Marqaankii Miirowga Iyo Marwo Falxado. W/Q Aadam Zaki
Marqaankii Miirowga Iyo Marwo Falxado
Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com
Febraayo 11 2013
Wuxuu Oday Faarax u dirsaday gabadhiisa Caag biyo ku jiraan oo uu Musqusha (Suuliga) la galo waxay si dhaga wadani ah usoo ag dhigtay caag biyaysan,sidii qof kaadi gubayso ayuu hal haleel inta uga istaagay gogoshii uu ku fadhiyay u qaatay ganbar ag yaallay oo Gabadhu ag dhigtay biyihii uu dirtay , wuxuu la galay Suuliga cidna isma waydiin waxaase loo qaatay inuu doonay inuu garka iyo shaaribka isaga soo xiirayo uuna timaha ka fogaynayo aqalka iyo heeradkiisa .
Muddo gaaban ka dib ayuu soo baxay asagoo surwaalkii uu qabay gacanta kuwata qabana Nigis (buume) jilbaha korkooda u jooga wuxuu si darisku maqli karaan ugu yeeray xaaskiisii wuxuuna waydiiyay qofka sarwaalkiisa uga soo tagay suulliga , marwadii ayadoo horay uga caraysnayd lacagta ay ubadkooda baahida daran u qabaan ee uu caleenta miiroowga soo siisto ayaa tiri koleey qof aan miyir lahayn waxaanse filayaa waa adiga xaaji .
Odaygii oo caro darteed dulqaadkiisu gaaray eber ayaa ku canaantay Falxado wallee dharaarahan waad isaaran tahaye inaan mudankaaga ku mariyo weeye, ma haattan ayaad waali igu sheegtay waan arkayay inaad waayadaanba lalmanayso oo ibliis ayaa balag kuu lulay waxse ha iga siin waxaad ka dheefto wax dhan ayaan kuu dul-yeeshay haddase waxaa iga dhamaaday dulqaadkii ee cagaha dhulka dhigo islaanyahay .
Ayadoo cuskanaysa wacdi ay maalin aan fogayn kasoo kororsatay sheekh buuni ku ah diinta iyo fidinteeda ayay tiri Xaaji miyaadan ogayn in qofka miyirkiisu maqan yahay sida aad haattan tahay salaadi aysan ansax ka ahayn, muranka mutuxan iska daaye bal hoos isu eeg maxaad xiran tahay , ma sidan ayaad ku fayoowdahay , Tolbeelaye hadduu intuu cuno ciidan keeda leeyahay cawo soo ma ahaateen ayay Falxado oo ciil biirsatay ku catawday , war ma adigoo doog daroogo ah gini (labaatan)maalin walba siista caruurtiina aysan caano iyo caddays hayssan ayaad miyir leedahay , ayadoo dareen siinaysa inay kaalintuu lahaa uu gabay ayay tiri Ganbada qaado ee go’a isii !!
Odaygii oo inta dareemay inuu yahay qofka qaawan ee hadana naadinaya surwaalkuu xirnaa ayaa yax-yax dartii dhidid buur buuran shax kasoo yiri hadal asagoon soo celin ayuu canka (daanka) qaadkii isaga daba tagay tufay kii u harayna si cadaawad leh u ja-jabiyay yiri Xilahaygu dalaaqan hadaan Qaad danbe Cuno , Cadaabna allaha iigu badalo hadaan dirham dalbe siiyo daroogo .
Galabkaas wixii ka danbeeyay Marwo Falxado waxaa u bilowday nolol hor leh Oday Faaraxna wuxuu ka baxay xabsigii Qayilaadda, Marqaanka, Hawadii Beenta ahd iyo Khuuradii Markay asaaggii qooqinayaan dhallaankooda , waxay ahayd galabkuu ka faraxashay Qaadiradii iyo Cibaado xumadii uu gu’yaal kusoo jiray maalinkaa wixii ka danbeeyay Mursal iyo Muumino , Ardo iyo Idiris waxay yeeshee Aabbe ka waardiyeeya hadimooyinka iyo hagar daamada waayadu sidaan , Marwo Falxadana Cilaanka (Xinaha ) kama dagin gacmaheeda sidii gabar dharaar dhaw lasoo guursaday .
Anqaastii Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com
=================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM










Kkkkkk,masha alah adbad u mahad santahay walal sidad u qada dhigtay dhibatada qadku leyahay ilahow umada kamadobe shartisana naga qabo amiin amiin yarabi
WAA AAN KA HELELY
Qurunnomo cunoow wa ku kaas.Maqaalkuna waa saxanyay.
Maandooriye waa geed Jinn.
Geedaha caynkaas ah oodhan
cadaanka Western waxay u yaqanan Devil tree.
Qaadku waa duli qofka ruuga wuxuu ka dhiga Liite habacsan.
Qaadku waa kan dila caafimadka ilkaha quruxda qofka
Qaadku waa kan burburiye nolosha qoyska Family values !
qaadku wuxuu keena saboolnimo baryo xishood la,aan iwm.
Hadii xumaanta geedka jinn qaad aan ka hadlo lama dhamayn karo waa buug.
inta cunta eebe ha nacsiiyo sidaan u nacay oo isaga daayey mudo kooban Amin.