tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Booliska Kenya oo xiray labo nin oo diyaarinayay weerarro dalkaas ka dhaca

x7e100d792b17e2d47ebe-jpg-pagespeed-ic-2ogpe5pvymMuqdisho (RBC Radio) Ciidamada booliska Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan labo nin oo dhallinyaro ah kuwaaso looga shakisan-yahay inay diyaarinayeen weerarro argagixiso oo dalkaas ka dhaca.

Raggan oo lugu tuhunsan-yahay inay ka tirsanyihiin al-Shabaab,wuxuu sheegay booliska in lugu qabtay caddeymo muujinaya ah weeraro ay qorsheeyeen inay ka geystaan dalka Kenya iyo waxyaabaha qarxa.

Weerarrada ay diyaarinayeen labada nin ee dhallinyarada ah,waxaa la sheegay bartilmaamedkooda inuu ahaa goobaha kaniisadaha ah iyo meelaha dadweynaha ay ku kulmaan.

Dhallinyaro kale oo lala xiriirnayo al-Shabaab ayay sheegeen saraakiisha booliska inay ku raad joogaan kuwaasi oo dhalinyarada la qabtay ka caawin rabay weerarada ay qorsheeyeen.

Kenya ayaa feejignaan ku jirta,waxaana laga cabsi qaba weerarro ay fuliyaan dagaal-yahanno ka tirsan al-Shabaab oo gudaha dalkaas ka dhaca.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *