta dastuurka.

5. Ugu dambeeyntii waxan Isimida Puntland u soo jeedinaynaa in ay si degdeg ah u soo fara-galiyaan cakirnaanta siyaasadeed ee ka taagan Puntland inta ayan xaaladdu gaarin meel fara-ka-bax ah, isla markaana ay sida qabata uga taliyaan masiirka dadkooda iyo dalkooda.

Wabiillaahi Towfiiq:

Saxiixayaasha:

1. Nabaddoon Maxamuud Sheekh Doon

2. Nabaddoon Yaasin Cabdisamad

3. Nabaddoon Siciid Faarax Nuur Dirir

4. Nabaddoon Maxamed Maxamuud Kalajaban

5. Nabaddoon Cabdiqani Maxamed Cabdi Baalle

6. Nabaddoon Cabdi Siciid Warsame

7. Cabdulqaadir Shoole

8. Axmed Maxamed Jaamac

9. Ex Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed

10. Cabdirashiid Cilmi Guure

11. Maxamed Muuse Bile

12. Cabdisalaan Faarax Hoolif

13. Jamaac Darbaal

14. Faarax Cabdi Doorshe

15. Siciid Cabdi Firin

16. Maxamuud Cabdi Yare

17. Sugulle Cumar Cali

18. Bashiir Faarax Cali

19. Xabiib Maxamuud Samatar

20. Abshir Maxamed Aadan

21. Cabdicasiis Nuur Xaashi

22. Axmed Cabdi Jaamac Doob

23. Maxamed Cabdi Cali Dhoobeey

24. Cabdiqani Shancad

25. Maxamuud Cabdille Cabdi

26. Cabdidaahir Faarax Bootaan

27. Cabdirashiid Mursal Faarax Sanweyne

28. Cabdullaahi Maxamed Cabdi

29. Cabdulqaadir Xirsi Aw-Farax

30. Cabdullaahi Maxamed Muuse Kadiido

31. Xasan Maxamed Cabdi

32. Shoombe Xasan Daad

33. Cabdi Cali Xaashi

34. Faarax Khaliif Xasan

35. Cabdinaasir Xasan Warsame

36. Cabdullaahi Xaaji Jaamac

37. Cabdiraxmaan Aadan Dalab

38. Axmed Yuusuf Shirwac

39. Cabdiqani Wasame Surweelle

40. Axmed Khaliif Faarax

41. Shamuuke Maxamuud Diiriye


Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share

15 Responses for “Magaalada Gaalkacyo oo maanta lagu qabtay kulan lagu diidan yahay ururada siyaasadeed, bayaana laga soo saaray (Dhageyso + Sawiro)”

  1. xasan says:

    aqoonyahan miidhan bay iska soo qoranaysaa wardalkan dadkisaa raba doorasho xora oo xalaala hadaad cabanaysaan kaqayb gala doorashada oo soo saara cidaad rabtaan hadiikale sasuun baad uqay linaysaan ila qiyaamaha mudug inika iyo cidlamida toona uma hadli kartaan shacabkiisaa codaynay idinka iyo kuwii lacagta idin soosiiyey ee idacadaha cadawga ka hadli jirayba waad dhaafaysaan uamada

  2. saciid gab says:

    nin walba nabadoon buu sheegtay waxaan idin dhihi lahaa dadka fowdada ka daaya iyo darbi isku diiranka, cid aad matashaan ma jirto yaan dadka been loo sheegi. Wax garadku ama isamadu wax walba kama hadlaan wixii macquul ah bay ka hadlaa hadba ninkii dhaha anigaa dadka matala ilahaay baa na lehe uma jawaabi karaan Isimadu.. wixii jira way ogyihiin dadka macquul ka ah ee reer puntland ama kuwa gobalku waad salaaman tihiin.

  3. warsame says:

    subxaanalllaah, ragan kolay anigu intooda badan waan garanayaa waliba inta nabadoonada la raaciyey si fiican baan u aqaan, lkn waxaan oran lahaa nimanyhow hadii runta la isu sheegayo kooxda gaagaab iyo gaadayare baad tihiin nin kastana guriga iyo gaariga loo gaday waan arkay, labadaas nin oo walaalaha ahna waa la ogyahay waxay mudug ku hayaan oo madax aqoonyahan culimo cidna maysan dhaafine wiilal ay bastoolado u dhiibeen bay ka adeejiyeen, lacagta hada faroole lugu maagayo hadii airport wax loogu qabanayo maalin walba waxaa ka soo baxda $24,000 sida documentska lugu hayo, lacagtaas darbi xataa ma loogu dhisay? ceebta kale waxay ahayd marka lacagtii dadka laga qaaday loo adeegsaday in dadka lugu laayo, xafiiska gaagaab u furan waa kan laba reer oo kasta oo mudug isku laayo waa meesha laga hago oo la isaga diro dadka si lacag loogu helo waxa la yiraahdo waa la xalinayaa, tan kale ceeb bay idin ku tahay runtii inaad dadka hor timaadaane fitnada dadka la dhaafa, kolay xogaha la idinka hayo waa badan yihiin oo xataa alshabaab iyo ragaan waxa u dhaxeeya oo documents ah baa la hayaa, ee rago sida hala isu dhaamo hadii la is laayona cidi idiinkama futo xumee…..mahadsanidin

  4. hassan says:

    waa yaab mana yara, somalida wax walba oo la keeno qar ba mucaradaya oo ka hor imanaya una yeelaya daldaloolaati walow ay fari ku jirto dadkan qoralka soo sarey in xamar laga soo ababuley oo dhaqalihi umadada loogu tala galey in lagu nabadeyo la donayo in lagu burburiyo puntland si xamar aysan u imana in xisbiyo la furto oo leys dorto waa in gobolada dalkana laga hor istago oo xamar waa mesha qas & labka dalka ka socod nabad an laga doneyn laguna balamey in laga horyimaado dowlad dastuur leh oo dalka nabadeysa,wana ka xun nahay tas umana maleyn mayo rer puntland in laga helo shacab dalkoda & dantooda wax u dhima qolyahan bayanka soo sareyna waxan leenahay hadad wax isku haysan oo aysan jirin durida leydin durayo u soo ban baxa danta dalka & dadka oo horey u socda oo haddii aad leedihin mamulka hada jira oo howshan dimoqradiyenta dhabarka u ritey dhab kama aha waxa qabaa in ad ku cawineysan in uu sii joogo madama wixi dadal oo la sameyn lahaa ad qalqal gelineysaa tasina shacabka dib u socod bey ka dhigeysaa marka waxan idin soo jedin llahaa dabino badan ban horey ugu dhacney ee kan leys doranayo haka hor imanina hadad dacad u tihin dadka & dalka ogadana waxa manta ka hirgala puntland somaliyana wey ka hirgelayan sumcada galkacyo ku ledahay somali horu socodkedana wax ha u dhibinina madama ay ahayd magaloyinkii kacdonka shacabka oo dhinac walba lahaa hana hor istaagina hamiga shacabka…

  5. Libaax-libaax DHalay says:

    Adeerayaal inoo kaadiya, ha ina waalina, wax iyaada ah ma aydaan sheegin, waynu iska war haynaa gobolka waad lug-goyseen haddana waxaan aad sooq oraysaan waxba macna ah inoo samyn maayaan, waligeena waxaad u dhaqantaan sidii qof keligii nool markay xumaatana meelo kale ayaad eedda la aaddaan, waxa aad ka hadlaysaan ma wax adinka idin yaal waa qayb ka mid ah shaqada xukuumadda, aqoon iyo caqli dheeri ah ha isaga kaaya dhigina dad inoo sheegaya, haddaad sidaas u garasho fiicantihiin markii horaad gobolka lug-goyseen, Cadde Muuse ayaad ku haysateen, hadana Faroole ayaad ku haysataan, waxna ma soo kordhisaan ee dadka dhibka kala dhex baxa, aqoonta iyo Nabd-doonimmada aad sheegaysaan idinkama muuqatee dadkuna idinkama garasho gaabnee kala dhex baxa niicda.

    Ina Cabdi Firin wauxuu ku leeyahay gobolka ammaankiisa wax lagama qaban, waana ognahay isaga iyo Gaagaab waa ragii heshiiska iyo qandraaska Gal-Mudug kula galay inay amaanka magaalada qalqal geliyaan si ay shacabk dowladda uga hor keenaan maantana wuxuu ka hadlayaa ammaanka magaalada, waxay sharciyeeyeen oo dhalin yarada magaalada u sheegeen inaan askarta gobolada kale ka imaanaysa loo oggolaan magaalada iyadoo aan caqli kale lagu salaynayn oo keliya wax iyo garshada wax lagu cabirayana ay tahay (Ethnocentric).

    Marka dad buka oo isu qaba inay fiyowyihiin baa dalkii innaga qaribay, meel kasta nin si fiican u libisan, iska sheekeyniya, laakiin aan dharka dhigan, haddii uu mar dharkiisii qabana loo haysto inuu miyir qabo laakiin waalan baa dadkii rogay, marka waxa aad qoraysaan waa wax la yaqaan ma aha wax aad dinka keliya gearteen laakiin adinkaa laydinka wadi la’yahay ee dadka meel ka fariista,dadka ehelka ahna waxaan leeyahay dadkaan Daru Shifa ha la geeyo oo quraan ha la saaro.

  6. Eyl, puntland, Somalia says:

    Nimankaan waxay sheeganayaan nabadoonoh, marka maxaa siyaasada ka galay. Nabadoono waxaa lugu yaqaan in ay garta qaadan, laba beeloodna heshiisiiyaan. Marka hadii siyaasdii iyo dhaqankii la isku qasoh, waa ka imaan Karah qas iyo fuwdo. Mida kale puntland ma aha gaalkacayo kutaal iyo xaafad qardho kutaal, puntland waa balaaran tahay. Hadii nabadoonoh ka hadlayaan siyaasada puntland, puntland waxay leedahay 114 nabadoonoh iyo 40 isin, ha Isi yimaadeen oo ha ka hadleen arimaha puntland hadii loo maahdo.

  7. wiil mudug says:

    waxaan orankaraa waa hadal meel loo waqayay waxaana ka danbeeya Gaagaab waxaana codsanayaa inlasoo qabto tilaabona laga qaado waxaan kraa oron karaa waxaa loo qaday qayilaadii waxaad na gigsugaysaan in aan bari u qaada hal juwaan oo qaadka sidii xoolihii waxaadna ka maqli doonaan hadal kan ka duwan igana warsuga asxabay ww

  8. khalif says:

    asc waxaan u arkaah in nabadoon uu nabadoon uyahay oo kiliyah jifi ama hal jifi oo kaliyah lakiin siyaasad usan shuqul kulahayn waxaan ku talinlahaa nabadoonadanah kulatalin lahaa inay wanaaga radshaan xumaantanah dhafaan taas haday iman waydo dee xilkay hayeen nabadoon ayay ahaydeh haday nabadda diidaan cidnah ma matali karaan.

    waa fikirkayga hala yaabin .
    nabaddoon hanjabayaah waa ii kow aduun kaan yaab badanaah.

  9. garyaqaan says:

    wale waa yaab in dad dano gaar ah ay ku qarabtaan gobol dhan iyo dad sharaf ku dhexleh reer puntland . aniga ma qabo dadkaan inay wadaan masiirka dadka reer puntland ee waa mid iyaga uu gaar ah . haday u didanyihiin somalidu waxay tirahada (hunqararac 1 lug uma dhutiyo) . waxaysan ogayn in puntland wayntahay.wixii ay xaq uleyiihiin oo tabanayaa ha usoo mareen wado wanagsan mahan in adeecadaha laga hanjabo siidi in cid wax idinku qaybsatay. puntland waa lawada leyahay wana lawada dhistay cidii isku dayda inay dumisona war baa gelaya. ama caado qaate ama nabad qaate. labaad baa inoo balan ah.

  10. Galow Fiin says:

    Nimankiinnaan,soo saaray qaraarka ee diiddan in xisbi laga furo magaalada Gaalkacayo waad dadaasheen waana loo baahanyahay qofku in uu muujiyo mowqifka dareenkiisa siyaasadeed,laakiin
    ha illaawina aayaha dadka & dalka in ay-yan go’aan ka gaarikarin dhorkiinaan qof ee shiray, maxaawacay malaayiin kale ee idin la xuquuq ah, ayaa arrintaan aad diiddantihiin iyagu oggol .
    Haddaba,saaxiibbayaal nin baa yiri (sidee xeego loo xagtaa ilkana u nabadgalaan) taasaa ina
    hortaallee ,sidee baynu maanta Gaalkacyo uga ilaalinnaa,in aay u dunto sidii Xamar,& in aaynaan
    ka eedoobin beelweynta P/land innagoo ilaashanayna sharafta gurigeenna ,diideynana in aan hoos uga dhacno,darajada sare ee aaynu ku leennahay P/land . qosol yar aan intaas idiin raacsho .
    Waxaan maqlijirey dowladdii “FULAAN”ciidamo gagoodey ayaa afgembiyey,laakiin idinka ka hor ma aan maqal “NABAD-DOONNO”ayaa dowlad afgembiyey ;nin ila fadhiya oon idin magaciisana qariyey isna wuxuu idin leeyahay reer Mudud afgembi ujoogga ha iska daayeen .GAH ! GAH ! GAH !

  11. Wanso dhaweyneynaa bayankaan lakin waxaa iga dar daaran ah in amaanka Gobolka iyo kan Guud puntland hala ilaaliyo 1sano mudo kordhinta xaq ma ahan waa xale dowladu ha dhagesato dadka codkooda hana tix galiso waxay ka hadlayaan waa xaq hana garowsato dowlada waxay dowlad u tahay waa dadka waa in aysan Ignore gareen xasilonida puntland waa muqadas hala wada dhowro Dowlad & mucaarad intaba mahadsanidin

  12. WIIL QARDHO says:

    Reer Gaalkacyo Come on!

    dawladiina iyo walaalihiina kaley ee nilamida iyo nidaaamka soo raaca ,

    Puntland viva forever!

  13. waa wax laga xumaado xukunka faroole waan soo dhawan wax garad ka gobalka mudug gulaasta
    abtiyaal

  14. Sool-Man says:

    Waa horumar haday reer galkacyo diiden dictatorka riyo in la raacayo siyaasada umaleeyey

  15. Ina Bulsho says:

    Waa wax eey la doonayaan reer galbeedku in umadda Islaamka eey sameystaan xisbiyo badan oo kala duwan si eeynan waligood u heshiin oo eey xisbi xisbi isku laayaan.
    Sida la soo wariyey xisbi walbo waxaa hortiisa taagan sheydaan ugu yeerayo in qof walbo uu ka mid noqdo xisbigaas.
    Walaalayaal dadka horboodayo arinkaan oo uu ka mid yahay faroole iyo kuwo hoosta wax kala wado waxeey abuurayaan halaagii umadooda.

    Qudbadii jumcaha magaaladaan joogo waxeey ku saaabsaneyd arinkaan iyo duliga iyo wahan umadda muslimiinta ku dhacay iyo tafaraaruqooda.MIn shiinaha ilaa marooko weey duleysan yihiin Mareykan,Ingiriis iyo Faransiis iyo kuwa soo raaca waxeey laayaan umadda muslimiinta oo eey hadda ugu dambeyaan Maali oo xasuuq ba’an ka jiro hadda.Xadiiskii nabigeena nnk ha ahaatee waxaa imaan doono maalin aad aaad u badan tihiin isla markaasna aad tihiin sida xumbo oo kale waan aragnaa arinkaas hadda.Xisbiyada badan ee siyaasadda qasaaro maahinee qeyr soooma wadaan .Ka jooga.
    Teeda kale haddi eey Soomalidu maskaxda ka xoroobaan waxeey noqon lahaayey umad horumarsan.Ka xooroobidda maskaxdana waxaan ula jeedaa in eey ka xoroobaan Qabyaaladda.Qabiil ilaah baa abuuray si umaddu isugu garato ,waxaa aad u xun aqas ah waa qabyaaladda.Cadaalad la’aanta ka jirto wadamadda Islaamka waa ogtihiin iyo naxariis la’aanta.

    Walaalayaal maskada ka xorooba waad liibaaneysaan.Qabyaalad iyo goboleysi meel lagu gaari maayo.Kii balaayo doonayo in uu abuuro tol beelayeey ayuu ku hadaaqaa.

    Ina mal mu’miniina ikhwa fa aslixuu beeyna akhweykum …….Lagama hadlin markaan Soomaalinimo ama jabuutiyaan ama itoobiyaan ama masaari ama sacuudiyaan iwm.Jalaafooyinka na loo dhigay weeey badan yihiin ,waxaa ka mid ah in umadda islaamka loo kala qeybiyey wadan ,wadan waxa la yiraahdo wadani ama (nationalism), waana waxa wiiqay awoodii eey lahaayey umadda Islaamka.Sidaas ma u garateen guuleysta.geediga horeey u wada.

Leave a Reply