Ururka UFM oo Baaq u Diray Dowlada Soomaaliya
Uruka Somali fedelization movement.
Ujeedo: BAAQ
Ka dib wadatashi dheer ee umada soomaaliyeed qaybeheeda kala duwan ka sameeyeen qaabka uu noqonaya hanaanka dawladnimo ee Somalia waxay isla gareen in dalka lagu dhoqo nidaamka federalism ka ah ugu dambayntiina waxaa si rasmi ah loogu ansixiyey caasida Somalia ee Muqdishu 01-8-12 waxaana ansixiyey ergo kor u dhaafaysa 650 qof oo ay waliba goob joog ka ahaayeen inta badan hogaanka dhaqanka Somalia iyo joog joogayaan caalima ah intaba.
Ururka somali federalization movement oo markasta indhaha ku haya sida loo hirgalinaya heshiiskaas waxay walaac ka qabaan qaabka ay dawlada federal ka ah ee Somalia uga caga jiidayso in gobolada qaar dhistaan maamul ay u dhanyihiin sida ku cad dastuurka federal ka ah ee Somalia oo ay ku cadahay in ay maamul samaystaan labo gogol iyo wixii ka badan oo isu taga,
Dawlada federalka ah waxay dhawr jeer shaki galisay in dadka dega gobolada jubooyinka iyo gedo dhistaan dalwad goboleed iyadoo adeegsanaysa qaabab kala gadisan,
Xiligii laga saaray deeganadaas ururka xarakada al-shabaab dawlada waxay sheegtay in ay iyadu maamul u samaynayso deegaanadkaas taas oo gabi ahaan ba ka soo horjeeda dastuurka federal ka ee Somalia hadalkaas oo dhaliyey kala shakin soo kala dhex gashay dawlada iyo shacabka goboladaas oo mudo dheer ka dhursugayey in ay helaan dawlad ay ku kalsoonaan karaan,
Dhacdooyinkii u dambeeyey waxaan ka xusi karnaa dhacdiid asbuucii la soo dhaafay dawladu ku amartay hay’ adaha duulimaadka in ay san ergadii gobolka gedo ka soo qaadi Karin si loo carqaladeeyo ka qayb ka shirka lagu wadey in uu ka furmo kismaanyo 23/2/2013
Sidii kale waxaan waxay dawlada ka baaqsaday in ay u soo dirto waftigii uga qayb gali lahaa shirkaas oo ay dadka deegaanka codsadeen in ay shirla u daadahayso maadaama ay tahay dawladoo ay doortii kuna hanwayn yihiin in ay ku hogaamiso rabitaankooda waxayna taas badal keeda u direen gudiga qaban qaabada shirka casumaad in ay Muqdishu ku yimaadaan taas oo u muuqata sidii lagu kala qaybin lahaa golaha maamul usamaynta goladaan rabitaan kooda isugu tagey,
Ugu dambayn anagoo ah ururka somali federization movement waxaan uga digaynaa dawlada federal ka ah ee Somalia in ay carqaladayso rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo mudo aad u dheer ku jirey dayac iyo dawlad la’aan mugdina aysan galin mustaqbalkooda
Umada somaliyeed waxaa dhex maray dagaalo sokeeye oo xanuun badan waxayna hada diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan nidaam federal ku salayn ka dib khibradii ay ka heleen maamuladii samaysmey xiliyadii bur burka Somalia sida Somaliland iyo puntland oo ay ka jirto nabad iyo wada noolaansho, cid kasta oo isku dayda in ay dadka ku dirqiso rabitaankooda gaar ka ah waxay la kulmayaas cawaaqib xumo iyagaana masuulida ka timaada dhabarka saaraya..
Somali federalization movement.
Abdirisaaq Abdirahman Hassan
UK, Birmingham














Walaal abdi-sidaad wax u rabtey -iyo nidamka
Dowliga ah waa kala duwanyihiin dowladu ayada
Ayey ahayd in talada looga dambeeyo,maxaa
Yeeley ayadaa loo doortey fulinta sharcga ah,
Mana aha dowladu shaqsiga aad rabto inuu mar-
Kasto uu madax noqdo,hadii aad weyso ruuxaad
Naftaadu rabtey ma ahan inaan dowladu jirin
Dowladnimadu qaynuunka oo la ilaaliyo,ruuxii doorasho
Ku yimaadana la akhbalo ,lala shaqeeyo,laakiin waxaad
Noo sheegtey inaad rabtey inaad adigu martiqaado
Oo aad sidaad rabto wax u sheegto ,dawladu
Waxay wakiil ka tahay dalkoo dhan waana tartantey
Oo dr gaas ayaad ugu ridey codkaadkii asigiina
Waxa uu ugu ridey,madaxweyne xasan shikh
Mana filaayo asiga,re-iisalwasare saacid &gudomiyaha
Baarlamaanka prof ;jawari in la heli doono .
Laakiin somalida ayaa jecel madax musuq-maasuq
Ama qabiili ah .
Waxaan u baahanahay in aan la shaqeeyno is
Aan. Dalkaan bur buriney loo wada dhiso ,dadka
Dalkii ku dhibanna ay nolol u helaan anaga qurbaha
Ku noolna ilmaheenii dayamay,ama dayacan
Aan u celino ama aan is wacan ugu adeegno.
Waxaana kula jooga .Birmingham uk .waxaa
Waxtar nooga baahan ilmaheena ku nool halkaan
Maxaa yeeley somalidu waxay ku maah -maahdaa
Tiisa daryeela tu kale ku dara! Ururka aad sheegateyna
Waan naqaan xafiiskiisa!
Waana mahadsantahay’
Shaqsi somaliyeed”
SC.WAXAN KA YABAY NINKA QOREY QORALKA ,WAXAA WAX LAGA NAXO AH IN AY DAD KA MID AH PUNTLAND AY QARIYAN COLADA AN JOGA EE KA JIRTA DEGANADA KHAATUMO WAXAN LEYAHAY WALAALKAY C/SAAQ GARAN MAAYO NACAYBKA AY UQABAN ADIGA IYO KUWO KALE OO BADAN OO KULA MID AH BEESHA SSC AMA KHAATUMO IYO JACAAYLKA AY U QABAN SNM AMA S/LAND .WAAYO WAXAD MOODA DHIBATADA KA TAGEN EE KU HAYAAN BEELAHA HARGRYSA ,BURCO ,BOORAME IYO SAYLAC IN AYEN U MUQAN MR C/SAAQ WAXNA KU SHEGAYA WAXA JIRA XADIIS SAXEX AH OO KU YALA K/ARBACINKA QOFKIIN ALLA IYO RASULKIISA MA RUMEYN IL WAXA U NAFTIISA LA JECEL YAHAY WALAALKIIS LA JECLAAN .INTA AAD DIDANTAHAY KHAATUMO IMAANKAGA WAXBA U DHIMAN .WAXANA AMINSANAHAY IN AYDAN KHATUMO WAX U DHIMEYNIN,AMA IDOOR AMAAN AMA U HILI. DHULBAHANTE ABSAME BUU LA DHASHAYEE SAA OGOW IN AADADIGU CIDLO KU SOO DHICIN. FROM JIGJIGA
Dooladan waa is dhaafisey fursadeedii jubaland, saaxiibtinimada ugu macaan waxey ku timaadaa qof inaad gacan qabato xiliga ay ugu baahanyihiin, aad iyo aad baan uga xumahay reer jubaland iyo jilaafooyinka loo dhigayo waxaanse la yaabey kuwii aan naqiiney iyo sida ay u haweysanayaan reer jubaland,,,…Ninkani wadanka haya xisbigiisa hadii soomaali loo fasiroo waa, DHIIIG CUSUB, waa ogaayeen waana ulakac waxa ay wadaan,,…
Waxaan rajeynayaa reer jubaland iney bilaabaan sideey jilaafooyin ay ugu dhigi lahaayeen kuwa isbaarada u dhiganaya, sababtoo ah, difaaca ugu fiican waa weerar, xaq waad u leedihiin waxa la idinku sameynayo wax la mid ah inaad ku sameyn kartaan, ku ugaarsada itoobiya iyo kenya si ay ukala jabaan kabacdina isku dira iyaga dhexdooda, dagaal baa la’idinku bilaabey, aarsada kana kaca hurdada duf ku baxee,,,….
Imminkaa labadii marfash ku wada qayishaaba tidhi urur talo bixin siyaasadeed wadaanu nahay!.war reer punland waad fashilan tihiine caqli kale keena.federalkana faroole Iyo Cabdiweli Iyo mahiga ayaa Soomaali u go,aamiyey,ee cid kale oo isku raacday ma jirto.markaa hawli waa dambaysaaye hays xiijinina.
In la raaco nidaamka federaalka ah waa run oo waa sharciga lagu heshiiyay in dalka Soomaaliya lagu maamulo. Laakiin laguma heshiin afartii oday (ee Calanlayda ahaa) ee ku ekaa xaafada Calanlay ha soo kaxaysteen ciidanka Kenya iyo dadka gobollada Soomaaliya ee gumaysiga ku jira si loo boobo dad kale dhulkood. Reer Puntland ha ku ekaadeen Garoowe iyo wixii ay Puntland leedahay. Kismaayo ka dhigi maysaan Boosaaso oo ummada Soomalida ka soo nadiifiseen. Urur ummad Soomaaliyeed ma tihidin ee sheegta magaciina runta ah ee ah Ururka Fidnada Soomaaliyeed.
Intaad ku riyoonaysaan hoos geliya nidaamka federaalka ah boob dhul oo ku dhisan qabyaalad iyo nifaaq Soomaali xal gaari mayso. Hab dhaqankiinu waa wax laga yaqyasado.