Max’ud Axmednuur Tarsan:Lacagaha Sharci Darrada ah ee Lagu Qaado Dekeda Horteeda Waa Wax Aan La Aqbali Karin


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Muqdisho(RBC Radio) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa iska fogeeyey iney ka war hayaan lacago siyaabo sharci darro ah looga qaado dadka wata gaadiidka raaxada ee ku safra  wadada marta afaafka hore ee dekada weyn e magaalada Muqdisho gudoomiyaha gbolka Banaadir Max’uud Axmed Nuur Tarsan ayaa ssi cad u sheegay in maamulkiisu uusan wax shaqo ah ku lahayn lacagaha laga qaado gaadiidka isticmaala wadada martay ilinka hore ee deeda Muqdisho.

Tarsan ayaa sheegay ib goobt lacagahaas dadka loga qaado ay ka mid tahay isbaarooykii lagu dhibateyn jray isla markaane ay tahay arin aan la aqbali arin oo aa sinaba logu dulqaadan Karin,wuxuuna tilmaamay iney soo gaareen cabashada ka imaanaysa dadka adeegsada wadadaas oo ay ka warhayaan dhibaatada lagu hayo.

Tarsan ayaa mar la weydiiyey maadaama uu yahay gudoomiyha gobolka oo uu masuul ka yahay dadka ku nool magaalada Muqdisho  sababta uu wax uga qaban waayey dhibaatada cad ee lagu hayo shacabka ayuu iga jawaabay inuu marar badan la hadlay saraakiisha ay hoostagaan raga qaada lacagaha sharci darada ah ee laga qaado gaadiidka isticmaaala wadada marta afaafka dekeda Muqdisho isagoona tibaaxay in masuuliyada arintaas iyaga lagula xisaabtamayo.

Tarsan ayaa hoosta ka xariiqay iney tahay wax aan la qaada Karin in Isbaarooyinkii la mamnuucay ee magaalada laga dabar gooyey la dhigto halbowlaha magaalada iyadoo loo galiyey shaati dowladeed sida uu sheegay,wuxuuna mar kale baaq  diray saraakiisha cidankaas xukumay iney ka hor tagaan ficiada xun xun ee lagu dhibaateynayo umada Soomaaliyeed.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Max’ud Axmednuur Tarsan:Lacagaha Sharci Darrada ah ee Lagu Qaado Dekeda Horteeda Waa Wax Aan La Aqbali Karin”

  1. Mohammed Ali says:

    ASC, dhamaantiin

    Waxaa u malaynayaa odaygaan qurbaha ku daahay, oo aan ogayn xaalka reerka uu lajoogo, (aray muhu mihii maahaan) ee lafahaaga ilaasho.Midakale isbaarada waa mida la doonayo inay gaarto Soomaaliyoo dhan. Waxaa kaloo u sheegayaa odaygaan isbaarada badelkeeda waa inaad keentaan sida shaqooyin baaxad leh, waa inaad joojisaan musuqmaasuqa, iyo hantida qaranka ee yurub iyo dubai bangiyadeeda la dhiganayo.

    WBT

Leave a Reply