R/wasaare Saacid Oo Si Kulul U Cambaareeyey Weerarkii Is Qarxinta ahaa Ee Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo(War-saxaafadeed)
Muqdisho(RBC Radio) Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiir Doon Saacid ayaa si kulul loogu dhaleeceeyey weerarkii isqarxinta ahaa ee shalay lala eegtay taliye xigeenka booliska Puntland Muxudiin Axmed Muuse oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaana uu u qornaa warsaxaafadeedka uu soo saaray R/wasaare Saacid sida.
Annagoo si adag uga shaqeynayna arimaha amniga iyo xasiloonida dalka si loo helo Mustaqbla wanaagsan ayaa alshabaab taas bedelkeeda ku hawlan yihiin sidii ay u qaadi lahaayeen weeraro ay fulaynimo ah oo ay waxyeelo ugu geysanayaan dadka shacabka ah, sidoo kale warsaxaafadeedka ayuu R/wasaare Saacid ku sheegay in alshabaab ay maleegayaan sidii ay u fulin lahaayeen awaamiir laga soo min guuriyey dalka dibadiisa.
Waxa uu R/wasaaruhu halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa dadkii ku waxyeeloobay halkaasi ,/wasaare Saacid ayaa hoosta ka xariiqay in dowlada Soomaaliya ay si buuxda u taageersantahay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland isla markaane ay taageero u hayaan maamulkaas oo xiligan ay qalalaase ka wadaan shabaabkii looga adkaaday Koonfurta Soomaaliya.
R/waasre Saacid ayaa sidoo kale ku amaanay maamulka Puntland dadaalada ay ku xasilinayaan amaanka deeganadaas oo ay wadaan isagoona ku tirtirsiiyey in sii laba jibaaraan dagaalka ay kula jiraan nabad diidka Soomaaliya wuxuuna dhanka kale si guud uga waramay xaaladaha sugida amniga dalka oo dhan R/wasaaraha ayaa tilmaamay kadib iskaashi dhab ah oo dhexmaray dowlada Soomaaliya iyo beesha caalamka inuu soo hagaagayo amniga inta badan gobolada dalka.
DHAMAAD.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho














Good mudane R-wazaare
Mudane Raysal Wasaare waan la socdaa in aad dadka kala taqaanid oo aad reer Gaalkacyo u xaglinaysid oo u hiilinaysid kuwa Garoowe iyo Boosaaso joogana iidnaan is af aqoon. kkkkkkkkk
Siiba kuwa Reer Bariga ah wax loo hiiliyo maahan, waa GaramGaram hadii aysan nimankaas reer Mudug aheyna Baabuurtay ka carari lahaayeen sidii ugaartii kkkkkkkkkkk balaayo qaanjeer badan ma dhahaa kkkkkkkkkkkkkkkk
Waa nimankii ayaantii Gaalkacyo ka cararay intay dheheen waxbaan xoreynaynaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk balo ciidan idinka dhigatay yaa toon cunay oon iyaga aheyn kkkkkkkkkkkkkk
Too late and too little