tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Hogaamiyahii Hal-qaran Mala Helay?- W/Q:-Maxa’ed Cabdullahi Cumar

maqaal-31tn4jz1m0devgw0f8p9fuHogaamiyahii Hal-qaran Mala Helay?

W/Q:-Maxa’ed Cabdullahi Cumar
Email:-Wiire1994@gmail.com
Facebook:- https://www.facebook.com/wiire1994
August 9, 2016

Halqaran Waa Erey Guud Maraayo Waxa Aynu Nahay Isku Nahay Ama Nahay  Waa Guud Mare Micno Iyo miisaanba Leh Hal qabsi Iyo Howraartiisuna Waa Mid Kaliya Taas oo ah in la Helo Hogaamiye Daacad ah Ildheer Garad ah Arimaha Mushkiladsan Ee Dalkeeynana Xog-Ogaal u ah.

Waxaan la wada soconaa in sanadkaan Dalkeeyna Soomaaliya ay ka dhaceeyso Doorasho Qaabkii la doono halloo qabtee Laakiin waa lama huraan in ay qabsoonto qaabkii ay doontaba ha ahaatee,Waxaa socda guluf dheer iyo gees isku hardin loolan iyo kalla laabasho adag.

Hardankaasi waxaa uu ku eg yahay sida muuqata Musharaxiinta iyo Geesaskooda oo aan ulla jeedo dadka garab taagan ee la Rucleeynaayo  ama ololaha la wadda waxaansa dooneeynaa Inagu Inaan dareeno Gulufkaasi inaan qeyb ka  nahay  islamarkaana madaxeeyna lagu kor loolamaayo Waa Haddii aan nahay hal-qaran oo la Micno ah Hal-shacab .

Hadii aan Nahay  halqaran Maxaan u baahanahay oo aan Tabeeynaa

Waxeeynu u baahanahay Bahdeeyna  Halqaran Hogaamiye Daacad ah Dalkeeyna Og Daruuf la Degtay  ka Go’an tahay in uu Na Samata Bixiyo .

Sidoo kalle waxaan Dooneeynaa Hogaamiye Leh Aragti Fog Waaya-aragnimo Dheer Ka Damqanaayo Dhibta Had Iyo Jeer Loo geeysanaayo Dumurka Iyo Caruurta’ba Taas oo Kuwa Haatan Madaxda Noo Ahi aad Moodo ineey Mar Walbo iska Indha-saabayaan Ama Wajiga ka Duwanaayo.

Hal-qaran Shacab Mid ah Ma Doonayaan Nuxnuxle Af-miishaar Dulaal Daneeyste Damiir Laawe Ma Damqade  Daacad ka Durge,Waxeeysa Daneeynayaan kaliya Hogaamiye La Hubo oo loo Hibeeyn Karo Halqaran

Hal-qaran Maxaa Dilaayo haddii Lagu Dirqiyo

San-dulle Ama Dirqis Caruurta Yar yar Caanaha Looguma Habi Karo hadiisa Hooyaddu Tiraacdo Huwaayaa Huwayaa Waa uu Qur-qurinayaa Waliba Asigoo Mararka Qaar Dhoolla Cadeeynaya Hal-qaran Haddii Dulaal Aynu Horay usoo aragnay Damcigiisa Mar Kalle Hogaanka Loo dhiibo Ama Mid Dulaalka Daris la ah Micno Gacan Saar la leh  Loo Dhiibo Waa Kasii dar.

Dalkeeynu Waxaa uu u Baahan-yahay  Hogaamiye la Hubo oo aan u Hanqal-taageeynin Hanti In uu ka Abuuro ama ka Sameeyo Siyaasadda Balse Diyaar u ah Samata-bixinta Dalka

Halbeegga Ciwaanka Sidda aad Ka Dheehan Kartaanba Ujeedka Qormadeeydu Waa Waano Ama Wargalin Hadii si Kalle Loo dhigana Waa Xasuusin La Daba-dhigay Digniin Inkastoo Taladu Jirto Dadka Ama Soo Doorayaashe Hogaamiyaha Hadana Waxaan  Gubanayaa in Halqaran Halboowlaha La Jaro.

Si aan Halqaran Halboowlaha Loo Jaran Jarna looga Tuuran Shacabku Waa in ay Kacaan Sameeyaan  Dibadbaxyo ay Ku Dalbanayaan in halqaran Hogaamiye La Hubo Loo Dhiibo Ama Loo Doorto oo ay Ka Digaan Kuwa ay Arkeen Waxqabadkooda Qaliilka ah Iyo Balanqaadyadoodii Hore Sida ay Bar Kuma taal ugga soo qaadeen.

Awooda Shacabka Sow Lamma Oga Inaan Loo Babac dhigi Karin

Shacabka Waxaa ay Leeyihiin Go’aan Adag oo aan Xittaa La damaacin Karin in La Jiiro Haddii Dhamaan Ciidamadda Soomaaliyeed Iyo Kuwa shisheeya’ba La isku Keeno ayna Far u taagi Karin oo ay ka Wadda Adag Yihiin Waxaa’sa Ka Horeeya Shacab Mid ah Quluubteeyna Nadiif Alle Ha Nooga Yeello Kuwa Xumaantii dhacday Hilmaamo Hormarna usoo Jaheeysta Halqaran Difaacdana ha Naga dhigo.

Soomaalidda Waxaa la sheegaa in ay Yihiin Dad Leh Qiiro Wadani’nimo Howl Haddii la Yiraahdo ineey Hormuud u Yihiin Diic si La Mid ah Daciifnimadana  Neceb oo ka Dagaalama.

Tusaalle Waxaa Noogu Filan Dhacdadii 15-July 2016 ka Dhacday Dalkaasi Turkiga Ka dib Afgambigii dhicisoobay  Ee la Doonayay in Xilka looga Tuuray Rajab Dayib Erdugan Waxaana Afgambigaas Fashiliyay Shacab weynaha Turkiga Kuwaasi oo Muujiyay  Dareen Qaran Gartayna in ayna Munaasib Aheeyn qalalaaso Hadda Dalkaasi ka Curta.

Sidda ay Muujinayaan Sawiraddii Lagga soo qaaday habeenkaas Qaar ka mid ah Magaalooyinka dalka Turkiga Waxaad Arkeeysaa Nin Oday ah Xiran Funaanad Cas oo Gacma Gaab ah islamarkaana isku dhigaayo Gaari Qafilan Ee Xambaara Hubka Culus Ama Gaaraha.

Inagu Waxaan Aaminsanahay inaan lee nahay geesinimo aan Gudaha ugu galo Villa Soomaaliya Haddii ayna ka Socon Howl-qaran Islamarkaana Loogu shaqeeynaayo shaqsi shisheeye Laguna qeeybsanaayo Qeyraadkeeyna’’Maxaan ugga dhiidhi la’a nahay’’Maxaan Shibta Nagu Riday’Maxaa Na helay’’

Inkastoo ay Jiraan Musharaxiin Badan oo Hadda la Dhihi Karo Dalka Ayeey Wax-badan u qabteen una qaban doonaan Hadana Waxeey illa tahay in uu Jiro shaqsi Halqaran hogaamin Kara oo Halyaay ah.

Halqaran Hogaamiyaheeda Allaha Guuleeyo

Ruuxa ka Damqaday dhibaatada Dalka Ee isku soo Taagay Hogaaminta Halqaran Waxaan la Hareera Joogtaa Hambalyo aan Dhameeyneeynin Duca Aan la deeyneeyn Mahad aan la Tiri Karin Ayeeynu La Garab Joognaa Hogaamiyaha Halqaran oo heeybis Jira  Islamarkaana Ku Jira Umadda Soomaaliyeed , Walalac Waagu Goorta uu Dhaho Lagu Dhawaaqo Ama Cadeeyo Hogaamiyaha Halqaran Ayaan Farxad Kullansan la Digleeyn Doonaa

Rajadda Halqaran

Inkastoo Wax Walbo ay Qadar Yihiin Hadana Waxaan Qabaa in halqaran Hogaamiyaheeda La Heeybinayo in la Helay  Kaas oo aan is leeyahay Waa shaqsigga La baadi goobayay Dalkuna U Baahnaa Danyarta in uu Daryeelo Looga Bartay.

Daryanka Rasaasta Culus oo dhaceeysa Ayuu’na Daawo Deeq Cuna ah Mid Lacageed Danyarta Gaarsiin Jiray Hadda oo Nabaddu Tahay Mid Bidhaameeysa Haddii Uu Madaxweyne Noo Noqdo Waa  ‘’NIMCATUL RABI,Alle MAHADII’’

Rajadeeynu Waa Halyaay Geesi dhalay Halqaran Hogaamiye Nagu Filan Weeynu heeynaa oo Waa Hubaal  in uu yahay Ee Hadal yuusan kaa Tagan War Xuma Tashiiloow

W/Q:-Maxa’ed Cabdullahi Cumar

Email:-Wiire1994@gmail.com

Facebook:- https://www.facebook.com/wiire1994

One Response to Hogaamiyahii Hal-qaran Mala Helay?- W/Q:-Maxa’ed Cabdullahi Cumar

  1. Guuleed Ahmed hussein

    September 20, 2016 at 9:53 am

    Hambalyo Hambalyo Asxaapta Ku bohoobay Hal Qaran Waana taageer sanahay Xisbiga Welcome To HalQaran

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *