Waa maxay caqabadaha haysta dhisida maamulka Jubaland?. W/Q Xasan Cabdi Jaamac


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Waa maxay caqabadaha haysta dhisida mamulka jubaland state?
xasan cabdi jaamac
cubeyd36@gmail.com
Febraayo 25 2013

Tan iyo intii ay bilaamatay dhisida maamul ay iskaleeyihiin dadka daga gobolada jubooyinka iyo gedo oo ay kumidaysan yihiin dhamaan shacabka halkaas dega yaa waxaa soo ifbaxaya caqabado waa wayn kuwaasoo dhibaato wayn kuhaya maamul kadhasha deegankaas oo metala dadka halkaas ku dhaqan, Caqabadahaas kuwana waa kuwo inta badan muuqada halka kuwo kalana ay yihiin kuwo qarsoon.

Hadaba kolkii aan samaynay xog baariis dheer oo ku aadan arinkaan inta badan bulshadu ku wareertay si aan wax oga ogaano caqabada haysta dhisida maamul ay iskaleeyihiin kuna kalsoonyihiin dadka deegaankas oo ay si xor ah usoo doortaan dadkii qayaadada iyo hogaanka deegankas uqaban lahaa.

Waxaan kusoo uruurinaynaa afartan qaybood:

1. Tan ugu horaysa uguna dhibka badan waa caqabad kaga imaanaysa dhanka dowlada federalka ah ee hadda talada talka gacanta ku haysa taas oo ay kaga hortagayso maamul dhisida iminka kasocota deegankaas inta badan dadka u dhuun daloola arimaha siyaasada ee dalka ayaa ku tilmaamaya waxa ay dowladu kudiidatahay maamulkas hada ladhisayo labo arimood oo macquul noqon kara tan hore waa arin dastuuri ah oo kusalaysan dhisida maamulada dalka
Dowlada waxaa laga doonayaa in ay maamulo udhisto dalka taas oo muran baban kataaganyahay qaab dhismeeda maamuladaas iyo cida xaq uleh ay maamul udhisto dalka iyo deeganada laadoonayo in maamulo laga hirgaliyo waxaa kaloo xusid mudan dowlada hada talada dalka gacanta kuhaysaa waxaa lagu soo doortay dastuurkii la ansixiyay sanadkii lasoo dhaafay ee kumeel gaarka looga baxay dastuurkaas wuxuu dhigayaa nadaamka dalka lagu hagayaa in uu yahay federalism, taas oo xukuumada hada jirtaa ay kabiyo diidantahay.

maxweyne xasan sheikh maxamud iyo raysal wasaare saacid labaduba midkoodna ma ogala nadaamka federalismka ah ee lagusoo doortay taas oo muran wayn dhalisay jiritaanka dowladan hada talada dalka gacanta kuhaysaa iyo sida la iskugu halayn karo maadaama ay diidanyihiin sharcigii lagu soo doortay.

Sidoo kale dadka sida aadka ah ugu xeel dheer siyaasada dalka waxay sheegayaan dhowr arimood oo ay dowlada hada jirtaa kacabsi qabto arimahaasa waxaa ka midka loolanka(challenges), kaga imaanaya maamulada hada dalka kajira sida puntland iyo Somaliland sidaas darteed dowladu waxay iska ilaalinaysaa maamul sadexaad kaasoo asna laga yaabo in loolan uu lagalo dowlada sida kuwa hada jira, sidoo kale waxaa xusid mudan gobalka jubbada hoose gaar ahaan magaalada kismaayo waxaa kadhacay dagaal aad ubalaaran kaasoo saamayn kuyeesheey dadka deegaankaas ayagoo ilaa hada kasoo kabsan la’a dhibaatadii kasoo gaaratay ilaa hadana isbitaalkii magaada ay yaaliin dhawacyadii waqtigii dagaalka uu socday kasoo gaaray ayadoo halkaas ay kuhaysato daryeel la’aan iyo dawo la’laan waxaadna ogtihiin dowlada hada jirtaa in aysan marna is waydiin dadka kudhibaataysan halkaas ayadoo magaalada muqdisho lagu iibinayo dawooyinkii cawiimada loosiiyay dowlada ee magaca soomaaliyeed lagu soo qaatay.

Su’aashu waxay noqonaysaa dowladu ma waxaa xilkasaaranyahay dadka muqdisho kunool oo kaliya mise umada soomaalieed oo dhan ?

2. Arinka labaad oo caqabahada ku ah maamulka jubaland waxaa weeye gobalo kale oo ayana ladoonayo in maamulo loosamayn doono sida bay iyo bakool oo ayana faragalin kuhaya maamulka jubaland waxaana inta badan kadanbeeya faragalintaan siyaasiin iyo ganacsato reer muqdisho ah iyo kuwo deegaanada bay iyo bakool kasoojeeda sababta loo aanaynayo in ganacasata iyo siyaasiyiin kasoo jeeda muqdisho ay faragalinta ugu hayaan maamulka jubaland waxaa weeye, Ganacsiga muqdisho oo ay gaabis ku imaanayso hadii dekada wayn ee kismaayo ay shaqadeeda sidii larabay u dhaqaaqdo ayadoo lafilaayo gobolada koon furgalbeed ee dalka in ay kuxirayanayaan dekada kismaayo, iyo gobalada bay iyo bakool oo ayana dhul balaarsi doonaya.Tan kale ayaa ah dadka muqdisho inta badan ku raacsan maxaweynaha arinka federalismka in laladiriro.

3. Arinka sadexaad ayaa ah dad diidan maamulka hada lafilaayo in laga dhiso deegaanadaas kuwaaso wax kadaga deegnada balse aan kuqanacsanay qaabka hada wax kusocdaan in kastoo laga codsaday waxa ay tabanayaan in ay keena lagana qanciyo hadana wali waxay muujinayaan diidmo ayaado loomalaynayo in faragalin siyaasadeed ay kadanbayso. Sidoo kale waxaa kamida dadka diidan dad kasoo jeeda deegaamo kale balse doonaya in ay tashwiish ku kufuraan aygoo adeegsanaya idaacado gaara ay u leeyihiin iyo kuwo caalamiya basle cida ay ushaqaynayaan aad moodo In ayaga tahay.

Deegaanda kabaxsan ee sida aadka ah looga soo horgeedo maamulkan ayaa waxaa ka mid ah gobalka banaadir ee hada ku can baxay hurunta qabyaalada iyo wixii 20 sano ee lasoo dhaafay taasoo dib u dhac wayn ku ah dalka iyo dadka waxaan ognahay oo dadka intiisa badan lasocdaan in magaalada muqdisho laga dhigay dibad baxyo looga soo horgeed maamulka jubaland, ayagoo ilaa ahadana wada kuwo kale iyo falal kadhan ah maamulkaas iyo sidii ay iskugu dayilahaayeen in ay fashiliyaan.

4. Tan ugu danbaysa ayaa ah arin kusaabsan habsami u socodka iyo qabanqaabada shirka ladoonayo in maamul lagu dhiso, mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa culay iyo dib udhac uu kuyimid shirkii lafilaayay in 23 bishan lagu jiro uu kafurmo magaalada kismayo taaso loo sababaynayo dhowr arimood oo ay kamid yihiin cidii furilahayd shirka oo ah dowlada hada talada dalka gacanta kuhaysa oo kasoo jawaabi wayday warqadii codsiga ahayd ee gudiga qabanqaabada shirka uu ugudbiyay taaso kuu cadaynaysa meesha ay kataagantahay dowlada hada jirta maamulkaas iyo sida ay oga soo horkageedaan, sidoo kale waxaa ayana caqabad noqotay dowlada oo markale is hortaagtay diiyaarad lagu waday in maagaada garbaharay ee gobalka gedo kasoo qaado ergadii kaqayb galilahayd shirkaas iyo ururka ahlusuna ee gedo oo ayana qayb kamid ah ay diidanyihiin in ay kaqaybgalaan shirkan.

Qalinkii: xasan cabdi jaamac
E-mail: cubeyd36@gmail.com

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: ,

31 Responses for “Waa maxay caqabadaha haysta dhisida maamulka Jubaland?. W/Q Xasan Cabdi Jaamac”

  1. war bal ninkaan fiiriya adeer sida wax loo qoro miyaad ku baranaysay meelaha ama iskuulada essayga lagu qoro marka hore waa inaad aadid waxa aad rabtid inaad ka hadashid waa inay wax habysan noqdaan mida kale jubaland ma ahan hal magaalo iyo hal qabiil oo kaliya wiilka ku dhashay iyo kan ku nool xaquuq ayay ku leeyihiin talo ayay ku leeyihii reer jubaland ma u baahno talo hal qabiil wato iyo waliba wax shisheeye soo dhoodhoobay waxaas waa lagu fashilmay waana lagu fashilmay waana lagu fashilmay marka hadii aad rabtid inaad wax ka dhahdid wax sax ah ka dheh waxaan kale oo kuugu darayaa dadka colaada hurinaya oo beenta wax walba ka sheegaya oo qabiilo aan dheesha ku jirin magacyadooda meesha soo galinaya waxaas waa inay ka waantoobaan mida kale oo aan rabo ugu danbayn onaaan ka hadlo dagdaga hala dhaafo anaa reer hebel ah wax tari mayso ee dawrka dowladana hala siiyo dawrka dadka deegaankana hala siiyo ee masaakiinta ah viva soomaali weyn

  2. Puntland boy says:

    Hadal badan lama rabo Jubaland waa ineey dhisantaa Asap Nina laga baryi maayo ilaaheey mooyee , Xasan culusow 7 bilood buu marayaa waxaa balana inuu San tilaabo danabe horey u qaadin isaga & Dowlad ku sheega qashinka ah , Viva Puntland & Jubaland

  3. abdulkadir says:

    ASC.
    ILAAHAYcaafimaad haku siiyo. War ragaan aad masabidatay hadday ku dacweeyaan maxaad suubin. Madaxweyne, ràiisul wasaare & wasiir ayaad waxaad jeceshahay ka sheegtay. Waxaa ku gubaa wax kale, dawladu waxay ku celcelisay in maamulada LA DEEGAAMAYNA, ma garatay. Aan kuu fahfaahiye waxay dheheen ” ma maamulaayo degmo nooc kasta ay tahay ruuxaan la lahayn, doonta reerkooda leh, beertaa reerkooda leh ama maqaayada-dukaankaa reerkooda leh”. Waxaad tiri wasiirki ar/gudaha & amniga Qaranka ayaa been sheega oo waxa run sheega nin u hadlay guddiga qabanqaabada maamul u dhisida Jubbaland. Xaq baad u leedahay inaad necbaato beeshaad doonto, balse IHAANADU waxay tahay marka tiri, cidda diidan in maamul la dhiso waxaa ku jira kuwo dega degaanadas kuwaaso laga codsaday inay keenaan cabashadooda si looga qanciyo. Micnaha DEGAANKAAGA WAA LAGUGU XAKUMAA OO TALO KUMA LIHIDE SOO JEEDI CABASHADAADA. Waa waxaagi u baryo tag, adeerow dadka ha isku dirin ee ka shaqee wax isku duma. WBT

  4. Hanad says:

    Waa la’idiin hayaa cilmi, dhaqaalo iyo taageero aad ku guuleysataan, reer jubaland waa iney samraan doolada federaalka, hooshoodana wataan, ilaahey ka sokow, waxaa diyaar u ah walaalohooda kenya, itoobiya iyo puntland iney ka saacidaan hab maamuleedka, waxa kaliya la idinka rabo hadaad tihiin reer jubaland waa uun ku dhawaaqis, very simple and easy, go ahead the light is green,,…

  5. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,
    Aad baan u taageersanahay hadiiba eey run tahay in Dowlada Somaliyeed iyo mas’uuliyiinta ugu sareeysa eey doonayaan in wadanka laga joojiyaa maamul beeleedyada eey dadku isku dili doonaan, kuwii horana la baabi’iyaa sida kan Garoowe iyo kan Hargeeysa ka dhisan

    Dadka Somaliyeed ee dega laga soo bilaabo Sool iyo Sanaag, ilaa iyo Mudug, ilaa iyo Koonfurta Somaliyeed oo dhan waxeey in badan sugayeen Dowlad Somaliyeed, oo ma eeysan rabin in maamul beeleed/qabiil dadka lagusii kala fogeeyo eey dhistaan. Haseyeeshee, Garoowe iyo Hargeeysa dadka dagan oo aad qabyaalada iyo qabiilka ku dhaqankiisa jecel, waxeey sameeysteen maamul beeleed. Sidaaso tahayna, dadka Koonfurta Somaliya daga oo markasta raba, jecelna wadajirka dadka Somaliyeed ayaa labadaas reer oo maamulo u gooni inta dhistaan, ayeey hadana jagooyinka ugu sareeya Dowladihii ugu sareeyay kasiinayay labadaas reer, haba ugu sii dhib iyo shido badnaadaanee kuwa Garoowe ka yimid. Waxeey reer Garoowe marka sameeynayeen waa laba canleeyn, taas oo loo baahan yahay in laga joojiya. Qaswade Faroole oo maamul gooni ahna sameeystay, ayaa marwalba waxeey sameeynayeen in eey daahiyaan, amaba carqaladeeyaan Dowlad rasmi ah oo kasoo baxda Koonfurta Somaliya, taasna waxaa u sii fududeeyneeysay iyagoo loo ogolaaaday in miiska Dowlada dhexena fadhiyaan, waliba jagooyin sare ka haaya, kuna dhex jira , hadana munaafaqnimo iyo isku dir ujeedadiisa tahay fashilin ka wada Dowlada dhexdeeda.

    Suntii iyo cancerka maamul beeleedka oo ah kala qeeybinta dadka Somaliyeed ayey la wareegayaan mahbarka dabadhilifka ah ee uu hogaamiyo qaswade Faroole. Dhowr gobol ayuu gaarsiiyay suntaas, oo rag baa iska jecldaay in eey copy gareeyaan qaswade Faroole, laakiin shacabkooda kuma qanacsana in 20 maamul beeleed dalka Somaliya laga dhisaa. Somali waa hal wadan, hal nidaamna la rabaa in uu yeesho, ayadoo 18 gobol ee dalka uu gobol kasta isku filnaansho dhinac walba ah heeysto. Laakiin, maya, madaxweeynayaal beeleed 20 ah.

    Kismaayo waxa hada raba in uu dadka iskaga horkeena waa qaswade Faroole iyo kuwa taageersan. Waa in xukunka dhexe ee Dowlada laga ilaaliyaa.

    Dowlada waxaan u rajeeynayaa in sadexda mas’uul ee ugu sareeysa, iyo labada gole ee fulinta iyo sharci dajinta in eeysan yeelin handadaada, iyo “blackmail” eey tuugta uu hogaamiyo Faroole Dowladaan iyo kuwii ka horeeyay ku haayeen.

    Somalia waxeey waligeed ahaaneeysaa hal wadan, oo Ilaaheey ku hoos jira, oo aan lakala qeeyb qeeybin karin, dadkeeda 18 gobolna eey wada heeystaan, kuna nool yihiin cadaalad iyo xoriyad dhamaantood. God bless Somalia.

  6. abdulkadir well done brother runta ayaad u sheegtay nin dgan oo dhahaya wax ayaan soo qorayaa oo aan xitaa wuxuu qorayo caruurta xitaa kama dhageysanayaan ninbaa horay u dhahay baadida ninbaa kula daydaya daalna kaa badne aadna doonahayn inaad heshan daa’in abidkaaye dadkuma moodayaan duul wada dhashoo wax u dahsoonayne marka dadka puntland iyo soomaaliland sheegta waa calood u shaqeystayaal rabitaankoodu yahay soomaalida kale in aysan wax u hagaagin sababtoo ah tuugsiga ayay u barteen iyo aduunka baaquli xun oo maran lala wareefo viva soomaliya

  7. puntlander says:

    ninka qoralkan sameeyay waxba ma dhimin oo waxa jira buu
    sheegay marka dadka dhibta ku haya juboyinka waa dawlada iyo dadka
    u qaba in iyaga kaligood kismaayo leeyihiin. marka dadkaasi haka
    tanasulaan qaska iyo dhibta dadkoodana dhinac haka raacaan wixii ay tirsanayaan
    oo macquulana miiska ha keenaan hadii kale waa laga tashan.

  8. XAQUDIRIR says:

    Waxaan ku dhashey Isbitaalka Weyn ee Kismayo bartamaheeda ku yaal,1958,bishii Agosto 8eedii,abahay,magac iyo mansab sareba waa u ku lahaa,waxaana u dheeraa oo Allah(SWT)ku galladeystey xoolo fara badan oo kamid ah hanti ma guurta ah.Waxaanan ka dhashey reerka loo yaqaan Darood Ismail,waxaan sidaa isugu qeexayaa inaan runta iyo xaqiiqdaba ka hadlo soona koobo fikirkeyga…
    Waxaan ugu horreyntii ka raali-gelinayaa Madaxweynaha Ummada Somaliyeed Mudaned Hassan Sh,Mohamud iyo Ra’isal Wasaare Saacid,sida foosha xun ee loogu jaa’ifeeyo yax yaxa iyo xishood la’ida Kismayo ka taagan iyo indha adeega shaqsiyaad u adeegayo danaha shisheeye si ay bedelkeeda isu horkeenaan riyo aad u waalan oo ah hogaan mansab sare oo ayan weligood ku hamin,aqoon iyo xirfadna,iskaba illow ay hore u lahaayeen ee aan ka aheyn damac waalan iyo jaraa’im fara badan ee aan la tirin karin ee dadka iyo dalkaba laga galey.
    Aad iyo aad baan uga xumahay waxa ka socda dalkeygii aan jeclaa Somalia,gaar ahaan Jubbada Hoose-Kismayo oo aan weliba marqaatiga ka noqdey inaan arko dhacdooyin laga argagaxo.dadka reer waamo u dhashey waxuu lahaa xeer iyo dhacan macaan ee qof waliba maqsuudiya iyo hogaan dhaqameed caadil diini ah;dadkoo dhanna walaal iyo ehel ayuu ahaa,wax lakala xigana ma jirin,waana la isu gar-gaari jirey ogaantey.Oohin,uur-xumo iyo tiiranyo ayaan ereygeyga ku soo gunaanadayaa,mar haddii dadkii bahaloobey oo dad-qal la noqdey,lagana tegey xayo iyo xishoodkii iyo Diinteeni suubaneed………

  9. Cadaado says:

    @Xaqudirir, walaal, xanuunka waxa ka socda Kismaayo, iyo dalka Somaliyeed oo dhan inta damiirka wadaninimo Ilaaheey galiyay waa eey ka wada xun yihiin. Waadna ku mahasantahay taariiqdaada aad nala wadaagtay. Ilaaheey haku guuleeysiiyo, xaqana aan u diririno waligeen.

    Waxaa iga yaabiyay sida dad aan garasho laheeyn eey Dowlada iyo madaxdeeda eey ugu mashquulinayaan waxyaabo maalaayacni ah, taasoo “energy” iyo waqti la galin lahaa waxyaabo kale dadka Somaliyeed iyo mas’uuliyiinta Dowlada kaga qasaarineeyso in lagu dhameeyo meelo kale iyo waxyaabo kale oo aan muhiim aheeyn.

    Laakiin, madaxweeynaha iyo ra’iisal wasaarahaba waxaan filayaa in eey kuwan munaafaqiinta ah eey ka caqli badan yihiin, Kuna guuleeystaan howsha eey qaranka iyo umada Somaliyeed u hayaan. God bless Somalia.

  10. Warsame Ali says:

    Dear. Ubeyd,

    Waa ku mahadsan tahay qoraalkaaga sharafta
    Leg iyo tacbiir kaaga, waana asiibtay oo hadla
    Kama aadan tagin.
    Dowladda Dederalka waa laga tashan karaa
    Oo IGAS AU, EU kulli waa support garaynayaan
    Maamul dhiskaan.
    Waxa Yaab leh,Reer Muqdisho dambiyada
    Ay soo galeen walaal maba oga waxaana daliil
    Kuugu filan dabka ay hadda hurinayaan.
    Waxaanae kaaga farxinayaa in maamul
    U samaynta Hubbaland maanta aan cidna
    Loo joojinayn ee uu Alle Idankiis qabsoomayo.

    International community gu waa la yaabban yahay
    Qolyahan Xamar jooga waana Sababta uu hadda
    U yimid Raissl Wasaare ku xigeenka Turkia
    Oo EU soo dirtay inuu la taliyo oo ay wax ka
    Baddalaan sida ay wax ku waxaan.

    Mar labaad mahadsanid.

  11. Muxumad Colaad says:

    Cubeyd, Afkaaga Caano lugu qabay, waad asiibtay tacbiirkaaguna waa sa. Kismaayo Xassan Sheikh iyo rag adeegsanaya ayay ka dagi la’dahay, lakin waxaad ogaataan in la hirgalniayo Maamulka Kismaayo oo aan cidna loo joojinayn. Marrexaan waa Daarood udubkiisa waana
    hormuudka ka Kismaayo. Saacid, waa VICTIM dowladda federaalka.

    Waxaan dowlad ma ahan waxa isugu yimid awoodiina gacanta ay u gashay dad aan Mas’uuliyad lahayn colaad qabiilna ay ka buuxdo. Waxaan la yaabaa reerka Abgaal la yiraahdo ma waysan eeddu qaban illeen Xasan Sheikh waa nin Abgaal ahe. Maxay u qaadayaan eed aysan lahayn.

    Maanta ninkii doonaa ha hadlee KISMAYO waa FAD AMA HA FADIN, howsheeduna waa soconaysaa
    Xamar na wax looga baahan yahay lama arko.

  12. Muwaadin says:

    Cubeyd mahadsanid.
    Waa qoraal qiimo badan oo xaqiiqda ka tarjumaya, waxaan rajeynayaa intii akhrisatay ay ka faa’ideysatay faa’iido weliba waxtar leh. Waxaana qoraaga usoo jeedinayaa in uu halkaa kasii wado qoraalada kuwan oo kale ah ee dadka u faa’ideynaya xaqiiqda jirtana ka tarjumaya.
    Mahadsanid mar labaad iyo saddexaad

  13. Dooyow says:

    Qofka maqaalka qorey ma rabin inaan u jawaabo waayo qoraalkiisa kama turjamayo inuu yahay qofweyn, hadii yahayna uu leeyahay aqoon uu ku fahmo siyaasadaha is diidan ee ka jira Somaliya, gobolka geeska Africa iyo caalamkaba. inta badan Soomaalideena waxaan wax ku qiyaasna waxaan anaga aan u malayneyno (perception) oo aan wadan cadeyn. Marka qoraaga maba adeegsan wax cadeyn ah oo aan ka ahayn wixii uu u arkayey in isaga iyo beeshiisaba sida isula rabaan ugu hergeli la’adahay.

    Waxa qosol leh oo uu yiri “gobalada bay iyo bakool oo ayana dhul balaarsi doonaya”, Ma gobolbaa is balaarinaya mise dad? Qoraagu ma yaqaana miyaa juqoraafiga Somaliya iyo Qabiilada sidey u kala degaan? Bakool uu sheegayo sow dadka uu ololeynaya qeyb kama dagaan?

    Dowladan way socon Insha Allah, cidin cid dhul ka qabsatey uguma talineyso. Cid reer Somaliland kula heysato Hargeysa, Burco iwm maa jirta? May balse waxaa lagula heystaa Laascanod iwm, waayo isma rabaan. Sido kale Puntland laguma heysto Garow iyo Boosaso, ee waxaa lagu heystaa Gaalkacyo. Ka gudub cid Afmadow ama Garbaharey isku heysato ma jirtaa may, balse waa la isku heystaa Kismayo iyo Muqdisho, waayo labaduba waxaa xoog ku soo dagey dad aan dhaqan u lahayn oo ku yimid qoriga caaradiisa weliban gesytey gabood falo aad u waaweyn.

    Waxaan dhihi lahaa kuwa Kismayo dagaalka ka wada iney joojiyaan ee degaanadooda u noqdaan soona dhistaan. Meelihii ay ka soo jeedeenbaa burbursan oo aan isbitaalo ka jirin, waxbarasho ka jirin. Siyaasada geeljirnimada hala joojiyo. Geeljiraha meel ma degna waxna ma dhisto xuduudna ma laha, taasbaa qaar raba iney maamul ku sameeyaan.

  14. wadaad yare says:

    Qoraalku been iyo buhtaan ayuu maciinsadey, saa runtu kuma fillee. Madaxweynaha iyo ra,iisal wasaaruhu ilaa hadda federaal ayey ku shaqeynayaan. Laakiin ma ahan federaal reer watee waa federal qarankoo dhan la doonayo in lagu dhiso maamulkiisa, hadduu shaqeyn karo. Hadduusan shaqeyn karinna la wada arko oo laga wada tashado.

    Laakiin federaalku ma ahan mabda, ka qiimo badan dalka dhan iyo wada jirka bulshada soomaaliyeed iyo nabad ku wada noolaashaha.

    Sida kaliya ee federaalku ku shaqeyn karo waa in dowladda looga danbeeyo oo iyada iyo baarlamaankeedu qorsheeyaan sida loo qeybinayo awoodaha iyo gobollada iyo sida la isku raacinayo.

    Kilillada Itoobiya ma iyagaa iskood isku magacaabey mise dowladda dhexe ee Addis Ababa fadhisaa sida ay hadda yihiin usoo qoondeysey?

    Federaalka haddii qabaa,ilka gacanta loo geliyo oo la yiraahdo qabiil kastaa ha meegaarto degaankuu ka dhiganayo federaal waxaa dhacaya dagaallo halaag ah oo mar kale ayaa degaankii la isku qabsanayaa.

  15. somali says:

    Somali runta kama hadasho waana taas mida ey dhibaatada uga bixi la’dahay sababtoo ah ninka maqaalkaan qoray wuu og yahay runta gobolada jubooyinka iyo cida dagto iyo cida abaaro iyo dagaalo keeneen hadane kuwaas ayuu gar ku siinayaa iney dhulkii la keenay boobaan waana taas dhibaatada somaliya ka degi la’dahay wuxuu kale uu og-yahay in magaalada gaalkayo kala go’an tahay una kala go’an tahay laba maamul kuwaas oo ku saleeysan qaabka qabiilka hadane taladiisu maaha jubooyinka qolo walba qaabka qabiilka qeybteeda ha ugu darsato maamulka iyaga ku qabiilka ah sida gaalkacyo oo kale ee wixiisu waa kenyaati ayaa dhulka inoo qabtay qabiilada kalena san dule ayaan degaamadooda maamul inagu aan leenahay sanka uga galineynaa,wuxuuna ka soo hor jeedaa taladii dowlada somaliya ee aheed 5 somali oo dhan ayaa dagto sidaas darteed dowlada dhaxe kaliya ayaa xalka keeni karta iyadoo dadka dageenka owooda la siinayo bal caqligu xaguu uga juraa xaguuse jiray 22 ee somali dagaalka ahliga ah ku jurtay miyuu hore u arkay 2 beel ee maanta boobka ku heshoosay meel ey somalida kale uga xoog badiyeen oo ey ku qasbeen waxeysan dooneen mise xooga kenya dhulka ku joogto ayuu u qaaatay xoog beelahaas la soo baxeen?anigu waxaan qabaa jubo wax la yira ma jirto ee waa in la qeybiyaa loona qeybiyaa 5 beel ee somalida ah kuna kala biiraan maamulo qabiiladooda ah oo dhismi doona waana taas mida galkacyo dadku u kala amaan helay oo laba maamul u kala yihiin.

  16. Sacdi says:

    Ninka jecel in uu ku hoos noolaado Kiinta iyo Itoobiya ha la joogo,JUBOOYINka iyo GEDO ma lagu darayo kIINYA.

  17. wrsame cali inta aadan dad wax u sheegin ama aadan dawlad eax ka sheegin qoraalka iska sax oo iskuul aad oo sida wax loo qoro baro qawsaaryahow xumi waxaan u maleynaa waxaa tahay qolada bbc da dariiqyada ku dhageysata oo qabyaaladu googooysay geel jire yahow xumi

  18. hanad marka aad leedahay ethiopia ito kenya ayaa wax ii haya afkaagu makari waayay dawlada soomaaliyeed ayaa wax ii haysa xoolo inaad tahay mise ethiopia iyo kenya gabdho ayaad siisay najisyahow uurka ka jirani ilaah caafimaad weydiiso

  19. wa shege an ganbanin says:

    to naftii hure an la loodin karin
    adigaan ku jawabayaa kenya iyo ithopia waxey ka fiican yihiin
    ninka somalia oo qoriga sida moryanka ah sidaada o kale
    oo ninka somaliga kale dilayaa micna daro sida adeerkaga moryaanka ah
    ma garatay marka adigaaba moryaan ahee sidee uga jawabta fikir kale
    waryaa wax ma ku shegaa moryaan baa tahay 22 sano ayad xolo muslim
    leyaha cuneysay guriga aad ku dhalatay wa xaraan haba isku hadlin
    indha shareer xerta wixii aad cunteen iyo wixii ad dhacen wixii aad kufsateen
    xaraanta aad ku jirteen 22 sano ilaa hada waad rabtan in ad sii wadataan
    naarta allaha idinku fogeeyo waadba dhamateene hada sii dhamada
    magacina moryanta ah marbuu jiray lkin hada intee ku danbeysan
    mid shalaya iyo mid jiifa murugo ku jira iyo mid dhinta ayad noqoten
    halaaaaaaag aya idin sugnaday,maryanta xamar jogto ayad ka mid tahay
    afkaaga xun umada kala bax wan ku kasaa adiga oo kale

  20. Ali Soomali says:

    Ilaa Soomali oo dhan Cod buuxa ku ansaxiso Federal, inta ka horeysa ma shaqeynayo, soomalida badi ma dooneyso federal system.

  21. Alle-Amin says:

    Jubbaland iyo Pubtland iyo kilil- 5 of Ethiopia iyo North-East-Kenya :kanaxoow Nafta Waa. alxamdulilaah Somalidu waxay tiraadaa : Wed loo Filaa Wali Nool

    Waa tii KURDIsTan aan ka Dhigno lagu heshiiyaye markii Jubbaland baa ladhisayaa lamaqlay Maxaa ummaddii Dhulka isula dhacaysaa ???!?!?!’ CAjiib ( xiqdi iyo caasidnimo Tolkayow horay Intaad iigu fasheen ee aanan maalin idaacad iyo Gogol kuugu soo fariisin ) ee aan magaca Somaliwayn iyo Calankaa buluugga iyo midaynta shacabkiisa ku dhaafay miyaa ilaa maanta MASHXARAD aad u tumaysaan Dhibka yar ee Kismaayo walaalaha ka dhex dhacay ?????!!!!’

    Viva Kismayo, viva Bu’ale , via GEDO , viva Garoowe , viva Jigjiga , viva Garisa Maashaallaah.
    Ilaahow tus inay walaalo Cadow Badan leh yihiin. Aamiin Aamiin Aamiin
    Walaalaha Garbahaarey : turuqyo waynteeda ah : Gacan ka hadal walaalaha dhexdooda ka dhaca ha ahaado waxa ugu danbeeya.

    Sidaas darteed walaalayaal walaalka sharaftiisa, maalkiisa, iyo cirdigiisa laguma xadgudbo.
    Khayr badan ayaan idiin dhaafay heshiiya oo gacmaha isqabsada.
    Maamulka dhisa oo cidna Break yaan loo qaban.
    Ehelka Somaliyeed oo deegaankana wixii wanaag doonaya xaqooda siiya wixii meelo kale laga Soo buufinayana take care yourself ku dhaha.
    Wabillaahi tawfiiq

  22. Alle-Amin says:

    Jubbaland iyo Pubtland iyo kilil- 5 of Ethiopia iyo North-East-Kenya :kanaxoow Nafta Waa. alxamdulilaah Somalidu waxay tiraadaa : Wed loo Filaa Wali Nool

    Waa tii KURDIsTan aan ka Dhigno lagu heshiiyaye markii Jubbaland baa ladhisayaa lamaqlay Maxaa ummaddii Dhulka isula dhacaysaa ???!?!?!’ CAjiib ( xiqdi iyo xaasidnimo Tolkayow horay Intaad iigu fasheen ee aanan maalin idaacad iyo Gogol kuugu soo fariisin ) ee aan magaca Somaliwayn iyo Calankaa buluugga iyo midaynta shacabkiisa ku dhaafay miyaa ilaa maanta MASHXARAD aad u tumaysaan Dhibka yar ee Kismaayo walaalaha ka dhex dhacay ?????!!!!’

    Viva Kismayo, viva Bu’ale , via GEDO , viva Garoowe , viva Jigjiga , viva Garisa Maashaallaah.
    Ilaahow tus inay walaalo Cadow Badan leh yihiin. Aamiin Aamiin Aamiin
    Walaalaha Garbahaarey : turuqyo waynteeda ah : Gacan ka hadal walaalaha dhexdooda ka dhaca ha ahaado waxa ugu danbeeya.
    Walaalaha AF-Madow turuqyo waynteeda ah xusuusta in Allaah uu Qur’aanka ku yiri: :

    IN DAGAAL DHACO Waxaa ka Wayn oo ka dhib badan Fidnada Keentay Dagaalka.

    Sidaas darteed walaalayaal walaalka sharaftiisa, maalkiisa, iyo cirdigiisa laguma xadgudbo.
    Khayr badan ayaan idiin dhaafay heshiiya oo gacmaha isqabsada.
    Maamulka dhisa oo cidna Break yaan loo qaban.
    Ehelka Somaliyeed oo deegaankana wixii wanaag doonaya xaqooda siiya wixii meelo kale laga Soo buufinayana take care yourself ku dhaha.
    Wabillaahi tawfiiq

  23. Xaq iyo Miisaan says:

    Waxaan layaabanahay dadka udiidan Dadkii deganaa Juba land. Soda qiraagu she begin waxaa dabka lagawadaa xamar OK halqbiil maamulo kuli degmooyikiisa. Shabeelooyinkii aydaganaayeen dadka lag a bdan yahay waxaa lawareegay habar gidir lagamana hadlayo. Waxaa mila tahay hadii daacadnimo larabo dadka xamar fidmada kawada inlay joojiyaan. Shacabka soomaliyeed OK jormaka tiigsan haloodaayo. Dadkii asal udagi jiray juba land hayimaadeen fiiriyo mapkii talyaaniga, tii dowladii rayidka. Ilaah xaqa ha u hiiliyo.

  24. jaamac says:

    WAR NIMANKAAN CARABTA SHEEGANAYO EE AAN WADANKA KU SOO DHAWEYNAY MAA MAANTA SHEEGANAYO JUBOOYINKA WALAAHI SHALAY MARKII ABAARTA DALKA KA DHACDEY AYAA LA KEENAY MARKAAS BEY KU LEEYIHIIN ANAGA HANALOOGA DANBEEYO TAASI WAA RIYO BAA; BADEY MA ILOOWDEY ERAYGII AAD DHIHI JIRTEY BOWE BARI LAGA REYSAY DAD XOOLO AH WAA DAAROOD OO AAN SOO DHAWEYN AQOONIN EE RAGOOW BARASHO GEELOOW RARASHO WAXAA NOO DHAXEEYO WAA QORI

  25. fowsiyo says says:

    reer juba land ha sameeystaan maamulkooda hasan culusow dhag yaan jalaq loo siin wuxuu ka soo horjeeda horumarka iyo hanka ay leeyihiin dadka ka soo jeedo jubooyinka dhaar na wuxuu ku maray in aysan dhismin inuu isaga u dhiso mooyee cajiib hunguri meel xun kaa gelay alow yaa ku yiraahda siyaasad yeelo waan ku fahanay aduunkana waa kaa yaaban yahay laba wajiila nimadaada adiga iyo ku wa aad ku haysato shirqoolka oo kuu sacabo tumaayo jagada maad ka qaadi haday runta kuu sheegaan alow sir ma qabe u hiili adaa qaadire ahee sama diidow ……. viva juba land

  26. gaalo lagad says:

    walaalayal mawaxaa mamul karabtan kenya in ay idindhisto waa wax lagu qoslo manta dowlad ayaa wadanka kajirta oo aan kumelgar aheyn cidii iskudayda in aybaal marto waxyabaha lagu heshiiyey ee dastuurka kuqoran laga yeelimaayo midakale aniga waxan layaabanahey waxa gaalada looga celin layahey tiihore waxey ahay markii amxaaro wadanka keenen hada oo kasiidaran oo ayaga marna itoobiyaan ah marna kenyaan ah ayaa hada dhibaatada wada iyadoo godkii uu wadanka kuridey lagasaari lahayey ayey hadana rabaan in ey godkii hore mid kadan iney kuridaan lakiin gaala lagad waxan leyahey awalba anaga ayaa galaada wadanka kadifaaci jirney hadana an uistagno sidii kenya iyo gaalo kalkaal looga difaaci lahaa hubkiina qaata oo isdiyaar gareeya

  27. gaalo lagad says:

    raxanreeb walalayal hadalkeyga hadaad jarjartan micnaha ayaa kalumaya ee igadaaya ciyaarta ee hadalka iidaaya please kkkkkkkkkkkk hada markii aan aqriyey hadalkeygii hore wanyaabay oo micnihii ayaaba sikale ilanoqdey anaaba yabaye dadka kale maxad umaleyne marka ciyarta igadaya wan idin kufahmey

  28. Asc dhamaan walalaha somaliyeed ee isgu yimi halakan,kadib markaan ui gudbo mawduuca aan ka hadlaayo waxaa weeyaan Maamul usmaynta Jubooyinka maahan mid utaala Dawlada dhexe ee waa mid utaal shacaka dega jubooyinka yaga ayaana laga rabaa inay aayahay,danta deeganadooda ka fekeraan yagoo gacmaha is haysta ayay xal u keeni karaan deeganada lkn Abdullahi A.boowe adiga mid baan ku dhahayaa Puntland waxay rabtaa jeceshahay markasta midnimada umada soomaaliyeed Puntland wxay jeceshahay garab iyo gaashaan ugu jidhaa sidii jubooyinka maamuul loogu samayn lahaa ee maahan puntland inay diidan tahay usmaaynta maamulka jubooyinka,waayo waa dad wada dhashay jinsiyad baa isugu taal any way waxaan leeyahay shacabka jubland guulaysta abdikiin anagaa garabkiina taaganee

  29. Viva jubaland ha welwelina walaalihiin ayaa idin garab taagan in deegaanadas maamul loo sameeyaa waa lagama maarmaan ninkiii dhahah juballand 5beelood baa dagoo loo qaybinayaa sxb waaad riyootaan leeyahay riyada ka tooos cida degta jubaland waa la yaqaan fariidna waa og tahay doqona loo sheegi maayo jubaland guul ayaan idin rajaynaaa weligiin guulaysta

  30. somaliland says:

    hhhhhhhhhhh adeerayaaal koonfur koonfur garan maayee ee isa soo kala saara oo bal idinka oo mida ii yimaada hhhhhhhhhhhh

  31. puntlander says:

    sxb horn of africa ayan soo wadee sheedaka rer koonfurka aad ka hadlaysaa waa maxay waa wiilka la baxay somaliland ayaa u jeedaa sxb looooooooooolz

Leave a Reply