Xafiiska Wakiilka Gaarka Ah Ee Midowga Afrika Oo Markii Ugu Horeysay 20 Sano Kadib Loosoo Rarayo Gudaha Magaalada Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho(RBC Radio) Xafiiska wakiilka gaarka ah ee midowga afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay loosoo rarayaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya wakiilka gaarka ah ee midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya  Max’ed Saalax Annadif oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kadib kulamo uu la qaatay madaxda dowlada Soomaaliya waxa uu  shaaciyey shir jaraa’id oo ku qabtay Muqdisho in xafiiskiisa loosoo wareejin doono Muqdisho.

Wakiilka Midowga afrika Annadif ayaa tilmaamay in hada wixii ka danbeeya ay shaqadooda usoo wareejin doonaan gudaha dalka Soomaaliya isagoona tilmaamay in arinkaasi uu u sahli doono midowga afrika la shaqeynta dowlada Soomaaliya,xafiiska oo hore ugu yaalay magaalada Nairobi ee Caasimada wadanka Kenya ayaa waxa  ay arintani muujinaysaa sida ay midowga afrika uga go’antahay garab istaagida  dowlada cusub ee Soomaaliya.

Max’ed Saalax Annadif ayaa shaaca ka qaaday in safarkiisa ay ku wehliyeen dhamaan shaqaalaha rayidka ah ee midowga afrika kuwaas oo uu sheegay iney guud ahaanba ku suganyihiin magaalada Muqdisho isla mar ahaantaane ay hada wixii ka danbeeya ka hawlgali doonaan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya sida Muqdisho,Kismaayo,Baydhabo iyo Beledweyne kuwaas oo ka qeyb qaadan doona ka taageerida dowlada Soomaaliya dhinacyada Siyaasada,Milateriga iyo arimaha kale ee bulshada.

Arintan ayaa muujinaysa yididiilada la taaban karo ee dhanka amniga iyo horu marka Siyaasada ee ay ku talaabsaday dalka Soomaaliya,dhamaan bulshada Soomaaliyeed ayaa ku amaanay dowlada Soomaaliya dadaalada ay ku dooneyso soo celinta xiriirkii Soomaaliya kala dhexeeyey beesha caalamka waxayna xiligan ku hawlantahay dowlada Soomaaliya kasbashada taageerada wadamada caalamka kuwaas oo u muujiyey taageero hagar la’aaneed.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Xafiiska Wakiilka Gaarka Ah Ee Midowga Afrika Oo Markii Ugu Horeysay 20 Sano Kadib Loosoo Rarayo Gudaha Magaalada Muqdisho”

  1. rafiiq says:

    Masha allh waaa guuul soomalia usoo hoyatay iyo shacabkeeeda viva soomalia

Leave a Reply