Ururka Al-shabaab Oo Ku Tilmaamay Qaraxii Ismiidaaminta Ahaa Ee Ay Ku Qaadeen Taliye Xigeenk Booliska Gaalkacyo Mid Loogu Aargudayey Shacabka Soomaaliyeed
Muqdisho(RBC Radio) Ururka alshabaab ayaa sheegtay qaraxii shalay lagu bartilmaameedsaday taliye ku xigeenka Booliska Puntland ee magaalada Gaalkacyo Muxudiin oo ka badbaaday qarax ismiidaamin ahaa oo lagu doonayey in lagu qaarajiyo afhayeenka ururka alshabaab u qaabilsan dhanka hawlgalada C/casiis Abu Muscab oo la hadlayey Warbaahinta ku hadasha afka ururka alshabaab ayaa si cad u sheegtya qaraxaas.
Abu Muscab ayaa ku tilmaamay weerarkii ay ku dhaaweceen taliye xigeenka mid Barakeysan oo ay fulkiyeen kooxaha alshabaab u qaabilsan is qarxinta ee ay u yaqaanaan Istish-haadiya wuxuuna sheegay iney halkaas ku baabi’iyeen waxa uu ugu yeeray cadowga ilaahay oo dhibaato ku hayey umada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo sida uu hadalka u yri.
Ma jirto meel aad uga baxsan doontaan xabbada Mujaahidiinta waxayna go’aansadeen Mujaahidiinta alshabaab iney meel kasta idinku weeraraan idinkuna dilaan ayuu hadalkiisa kusii daray afhayeenka hawlgalada ururka alshabaab C/casiis Abu Muscab oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afkooda isagoona tibaaxay in Muqdisho iyo Gaalkacyo uusan wax farqiya u dhexeen intaba ay yihiin goobo shacabka lagu dhibo siduu sheegay.
Abu Muscab ayaa ku sheegay ujeedka ay qaraxa u fuliyeen inuu ahaa kadib markii ay shabaab u dulqaadan waayeen tacadiyada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed waxa aan go’aansannay inaan u aar gudno shacabkeena la dulmay ee ku hoos jira gacanta cadaowga sida uu hadalka u dhigay isagoona intaa raaciyey iney sii wadi doonanaan dagaalada ay kula jiraan dowlada Soomaaliya iyo Amisom ilaa ay dalka ka saaraan sida uu yiri.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho














KKKKKCAJIIB MID LOOGU ARGUDAYAY MAHEE WAA MID LOGA AARGUDANAYAYE SHACABKA SOMALIYEED ILAHAY JASIHIISA HA IDIN KAWARAABSHO ISHAA ALAAH
Sababta reer Puntland looleynayo waxgaradkooda inta inta kale ee Soomaaliya laga soo tago anigu waan garan ciddaan garanna iyagay dhibin. Wiilasha Shabaab Madaxda u ah haday Diin wadaan may Geeyaan Burco iyo Hargeyso iyaday ka yimaadeen.
Kuwa hawaamishta ah ee lagu shaqaysanayo, balse, aanan fahmi karin in waxa kan ay tahay qabyaalad qaawan waa waa sida xoolo oo kale.
Waanu ka adkaanaynaa dulmiilayaasha, ee waxaan u baahanahay dulqaad.
axmadow maad waxaa ku jidho iska dayso