Urur Siyaasadeedka Midnimo oo shirweynohoodii ku doortay Golaha Dhexe ee Ururka (Sawirro)
Garoowe (RBC RADIO ) Urur Siyuaasadeedka Mucaaradka ah ee Midnimo ayaa Maanta Jaamacada PSU ee Magaalada Garoowe waxaa uga furmay shirkoodii ay ku dooranayeen hogaanka Ururka iyo golaha dhexe iyo sidoo kale in ergooyinkii ka socday Gobolada ee taageersanaa ururka ay ansixiyaan xeer hoosaadka ururka ayaa Kulankaasi waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyaha KMG ee Ururka Midnimo Dr Saadiq Eenow iyo Madax kale oo ka tirsan Midnimo oo rag iyo Dumarba isugu jira.
Kulankaasi oo ay kasoo qayb galeen Ergooyin ka kala socday 8da Gobol ee Puntland ayaa u muuqday mid si xoogan taageero loogu muujinayo dhalinyarada iyo haweenka oo codka ugu badan ee madasha lagu casumay taasoo micneheedu ahayd in ururku muujiyo sida uu uga dhisan yahay xaga aqoonta oo dhan walba oo loo arko in bulshada reer Puntland uu wax kusoo kordhinayo aan laga qadin ka mid noqoshada Ururka iyadoo madaxda Ururku u arkayeen in muhiim ay tahay in dadka talada iyo fikirka ku duugan ee cid la wadaagta waayay laga dhuuxo Xigmada kadibna dib dalka loogu celsho si looga gun gaaro hadafka ururka sida ay sheegeen Xubno ka tirsan Ururka oo madasha ka hadlay.
Gudoomiyaha KMG ee Midnimo Dr Saadiq Eenow oo Madasha hadalo muhiim ah kasoo jeediyay ayaa sheegay in ficilka iyo Aragtida midnimo ay wada socdaan qorshuhuna yahay in is bedel muuqda laga hirgeliyo Deegaanada Puntand waxwalbana laga hormariyo Cadaalada iyo alle ka cabsiga oo uu sheegay in uu yahay wadada kaliya oo uu ku taagan yahay Urursiyaasdeedka Mucaaradka ah ee Midnimo.
“ Ururkaan waxaa dhistay Aqoonyahano ganacsato Culamo Dhaqaatiir Masuuliyiin iyo inta aqoonta iyo garashada u saaxiibka ah, aragti Diin maleh Qabiiil kama socdaan mana ahan in Ururka lagu micneeyo wax aan waxba ka jirin,waxaan ka shaqeyneenaa isku xirka midnimada iyo isu soo dhawaaan shaha umada Puntland iyo Soomaaliyaba waxaana doonaynaa in Siyaasada iyo maamulkaba uusan u gaar noqon Qolo ama Qoys ee waa in uu noqdaa mid ay Bulshadu u siman yihiin ayuu yiri Dr Saadiq Eenow.
Gudoomiyaha oo Hadalkiisa sii wata ayaa yiri.
“Waxaan ugu baaqayaa ururada ka dhisan Puntland siiba Ururka Horseed ee Talada dalka iminka haya inay ilaaliyaan amaanada iyo Xilka dusha ka saran,waxaana leeyahay dib haloo eego hanaanka siyaasadeed dhaqan dhaqaale si haykal Dowladnimo loo helo ayuu yiri Dr Eenow.
Drku wuxuu kaloo xusay in ururku uu leeyahay qolo qabta fikirka iyo hadafka ururka mid ka duwan kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay u madaxbanaan yihiin fikirkooda, wuxuu kaloo ka dahwaajiyay in ay jiraan qolo dano gaar ah uga soo horjeeda ururka oo diidan in uu ka gun gaaro ujeedkiisa ah in dalka iyo dadka dib udhaca haysta laga bad baadiyo Qoladaasna waxaan leenahay waa dhamaaday dano gaar ah in la fushado Midnimaa timid hada hadaan awood kale la isticmaalayn ayuu Drku yiri, wuxuuna sii raaciyay hadalkiisa in ay jiraan qolo kale oo ku kacsan ururka hadana aan ka warqabin waxa ay kula dirireen sida uu hadalka u dhigay Gudoomiyuhu isagoo Cadeeyey in intaasoo isbaaro ay si fudud uga gudbi doonaan ayagoo kaashanaya Taageerayaashooda.
Mar uu arimaha Jubbaland ka hadlayay ayuu sheegay Dr Saadiq Eenow in ay soo dhaweynayaan maamul Madax banana oo ay yeeshaan dadka deegaankaasi kuwaasi oo hab xor ah usoo doorta cida ay doonaan,dhanka federaaliisimka ayuu sheegay in ay soo dhaweynayaan iyadoo hal meel wax lagu wada qaybsanayo sida in soomaalidu ay is cafiso hantidii lakala haystay laysku celsho lays cafiyo Mashaariicaha la wada qaybsado Nabada laga wada shaqeeyo ayuu sheegay in ay xalka ku jirto.
Dr Saadiq Eenow ayaa mar uu ka hadlayay Gobolada Maqan ee Puntland ku tilmaamay taasi in ay Masuul ka tahay habacsanaanta ka jirta Maamulada Puntland kuwii soo maray iyo midka hada jiraba oo uu sheegay in ay dayaceen soo celinta Goboladaasi balse Mdinimo hadii ay talada dalka ku guuleysato ayuu sheegay in arimahaasi ay wax badan ka qaban doonto, isagoo sheegay in lagama maarmaan ay tahay sidoo kale in Bulshada Dariska la ah Deegaanada Puntland lagala shaqeeyaa sugida amniga 2da dhinac.
Gudoomiyaha KMG ah ee Midnimo wuxuu sheegay in uu aad u boorinayo in dhalinyarada reer puntland ay taageero xoogan ka heli doonaan Ururka mid nimo sidoo kalena haweenku uu ururku siindoono mudnaanta 1aad isagoo sheegay in 3 qof oo uu awood u leeyahay in uu ku daro Golaha dhexe ee Ururka uu haween ka dhigi doono wuxuuna ugu dambayn Saadiq Eenow Mahadcelin balaaran usoo jeediyay Isimada Puntland oo tixgelin gaar ah ku leh Ururkiisa iyo Sidoo kale Ciidanka Puntland oo amniga suga kana qayb qaadan Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay kuwaasi oo uu ku sheegay in ay Wax barsho u furidoonaan Mushaar ku filannah ay siin doonaan hadii ay talada Dalka la wareegaan sida uu yiri Gudoomiyuhu.
Isla Maanta yaa Ergadii Midnimo waxay Doorteen 95 qof oo golaha dhexe ee Ururka ah iyadoo sidoo kale ay ansixiyeen Xeerka Ururka waxaana Maalinimada Beri ah la filayaa in ay Doortaan Gudoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa oo ay si rasmi ah ugu codeeyaan Ergada laabta ka taageersan Urur Siyaasadeedka Mucaaradka ah ee Midnimo.
Ibraahim Wadani
RBC Radio
Xafiiska Garoowe.





















mashala ururka midnimo wakan ay maskaxda kuhayaan dhamaan shacabka 38dagmo ee wadanka waana kan haya isbadal aqoneed waana kan ugu tagero badan mucaradka waxan hogamiya janaral ismaciil iyo dr saadiq iyo aqoonyahan badan oo wadanka aha waa na kan midayn kara dhamaan shacabka puntaland hanbalyo siday dhalinta fursada usiiyeen iyo xafladooda quruxdabadan
Viva Midnimo Party ilaah ha garab galo wa xisiba aqoonta iy o xirfada iyo garashada ee puntland masha laah
yes nidaamka axsaabta badan iyo doorasho xalaal ah oo puntland ka dhacda
midnimo party waa mideeyaha puntlanderska ilaah hawfudeedeeyo hawlaha doorashada
Qabiil waa qurun, waana la ogaaday!!! Vivo xisbiyada Puntland, si buuxda ayaan u taageersnahay!!!
Qabiilkaguur oo qabiil u guur weeye waxa ka socdaa puntland!
dr saadiq aaynow waa nin masiirka ummada lagu aamini karo siday ilatahay dadkii rabay inay qaab qabiil kku sad bursadaan sheekadaas waa dhamaatay ku kalsoonada codka shacabka
waa fursadda qudha oo uu haysto xisbigan waxaan joogaa sanaag waxaana ii muuqda inuu halkan yahay xisbiga ugu taageerada badan sanag iyo bari labada gobol oo aan u warhayo isagaana ku guulaaysanaya dorashooyinka laakiin haduu faroole ku shubto doorashada hayska ilaaliyo
@ Dr Eenow :-
MIDNIMADA PUNTLAND HA JIRTOO HA JOOGTO !!!
LONG LIVE & EVER LASTING FOR PUNTLAND UNIFICATION & PROSPERITY !!!
viva midnimo party !! dr sadiq waan ku taageersannahay qabiillna kuma taageerin !
Waxaa cad in laga heli kar dad qaran,laakiin
Calaf uma helin weli nin qaran oo kalsooni ka
Wada heli kara somali oo idil hadii ay taas ku
Fekeri lahaayeen somali oo idil marwalba hogaankooda
Sare waa ka muuqan lahaayeen laakiin alle
Uma qorin laakiin saadiq eenoow waa nin ka weyn
Reer punland u qalma qaranimo laakiin habaro
Cilada haysata reer puntland oo ah qabyaalad
Oo ah cancer aan daawo lahayn la fiiriyo shaqsiga
Qabiilkiisa oo qura aan la fiirin kartidiisa .