Qaramada Midoobe Iyo Mareykanka Oo Si Isku Mid Ah Walaac Uga Muujiyey Xariga Haweeneyda Ay Kufsadeen Ciidamada Dowlada Iyo Wariye C/casiis(War Saxaafadeed)
NewYork(RBC Radio) Maraykanka Iyo Qaramada midoobe oo si isku mid ah uga walaacsan kiiska Wariye C/casiis C/nuur Koronto oo waraysi la yeeshay gabar sheegtay iney kufsi u geysteen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ninkeeda oo isne lagu eedeeyey inuu xaaskiisa ku dhiiri galiyey iney ku dhaqaaqdo falkaas si ay lacag badan u helaan sida uu ku waramay booliska Soomaaliya ayaa waxaa xiligan soo kordhaya qayla dhaanta loo jeedinayo dowlada Soomaaliya ee ku aaddan arintani.
War-Saxaafadeed kasoo baxay waaxda arimaha dibbada dalka Mareykanka ayaa loogu baaqay dowlada Soomaaliya iney ku ka waantowdo caburinta xoriyatul qawlka iyo in kiiska arintani loo wajoho si sax ah iyadoo la raacayo shuruucda u yaala dalka Soomaaliya iyadoo aan lagu xadgudbeen xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Warka kasoo baxay waaxda arimaha dibada Mareykanka ayaa lagu soo koobay “waxaan leenahay arintan caalamka oo dhan ayaa indhaha ku haya waxayna saamayn ku yeelanaysaa mustaqbalka Soomaaliya iyo dowlada Soomaaliya” , Dowlada madaxweyne Xasan Sheekh oo xiligan ku hawlan sidii ay xiriir wanaagsan ula yeelan lahayd guud ahaanba beesha caalamka ayaa ay arintani ay dhaawac ku yeelan kartaa hadii aan si sax ah loo wajihin qaadista dacwada oo maanta la filayo iney Muqdisho ka bilaabato.
Dhanka kale xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa war kasoo baxay waxaa lagu sheegay iney si weyn uga walaacsanyihiin kiiska haweeneyda la kufsaday iyo wariyaha baahiye waxayna sheegeen iney si gaar ah uga walwalsanyihiin daahinta qaadista dacwada wariyeha iyo haweneyda ku eedeysan iney ka been abuurtay kufsi loo geystay.
Waxaana sidoo kale si kulul u cambaareeyey xariga Wariye C/casiis Koronto, haweeneyda sheegtay in kufsiga loo geystay iyo dad kale oo la xiran Hay’adaha Human Rights Watch iyo Amnesty International waxayna ugu baaqeen dowlada Soomaaliya iney si deg deg ah dib xoriyadooda ugu soo celiyaan dadkan rayidka ah ee u xiran dowlada Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho














Somalia iyo cadaaladeeda bur saliidka lagu cunayo maamooyinka ayeey kufsanayaan hadana waa xirayaan kuwaas ayaa cadaalad ka sugeeysaan.
ayagoo basaasad caano lagu siinayo oo aduunkoo dhan wada daawanayo ayey cadaalad sameyn la yihiin maxaad moodaa hadii ay xoog yeeshaan sida dowladii dhexe oo kale? culusow EU weydiisay gabarta la kufsaday oo la xiray markaasuu jawaab wuxuu oga dhigay gabdho badan ayaa dowlada ku jira sida fowsiya iyo maryan qasim ceebey tacaal war gabarta soo daaya dhiigu hoos ka socdo. uf uf