Wasiirka Difaaca Oo Kormeer Ku Tagay Xarumaha Muhiimka Ee Ciidamada Xoogga Dalka Ee Muqdisho
Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay xarumaha wasaarada difaaca ee kuyaal magaalada Muqdisho C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa kormeer ku tagay xarunta taakuleynta ciidamada qalabka sida Villa Baydhabo,Kulliyada Jaalle Siyaad.Xerada guul wadayaasha iyo xarumo kale oo dhowr ah wasiirka ayaa u kuurgalayey xaaladaga xarumahaas ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed isagoona warbixinno ka dhegeystay saraakiisha ciidanka qalabka sida ee ka hawlgalayey xarumahaas.
C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa markii uu soo gabagabeeyey kormeerkiisa soo saaray war ku saabsan safaradii uu ku tagay xeryaha milateriga Soomaaliya wuxuuna sheegay inuu aad ugu farxay waxyaabihii uu kusoo arkay oo ay ka mid ahaayeen dayactir lagu samaynayey xarumaha Kulliyada Jaalle Siyaad iyo Xerada Guulwadayaasha oo ay ka socdaan dib u dhis dardar ku socda.
Wasiirka wasaarada gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya Fiqi ayaa u mahad celiyey Saraakiiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya hawlaha adag ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed Taliyaha ayaa sidoo kale warbixin ka dhegeystay Injineerada ku guda jira dib u dayactirka Xarumaha Jaalle Siyaad iyo Guulwadayaasha ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
C/xakiin Xaaji Fiqi wasiirka gaashaandhiga wasaarada dhiga xukuumada Soomaaliya ayaa ugu danbeyntii ballan qaaday in wasaaradiisu ay sii wadi doonto dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee wadanka Soomaaliya iyo xarumihii ay lahaayeen wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in xiliyada soo aaddan ay guulo gaari doonaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed isla markaana ay soo ceshan doonaan doorkii ay ku lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho














Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ha guuleeysto abaal weyn ayuu nagu leeyahay waana kan uamdaan ka difaacay cadaawigii umadaanu mudada dheer laheed ee itoobiya,dib u dhiskiisana waa qaranimadii oo soo laabatay sidaas darteed cid walba oo howshaas ku guda jirta waan u hambalyeeynayaa waxaana Wasiirka ku dhiiri galinayaa in la soo celiyo dhamaan xarumihii Ciidanka Xooga Dalka uu ku lahaa somaliya oo dhan.Mida kale waxaan soo dhaweynayaa hadlkii madaxweynaha iyo wasiirka Gaashaandhiga ee ahaa waxaa ciidanka xooga dalka somaliya loo qaadanayaa cid walbo oo soomaali ah lixdeeda lixaadna u dhan tahay sidaas darteed waxaan dhamaan somalida meel walbo oo ey joogto ugu baaqayaa cidii dooneeysa iney ka mid noqoto Ciidanka Xooga dalka ey la xiriirto wasaarada Gaashaandhiga Somaliya si ey uga mid noqoto ciidanka xooga Dalka Somaliyeed qalbigana haku heyso iney somali tahay kana mid noqon karto ciidanka xooga dalka iyadoon soo marin qabiil iyo kooxo maamulo sheegto ee qofka ruuxiiso uu toos ula xiriiri karo wasaarada gaashaandhiga Somaliya. Guul ciidanka Xooga dalka (difaacaha Jiritaanka Umadnimo)