Maxamed Aw-Libaax: Shirkii Dhismaha Jubbaland Wuxuu Furmayaa 23-ka Febraayo, IGAD Wax Shaqo ah Kuma Lahan Laakiin Aqoonsi Ayaan Ka Rabnaa
Kismaayo (RBC) Sheekh Maxamed Yuusuf Aw-Libaax oo ka mid ah guddiga qabanqaabada maamul dhisida gobollada Jubbooyinka ayaa maanta sheegay in shirka wadatashiga maamul dhisida deegaanada Jubbooyinka uu furmi doono 23-ka Febraayo isagoo meesha ka saaray in Urur Goboleedka IGAD uu wax kaalin ah ku leeyahay shirka furmi doona iyo qabanqaabada socda.
“Ergooyinka way soo qulqulayaan illaa maanta, waxaanu qorsheyneynaa in shirku uu furmo 23ka bishaan.” ayuu yiri Sheekh Maxamed Yuusuf Aw-Libaax oo u waramay idaacadda VOA.
Mar la weydiiyey doorka wadamada IGAD ku leeyihiin qabanqaabada kulanka ayuu sheegay in Urur Goboleedka IGAD aanu wax shaqo ku lahayn shirka wadatashiga balse ay ka mid noqon doonaan korjoogtada beesha caalamka ee marti ahaanta uga qeybgali doonta shirka.
“Maanta oo taariikhdu tahay 11/02/2013 ma jirto cid ka socota IGAD oo nala joogta. IGAD waxay ka mid yihiin kuwa aan aqoonsiga ka rabno laakiin hawsha socota waxaa iska leh dadka deegaanka.” ayuu yiri Aw-Libaax oo ku sugan magaalada Kismaayo.
“IGAD ciidamadeeda ayaa dalka jooga, waxayna ka mid noqon doonaa ergada beesha caalamka ee imaaneysa, IGAD waa imaaneysaa, beesha caalamkuna waa imaanayaan.” ayuu sii raaciyey.
Kaalinta dawlada federaalka
Isagoo ka hadlayay kaalinta ay dawlada federaalka ku leedahay shirka maamul goboleedka lagu dhisayo ee Kismaayo ka dhici doona, ayuu Sheekh Maxamed Yuusuf Aw-Libaax sheegay inay ka codsanayaan dawlada inay dad u soo dirto shirka oo ay u furaan kulanka.
Waxaa sidoo kale Aw-Libaax la weydiiyey gobollada shirkan iyo maamulka la dhisayo uu khuseyn doono, wuxuuna sheegay in deegaanada uu maro wabiga Jubba kaliya uu khuseyn doono shirkan, isagoo sii faraya ayuu yiri “deegaanada Jubbaland ee Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe dadkooda weeye”.
RBC Radio














guul waxaan rajaynayaa in markan maamul goboleedka jubbaland dhidbaha loo aasi doono ilaahaay haaw fududaayyo reer jubbalnd
Aw Libaax lagula yaabi maayo inuu damacu waalo oo rag badan baa uga horreeyey. Maamul gobol ka tirsan waddan sovereign ah oo aqoonsi looga raadinayo dibedda waxey muujineysaa in waddamada deriskaa ay si cad oo fowdeyn ah faraha ugula jiraan arrimaha gudaha ee dalka. Waxaad taas kusii darsataa in guddoomihii loo magacaabey Baydhabana uu diidey Geeseey isagoo dabcan ka gows heysta Itoobiya.
Waxaad arkeysaa in Itoobiya iyo Kenya ay ka go,antahey iney qeybo usii kala qeybiyaan koofurta. Dowladda dhexena doonayaan iney kusoo koobaan gobollada qabiilka madaxweynaha.
Arrintaasi waa taxaddi culus oo soo wajahey dowladda. Haddeyse madaxda sare ee dowladdu muujiyaan isku duubni iyo aragti dheeri waa laga gudbi karaa caqabaddaas.
ma jiro waddan aysan la kulmin caqabaad. Laakiin waa in aragti dheeri la yeesho.
Waxaan qabaa ineysan dowladdu muujin wax dabacsanaan ah oo ku aaddan gobollada Itoobiya iyo Kenya heystaan maamulladooda. Waa in ay tusaan soomaalida taageersan dowladda iyo beesha caalamkaba in gobolladaas aan loo oggoleyn oo lagu heysto.
Waa ineysan naas nuujin iyo wada shaqeyn la sameyn gobollo aan iyada dowladnimadeeda aqoonsaneyn.
Waa in dadku dareemaa farqiga u dhaxeeya gobollada dowladda taageersan iyo kuwa diiddan.
waa hadal wanaag san oo xigmad iyo caqli ku duugan yahay oo la fahmi karo hadii si dagan loo aqriyo jubaland dhalataye alow garab qabo waxaan ka loo ku qancay sida uu util maamay kaalinta igad iyo tan d\ ku sheega iyo gobalada uu til maamay waana si wanaag san oo isku dheeli tiran waan soo dhaway naynaa rayigaa wanaag san mr aw libaax shaqadaadana halkaa kasii wad mida d\ ku sheega hadii ay soo dir sato dad u matala oo fuura shirka waan soo dhaway naynaa madaama ay hada wadanka ka tahay sawir magac uyaal ah oo sheega naysa magac dowladeed waa sida ay ayagu ku riyoo nayaane lakiin aan aniga u aqaan kooxda dubu bur burinta waxii lasoo dhisay marka hadii ay u yimaadaan sawir iyo casho waan soo dhaway naynaa ileen igad iyo dadka laba waa ka cashay nayaane laakiin waxaa howsha awoodeeda leh maamulka iyo dadka jubaland waana soo dhaway naynaa beesha caalamka iyo sawir mala awaalka somaaliyeed guuuuuuuuuuuuuul jubaland kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Waa Guul ilaaah Somalia nabad hanoogadhigo inta nabada Rabbta alaha caawiyo intakalne dhibka ay rabaan alaha ku celiyo guruahooda
ilamaha inuu yahay shir wax dhisaya ee waa shir wax duminaya, war dadkan wax runta u sheega may waayeen, maamul goboleedkan lagu ordayo yaa lagala cararayaa waa yaabe, miyaan la sugi karin inta sharci rasmi ah ee maamul goboleedka khuseeya kasoo baxayo dhinaca baarlamaanka, ummadda soomaliyeed federal system diyaar ma u tahay mise in yar oo waxay boobaan doonaya ayaa ka dambeeya riixidda systemkan. aan ragno meel ay kubiya shubato.
masha allaah waa arin in mudo ah aan sugaynay waana soodhawaynaynaa waxaan u rajaynayaa guul inshaa allaah.
@ Wadaad yare, Goboladaan meel ay ku diideen Somalia ama ku mucaaradeen lama arag eeadiga ayaa iska dhaadhiciyay. Dalku waa federal deegaankastana isagaa dooranaya qofka maamulaya. Mweynaha iyo beeshiisa aad leedahay gobolo ayaa lagu soo koobayaa, Ma gobolo dad leeyahay ayay isku balaarin lahaayeen? ileen intoodi waa haystaane!
ASC BAHDA WEBKA,AKHYAARTA INTA NADIIFTA EEN QABIILKU MADAX MARIN WN SALAMAYAA. INTAA KADIB WAAN SOODHAWAYNAYAA JUBBALAND STATE OF SOMALIA WEL COME AYAAN LEEYAHAY ILAHAYNA HA KADHIGO MEEL INTA NECEB LAGU QUUDIYO AMIIN,AMIIN
ILAHAY WAXAN UGA BARYAYAA INUU ILAHAY KHAYRKA WAAFA JIYO AMIIN
JUBBALAND ANIGAA ISKALE…
aw libaax adeer waxaa iga su.aal ah aqoosiga aad IGAD ka raadinaysaan maxay tahay
waxaa kaloo iga su.aal ah beesha aad ka dhalatay waa beesha ugu dhulka wayn deegaanka jubalnd ee
mataageersantahay hawsha aad wadaan
waxaynu ognahay sida aad wax ku wadaan in dadku ku kala qaybsan yihiin
beesha aad ka soojeedo dhamaanteed way ogashahay in Gedo iyo labada jubo ay maamul noqdaan balse waxay ka didsan yihiin dawladahaan saamaynta ku leh arinta aad wadaan iyo keenya oo si toos ah dawlada somaliyeed oga hortaagan dadkeeda in ay wax ladhisto
waxaa kaloo iga su.aal ah keenya hada ka hor waxay tiri beesha adiga aad kasoo jeedo weeyaan waxa jubooyinka iyo Gedo nugula diriraya oo al.shabaabka gobalda jubooyinka 80% waxaa weeye beeshaada
keenya mawqifkeedii saas ahaa ma ay badashay mase sidii aan ku ogayn ayeey ka aaminsantahay beelwaynta aad kasoo jeedo?
guul guuuuuul guuuuuuuuul ayaan leeyahey Jubbaland ha noolaato
Wadaad yare, waxaad u egtahay nin aan lahayn shaqo aan ahayn inaad difaacdo waxa aad ku tilmaanto ‘dowladda iyo ‘qaranka. Xaggee ayey joogaan dowladda iyo qaranku?
Labo mid uun baad tahay: kuwa Xamar haysta ee ismoodsiiyey in mar haddii Maraykan ictiraafay ay taas u adeegsan karaan in ay ku sandulleeyaan qolooyinka ay is-hayaan. Haddii aad kuwaas tahay, ma isweyddiisay cidda burburisay dowladnimadii iyo qarannimadii? Dowladnimadii iyo qarankii aad feenatay yaan maantaa doonayaa, yaa kaa dhegaysanaya?
Tan kale, waa in aad hayb wadaagtaan reer Gedo. Reer Gedo iyo waqooyiga Galguduud waa dad badan oo shiikh iyo shariifba leh, laakiin waxaa ku jira in yar oo ku sifoobay ‘dawaco halkii ay macal uga baratay ayey macaluul ugu bakhtidaa.’ Waa kuwa Xamar dhooban ee ka samriwaayey wixii ka haray daarihii ay halkaas beri ku lahaan jireen, ee kii ku dhiirrada inuu sheegtana – sidaas lagu khaarijiyo. Waa kuwa u qaba in jago qof magac-u-yaal ah loo dhiibay ay dad dhan dantooda iyo mustaqbalkooda wax u tarayso. Waa kua gees-biciidka u leh gardarrada iyo dibindaabyada walaalahood.
Aw-libaax, waxaa aamminsanahay inuu yahay nin aragti dheer oo ku shaqeeya maskax xor ah.
Fadlan, iska illoow sheekada ah ‘cadowga deriska’ , ‘cadowga Itoobiya’ iyo wixii la mid ah. Waa run, Itoobiya waa cadow Soomaaliyeed, waxaase ka xun kuwii cuqdad iyo liidnimo awgeed u burburiyey qarankii Soomaaliyeed, bililiqaystay meel kasta oo ay gaareen, kufsaday gabdhihii Soomaaliyeed. Inta aadan Itoobiya iyo Kenya ku sheegin cadow, horta, isweyddi – xitaa markii ay Xamar joogeen – Itoobiyaanku ma sameeyeen waxaas wax u dhow.
Xitaa waxaad difaacday maxkamad ku-sheeggii diidday inay dhegaysato qareenkii u doodayey gabadhii la kufsaday. Waxaad ku doodaysay ‘maxkamaddu waa madaxbannaan tahay’. Saaxiib, ma Maraykan iyo Yurub bay Xamar noqotay?
Dadka sameysanaya maamul goboleedyadu, waxay rabaan inay iska moosaan oo ka nabadgalaan sharka iyo dadnimo xumida kuwii safka u galay inay kufsadaan ummul miskiin ah oo soo barakacday.
Qori-is-mariskii (waraabe-dadoow) u maamaahay ninka, wuxuu yiri: ‘Shalay waad arrin xumayd, xalayna waad orod gaabnayd, haddana waad aqoon xun tahay.’
To wadaadyare
Sxb beesha adiga iyo madaxweynuhu kasoo jeedaan cidi wax lama qaybsan karto sababtuna waa cidkale waxba uma ogolidin, waxkastana anaa taabsadey yaad dhahdeen.
Hadaan tusaale yar kutuso:
-Madaxweynihii dowlada soomaaliyeed waa beeshaada.
-wasiirkii arimaha guduhu waa beeshaada.
-Raisal wasaarihii waxaa shaqadii ka xoogey madaxweyniihii
-gudoomiyaha iyo duqa magaalada muqdisho waa beeshaada…………………….
-gudoomiyaha airport-ka iyo dhamaan shaqaaluhu waa beeshaada………………………………
-gudoomiyaha ahna duqa magaalada muqdisho iyo gudoomiya yaasha 15 degmo waa beeshaada ——maareeyaha dakada iyo dhamaan shaqaaluhu waa beeshaada
-99.9% agaasimayaasha iyo shaqaalaha dowladu waa beeshaada…………………..
-97.5% safiirada iyo diplomaasiyiinta soomaaliya dibadaha ujooga waa beeshaada
-Gudoomiyaha iyo dhamaan gudiga fulinta olympikada soomaaliyeed waa beeshaada.
-Gudoomiyaha ururka haweenka soomaaliyeed………
-gudoomiyaha saxafiyiinta soomaaliyeed………….
-gudoomiya haweenka soomaaliyeed…………..
-gudoomiyha dhalinyarda soomaaliyeed …………………
intaasi waa tusaale yar.
Bal wadaad yarow intaad fikirtid hadaadan kadhalan qabiilka aad hada tahay maku qanci lahayd dowlad sidaa ah???
Dowlad aan xitaa rabin in hantidii maguuraanka aheyd ee muqdisho ku taalay loo celiyo dadkii lahaa, ayada oo madaxweynuhu si jees jees ah Biljimka uga yiri waxii hore dadka wali daba socda ha iska iloobaan.
Wadaad yarow riwaayada conspiracy-ga intaad inaga dayso adiga iyo qabiilkaaga yeey somali kasocon la’adahay ee diyaar ma utahiin inaan dowlad wada dhisano mise riwaayadan yaad rabtaan inaan idinkula shaqeyno.
Somalida inteedii badneyd wey katashatey Muqdisho ee reerka Muqdisho taabsadey hatashadaan.
Waxaadan waadateen dadka qaata ha odhan.
to oday biiq ma kula yaabayo inaad tahay dadka 80% shidheeyahay jecel soomaalidana neceb mala yaabayo inaad tahay dadka ay ka dhex guuxayso intii xumayd ee soomaaliya qabriga u jiiday. aniga ayaa reer gedo aniga ayaa iska leh 60 % jubaland mana doonayo maamul lasoo dhoodhoobay oo shisheeye u lug ku leeyahay aniga ayaa shalay kasoo qaxay xamar maanyana ku qanacsan waayo waa magaalo madaxdeydii waxaan rabaa inuu dhiigu ka joogsado inay sharci yeelato mana ka cararayo waayo aduunka taariikh waa ka dhacdaa laakiin maantay ayaan u egnahay inaan furihii helayno ilaahay hanoo adkeeyo hadii adiga kula quman tahay soomaali loo kala tarjumo aniga ma doonayo midnimada soomaali waa no one waa ii two waa ii tree meelaan ka aadayana ma jirto soomaalinimadana wax ii badalaya majirto adna fartaada xun kaama hartaa la dhahaye illah haku caafiyo
waxaan kaloo kuugu darayaa maalintii nin cidihiina uu madaxweyne ama r/waraare boqdo dawlada waa taageeraysaa maalintii kalan waa mucaarid miyaa intaas xin ay kaa tahay
Kismaayo oo suuxdintii ka toostay waxay indhaha ku kala qaaday Muqdisho oo wali faskii dagaalka haysata laakiin labadooduba tamar isma dhaamaan.
@alikismaayo
waa runta arinka ad sheegtay oo dhan dadka federalk ka soo hor jeeda waxay rabaan inay noo sameeyaan wax u eg bulsho hal qabill ku hoos nool ee aan sharcigu kala hagayn iyo wadaka oo dhan oo ah hal magaalo ah oo nolosho oo dhan ay ku xiran tahay caasumada
diidnay dowladimo qabiil ku dhisan
diidnay bulsho hal qabill ku hoosnool
diidnay khayraad wadan iyo dhaqaalaha oo hal koox gacanta u gala
diidnay wadan hal magaalo ah oo noloshu caasumad ay ku xiran tahay.
maxaan rabna
bulsho sharcigu kala hago ee aan qabiil ku hoos noolayn.
dowladimada oo aan dadka qaarkii is xijinayn
khayraadka wadanka oo meel walba laga faaidayso iyadoo gobol walba wuxuu soo saaro qayb libaax ku lee yahay.
masuuliydaha dowladeed oo baahsan cidina aysan marti ugu ahayn qolo kale.
isma aaminaynee wax aanu wada yeelano waxna kala yeelano.
guulaysta dhibanayaasha Jubbaland
I wish iney somalidu u fikirto sida Wadaad Yare oo kale,RABBI HA KU BARAKEEYO
WADAAD YAROW
Waar waxaan waxa ay uqabaan in dowladnimagu tahay in ay meel welba ayagu hayaan waloow ay aqoonteedii iyo muuqaalkii qof ahaaneedba ay lahayn. ufiirso markii culusoo london tagay dadkii uu uqodbadeenaayay ee uu lahaa haysta dhulka iyo hantidii qaranka ma waxaa ku jiray wax aad udhugankarto qof ahaan mise wax wax gaagaaban oo madmadow oo foolhun oo u eg in ay gubteen oo dhamaan tood lahaa cirid daanyeer iyo dabo dameer ayay ahaa yeen marka soomaalida quruxda badan waa in ay gooni udistaan dowlad iyo magaalo madax ee aanan mardanbe xabaashaas muqdisho lagu magacaabin magaalo madax. Garoowe,Baydhabo, Hargaysa, Sool, Marka ,Kismaayo, Gedo , Boorama intaa ayaa ka leh mudnaan caasimad. dadka dhulkaa dagana maaha dad xaaraan iyo bililiqo iyo kufsi ku kora,
Jubbaland waa dhaqaaqday gadaalna u noqon mayso lakiin tuhun badan ayaa ku kala dhexjira beelaha Kablalax iyo Sade. 1. Hadaanu nahay beesha Sade waxaan aamin sanahay in aan ugu Gobol weynahay Jubbaland inaan ugu demo badanahay Jubbaland, waxaan doonaynaa inaan Madaxweynaha Jubbaland innagu xaq u leenahay, in parliamenka Jubbaland sadex meel meel innagu xaq u leenahay. Haday walaalahayo ogalaadaan taas Jubbaland Hawiye iyo Irir ma hor joogsan karaan hadii kale waa Jug jug meeshaada joog!!!!!
ASC, dhamaantiin.
@Raas Caseeyr to Raas Kaanbooni, masha’allah, walaal, sida xigmada leh ee aad ulahadashay oday biiq. Waxaan rajeeynayaa in uu inta aqriya meesha aad wax ka tustay garwaaqsado.
Waxaa Ilaaheey mahadiis ah in qabaa’ilka Somaliyeed dhibkii iyo qaladaadkii eey kala galeen eey kasoo kabsanayaan, oo kalsoonidii dadka walaalaha Somaliyeed soo noqotay inta badan, in yar oo mahbar ah maahanee.
@oday biiq, waxaad ku jirtaan saacadihii adiga iyo adeerkaa qaswade Faroole idiinkugu dambeeyay. Caqabada amaba kaarka kaliya ee idiin haray oo aad rabtaan in aad ku hor istaagtaan soo celinta sharafka iyo qaranimada Somaliyeed waxaa waaye nidaamka Federal ka ah. Asagana waa la’idinka dhigi doonaa, oo waa la’idinkaga guuleeysan doonaa. Sababtoo ah, sida Madaxweeynaha, Ra’iisalwasaaraha iyo waliba Gudoomiyaha baarlamaankaba sheegeen dastuurka Somalia waa “provisional” yacni qabyo, oo waxaa loo baahan yahay sixid badan, iyo in laga dhigo dastuur dhameeystiran oo dadka Somaliyeed qof iyo codba u codeeyaan. Markaas ka bacdi ayaa nidaamka amaba Xukuumad dhexe oo balse gobolada dhan is maamulaan, amaba nidaam kale ee cod loo qaado lagu dhaqmayaa. Laakiin hada waxa jaahil Faroole iyo kuwa yar oo qabqablayaal ah u rabaan maamul beeleedyo waa in madaxweeyne beeleed loogu yeero. Taasna shacbiga caadiga ah iyo masaakiinta Somaliyeed ee waxeey cunaan seey u heli lahaayeen la tacaalaya dan uguma jirta in maamul beeledyo iyo darbiyo shacbiga Somaliyeed lagu kala xir xiraa.
Waxaan kaloo idinkugu bishaareeynayaa in hadii howshaan howtul hamaga ah ee Kismaayo lagu kar karinayo oo ayadoo Dowlada Somaliyeed oo aan raali ka’aheeyn lagu dhaqaaqo, waxii dhib, dagaal ahli oo aan hubo boqolkiiba sagaashan in uu imaan doona, waxaa mas’uuliyada koowaad iska leh qaswade Faroole maxaa yeelay asaga ayaa waxaan dad waxmagarata ah dhagta ugu sheegay;. Waxaa kaloo mas’uuliyada fitnadaas qaadaya waxii waxmagaratada ah ee ku dhaqaaqay wax shacbiga Somaliyeed ee hada soo kabsanaya eeysan isku raacsaneeyn, waliba Dowlada Somaliyeedna raali ka aheeyn.
Shacabka Somaliyeed iyo waliba Dowlada waxaa la quman in eeysan cag dhigin shirqoolka iyo abaabulka beeleed ee kasocda Kismaayo. Waa in eeysan sharciyeen qabiilo is abaabulaya, oo ilaa hada lagu daawanayay, loo samrayay in eeey fitnada iyo abaabulka qabiil joojiyaan. Hadii eey sharciyeeyso hadhow waxii fitna ka yimaadana qeeybteeda ayeey eeda iyo mas’uuliyada waxii qaldama ku lahaan doontaa.
Ugu dambeeyn waxaan leeyahay qabqalayaasha uu ugu horeeya qaswade Faroole, “tear down this wall” oo dumi darbiyada aad rabtaan in aad Somali ku kala ood oodaan si la’idinkugu yeero kaliya madaxweeyne maamul beeleed hebel. Ka jooga ayaan idin leenahay. Ka fakira waaba hadii eey maskax idinku jirto waxaa ka imaan karo waxa aad umada u bilaabeeysaan.
God bless Somalia.
cadaado( wiilka qabiilka duleyay )
adiga faroole ayeey kaga dhagantahay
ma is warsatay adeerkaga xaraan cune diiriye ku qaraabta magac uusan u qalmin
adiga faroole lugahiisa ma gartid iyo istirashada uu ku tirtirto afkiisa kaama yaqano nacas nacas dhalay
marka hore xaraanta dadkaaga ku jiraan ka safeey markaasi afkaaga xaraanta u bartay ku hadal shit
@oday biiq walaal aad baan uga xumahay in aad dhahdo Ethopia waxaa kasii cadowsan dadka muqdisho taa macnaheduna waa Ethopianka iyo kenyanka ayaan kaa jeclahay adigaa walal soomaliyed ah lkn ogow Ethopian ani iyo adi wan u simanahay isku qaab ayuu inoo necebyahay oo nama kala jecla adigana dad nimadada waa intas oo qof maangab ah ayaad tahay @abuu bakar sadiiq sxb magaca weyn ee qaaliga ah ha ceebesan waxaad tahay qof doqon ah war ma qaniis baa tahay mise gabar ayaa tahay bal maxad qurux ugu mashquulesa sorry bro inan adoo kale u jwbo man rabin hadana walalkay ayaa tahay waxan rabaa inadan mar danbe waxan oo kale aadan sameen mida kale oday biiqow iyo inta ku caqligaa waxan idin oranayaa dagaal wuu dhacaa waana dhamaada waana la heshiiyaa oo dad naga kala fog oo diin iyo dhaqanba ku kala fog ayaa heshiiyan oo horay u heshiiyay marka my brothers inagoo soomali isku diin wada ah hadaan heshiin weynay makula tahay in aan hormar tiigsan karno waligayn waa maya mida kaloo ugu muhiimsan waagii Gaas ama ina cabdirashid cali sharmarke cuqdad iyo dagaal midna ma qabinee hada maxaa keenay oo cuqdadan iyo dhikan ma waxuu nakala gaaray after Gaas uu dhacay oo nin Mj meesha laga waayay
waxaa cajiib ah in in libaax yiri anugu Aw bisad ayaanba oranlahaaye kaalinta daowlad dhexe waa furtitaanka shirka taas macneheedu maxuu kaga duwanyahay kuwii lahaa kinya iyo Ethopia dowlad hanoo dhisaan dowalduna faraha hanala baxdo waxaan amaanayaa ahmed madoobe oo noqday dadka ka hadla gobolada jubooyinka ninka ugu dublumaasisan xaga hadalka wax kasta hoos haka watee intaas ayaanba la heli karin qofku inuu garto inuu hadalkiisa asluubaysto waxaan leeyahay Aw-libaax soomaliya soomalibaalehe ama meesha somalilan istaagtay aan istaagno ama aan soomalinimad ogolaano wabilaahit towfiiq
WADAAD YARE ANAA XAAL MARIYAY WAX MEESHA KA SOCDANA WAAN ARKAA IDINKAA QURUN IYO SHAQIN IYO QABYAALADBA WADA KUWA UJAWAABAYA ninkaas qaranimada ayaana dani ku jirttaa dadka aad uhadlaysaan ana aan ahay waa dadka soomaliya gaalada laga reebi waayay ilaa iyo inta taariikhda wax la qoray marka iska daaya adeerayaal waxaas dan ku gaarimaysaani in ilmihiinu wax barashu iyo caafimaad idiinhelo ayaa dani idiinku jirtaa ama idinkaaba caruur ah sida hadalkiina kamuuqata miisaankiisa mida kale qof magiciisaba ka baqay inuu qoro maxuu sheegin waa qof raba kaliya in qof caayo
wadaad yare, cadaado, raascaseer iyo raskaboni,banaadir boy waa qabiilka oo ku habsadey xamar oo ku koray bililiqo xaaraan adeer arimaha jubaland xamar waxa ku nool oo xasadka ah wax kaquseeyo majiraan oo lagala tashanahayo, hooshaas waxay u tashaa dadkaas nool oo ilaah galiyey dadnimo waa dadka dega jubaland oo walaalaha ah adeer ama faruuryo qaniin ama farta dhexda kaqaniin maalin
duhur oo cadceeda dhexda tagantahay baa lagu dhawaaqi arinku waxla qarinahayo ma’aha VIVA JUBALAND
Dhammaantiin akhyaarta mar kale ayaan idin salaamey.
Loollan awoodeed ayaa socda ee stay tuned! Dowladaha deriskaa waxey wadaan gacmo gacmeyntey u barteen. Dhab ahaantii iyagaa dhibka dhex dhigaya shacabka Soomaaliyeed oo aan weli heysan institution dowlad adag oo difaaci karta masaalixdooda. Dowladaha Soomaaliya soo galey qaarna waa ka dhab iney caawiyaan dowladnimada ay sheegayaan iney u yimaadeen iney caawiyaan.Qaarna dantooda ayey wataan ee dowladnimada Soomaaliyeed iney kaalmeeyaan uma imaan. Itoobiya waxey muujisey wixii laga filayey markey awood u siisey guddoomiyihii hore ee Baydhabo inuu hor istaago guddoomiyaha dowladdu soo magacowdey.
Masaakiin ha noqonnina dadyahow oo si sahlan yaan qalad la idiin tusine meesha eedda iska leh fahma. Digil iyo Mirifle malaaqyadooda iyo madaxdooda waxey isku waafaqsanaayeen go,aankaas. Wax is heysasho ahna kama jirin arrintaas. Laakiin waa laga diidey iyaga iyo dowladdaba iney fuliyaan howshii dowladnimo.
Waxaa qalad ah marka inaan ama D&M eedeyno oon niraahno dowladnimo ma rabaan, ama aan dowladda qaladka kusoo rogno oon niraahno way degdegtey. Labadaasba midna ma jirtee dowlad aan saaxiib aheyn ayaa arrinta ka masuul ah.
Haddii Jabuutida Beledweyne joogta ku caawin laheyn guddoomiyaha Hiiraan inuu dowladda ku amar diido amaba ku amri laheyd wuu sameyn lahaa.
Haddii Indho Cadde inta xaafado Muqdisho ah gacanta Uganda ka saarto ku oran laheyd iska diid dowladda taladeeda wuu yeeli lahaa.
Haddii C/Qaadir Fiiga Marka laga qaadey Uganda ku oran laheyd innagaa kugu garab taagane dowladda kir dheh wuu sameyn lahaa.
Haddey qabaa,ilka deggan Sh/Hoose qaarkood intey Uganda shiriso ku oran laheyd annagaa idinku garab taagane gobolka qabsada oo u shira waa laga heli lahaa maangaab u riyaaqa oo is abaabula. Sidoo kale B/Weyne haddey ku tiraahdo Jabuuti dowladda ha dhegeysanninee howshiinna gaarkaa wata waa laga heli lahaa dad sameeya.
Haddaba ha u qaadannina in la kala waddanisanyahey ee duruuftaa kala baddalan dadku ku noolyihiin.
Gobolladaan Kenya iyo Itoobiya fadhiyaan iyagaa dadka iyo dowladda ku dhex jira oo isku diraya ee yaan meel cidlaa cuqdad lagu kala qaadin cadowga dhabtaana laga il duufin.
@Wadaad yare noolow wallahi rag rag dhalay
muuse @ sxb waa runtaa oo dadkaa aad maga cow day waa dad faroole ka goobaaya boodhi gaar ayagoo iska soo hor mari naaya gabar baadiye ari ku raacaysa marka taas waa ku fahmay odayga oo dhag jalac umasiin marka in la iska qay liyaa waa ku daruuri mida dadkaa xasan u taageera yaana anaa kuu sheegin hadii baar lamaanku soo laabto waxaa la hor keena yaa nadaamkii fadaraalka oo wata shuruudaha ay kamid yihiin maamulka la dhisaayo amaba dhisnaa d \ ku sheega kahor imisa gobol ayuu haystaa ?? imisa dagmo ayuu ka kooban yahay ?? xuduudi hiisu waa ku wee ?? caasimadiisu waatee ?? imisa dad ayaa ku nool ?? intaa oo sharuuda haday timaado waxaa meesha ka baxaaya dad qayaali ku noolaa oo intay habayn seex deen yiri anaa madax waynaa oo maamul heb laa la idhahaa taas oo ay ka mid yihiin XUMIN IYO XEEB IYO QAATUMO STATE marka dadkaa waa dadka iska dhigaaya in ay taageer san jihiin qaran laakiin wata dan tooda laakiin hadii ay hada dhahdo d\ ku sheega ma aqoon sani maamula daa waxaad ar kay saa ku waan qaran ka leh waan taageeray naa oo ku qaraabanaaya ayagaoo leh waan ka baxanay d\ ku sheega kkkkkkkkkk hadiise XUMIN IYO XEEB wadani yahay maxuu udiiday nadaamkii ay wadatay d\ ku sheega oo lagu taageeraayay midaynta gobolada dhexe ?? QAATUMO STATE maxay uraaci waday day SOMAALI LAND i leen ayadaa kamid noqo teen shalay oo hadana la saxii xateen go ida hadiise ay somaali ku mar mar siyoo nayaan oo lee yihiin somaali nimadaan ilaali nay naa somaali yaana ka mid ahaa nayaa maxay u a ga baxeen puntland ileen ayadaa somaaliya kamid ahe ?? hadiise ay yihiin maamul is kood isku taagay aaway caasimadoodii ?? imisa gobol ayay hays taan ?? mida XUMIN IYO XEEB imisa gobol ayay haystaan meeday caasimadoodu ?? caasimadooduna ma ka mid ahayd 18kii gobol ee la aqoon sanaa oo waa gobol sida kis maayo oo kalaa ?? taas waa qiyaali oo wax ay meesha ku hayaan ma jiro qaran ay taageera yaana ma jirto ee waa fadaraal diid ayagoo aan meesha wax ku hayn oo dhuq dho dhex yaal ah mid waa mi jinta ii qaad anaa ku raacine midna waa fad lan lacag ku shubo somaali la is baray kkkk kkkkkkkkkkk goood lucklyyyyyyyyyyy