tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Ammaanka magaalada Muqdisho oo la adkeeyay,xilli la xiray waddooyinka qaar

timthumb-28

Muqdisho (RBC Radio) Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,saakay waxaa ay ku jirta jawi badalan,iyadoo aad loo adkeeyay amniga,sida laga soo xigtay booliska.

Ciidamo dheerad ah ayaa magaalada ka howlgallaya,waxaana xiran qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda,meelaha qaar ayaa sidoo kale waxaa hakad lagaliyay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Ciidamo hubeysan oo baaraya dadka iyo gaadiidka ayaa lugu arkayay saakay waddooyinka Maka Al-Mukamarama, Taleex, wadadda Tarbunka iyo jidad kala oo halbowle u ah isku socodka dadka.
Waddooyinka qaar waxaa la diiday gaadiidka iyo dadkuba inay maraan,sida ay sheegen qaar ka mid ah dadweynaha Muqdisho.

Waxa ugu weyn ee isbadalka loogu sameeyay Muqdisho,waxaa ay tahay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka oo la filayo maanta in lugu qabto xarunta golaha shacabka.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in loo xadiday dhaqdhaqaaqa caasimadda si looga hartago falal amniga wax u dhimi kara iyo weerarro dhaca inta ay socoto doorashada.

Ururka al-Shabaab oo dowladda ka soo horjeeda ayaa looga cabsi qabaa inay weerarro fuliyaan.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *