Yaa dilay Cusmaan ina cafaan A.K.R.N?. Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur
Yaa dilay Cusmaan ina cafaan A.K.R.N?
Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur.
fuadaflow@gmail.com
Febraayo 24 2013
Sanadkii 30aad iyo kii 31aad waxaa ka soo baxay Yeman nin la oran jiray C/llahi ina Saba’, Al-yahuudi hooyadii waxay ahayd islaan madoow, sidaa darteed waxaa lagu naanaysi jiray ina habar madoobe, wuxuuna ahaa yuhuudi muddo dheer ku noolaa Yeman.
Yeman waxay Islaamka ka hor hoos tagi jirtay boqortooyadii Beershiya (Faaris), sidaa darteed C/llaahi ina Saba’ wuxuu wax badan ka bartay qabkii (caqiidadii) dab caabudka (Al-majuusiyah), C/llaahi wuxuu u weel qaaday siduu u oofwareemi lahaa Islaamka iyo Muslimiinta, wuxuu bilaabay in uu isu diyaariyo sidii uu u fulin lahaa hawshaas baaxadda leh.
C/llaahi wuxuu bilaabay in uu Islaamnimo muujisto bilawgii hoggaankii (Khalaafadii) Cusmaan ina Cafaan A.K.R.N, sidoo kale wuxuu bilaabay in uu safarro ku maro dhul badan oo ka mid ah dunida muslika, wuxuu bilaabay in uu faafiyo suntii uu ku bur burin lahaa muslimiinta, ugu horrayn wuxuu tagay Xijaas laakiin wuu ku hungoobay hankiisii ahaa in uu u saldhigo fikradihii sumaysnaa ee uu watay.
C/llaahi ina Saba’ wuxuu u sii gudbay Ciraaq halkaas oo uu u arkay inay tahay meel u nugul fitnada iyo qallooca, gaar ahaan magaalada Basra halkaas oo uu kula kulmay nin la oran jiray Xakiim ina Jabalah, kaas oo ahaa muslim tuug ah oo ku duula soona dhaca dadka Ahlu-kitaabka ah eek u hoos noolaa dawladda muslimka ah (Dimiyiinta), isla markaa wuxuu ahaa Xakiim ina Jablah nin akhlaaq xun taas oo sababtay in Khaliifkii muslimiinta Cusmaan ina Cafaan A.K.R.N in uu ku xabbiso magaalada Basra gudeheeda oo aan lo ogolaan dhaqdhaqaaq ka baxsan Basra.
C/llaahi ina Saba’ wuxuu bilaabay in uu ku afuufo qabkiisii sumaysnaa ninkaan aafaysan waa ina Jabalah e, taas oo ka soo jeedday Yahuudiyadda iyo Majuusiyadda, taas oo dhashay caqiidada Shiicada, sidaa darted Shiicadu waxay u qaybsameen qaar wada qaatay fikradaha C/llaahi ina Saba’ waana qolada loo yaqaan (Al-sabaiyah), Qaar wax badan ka qaatay iyo qaar yaraystay waxa ay ka qaateen.
C/llaahi ina Saba’ waxaa raacay Xakiim ina Jabalah, sidoo kale waxaa raacay qayb ka mid ah tolkii Xakiim ina Jabalah iyo waliba qaar ka mid ah saaxiibbadii, arimahaas oo dhami waxay ku socdaan qarsoodi oo marnaba kuma uu dhici karin in uu bannaanka soo dhigo.
Intaa kaddib wuxuu u sii gudbay Kuufah, taas oo ahayd meel fitnada iyo kacdoonnada qaayibtay, C/llaahi ina Saba’ wuxuu halkaas ka helay rag fara badan oo ay ka mid ahaayeen Al-ashtar al-nakhaci, waxaa aad u yaab badan ninkaan wuxuu ahaa halgamaa (Mujaahid) ka qayb galay dagaalkii Yarmuuk iyo dagaallo kale oo ka dambeeyay, waxaana taariikhyahanada qaar ay sheegaan in uu ku waayay dagaalkii yarmuuk labadiisa indhood mid, sidoo kale waxay taariikhyahanadu sheegeen in Al-shtar uu ugu biiray kooxdii sumaysnayd ee uu hormuudka ka ahaa C/llaahi ina Saba’ jaahilnimo ama adduun iyo kursi jacay mid uun, ogowna wali hawshu waxay ku socotaa si qarsoon oo mugdi dhexdiis ah.
Al-ashtar Al-nakhaci wuxuu ahaa nin haybad ku dhex leh xigatdiisii, sidaa darteed wuxuu bilaabay in uu tolkii u sharxo qalloocii uu ka soo alifaystay shiikhiisii yuhuudiga ahaa, waxaa xusid mudan in Al-ashtar ay taariikhyahanadu ku sheegeen in uu ahaa nin ad adag oo ku xadgudba waxa uu diin u arko, wuxuu kaloo ahaa nin aad ugu xeeldheeraada waxa uu khalad u arko isla markaasna aad u buunbuuniya ilaa uu dardhaafo, waxaa kale oo lagu sheegay kursi jacayl taas oo uu is yiri halkaan ayaa ugu dhow in aad gaartid himaladaada.
C/llaahi ina Saba’ wuxuu u sii baqoolay xagga Masar, halkaas oo uu ogaaday in ayaduna ay tahay munaasib in laga hirgaliyo habowgii uu isu taagay hirgalintiisa, waliba wuxuu ku beegmay xilli saxaabadii A.K.R.N ay ku maqnaayeen Jihaad iyo futuuxaad is daba joog ahaa xilligaas, gaar ahaan waxay ku maqnaayeen Liibiya iyo Soodaan, C/llaahi wuxuu ku nagaaday Masar asagoo ka unkay koox yar ilaa uu u dhaqaaqay fulintii fitnada.
Fikradihii tuuraha lahaa ee in Saba’ waxaa ugu muhiimsanaa kuwa soo socda.
1. Al-rajcah: waa fikrad ka soo jeedda Majuusiyadda iyo Yahuudiyadda la been abuuray, wuxuuna oran jiray haddii Nabi Ciise C.S.W.S uu soo noqonayo Nabi Muxamedna C.S.W.S waa soo noqonayaa, shiicaduna waaba sii wadday oo waxy tir Cali ina Abii-daalib A.K.R.N isaguna waa soo noqonayaa.
2. Al-wisaayah: waa fikrad uu isagu dhoobdhoobay oo ah, kun nabi ayaa jiray nabi walbaa wuxuu dardaarmay nabi kale oo ka dambaynaya, sidaa darteed Nabi Muxamed C.S.W.S ma dhici karto in uu dhintay iasagoon cid dardaarmin, xoogaa kaddib wuxuu yiri wuxuu dardaarmay Cali ina Abii-daalib A.K.R.N, waliba wuxuu yiri isaga ayaan arrintaas ka ogaaday, xadiis uu isagu dajiyayna waa sheegay, isla markaas wuxuu amray kooxdiisii in ay duraan oo dacaayadeeyaan umaradii muslimiinta sida saxaabada kala ah C/llaahi ina Abii-sarx, Waliid ina Cuqbah, Saciid ina Caas, iyo C/llaahi ina Caamir Allaha kulligood ka raalli noqdee, dacaayadaha waxaa allifaya ina Saba’, waxaase yaab lahayd in uu ku amray kooxdiisa markay dacaayadaynayaan saxaabada aan kor ku xusay iyo qaar kale oo aanan xusinba in ay ku andacoodaan in ay wadaan wanaag farid iyo xumo reebid (Al-amru bil-macruuf wa nahyu canil-munkar)!!!.
Waa yaabe waxaa raacay C/llaahi ina Saba’ dhawr qolo oo kala jaad ah laakiin ku midaysan qallooc iyo khayrdarro, waxayna kala ahaayeen sidaan.
1. Qolo Islaamnimo muujisatay laakiin qarsatay gaalnimo iyo munaafaqnimo sida C/llaahi ina Saba’ Al-yahuudi.
2. Dad xukun doon ah oo aan indho iyo dhago midna lahayn inay kursi iyo adduun helaan mooyee, kana waayay xil dawladdii Cusmaan A.K.R.N uu hogaaminayay ama ha ahaato akhlaaq xumada qaarkood ama haba ahaato in looga habboonaa xilalkae.
3. Rag ka caraysan in lagu fuliyay xukun (Xad) ama la caraysan niman tolkood ah.
4. Qaar dhoohanayaal ah oo aan Cilmi iyo khibrad lahayn (Dameeri dhaan raacday), waxay u raaceen C/llaahi ina Saba’ waxay run moodeen wanaag faridda iyo xumaan reebidda lagu dagay, ilaa ay Cusmaan ina Cafaan A.K.R.N. ay dileen.
Intaa kaddib C/llaahi ina Saba’ wuxuu bilaabay in uu dacaayadeeyo Khaliifkii ummadda Cusmaan A.K.R.N, isagoo dacaayadda u kala diray gobollada oo dhan ilaa ay gaartay waaliyadii gobollada fadhiyay, iskaba daa waaliyadee waxaa la soo gaarsiiyay khaliifa laftiisa.
Cusmaan A.K.R.N wuxuu isna diray rag ka daba taga dacaayadaha iyo fitnada meel walba la gaarsiiyay, Muxamed ina Maslamaha A.K.R.N wuxuu u diray Kuufah, Basrana Usaama in Sayd A.K.R.N, Cammaar ina Yaasirna A.K.R.N waxaa loo igmaday Masar, Shaamna waxaa loo diray C/llaahi ina Cumar A.K.R.N in kastoo aan reer Shaam u dhag jalaqsiin fitnadii yuhuudiga.
Markii arrinku halkaa marayo maxaa dhici doona?, muxuu xaal ku dambayn doonaa?, maxay labadaan qolo isku hayaan?, ma waxaynu oran doonnaa labada qoloba diinta inay hormariyaan bay u dagaallamayaan?, ma waxaynu oranaynaa dadkaan fitnaysan waxaa wax baray saxaabada oo ayagaa dambiga leh?, ma waxaynu leenahay labada qoloba khaladka wax bay ku leeyihiin?, ma waxay kula tahay in la dacaayadeeyo Khaliifka iyo waaliyadiisu ay tahay wanaag far iyo xumaan reeb?.!!!!.
Haddii uu aboorkii maskii, ka ilka waynaaday
Oo aarkii libaax ahaa dawaco, ka ashtakoonaayo
Ari geel haraatiyayna waa, la arkidoonaa.
Akhyaareey waa inoo qormada dambe iyo xaalka labadaan qolo haddii Allaah uu inoo ogolaado.
Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur.
============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM














Shiikh fu’aad wd ku mahadsantahy qormadaada xiisaha leh , wrkuna wa cadyahy iyo hadlka qoraagu cidduu ku socdo. Allow islaamka wanaaji inti khalad wadana dadka ka qabo aaaamiiiin.
ilaahay ha ku barakeeyo sheekhunaa alfaadil waa lagaaga baahan yahay mareegaha somalidu wararka ku tiri kuteenka iyo qiila wa qaalada qabyaaladaysan iyo nin iyo reer jeclaysiga ku dhisan ku qoraan in aad dacwadda iyo caqiidada saliimka ah ka faafisid dadkana wax u sheegtid
sheekhoow dadkii waa la is nacsiiyey waa la kala fogeeyey maskaxdiina waa laga beddeley fitnada somalida haysata aragtidayda gaaban waxan oran karaa waxaa kow ka ah SAXAAFADDA QABYAALAAD QAADKA AMA BALWAD iyo DABAQID LA’AANTA XAQA AMA DIINTA jamcan wa fardan
dhallinta waxaan leeyahay culimada ixtiraama sharaftooda iyo cirdigooda hala nabad geliyo waa warasatul anbiyaa marka iyaga la texgelin waayo cilmiga iyo khayrka ay wadaan la yaraysto haddana laguba bilaabay in wax la laayo iyo wax la ugaarsaday laga dhigo waa cilmigii oo suulaya dabadeed
aan qabqable dagaal, horjooga yaalka qabaailka iyo xaaraam ku naaxyo aan cilmiga iyo tawjiihaadka aan ka qaadano wax kasta oo website lagu soo qorana aynaan hubsan
waad mahadsan tihiin
Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur
Ninka la yiraahdo Cabdullaahi Bin Saba, ragga taariikhda yaqaanna waxey ku tilmaameen shakhsi khiyaali ah(fictional) oon xaqiiqo aheyne qiil loogu raadinayey fitnadii ka dhex dhacdey asxaabta. Qof kale oon muslim aheyn ayaa la doonayey in eedda lagu xawilo si asxaabta iyo muslimiintoo dhan fitanadaas looga beri yeelo!
Laakiin cudur daarkaasi waaba mid denbiga ka fool xun oo muslimiinta iyo asxaabtu haddey qisadaasi jirto oo sida loo sheegayo tahey maba ay istaahilin iney noqdaan dad intelligent ah oo istaahila iney noqdaan shuhuudullaahi fil ardi iyo ammatan wasadan oo ugu kheyr badnaa caalamkii ay ku noolaayeen. Mar haddii hal nin oo hadda uun soo islaamey uu awoodey inuu madaxa iyo majaha u rogo oo fitno intaas la eg ka dhex sameeyo.
Qisadaasi waa qiso mukhtalaq ah(fabricated) oo is difaacid ahe si fiican bal horta shakhsiyadda iyo xaqiiqdeeda kusoo bixi inta aadan xalaqaat badan iskaga khasaarin juhdigaaga shakhsiyad wahmi ah.
Sheekh fuaad waad ku mahadsantahay sida cilmiyeysan eed usoo gudbisay taarikhdan.
Wadaad yare waxaan oran lahaa sideed adigu ku xukmin kartaa qofkii intelligent ah iyo kiin aan aheyn Soo maahid ninkii ku faraxsanaa dadkii muslimka ahaa ee shalay islaayey
Hadiiba caadifad qabiil sidaa kuu gashay waa maxey caqliga adiga lagu weydiin??? Maxaadse xukmin kartaa???
QOfka ku faraxsan soomaali qabiil isu disha ma waa qof miyir qaba yaa la odhan karaa??
Shiikh Fu’aad jazaakallaahu khayraa.
Arinta ah Yaa Dilay Cuthmaan bin Cafaan Radiyallaahu Canhu?
Waxay u baahantahay Jawaab waafi ah, mana ku filna in Shaqsiyad Wahmi ah dusha loo saaro!
Hadaan soo Koobo Waxaa sayid Cuthmaan dilay kacdoon wadayaal ama Thuwaar.
Waxayna ka xanaaqeen Siyaasad jirtay xiligaas iyo Saydharada Reer Bani Ummaya ay meel walba ayagii Waalli ka noqdeen. Saciid (Kufa), Mucawiya (Shaam) Ibnu Abii Sarax (Masar).
Taas markii ay ka soo cawdeen, Cuthmaan RA wuxuu ahaa shaqsi dabeecad fiican oo waa ka aqbalay, Kii kuufa iyo Masar wuu bedelay. Thuwaartiina raali bay noqdeen, Masar ayeey dib ugu laabteen. Ayagoo dhexda sii socda ayaa waxay arkeen shaqsi daba socda, oo ay ka shakiyeen, wayn baareen, waxayna ka heleen Warqad Ka socota Cuthaman ku socota Ibnu Abii Sarax, markay kuu imaadan masar, Thuwaarta kuligoodba wada dil ku qorantahay!
Thuwaartii way soo noqdeen, Warqadii ayeey Madiina keeneen, Cuthmaan wuu dhaartay inuusan qorin (runtiis bayna ahayd Allaha ka raali noqdee). Thuwaartii waxay dheheen Timbarahaagii baa ku yaalee, hadaad qortayna balantii waad nooga baxday, hadaadan qorina, hadee Awoodba gacan kuuuguma jirtee, xilka iska wareeji. Hadii kale ninka qoray noo gacan gali.
Cuthmaan wuu diiday inuu ninki qoray u dhiibo.
Gurigiisii bay hareereeyeen, si mugdi ku jirana waa loo dilayl asagoo Quraan akhrisanaya. Waxaa dilay waa hal nin ama 2 nin. Ilaa hadana si toos ah uma cada. Laakiin thuwaartu waxay isku raaceen ama ahayn.
Cuthman Dilkiisa waxaa sababay ninki warqada qoray ee xoghayihiisa ahaa Marwaan binul Xakam.
Hadaba 2 arin waa xaqiiqo:
1. Thuwaarta waxaa ku jiray rag Saxaabo ah sida Camar binul Xamaq, waliba qaarkood ay baycatul ridwaan ka qaybgaleen la dhaho, sida Cabdiraxman binu Cudays Al-Balawi iyo Saxaabo badan oo mabda’iyan thuwaarta la fikir ahaa.
2. Reer Banii Umaya oo xukunka isku koobay, waxayna u gacan dhaafeen Cuthmaan RA oo ahaa nin iska xishood badan, xiligaasna 82 jir ahaa. Waliba xoghayihiisii Marwaan ayaa aduunka si kharibay.
Ayaga ayaana dilkii Khaliifka sababay, waana fasirka ugu fiican, waana sida uu Rasuulku sii sheegay ee ahayd: (Halaaga umadayda waa gacmaha wiilal yaryar oo Quraysh ah)
Xadiithkaas ayaa dhameeyay sababta Fitnadii ugu waynayd ee umadda soo martay, ilaa hadana raadkeedii taaganyahay.
Waxaa kale ee iyada is dul tag u baahan, cayda uu sheikh kula dul dhacay Ashtar Al-nukhaci Raximahullaah.
Ashtar Al-Nukhaci way jirtay inuu ku jiray Thwaartii Cuthmaan RA ku kacday, inkastoo uusan dilka ka qayb qaadanin. waxyaabaha kale ee aad ku sheegtay, wax cadayna uma aanaan arkin kutubta Taariikhda
Ashtar wuxuu ahaa Ragii Sayid Cali la saftay, wuxuuna ahaa hogaamiyayaashii Safayn ee Cali. Sidoo kale Cali wuxuu u magacaabay Waaliga Masar. Asagoo dhexda sii socda ayuu Mucaawiya shirqoolay oo rag uu diray ay sumeeyeen, Cali RA wuu ka naxay geeridii Ashtar.
Hadaba Sheikhow, hadaad Ashtar ku haysatid muxuu Cuthmaan RA ula dagaalamay waa sax.
Waxaanse kaaga fadhinaa inaad sidoo kalena ku qabsatid ragii Cali RA la dagaalamy. Ileen Cali iyo Cuthmaanba Radiyallaahu canhumaa, waa isku mide.
Mise in Cali lala dagaalamo, waa Ijtihaad (ajar laga helayo). Cuthamaan waa dambi wayn!
Cadaalada ha la ilaaliyo!
sh. cvabdulqaadir alle ha u naxariisto wuxu ku dhintay khaatumo wanagsan waxaa dishay gacan ka xaqdartan intuba waxay markhaati u tahay in uu ahaa qofg ilaah jecel yahay naxariis ayaan ui rajayn ,,, wsaxaan umada somaliyeed u sheegayaa shiikha dfiol kiisa maaha in laghu mashquulo maxaa yeelay way cadahay cida dishay iyo sabbabta LOO DILAy . waxaanse ku soo koobi lahaa waxaa dilay niman kii dilay cumar binu khidaab waxaa loo dil;ay sababtii cumar loo dilay
alle ha u naxariisto shiikh cabdi qaadir gacamay somali oo dhan ayaa shiikha jeclayd ilaaha ayaa jeclaaa khaatumo klhayr ayuu ku dhintay
@ maxibul Culamaa
Jazzakallah, waadna ku mahadsantahay sida waaqaca runta ah aad u bayaanisey, tariikhdana maha qof walba sidii uu doono inuu u qorto,xaqa iyo cadaaladda in loo hiiliyo waa lagama maarmaan, halka uu wadaadku ku socdana waad noo sii ifisey waana la ogaan karaa. again waxaan ku leeyahay good job.
Muxibbul culamaa
Si fiican ayaad u dhigtey macluumaad sax ah oo qayim ahna qofkii daneynaya waad u shegetey. Sayid Cuthmaan dilkiisa wuxuu ka dhashey kacdoon dadweyne ee ightiyaal ama sir ma aheyn. Asxaabta dhammaantood xataa kuwa aan ka qeyb gelin hareereynta gurigiisa way u xanaaqsanaayeen heerka uu ka gaarey xukun xumada oo jufadiisu ku takri fashey xukunkii ummaddiina ku jowr fashey si ka baxsan islaannimada iyo caddaaladda. Isaga waa loo cudur daarey oo waayeelnimo iyo jileec ayaa loogu cudur daarey.Laakiin waxaa qalad ah in taariikhda dhan been laga sheego oo shakhsi fictional ah la allifo si taariikhdaas aan wanaagsaneyn eeddeeda la iskaga xawilo oo asaxaabta loo dahiro.
Aragtida ah in asaxaabtu ahaayeen dad perfect ah oo ma qaldamayaal ah oo ceeb ka saliim ah waa mid da asaaska u ah xag jirnimada iyo maangaabnimada ay caanka ku yihiin Salafiyiintu.
Waxey is leeyihiin haddaad diinta si xaraf xaraf ah ugu dhaqantaan asaxaabtii sidey u najaxeen oo kale ayaad ugu najaxeysaan adduun iyo aakhiraba.
Waxaase ka qarsoon oo si manhaji ah oo ula kac ah looga qariyey dhallin yarada xamaasadeysan in asaxaabtu is laayeen, in xasuuq ka dhex dhacey ummadda intey noolaayeen, in jowr fal badan dhacey in muddada dhan oo la oran karo waa lagu dayan karaa ay aheyd 2.5 Abuubakar ah iyo 10.5 oo Cumar ah.
Xilligii Cuthmaan qoyskiisaa ummaddii ku jowr faley dhamaan gobolladii dowladdu ka koobneydna waxaa madax ka ahaa jilibkiisa hoose ee Banii Umaya iyadoo asaxaabtii waaweyneyd dhoobanyihiin.
Maxaan ka faa,iideynaa in aan taariikhda aan qurxooneyn oo asaxaabta iyo salafka ka qarinno dhallin yarada, innagoo u tusineyna iney ahaayeen dad perfect ah oo ay tahey inaan uga dayanno xukunka?
Waxaan ka faa,iideynaa indho la,aanta Shabaabka oo higsanaya taariikh la naash naashey oo quruxdii ka badatey oo nuureysa oo Salafkii lahaa.
Laakiin markaan dhinaca nuuraya iyo dhinaca mugdigaa ee Salafka u aqrinno oonnan ka qarin waxey fahmayaan iney bashar ahaayeen sax iyo qaladba leh oo wixii ay ku saxsanaayeenna laga qaadanayo iyo wixii ay ku qaldanaayeenna aan laga qaadaneyn.
Waxey kaloo baranayaan inaan wax perfect ah jirine ay iimmaansadaan madaxdooda iyo dowladahooda hadda jira oo intooda badan ka fiican dowladihii Banii Umaya iyo Banil Cabbaas. Taas macnaheedu ma ahan inaan xukunka la toosin oon la turxaan bixin,laakiin khiyaali quruxdii ka batey haddaad dhallin yaradaa tustaan inuu jiri jirey oo ay higsadaan waxa hadda ay faleen ayey falayaane bara in taariikhda muslimiintu caddaan iyo madowba leedahey ee aysan wada caddaan aheyn.
Habka ay wadaaddadu taariikhda u aqriyaan waa hab aan cilmi aheyne la mid ah waxa loo yaqaanno fairy tale ama sheeko xariirooyinka carruurtu markey da,da yaryihiin loo aqriyo oo quruxda badan. Kuma jiro habkaas naqdi iyo ku cibro qaadasho meelihii qaldanaa. Dhankii wanaagsanaa kaliya ayaa loo aqriyaa dhallin yarada.
Dhab ahaantii taariikhda waxa loo qoro oo cibro qaadasho ahna sidaas kuma suurto geleyso ee waxaa soo baxaya jiil hal il kaliya taariikhdii hore ee muslimiinta ku eegaya.
Qofkaan dhallin yaradaa oo ordaya wuxuu higsanayaa oo gaar is leeyahey dad perfect ah oo looga sheekeeyey. Wuxuusanse ogeyn ineysan perfect wax la yiraahdo jirine qaladka hadda jira mid ka weyn lasoo marey,laakiin marada looga dedey oo laga qariyey.
Waa khiyaano weyn oo ummadda laga gelayo iyo marin habaabin ula kac ah in maalin kasta xukunkii Cumar iyo caddaaladdiisi looga sheekeeyo iyadoo aheyd 10.5 iyo 2.5 Abuubakar ah oo kaliya!
Maxaa ka danbeeyey haddaba intaas?
Waxaa ka danbeeyey xukun hal jilib ah ilaa heer Sayid cuthmaan lagu hor garaaco Cabdullaahi Bin Mascuud.
Waxaa ka danbeeyey Sayid Cali oo khilaafadiisi ku dhammeystey dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daatey. Dhiigaas oon baduhu meyri karin.
Waxaa ka danbeyey in Mucaawiye xukunkii marooqsadey oo dhaxal ahaannna wiilkiisi faasiqa ahaa ugu wareejiyey. Kaasoo diley Xuseyn Ibnu Cali.
In asaxaabtii kacdoon sameeyeen oo la banneystey magaalada Madiina oo 10.000 oo bikrooyin ah la kufsadey. In Kacbadii manjaniiq lagu garaacey. In Xajaaj oo asaxaabtii iyo culimadii laayey Ciraaq ku amar ku taagleyn jirey. In Banil Cabbaas markey Banii Umaya inqilaabeen ay genocide ku sameeyeen.
Halla yaabina marka dhallin yaradaan majaaniintaa oo seef la boodkaa waa dad laga qariyey taariikhda dhankeedi mugdiga ahaa oo aheyd iney ka digtoodaane.
Waxaan hubaa oon idiinku dhaaran karaa in Faroole iyo Siilaanyo iyo Xasan Sheekh ay ka caaddilsanyihiin kana naxariis badanyihiin kana hufanyihiin madaxdii muslimiinta soo martey 99% ba.
Haddey ugu bataan ma sheegi karaan 5 wax ka badan oo perfect ah oo ku dayasho mudan!
Ma Sayid Cuthmaan ayaan xukunka uga dayaneynaa oo isku meeriyey qaraabadiisi?
Mise Sayid Cali oo dagaal ahliya ku dhammeystey heer uu geerida ka jecleysto iney u timaado?
Mise kuwii ka danbeeyey oo la ogyahey waxey sameeyeen!
Waatee marka taariikhda perfect tigaa oo la higsanayo oo dadka loo leynayo?
Waa midda fairy tale kaa oo ku taalla “suwarun min xayaati saxaabah”!
wadaad yare waa alshabaab baan u malayn
Qidasan waxay u baahan tahay baaris iyo hubin badan . Lama hubo in ibnu sba jirijiray .
Fu’ad waxaan ku aqaanay isagoo Xamar jidadka waxka wacdiya waliba qabyaalada . Mar aan horaantii sagaashamaadkii arkayna isagoo Isaaq iyo Dhulbahante gabayo dhexmaray si caraysan Isaaq ugu jibaysan ayaa Eebe i tusay .Hadana waxaa laga fahmayaa in uu itixaadninadii ba’an yaala dhashay daba socdo .
Waxaan aad ula yaabanahay qur’aaniyiinta halkaan isku urursaday oo raba inay taariikhda afka cag ka saaraan sida wadaadyare, muxbul culmaa, waxaan ka xumahay inay inkiraan shaqsiyadda IbnuSaba’ oo Ahlussunaha ay isku waafaqsanyihiin inuu ahaa ra’sul fitnah, in ay difaacaan fitnawalayaasha si barreer ahna u caayaan Khaliifatu rasuulillaah SCW oo ay dhahaan xukun xumo iyo qabyaalad ayuu ku sifaysnaa Afku idin Go’.
Jaahil Qur’aani ah iyo reerbaadiye Mustashriqiinta warkooda run mooday ayaa warkooda la faafinayaa bala idinku dhacday, RAXANREEB waa web fiican laakiin iska ilaaliya sunta ay idin soo marinayaa haawaydaan aan ka hadlay,
Khaalid Fu’aad kaan kii Isaaq ma aha yaah iska hubi. raadso kan dhulbahantaha iyo Isaaqa u kala jidbaysnaa kan maahee.
Qur’aaniyiinta Nairobiyoow waa laydiin soo socdaa.
Bulka.
Bulqaas
Wahaabiyiinta jaahiliintaa xeeshooda ay caammada ku qaldaan ayaad la imaaneysaa oo inaad dadka magacyo u bixiso oo sidaas dadka aan aqoonta laheyn ku nacsiiso ayaad dooneysaa. Waa xeelad aad u sahlan oo la isticmaalo. Laakiin ninka aad leedahey wuu jiraa keen isagoo sanad saxiix ah heysta oo sugan. Haddii kale sheeko xariir diin dadka ha uga dhigin.
Wax fiican ma aha in dadka la iska tuhmo, ayadoon cadayn loo haynin. Khaasatan ruuxa marka bidco ma gaalnimo lagu tuhmo, waa dambi wayn, kuna soo noqon karta ka wax tuhmay.
Laakiin waxaa zamankan iska badan ruuxu markuu waayo cadayn uu ku difaacdo fikirkiisa, ama khasmigiisa isaa dafciyo, ayuu si uu damiirkiisa ugu raaxeeyo, iska dhaha Gaal baad tahay, bidci ba tahay, iwm. Taasoo uu baabkii xaqiiqada ku xirayo.
Alxamdulillaahi rabilcaalamin anigu Muslim ayaan ahay, sunnada udgoon ee Nabigena SCW rumaysan oo raacsan.
Nabi Mohamed SCW ma dhihin Cabdullahi binu Saba’ ayaa umadaydu gacantisa ku halaagsamaysaa.
Laakiin Nabigu wuxuu ku yiri Xadith Saxiix ah oo Bukhari Wariyay:
Xadiithka # 6649
????? ???? ?? ??????? ????? ???? ?? ???? ?? ???? ?? ???? ?? ???? ??? ?????? ??? ??? ??? ????? ?? ??? ????? ?? ???? ????? ??? ???? ???? ???? ???????? ????? ????? ??? ??? ????? ???? ?????? ??????? ???? ???? ???? ??? ??? ???? ?? ???? ???? ????? ???? ???? ????? ???? ???? ??? ????? ?? ??? ?? ???? ??? ???? ???? ???? ????? ???? ???? ?? ??? ??? ??? ????? ??? ????? ?????? ???? ???? ?????? ?????? ??? ??? ??? ????? ?? ?????? ???? ???? ??? ????
“Halaaga Umadyda wuxuu ka iman gacmaha wiilal Quraysh ah”
Marka waxaa fican meeshuu rasuulku SCW noo tilmaamay inaan aadno. Oo dhibka umada haysta iyo inqilaabkii lagu sameeyay sharciyaddii dawladii Cuthmaan iyo Cali Radiyallaahu canhumaa waxaa masuul ka aha Jifada Reer Banii Umayyah.
Ali Somali, baarakallahu fiika. Ilaahay wuxuu na amray inaan noqono ‘Maca saadiqiin’ kuwa runta sheega macooda.
Wadad yare,
mahadsanid, Saxaabada Rasuulka SCW waxay ahaayeen jiil fiican, diintana xambaray, ayadiina fidiyay.
Hase ahaatee, waxaa jiray rag ka mid ahaa oo Munaafaqiin ahaa, kuwa riddo ku dhacay, iyo kuwa xukun iyo xoola doon ahaa, sida Mucaawiya, Camar binu Caas, Busur binu Ardhat, iyo qayrkoodba.
Waxaa kale oo jirtay kuwa Khawaariij noqday!
Laakiin qaalibkooda acamka ah, waxay ahaayeen akhyaar sida Khulafada 4ta ah, reer Badar, Ansar iyo Muhaajiriin idilkood.
Cuthman RA waa shaqsi xishood badan, oo aad akhyaar u ah, marka advantage bay ka qaateen reer banii Umayyah, amaa asaga personlly, waa akhyaar.
Cali RA asagu hadii fursad la siin lahaa, wax badan buu qaban lahaa, laakiin xili fawdo jirto iyo Mucaawiyya oo fashilinyay mashruuca Cali.
Dariiqii uu marayna wuxuu ahaa sax, oo uu isku dayay in kala dambayntii iyo cadaaladii oo celiyo.
Axaadiith tilmaamysa inuu saxsanaana way jirtaa oo saxix ah.
Saxaabada wax kasta oo banii Aaadam ka dhacana waa ka dhici jiray, Anbiyadii Illaahay doortay, baan ka badbaadin khaladaadka bashariga ah, oo illaahay Quraanka inoogu sheegay “Wa casaa Aaadamu rabahuu faqhawaa”
Maka saxaabadu Cismo ma laha
Hadaba eeda aad Wahaabiyada (Salafiyada) saartay waxaa la wadaaga firqda Ashaacirada oo Salafiyada kaga fog xaga quluwiga ay saxaabaa ku sameeyeen.
Maxaan ku fasiri karnaa Ibnul Carabi Al ashcariga qoray (Al-Cawaasim minal Qawaasim) oo cismada siiyay Saxaabada?
Ugu dambayn in la raadiyo Khilafo Raashida ah, waa hadaf fiican, Nabiguna SCW wuu sii sheegay inay iman doonto.
Khaladaadkii soo dhacay ee reer bani Umayya ay sameeyeen xiligoodii iyo xiligii Raashidiinta, iyo wixi ka dambeeyy ee Cabaasiyiin, ma raacayno, waxaanse higsanaynaa Mid uu Allaah Jalla wacala raali ka yahay. Manhajkii rasuukana ku dhaqmaysa.
Wadaad yare isagu marba ma noocbaa? Tolow ma kaligibaa mise waa mid ay isku meel joogaan oo heshiis yihiin kan la jiibinayaa? Ma caqlaani baa mise waa Shiici tuqyah isticmaalaya. Mise waa takfiiri leh bal xoogaa saaxiibadaa warmaha ka haki?Waa in la raadraaco oo IPgiisa la daba galaa.
Marka hore: Asxaabtii nabiga waxaa inoo sheegay Alle (SW) oo yiri Raali ayaan ka noqday, waanan raali galin. Nabiguna (SCW) aad ayuu inoogu sheegay meekhaankooda iyo sida ay u sareeyaan, iyo in la inaga rabo in aynu raacno iyaga.
Tan labaad: Meelaha laga soo xoqxoqayo in ay danbi galeen, ama kuwo saas ihi ka mid ahaayeen IWM, maxaa ka danbeeya? Ma kuwo Iran soo dirataa meesha ku jira?
Tan sadixaad: Qisooyinka soo arooray ee meel loo raacdo leh hadii la soo guuriyay, adna aad u soo labisato in aad mid kale oo soo aroortay aad caqligaaga ku taageerto si aad maqsad ugu gaarto (Waa caqligaaga maxaa yeelay xadiithka aad soo daliishatay waa arin guud ee kama hadlayo dilkii Cismaan (RC), waliba sida shuruuxdu qorayso Yaziid iyo meelahaas ayaa lagu ishaaraa) Nusuus aan xad lahayn ayaa Asxaabta muujinaysa wanaagooda, khaladkoodana Allaa horay ka saxayay oo baraarujinayay intii Nabigu (SCW) noolaa, markii danbana iyagaa ifka baxayay ahaa, kii dhinac maraana waa habeensaday (sida Shiicada).
Tan Afraad: Adeer waxaa isaga kaa qasmay ‘Al-Cawaasim minal Qawaasim’ iyo Micnaheeda, qoraagiisa, qofkuu ahaa iyo waxa uu aaminsanaa intaba ee baxarro kale ha isku galgaline iska daa.
Tan Shanaad: ‘Maa ashbahal-laylata bil baarixah’ Kuwii khayrul khalqi (Asxaabtii) bacdan-nabiyyiin nafta ka qaadayay ayaa maantana isla qaabkii ku shaqaynaya, kuwii quluwwiga samaynayay ayaa haddana kuwo u samaynayaan. Bukhaari (2508) “……????? ???? ?? ????? ?????? ” Waxaa idiinku khayr badan kuwa ila nool, deetana kuwa ku sii xiga……
Tan Lixaad: Asxaabta ninkii webkiisa lagu caayo, waa in wax laga qabtaa. Fadlan Raxanreebeey u dhug yeelo dadka meesha Asxaabta ku caayaya, idinka waa la idin yaqaane yaan la idiin soo gaban.
Tan Todobaad: Sh.Fu’aad fadlan halkaas ka sii wad, qisooyinkana u isnaadi kutubtooda si ay doc ka yeerku qiil u waayaan, oo muuji in qaabab kale oo lagu wariyay jiraan. Sh. c/qaadir iyo akhyaartii ka horaysayba Alle ha u naxariisto, Rogmashada kuwa xurumaadka u soo dhigtayna Rabbi ha inoogu raaxeeyo.
WC wr
1. Saxaabada: Waa dad khayr badan, laakiin Macsuumiin ma aha, khalad inuu ka dhici karo, hadaad diidona bashirnimadii baad ka sartay.
2. Qaarkood inay khaladaad galeen Nabigoo nool oo qaarkood la xaday (khamri, zino, sariqo iwm) nusuusta ayaa noo sheegtay. Nabiga kadibna qaarkood inay Ahlu naar yihiin Nabigaa SCW baa sheegay hadaadan ogayn, dhib inay gaysteena waa wax cad. Qoraxda ma qarin bay u baahantahay.
Yazid Saxabi ma ahayn, laakiin Nabigu wuxuu sheegay khilaafadiisa in 30 sano ka dib boqortooyo lagu bedeli doono, ninka bedelayna, ma aha Yaziid, waad garanaysaa Abuu Yaziid (Mucawiyah).
4.”Al-Cawaasim Minal Qawaasim” mida aan sheegay waxaa qoray Ibnul Carabi Al-Maliki, Al-Ashcari reer andulus ahaa. Wuxuuna si waali ah isugu dayay inuu saxaabada ka soo qaado waxaan dambi lahayn. Marka Ashacirada ayaa Salafiyiinta kaga quluwi badnayd xaga saxaabada.
5. Nabiga ma dhihin, ” Waxaa idiinku khayr badan kuwa ila nool ” Macnahana ha bedelin.
Nabigu SCW wuxuu yiri: “Qarniyaasha waxaa ugu khayr badan qarnigayga”
Marka waxaa khalad kugu ah inaad booskii Qarniyaasha aad ku bedesho ‘Idiinku’.
Qarnigu Waa xili ama Zamaan. erayga idiinku. waa ashkaas.
Marka haduu dhaho nabigu SCW Maanta carafo ayaa ugu fiican, macnaheda ma aha dadka carafadaas nool baa ugu fadli badan. Zamanka iyo Dadka waa kala labo.
Qarniga Nabiga inuu fadli badnaa shaki kuma jiro, dadka xiligiisa noolaana, waa ku jireen dad fadli badan sida Abu Bakar, Cumar, Cuthman, Cali iyo qayrkood.
Sidoo kalena dad ahlu shar ahna waa jireen, sida Abu jahal, Ibnu Salool, Musalima, Dul khuwaysarah…
6. Dadka Afka ha qabanin, raxanreebna waa shabakad aan urur iyo dawlad midna hoos tagin, dad aqoonyahano ah baana fikirkooda ku cabirto. Wixii Khilaaf ahna dhib ma laha, hadaan usuusha diinta la khilaafaynin.
7. Sh. Fu’ad xaq buu u leeyahay inuu fikirkiisa dhiibto, anaguna xaq baan u leenahay inaa si shafaafiyo ku jirto u raddino. Juhalana meesha ma joogtoo Aqoonyahano iyo Ardayba way joogaan.
intaas waa isdul taaga qodobadaadii.
Ugu dambayntii, iska daa riyada aaminida aragti shirqoleedka. Aad wax walba u qaadanaysid in wax la maleegayo.
Hal ruux baad mooday inuu: Wadaad yare, Shiico, Takfiir, Caqlaani…
I don’t think hal ruux inuu intaas isku noqon karo. Maskaxda yarta ahna ha daalinin. Waxaad aamintaa ninka kula hadlayana inuu yahay Nin Muslim ah, oo Sunni ah, laakiin kaa fikir duwan.
Taas waxay kuu sahlaysaa; Inaaad raadisid qaabkaad ku radin lahayd, laakii fiction ha camiranin.
Caqlaani nimaduna ma aha wax xun, waa caqliga uu Allaah nagu manaystay oo la isticmaalo “Lacalakum Tacqiluun”
Goormuu caqligu ceeb noqday?