Wixii Aan Ku Arkay Magaalada Beledweyne- Qeybtii 2aad (Warbixin & Sawirro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

BELEDWEYNE (RBC) Mudo hadda laga joogo shan bilood, magaalada Beledweyne waxaa ka hawlgalay ciidan hal guuto [qiyaastii 1,000 askari] oo ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti oo ka tirsan hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Imanshaha ciidamada Jabuuti oo ku beegneyd 22 Sebtember 2012 waxay ahayd sanad ka dib markii ciidamada Soomaalida iyo kuwa Ethiopia ay magaaladaasi ka saareen ururka Al Shabaab.

Qeybaha dambe ee warbixintan ayaan kaga hadli doonaa isbedelada amni iyo kaalinta ciidamada Jabuuti, hase yeeshee waxaan markan milicsaneynaa waxyaabihii aan ku arkay magaalada ee laxiriira dhanka adeegga bulshada iyo xaaladay ku sugan yihiin.

Xaalada caafimaad iyo isbitaalka Beledweyne

Isbitaalka guud ee magaalad Beledweyne weli waa xarunta caafimaad ee ugu weyn guud ahaan gobolka. Maamulaha isbitaalka Dr Axmed Maxamuud wuxuu ii sheegay in isbitaalku hadda ku shaqeeyo daawo saddex bilood loo qoondeeyay in isbitaalku ku shaqeeyo taasoo ay uga tagtay hay’adda MSF oo shaqadii isbitaalka joojisay bishii Disembar ee sanadkii hore.

Bukaano haween iyo carruur ku sugan barxada isbitaalka weyn ee magaalada Beledweyne, Sawirka Raxanreeb.

Isbitaalka Beledweyne wuxuu ka kooban yahay illaa saddex qeybood oo waaweyn oo kala ah; qeybta xannuunada guud, qeybta dumarka iyo carruurta iyo qeybta gargaarka degdega ah, Waxaana hadda isbitaalka ku jira illaa 85 bukaan oo u badan haween iyo carruur. Bukaanadaas qaarkood waxaan ku arkay barxadda isbitaalka intii aan joogay.

Ka sokow kaalmo ka timid jaaliyadaha dibadda waxaa kaloo jiray deeq daawooyin iyo qalab isugu jira oo isbitaalku dhowr jeer ka helay dadka deegaanka oo isugu jira ganacsato iyo dad kale iyo sidoo kale ciidamada Jabuuti ee magaalada ku sugan.  Laakiin sidaas oo ay tahay shaqaalaha tirada yar  ee isbitaalka Beledweyne jooga waxay ku shaqeynayaan si mutadawacnimo ah.

Maamulka isbitaalka Beledweyne oo deeq daawo ah ka gudoomay saraakiisha ciidamada Jabuuti 19 Feb. 2013 (Sawirka-Raxanreeb).

Suuqyada ganacsiga iyo kaalinta xoolaha nool

Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan, ninkii yaqaana waa meel hodan ku ah xoolaha nool, waana midaas sababta Beledweyne ay hoy ugu noqotay seylada ugu weyn ee xoolaha lagu kala iibsado koonfurta iyo bartamaha dalka.  Suuqa xoolaha oo ku yaalla deegaanka Galbeed ee magaalada “Qorraxsin” waxaan markii aanu booqanay ku arkay xoolo isugu jira ari, geel, lo’ iyo dameero la keenay suuqa.

Oday magaciisa iigu sheegay Xuseen ayaa ii sheegay in uu saddex neef oo ari ah ka keensaday tuulo lagu magacaabo Beer Gadiid oo Beledweyne u jirta 14-KM.  Markii aan kala sheekeystay qiimaha neefka ariga ah wuxuu ii sheegay inuu u dhexeeyo $40 illaa $90 (afartan doolar illaa sagaashan doolar) hadba sida uu yahay neefka.

Xoolaha suuqan lagu iibiyo iyo kuwa la keeno kaliya kuma koobna degmooyinka gobolka Hiiraan; ee waxaa suuqa Beledweyne laga raraa xoolaha ku socda dekedda Berbera, tan Boosaaso illaa Muqdisho.  Sidoo kale xoolaleyda Jigjiga illaa Feerfeer ayaa yimaada suuqa Beledweyne.

Hodantinimada dhanka kheyraadka xoolaha ee gobolka Hiiraan, waxaan aniga lafteyda uga marqaati kacayaa in beryihii aan ku sugnaa Beledweyne aan si weyn uga helay malabkii aan aroorta ku cuni jiray Quraacda iyo caanaha Geela ee aan fiidkii cabi jiray.

Waxbarashada gobolka iyo heerka ay gaarsiisan tahay

Dadka reer Beledweyne waxay kuu sheegayaan in isbedelka amni uu carruurtooda fursad u siiyey inay tagaan dugsiyada iyo jaamacadaha ku yaala magaalada.  Afarta jaamacadood ee ka hawlgala magaalada Beledweyne waxay ardayda dhameysata waxbarashada dugsiga sare fursad u siiyeen in magaaladooda ay wax ku bartaan walow aaney jirin arday illaa hadda qalinjebisay haddana ugu yaraan 350 arday ayaa hadda gudaha Beledweyne ku qaata waxbarasho heer jaamacadeed ah.

Dhammaan jaamacadaha waxay ku hawlgalaan guryo kiro ah.  Maamulaha jaamacadda Hiiraan oo aan sheekeysanay wuxuu ii sheegay Axmed Maxamed Nuur wuxuu ii sheegay in xaruntii rasmiga ahayd ee jaamacadda Hiiraan University ay heystaan ciidamada Ethiopia ee magaalada ku sugan ayna dhowr jeer ka dalbadeen inay dhismaha jaamacadda ka guuraan ciidamada balse illaa hadda taasi laguma guuleysan, jaamacaduna waxay ku shaqeysaa dhisme kiro ah.

Waxaa i soo jiitay in kulliyadaha ay ardayda bartaan ay ku jirto “kulliyada beeraha” oo runtii ah wax ay u baahan yihiin dadka reer Hiiraan maadaama gobolka uu leeyahay dhul wax soo saarka beeraha ku haboon.

Booliska iyo maxkamadda sidee u shaqeeyaan?

Saldhigga booliska iyo maxkamadda gobolka waxay ku wada shaqeeyaan hal xafiis, waxaana markii aan tagnay hor dhoobnaa tobaneeyo ruux oo la ii sheegay inay halkaas u yimaadeen dacwado ay ku jiraan muran dhuleed iyo arimo dhanka qoyska la xiriira.

Sheekh C/raxmaan oo ah gudoomiyaha maxkamadda Beledweyne wuxuu ii sheegay in dacwadihii la xiriiray ciidamada ay joojiyeen ka dib markii dhowaan magaalada ay yimaadeen xubno ka socda maxkamada militariga ee dawlada federaalka ayna maxkamaddaasi kala wareegtay wixii kiisas ciidamo la xiriira.

Maxkamadda Beledweyne, waxay beryahan bilawday iny isu guuriso dhalinyarada rag iyo dumar wixii guur ku soo heshiiya, taasoo uu ii sheegay Sheekh C/raxmaan inay u fududeeyaan.

Dacwadaha oo $10 doolar lagu furto!

Laakiin arrinta i soo jiidatay ayaa ahayd albaabka maxkamadda aan ku arkay WARQAD ogeysiis ah oo sheegeysa in cid kasta oo dacwad keensaneysa maxkamadda iyo saldhigga booliska laga doonayo inay bixiso $10 doolar (oo u dhiganta 180,000 Sh.So).  Taasoo guddoomiyuhu iigu sheegay in dhaqaale la’aanta heysata garsoorka iyo booliska Beledweyne darteed loo qaatay go’aan ah in dadka soo dacwoonaya lagu dalaco dhaqaale lagu furdaamiyo hawlaha maxkamadda iyo saldhigga,.. Laakiin xaqiiqada waxay tahay in qofkii aan heli karin toban doolar uusan u dacwoon karin booliska iyo maxkamadda (xitaa hadduu dhibane yahay).

Intii aan ku sugnaa saldhiga booliska Beledweyne, waxaan bannaanka saldhigga ku arkay hooyo aan da’deeda ku qiyaasay konton iyo dhowr jir taasoo, iyadoo barooraneysa ka cabaneysay wiil ay dhashay oo mudo hal sano ah ka maqan.  Waxaan dhegta u dhigay cabashadeedawaxay sheegeysay in wiilkeeda ay qafaasheen rag la shaqeeya askarta Ethiopia oo ku eedeeyay wiilka inuu taageero Al Shabaab ka dibna askarta Ethiopianka ayaa wiilkaasi kaxaystay illaa hadda oo 12 bilood laga joogana wax war iyo wacaal ah lagama hayo nolosha wiilkaasi.

Hooyo Da’ ah oo wiilkeeda sanad ka hor laga afduubay oo ku hor barooraneysa maxkamada Beledweyne. Sawirka Raxanreeb 19 Feb. 2013.

Ma ogi in dhacdadan kaliya ay tahay waxyaabaha ay ka cabanayaan dadka yimaada maxkamadda laakiin waxaan la ii sheegay beryihii aan joogay Beledweyne in dad badan ay la’ yihiin wiilal iyo gabdho ay dhaleen ama la dhashay ka dib markii ay qafaasheen ciidamada Ethiopia.  Dhacdooyinka qaar waxaaba lagu tuhmayaa gudoomiyaha gobolka C/fataax Xasan Afrax oo hadda xilkiisa muran ka taagan yahay.

Qeyb ka mid ah saldhiga booliska waa xabsi dadka la soo xiro lagu hayo, maadaama uusan jirin xabsi kale oo hadda ka jira Beledweyne.  Saraakiisha xabsiga waxay noo sheegeen in illaa 15 maxbuus lagu hayo xabsigan, kuwaasoo 4 ka mid ah loo heysto dilal ay geysteen uuna ku jiro dilkii gudoomiyihii odayaasha dhaqanka Hiiraan iyo dad kale oo waxgal ah oo Beledweyne lagu dilay.

Saldhiga booliska Beledweyne dhexdiisa waxaa iiga muuqday dhisme labo xafiis oo cusub oo ah dhisme ay dhowaan saldhiuga ku kordhiyeen ciidamada Jabuuti uguna talagaleen in saraakiisha saldhigga booliska ay ku shaqeeyaan.
________________________________

W/Q: Cabdalle Muumin,
Email: Cabdallemuumin2@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “Wixii Aan Ku Arkay Magaalada Beledweyne- Qeybtii 2aad (Warbixin & Sawirro)”

  1. Kacaami says:

    Ku: Cabdalle Muumin

    Asalamu Caleykum sxb. 

    Waan ka helaa warbixinadaada, waanna akhriyaa billow illaa dhamaad. Qoraaladaada aan horay u akhriyay waxaa kamid ahaa qoraal aad hada kahor kagasoo warramaysay Xaruntii lagu ansixinayay dastuurka Soomaaliyeed, General Kaahiye (8/12). Sidaasaan qiyaasayaa hadaanan khaldaneyn. Raxanreeb baan ka akhriyay damcan. 

    Waxaan rabaa in aan ku dhaho Professional baad tahay ee sii wad sida quruxda badan ee aad hadalka noo deeqsiinaysid iyo adeega aad bulshada u haysid. Run ahaantii wariyayaasha qaarkood qoraalkoodu xiiso maleh sababtuna waxay tahay waxaa ay ka tagaan waxyaabo badan oo muhiim ah. Sida haykalka (Structure), dheeha, cusbada iyo xawaajka. 

    Adiga qoraalkaaga wuxuu dadka kusoo jiidanayaa tilmaamaha qeexan ee faahfaahsan “discription detailska”  Tusaale ahaan, “waxaan markii aanu booqanay ku arkay xoolo isugu jira ari, geel, lo’ iyo dameero”  Halkaan bushucloo dhan badanaa wuu ka tagaa ariga iyo dameeraha kkk wuxuu kusoo koobaa “Xoolo” 

    Discriptionka noocaan ah qani baad ku tahay (Masha’Allah) waana waxa xiisaha u yeelaya qormadaada. 

    Hadaba maadaama aan dareemi karo in feedbackga noocaan ah oo kale aad soo dhaweynayso, aan markaan tilmaamo waxa aniga aqristaha ah iyo kuwa kalaba si sidaan ka sii fiican noo soo jiidan lahaa oo attentionkeena dabri lahaa ilaa aan ka akhrino xarafka ugu danbeeya qoraalkaaga. 

    Tan u qaado Constructive criticism

    Discription detailskaaga waxaad inta badan xooga ku saartaa dareenka araga oo kaliya (Sight). Tusaale ahaan, qoraaladaada kuma badna maqalka (Hearing), dhadhanka iyo dareenada kale. Mathalan warbixintaada kore hadaad ku dari laheyd cuntadaad Baladweyne kacuntay iyo nooceeda ama cimilada aad Baladweyne kula kulantay amaba dhawaaq kamid ah dhawaaqyada xoolaha aad tilmaantay ee suuqa dhoobnaa waxay si toos ah noo dhex istaajin laheyd Beledweyne, laga yaabe inay buundada liiqliiqato nagu dul furi lahaayeen. kkkk

    Waxaan kuu hubaa hadaad qoraaladaada ku dari laheyd dareenadaas kala gedgedisan ee dabaya dareenka bini’aadamka in aad akhristayaashaada jeeb baaran laheyd kkkkkkk

    Waad Salaamantahay sxb. Raxanreeb baan qoraaladaada ka ugaarsadaa, marka bal toontiyo xawaajka ha naga iloobin. kkkkkk

  2. Kacaami, Mahadsanid, walaal, waana soo dhoweynayaa taladaada wax dhisida leh. Abaal weyna waan kaaga heyn doonaa weligeed.

    Cabdalle Muumin

Leave a Reply