Wafti uu horsocdo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Oo Soogaray Dagmada Buurtile ee Gobalka Nugaal


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdulahi Axmed jaamac (Ilko jiir)

Buurtile [RBC Radio]Waftigaan ayaa waxaa hor kacayey wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdulahi Axmed jaamac (Ilko jiir) waxana si diraan loogu soo dhaweyay magaaladda Buurtile oo katirsan gobalka Nugaal.Waftigaan ayaa ujeedkoda imaatin ee ay ku yimaaden Buurtile waxaa lagu sheegay kormeer hawleed oo ay kormeerayeen adeegyada arimahaa bulshada iyo xaalada siyaasaded ee ka jirtaa dagmada.Waftigaan ayaa waxaa ay ka koobnayeen wasiirka wasaarada arimaha gudaha ,wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha,agaasimaha guud ee w/arimaha gudaha agaasimaha waxaada Dowaladdaha hoose ee w/arimaha gudaha guddoomiyaha gobalka Nugal,guddoomiye ku xigeenka gobalka iyo sidoo kale taliye ku xigeenka qaybta boliska gobalka Nugaal.Waxana ay boooqdeen goobo kamida dagmada iyo xarumaha maamulka dagmada.

Waftigaan ayaa kulamo goor dhaweyd laqaatay qar kamida nabadoonada dagmada Buurtile kulan kaasi oo ahaa mid uu albaabada u xirnaayen manajiraan cid faaf-faahin kabixisay waxyaalihii laysla soo qaday, inkastoo aynu xiriir lasamaynay xubna katirsan waftiga hadana waxa ay ka gabsadeen inay inooga warbixiyaan waxa ay kawada hadleen.

Warar an laxaqiijin kariin ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in isbadal lugu sameeyo maamulka kajira dagmada Buurtile oo ka tirsaan gobalka Nugaal, kadib marki ay soo baxeen isqab qabsi dhanka maamulka dagmada kajiraa.

Mudadii danbe waxa dagmada Buurtile soo garayey waftiyo kala gadisan oo kasocda Puntland kuwaasi oo inta badan sheega inay dagmada u yimaadan si ay xaalada kajirta Buurtile uga war hayaan.

RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “Wafti uu horsocdo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Oo Soogaray Dagmada Buurtile ee Gobalka Nugaal”

  1. saynab m a bile says:

    maansha alaah waa wax wanaagsan oo lataabankaro waayo dawladu waa inay ogtahay nolasha wadankaee aaysan guri un ku jirine aragtaa sida loonoolyahay wana soo dhawaynaynaa waftiga

  2. sh:alidheere says:

    adeer Zeynab maxaad dhawaynaysaa maniman dalxiisa oo aan laamigaba ka dagin haday Garowe ka tagaan la socoshadu waa in masuulku ogaado dadkiisa ka ugu danyar digsiga dabka usaaran waxa ugu jira inay munaasib yihiin in bilow aadan ku noolaado iyo inkale taas ayaa noqonaysa masuuliyad taam ah markaasna la qaymeeyo nolosha bulshada iyo sida ay u noolyihiin dadku

Leave a Reply