Wafdi ka socda Jubbaland oo Gaalkacyo Soo Gaaray (Sawirro + Dhageysi)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Gaalkacyo [RBC Radio] Waxaa maaantay si diiran logu soo dhaweyey garoonka diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo wafti ka socday gobolada Jubba-land waxaana kaga hortagay garoonka diyaaradaha maamulka degmada Gaalkacyo,ururada bulshada rayidkaa oo ay ugu horaysay dalada Dal-hadhso iyo dadweynaha magaalada qaar ka mida.

Wafdigan oo u gudbi doona magaalo madaxda Puntland ee Garoowe ayaa ujeedkooda socdaal lagu micneeyay arimo la xiriira u tabaabushaysiga dhismaha maamul goboleedka Jubba-land oo qorshihiisu uu si weyn oga socda gudaha iyo dibadda.

Soo dhawayn ka dib wafdigaasi waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay oo ereyo kooban oo u badnaa sida ay ugu faraxsan yihiin inay Gaalkacyo soo gaaraanba u jeediyay duqa cusub ee degmada Gaalkacyo Col, Axmed Cali Salaad Faarax, wuxuuna duqu sheegay inay xubnahani u gudbi doonaanaan magaalada Garoowe arimaha ugu waaweyn imaatinkooda ay soo bandhigi doonaan Puntland ay tahay matanta maamulka Jubba-land.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Yuusuf Xuseen Maxamed (Yuusuf Cadde) ayaa isaguna dhankiisa u hadlay xubnahaasi ka socday gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee soo gaaray magaalada Gaalkacyo, waxaana uu hadal kooban u jeediyay masuuliyiintii iyo shacabkii soo dhaweeyay waxana uu hadalkisa ku sheegay inuu ad ugu faraxsan yahay sida balaaran ee loo soo dhaweyey isagona intasi ku daray codsi ah in laga qayb qato dhisidaa maamulka Jubba-land.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Dadka shacabkaa ee soo dhaweeyay ayaa iyaguna dhankooda dareen farxadeed ka muujiyay wafdiga ka socda gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee maanta soo gaaray gobolka Mudug.

Ma ahan markii ugu horaysay oo magaalada Gaalkacyo ay soo gaareen wafdi isugu jira siyaasiyiin,ganacsato iyo odoyaal ay soo gaareen deegaanada Puntland iyagoo taageero dhinacyo kala duwana ugu raadinaya maamul goboleedka la damacsan yahay in laga yagleelo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, ayna u soo gudbiyaan shacabka iyo dawladda Puntland.

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share

31 Responses for “Wafdi ka socda Jubbaland oo Gaalkacyo Soo Gaaray (Sawirro + Dhageysi)”

  1. waxaan shaqo isku lahayn maxaa la is qoorsiinayaa habartii jabadka looga guuray waxay tiri bal waxbaan dhowrin hadhow armey jaleefan isku noqotaa intaanu baadil ku heshiinu hadhow aan isku wareernaa soomaalina ka cararnaa way dhici jirtee alow adaan magantaa nahay

  2. DR/ABDISALAAN says:

    waaaaw hawshu hasocoto adeer viva jubbaland state of somalia…
    Waan ogahay inbay dhibaysaaye nafta waaya inshaa allaah.

  3. rajiina says:

    waaa waan soconweyne aan orodno kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk taagerada kismaayo garoowe ka raadineyso anigu ma fahmin cajaaib ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,, waa yaab adeerayaal nimankiina 3 gobol iskujumleystayow iyadoo jubadda dhaxe gacantii alshabab ku jirto jubadda hoose iyo gedo barkeedna alshabaab gacanta ku heyso inaad ku riyootaan jubaland baa maamul u dhiseynaa adinkoo aheyn dadkii ehelka u ahaa gobolaas waa uun iska riyo kasii daranoo aad qaswade faroole oo amaankuu pland sugi la, inaad taagero uusan idiin awoodin u raadisaan adinkoo dowlada FDS u tegi kara anagu dee ma fahmin waataa faarax macalin aamusey siduu meela uga lahaa degmo ka tirsan gobolka jubbada hoose oo aan hada xasuun laga xukumi maayo muqdisho uu hada yaaban yahey isagoo gurigiisii la gubey dumarkii gaariso maalin cad la kufsado suuqii weynaa gaarisa barqo cad la gubey kkkkkk faarax macalin ma wuxuu doonayey dumarka kismaayo in sawaaxiligu kufsado war wadadii lagu fashilmey ka joogga odayaal yahey u shaqeynaya gumeysiga kenya iyo itoobiyaanka.

  4. Jubaland says:

    War midkaan reer muduga ah maba xishoonayo, mise waa gabar waa kan “Iimaan” watee? Wuxuu yahayba waa mid aad u indha adag una been badan. Ku lahaa Jubaland baa taageero looga raadinayaa Puntland. Adeer ma carruur baad u sheekeynaysaa? Yaa kaa caqli xun oo beentaada dhageysanaya waa adiga Raxanreeb ku suuqgeeynaya dad caalwaa ahe?

    Puntland iyadaa tacbaan ah oo wax caawiya u baahane beenta naga kala aayar. Kuwaan caalwaaga ah oo meelaha wareegayana wax ay hayaan iyo cid Jubaland arrimeheeda wax ka weydiinaysa majirto. Puntland baa isku muujinaysa oo isaga dhigaysa dad Jubaland arrimeheeda iyagu taageeraya oo wax ka wada si ay arrinta Jubaland qabiil ugu muujiso uguna badasho Dawladana sawir been ah u tusto si ay Jubaland iyo Dawladu isugu dhacaan kadibna ay iyagu khasaaraha Soomaaliya oga faa’iideystaan.

    Waa la idinka shisheeyaa la idinkana sokeeyaa Munaafiqiinyahay. Adeer shalaad dhalateene waa la shubi jiray. Wallaahibaysan Puntland habeen ku seexan inay Jubaland hirgasho wayna hor istaagi laheyd hadey awoodo ee tabarbaa meesha dhigtay. Ordahaya marka iska warwareega oo hadba darbi fuula sidii hal duq ah oo fool tag ah.

    Mar Gaarisa Odey kasoo kexeeyso, Mar Jubaland gurbaan been ah u garaac, mar Odeyaal tacbaan ah Kismaayo iyo Gaalkacyo ku noqnoqda dheh adinkoo intaas doonaya in aad DRD duullaan ah u muujisaan si aad Soomaali isugu dirtaan. Odeygii Xaad ahaa oo dabinkiinna ku dhacayna oo dabka idinla sii hulaaqin lahaana idinka aamus oo wuu fahmay ruufyaanimadiinna iyo dabinka caatada ah ee aad Soomaali kula dhex wareegaysaan.

    Marna ha ku fikirina in ay dhibaato dhacdo ama dhakhdhakhleeya ama hadba buur fuula. Jubaland way dhismaysaa iyadoo Dawlada iyo Dadka Deganba ay ka wada raalli yihiin. Ordahaya idinku Soomaaliland ku barya aan idinla go’no.

    Tired of that shit! Down to hell with the hippocrates!

  5. MURSHID says:

    Waxaa habonan leheyd in dadka degen J/dhexe iyo J/hose eey ka soo barakiyaan dadka 1970-kii gobolka tegay maantana sheeganaya ineey utalinayaan,Waa hadeey dadnimo jirto!
    Ma jecli in qof Muslim ah la dhibo lkn 1991kii dadkan walalohood ayaa soo barakiciyey dhacayna dadka labadas gobol kasoo jeedo,marka waxaan ka xumahay dhowrki oday ee 30 sano kahor dhowr tukaan kafurtay magaalada Kismayo in eey maanta dhoola tus awoodeed sameynayaan oo eey leeyihiin madama Puntland aan udhalanay Kismayana degenahay anaga ayaa Xoog ku maamuleyno!
    Waa waxa qasbaya in leeys dilo,oo aanan marna la qaadan karin.
    Dadkaan waa dadki la xukumi lahaa awoodana qeeybtooda lasiin lahaa.
    Yacni Sheekadu waxeey u egtahay Odaygi Garka weynaa ee dadka laayey,barakiciyana ayeey ka dhamaatay oo anaga ayaa howshiisa qabaneyno.
    War Somalidu isma qabato oo war joog isma yiraahdan miyaa?
    Tani waxeey sababeysaa in Dad Cusub oon horay qoray wax ugu raadinin ineey maanta bal Maarta ka war doonan oo dadkan bahaloobay iska yureeyaan! Meesha ma gumeysibaa?

  6. Puntland boy says:

    Waa soo dhaweynayaa maamul goboleedkaas cusub ( JUBALAND) Dadbadan oo Soomaali ah ayaa
    Kala xirxirnaa waxaa lagaaray xiligii la’isu furi lahaa iyagoo aaminsan wanaag & Horumar , Waa in loo jeestaa dib u dhis & Horumar lagana shaqeeyaa sidii loola jaan qaadi lahaa calaamka & Walaala heena Geeska Africa , Ganacsi gu waxuu yimaadaa markaad hagaa jisid dhismaha wadoo yinka isaga goosha laba wadan & Kabadan waa in lahagaa jiyaa ganacsiga aan la’leenahay Dhamaan Africa , Xiligii shaqada & waxwada qabsigu waa hada markasaa gareysaa horumar Iwm , Viva Puntland & Jubaland

  7. Shaarka says:

    Calankii somaaliyeed oo Xdigta cad lahaa oo tilmaamayey astaanta qaranimada somaaliyeed ma wuxuu noqday qabiil walba inuu shaati ka dhigto waa wax laga xumaado. Dadkaas aad arkeeysiin oo calamada la soo baxay Dowladnimo ma rabaan daacadna uma aha ee Maamul qabiil eey u hangal taagaayaan, kaaga darane Calankii Qaranimadana waa kuu soo hugtoon.

  8. Shaarka says:

    Inta Dowlada Federaalka somaaliyeed laga ordaa oo Maamul qabiil ku dhisan loo ordaa, walee horumar ma gaartiin.

  9. jubaland boy says:

    jubaland anigaa is kaleh waan ku dhashay cid banaanka ka imaaday ila sheegan kartaa ma jirto
    5 awoowe ayaa iigu duugan marka aderayaal idinka ka imaday meelaha kale ama xamar rer xaran ku naax ka imada ama gobal kale ka imoow igama xegtid jubaland ninka gedo iyo midka gaarisa ku nool iyo midka ku noo somali galbeed iyo midka ku nool putland magac ayaa naga wada dhaxeeya marka dadkaani maskinta ah waxba kalama oga
    kismayo anigaa is kaleh ka nax ama ku farax wax igama jiraan
    viva jubaland

  10. S/c Ugu Horayn Raxanreeb Wepsaayd …. Mida Xigta Waxaan Aad ugu Faraxsanahay Inay Dadka Waallal ah ee Somaliyeed gaar ahaan puntland iyo Jubaland Kulmaan Kana Tashtaan Aayaha Dhulkooda iyo Danta Wadanka Ay Kasoo Jeedan Oo Ah Mid Uga Baahan In wax Laga Qabto puntland Waxaan UGu Baaqaya Inay Caawiyaan Waalalohooda Somaliyeed ee U baahan In Maanta La Gacan Qabto”"”

    Waxaaad Lasocotaan kina Caqliga Lihii inay jiraan Cadaw Badan Oo Kasoo Horjeeda Maamul Rasmi ah oo Ka hirgalla gobalo ay Jubooynka gado iyo Jubada dhexe ku jiraaan Somaliyeey Cadawga ka midooba “”"

    waxaan Hadana La HAdlaya Dadka Commentska Meeshani Kusoo Qoray oo Kasoo Horjeeda Horumarka iyo kulanka dadka wallala ah Ee Illaliya Baratakoolka Dadka Walalaha ah mida kale somalia iyo jubooynka intuba waa dhismayaan shallaha

  11. boy says:

    @jubbaland

    Kkkkkkkkkkkkkk xassad sanidaa maxaad uga nixinaysaa masaakiinta ha iska faaneene, reer Pintland waxay ku qaraabtaan waa fitnadaas iyo sharta dadka u kala warinayaan laakiin somalidu maanta waa baratay mardanbe cid aamini kartaa ma jirto.

  12. Hambalyo Waallalaha Midoobow

  13. 1991kii anagoo shicib ah oo xamar nalaga qaxiyey ayey niman waxey ku soo qoreen JOORNAALKA xamar, SAWIR NIN OOYAYA OO QAXAYA,, iyo MID FARAXSAN OO SHIRBAAYA,, markaasuu wuxuu leeyahey, ”AYAANTA NINA WAA U IID, IGAARNA OOHINAA KU TAAL” aduunku waa wareegto, maalin walba iid ma aha maalin walbana oohin maha, hada waxaan rabaa SHIRIB SACAB WATA inaan soo qoro,, oo ah ”SHAB SHAB SHAB SHAB, AYAANTA DADNA WAA U IID, KUWA KALANA OOHINAA KU TAAL”shab shab,

  14. puntlander says:

    iskahadlow ina igarre kaagakan jubbaland labaxay oo huutuuga ah oo eeleey iyo cayayaanka dabada kuwata waxaan kuusheegayaa qoraalka isaga ciilbax garoonka ayaa inoobalana hadii alle idmo puntland ilaahaybaa hodon kadhigay adiga cidna kuuma maqna ceelna kuumaqodna marka jubbaland anaa dhisaya puntland na kumataanaynaya hadii rabi idmo

  15. wadaad yare says:

    Faroole hadduu Gaalkacyo xoog ku leeyahey waxaa laga yaabaa inuu dagaal qabiil kicin lahaa si uu lafihiisa ugu badbaadiyo. Waxaan gurdan iyo buuq la sameynayo bulshada Puntland ayaa lagu mashquulinayaa si aysan qaladkiisa ugu mashquulin.kkkk

    Hadda kaddib odayaasha Muqdisho waan la hadleynaa waxaan leennahey ka gaabsada ninkaas iyo dadka gurbaankiisa garaacaya waa naf la caari oo dagaal beeleed iney ridaan oo bulshada isku mashquuliyaan ayey rabaane.

  16. ciid yare says:

    han balyo hanbalyo hanbalyo ku soo dhawaada walaalayaa gurigiina iyo dalkiina somaali wayn waana wax mu hiim ah in dad walaa laa amaba somaaliyeed ay isa soo booq daan oo kala qaataan fikir wanaaga laakiin waxaan u sheega yaa dadka diidaya jubaland cid idin kala tashanaysa majirto waxay ku dhis maysaa shan farood iyo calaacal iyo isku duumi dad laakiin waxaa larabaa cidii is hor taagi lahayd mid kaan wata jubaland adeer maxaan kuu qaadaa ma cad hiliba misa mijin kolay labadaa uun baad rabtaa ee magaca noo dhig hanaga wasa qayne guul jubalabd puntland iyo jubaland waa labo mataanoo hal ka maamulaayee alow dhis oo garab qabo anaguna waan garab qabanay naa waana daadi hinay naa ee kana xow nafta waa kkkkkkkkkkk guuuuuuuuul jubaland

  17. Soyal says:

    Alah maxaa doqon kujirah umada doqonow mida hada aad dowlada kushegaysid puntland ayaa dhistay somalidu waxay dhahdah qofkasta waxu ahaa ayuu noqonayah puntland ayaa kudanbeyneysah aqliga somali wanah laga kenijiray

  18. Boosaaso says:

    Shaarka dawlada federaalka iyadaa Qabiil iyo 4.5 ku dhisan ee Adigu meeshaa rabtid gee

  19. Ahmednuur says:

    Hadee ragaan haday dad walaalahood ah, oo waxqabsday Isbaarana u diiday dhul gaaraya 700KM ay wadatashi u aadeen maxaa ku jaban, mise waxay rabtaan kuwaan Gabdhaha jidka Afgooye iyo XAmar u fariistay oo isbaaro iyo kufsi ka dhamaan la’ 23sano dhinaca kalena Koonfurta Gaalkacyo iyo Cadaado xataa midayn la’ inay wadashi u aadaan, alla Soomaaliya waalanaa, nin wax haystaa wax lagu darsadaa lalana tashadaa, Saaxiibka wanaagsana waa fiicanyahay, laakiin nin xumaan ka dhamaan la’ maxaa lagaga tashan.

  20. Horseed says:

    Su’aal, Calanka Puntland ma sedex colour oo horizontal baa mise waa sedex colour oo vertical ah?
    Mise Somaalida waxaa isaga qaldan colour iyo shapeka farqiga u dhaxeeya? Hada ka horna waan arkay dad isku meel taagan oo calanka Soomaaliya oo labo colour oo kala duwan isla dhinac taagan.

  21. Suldaan says:

    Waxaa hubaal ah in aaysan wali Soomaalidu fahmin in haddii aaysan Dalkooda iyo kheraadka ku jira
    gacanta ku dhigin, in dib loo keeni doono kuwo Soomaali ah oo lagu adeegto ayadoo loo faaiideynayo
    lagana faaiideysanayo.
    Baarlamaanka DFS waxaay ka koobanyihiin qabaailladii gobollada oo dhan, waana hay-adda sharci
    dajinta Soomaaliyeed oo maantay DUNIDA oo dhan laga ictiraafsanyahay.
    Baarlamaanka dhexdiisa hallaga raadsho xalka uu qabiil kasta rabo (ama FEDERAAL, ama
    DOWLAD DHEXE). Qabiil kasta halla tashto muwaadinka Baarlamaanka ugu jira, haddii aaysan
    ku kalsooneen, ha badashaan oo ha keensadaan nin karti leh oo gobolkooda u matala.
    Xal ma noqonayo in ictiraaf laga raadsado Kenya, Etobiya, Igad iyo dad aan
    xal keeni karin in aay ku lugooyaan mooyee.
    Runta ayaan idiin sheegayaa. Anigu waxaan ka mid ahay dadkii aay soo bursadeen Ururkii USC.
    Fikirka FEDERAALKA oo ah in Gobol kasta uu gooni isku maamulo waa raacsanaa markii hore.
    Laakiin…… waxaan u jeedaa in aaysan macquul noqoneyn siyaabo badan awgeed, loona sinaan doonin kheyraad Soomaali oo dhan ka wada dhexeeya. (Matalan:- Ceelka Shiidaal ee HOBYO qotoma xaquuq ma u yeelanayaa muwaadinka Soomaaliyeed ee RASKAMBONI ama kan deggen SEYLAC?
    Sidoo kale waxaa ah Ceelasha Shiidaal ee qotoma SEYLAC iyo RASKAMBOONI.
    Ma Gobolka ayaa yeelanaya AWOODA wax lagu qeybuinayo? Mase Gobollada oo dhan ma u bisilyihii ismaamulid dhexdooda ah?).

    Haddaba aan Soomaali mideyno iskuna tala darsanno, iskana fogeyno shisheeyaha raba in
    aan kusii jirno JAH-WAREERKA.
    Warkii oo kooban:- Dowladda aan garab galno si aan ugu hiillino MIDNIMADA SOOMAALIYEED.

  22. farhan says:

    naxdin u dhinta ilaahay baa badiyey oo weliba somalia nus siiyey iyadoo kilinka 5aad iyo nfd dhimantahay ee dhinta

  23. galdogob says:

    waa la dhisayaa jubbland wixii is mirjin lahaa iyo wixii dabaq iska soo tuuri lahaa ayagey u taalaa kkkkkkkk dad badan ayaa cuntadii ka go ay kkkkkkkkkkkk cajiib

  24. Sacdi says:

    Puntland ma waxay rabaan afar oday oo dukaanleey ah , oo deganaan jiray,Kismaayo in eey ku sheegtaan lahaanshaha ,Gedo,Jubada hoose iyo Jubada dhaxe,waa ceeb iyo doqonnimo damaca qaar.
    reer PUNTLAND ha ogaadeen in WAX BADSO AY WAX BEEL LEEDAHAY, gobalada Bari iyo mudugna ha ku ekaadaan.

  25. sucdi j/pland says:

    reer putlanad dadka u dhashay meel kasta ayeey soomaliya ka dagaan ilaa koonfur ilaa bari ila kenya ila ithopia marka midkan ku digrinaaya putland waxbadsi ayeey wadataa ,aqoon durugsan u yeelo bahweynta putland markasi ka hadal adiga wan kuu jeedaa isir naceyb baa ku haaya
    kismayo waa meel taariikh ah oo reer putlanad illah ku beeray aniga ma dhaahayo kismayo oo dhan ayey leyihiin kuma adhihin lakin meel ayeey ka adagaan taasi ku jiifo kuna soo toos adiga oo cudurkii naceyba kugu daxaleystay, war ayaga oo meel kasta dagaan ayeey hadane ,gobalka ugu weyn ee somalia waa gobalka bari illah aya ku maneystay cid la leh ma jirto gobalkaasi xitaa cid la daris ah ma jiran wa illah mahadiisa illaah ayaba iska badiyay bahweynta putland balaayada allaha ka xishaabo
    ciil qaboo cadabta gal iska ooy ama meelaha iska tuug tuugso dadkani waa dad barakeysan
    gobalka uguweyn somaliya wa gobaalka bari waxa ku xiga gobalka gedo bal fiiri badafuba waa dad walaalo ah masha allah illhey na jeclaa anagu viva dadka wallaha ah ee reer gado and reer putland all reer jubaland viva my wallaheyga

  26. abdulkadir says:

    ASCRWB.
    SULDAAN Nooooooooooooooooooooooooolow

  27. wiil gedo says:

    Jubaland waa socotay dadka ka xun waxaan kula talin lahaa “take a jilll billls” oo dhulkiina maamul u sameesta.

  28. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,
    @Horseed, kkkkkkkkkkk, dadka sawirka ka muuqda ee calanka qaarna “horizantal and vertical” ah isku dhex jira wata, ma kula tahay in eey yaqaanaan sida xaarka xataa la’iskaga dhaqo iskaba daa su’aasha iyo waxa aad weeydiineeysee? U maleynmaayo, waa jaahiliin aan ogeeyn dabka qabyaalada eey shidayaan in uu yahay kii eey ku baaba’een, kuna baabi’i doonaan, inta ka horeeysa baaba’oodana eey u noolaadaan sida “baboon” daanyeerta oo kale.

    Mida ah qaswade Faroole in uu u yeero oo uu dabada ka riixo maamul beeleed uu rabo in dadka Gobolada Koonfurta dagan iskaga horkeena, iyo waliba in uu ku qaso Dowlada Somaliyeed, waxaan rajeeynayaa in eeysan u shaqeeyn doonin fitnadiisa iyo kala fogeeynta dadka Somaliyeed, iyo isku dirka umada Somaliyeed.

    Daanyeerka daanyeerada qabiilka ugu weeyna waa qaswade Faroole, waxaa kaloo daanyeer ah kuwa Ahlusuna sheegta, oo munaafaqiinta cida iyo qofka eey u shaqeeynayaan aan ogeeyn, Kuwaasna waa qaswadayaal. Waxaa kaloo daanyeer ah kan Baydhabo ka qeeylinaya oo qabqable dagaal oo “junior” ah. Daanyeeradaas oo dhan, hadii eeysan Dowlada shabaqa daanyeerada lagu xakameeyo galin, meesha ha’iskaga tagaan. Duul kale amaba Somali ha ahaadaan, amaba ajnabi kale ha’ahaadaan oo ayaga ragooda iyo naagahoodaba wada kufsada ayaa u imaan doona, hadii eeysan joojin sida daanyeernimada eey u fikirayaan. God bless Somalia.

  29. Marka hore dadka Comments ka bixinaya mid aan xusuusiyo , qoraalkasta oo aad qortid hadduu wanaagyahay ama si kale yahayba ilaah baa kaa xisaabinaya qofkastana maalin aan qofkale tarjumaan ama hiil u ahayn buu leeyahay , ilaah halaga baqo . intaan Comments-ka dhammaan akhriyey baan kawaayey wax isku caqli celinaya ! war somali oo dhan wax lakala qaado maahan waa dhowr iyo toban milyan haddii labadsho . qabiil qabiil iyo gobol gobol inaan isku xag xagano dow maahan walaalayaal . cid gaara difaaci mayo soomaali oo dhanna waa walaalahay meelay joogaanba .

    Caqliga saliimka ah inuu shaqeeyaan rajaynayaa .

  30. sucdi j/pland says:

    to wiil gedo my walalkey allah yacizak
    saas ayaan kaa rabaa gacmaha anu is qabsano anaga oo ka gaashameyna cadowga xasidka ah isir nacebka ku jira, masha allah anagu waxaan nahay habl beel oo illahey barakeeyay oo duceysan alxamdu lillah
    waxaa lagu duceystaa ;madigii darood allaha kaa dhigo; yacnii siduu ilahey u badiyay weeyaan macnaheeda
    qalbigeena ayaa nadiif ah saas ayuu illahey noogu gargaaray markey bahalihii na cuneen dad aya illah inoo bixiyay , waana in la xusaa taariikhda ey ka dhigeen dadkii xumaa ee somali sheganayeen ee baantuuga ahay oo asalkoodii ithopiya ka yimi, anagu alxamdu lillah asalkeenu waa yemen taasi illah ayaan kaga mahad celiyay hadaanba kasoo jeedno carab oo nabiga ka dhashay yaaaaa allah
    viva jubaland tagtayoo cadowgiii wuu ka naxay , ka nax nafta waah

  31. wiil Gedo/jublanad says:

    to cadaado dacuunka la baxay
    aadiga daacuunka ku haaya iska soo daweey shuban aya kuugu dhacay ayan filaya ader ma wadnaha ku istagi raba marka maqashay jubland ayaa la dhisayaa .
    mid kale waxa tiri wa idin laaynay hada waan idin babi’indoonaa adiga makaa qarsantahay sida hilibkiina kismayo loogu galay kaligaa in aad wax dishay meey kula tahay idinkaba waa niila jarjaray dad yar ee xamar aad ku dishay iska daa ee maskinta ah lkin adigaba xaaarkaaga kismayo ayaa la dhigay adiga oo ooynaaya ayan kismayo kuugu jarjaray waliba la dhahayo hawiye futo madoobe markasi halkee jirtay
    adiga hada xoog malihid midka Gedo jooga ayaa kuugu filan intaanba la aadin midka ku noo Jigjiga ama midka jooga Putland power intaadan laguu soo dirin ,midka Gedo ku nool car iska dhici
    91 ma u mooday filimka hada shidan hadan waxa la haaya dad fresh ah idinka calankiina wuuba dhacay
    marka shubanka iska soo daawey aaway dadkiina idin hogaaminayay waxey ku dhamadeen xaraantii ay ku jireen ,xurmad xun bey ku noolyihiin waxey la baxeen USC ama ( Ururka Somali Ceebeeyay)ma sheegan karan hada cabsi awadeeda ,iska ooya indha shareer soo xerta wa ku qasarten adun iyo akhiro
    viva jubland

Leave a Reply