tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Jawaari oo noqday guddoomiyaha baarlamaanka cusub

war-hada-soo-dhacay-rbc13Muqdisho (RBC Radio) Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka,Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa mar kale si dhaqso leh ugu guuleystay xilka.

Ilaa hadda codadka la tiriyay,wuxuu helay Jawaari 141cod -sida ayuuna labo cod uga kormaray tirada looga baahna si aqlabiyad leh inuu ugu guuleysto guddoomiyaha baarlamaanka dowladda Faderaalka.

Jawaari wuxuu dhigay taarikh,isagoo wareegii ugu horreeyay doorashada ku helay codad ka badan intii laga doonayay.

Wuxuu kaga guuleystay xilkan,musharraxa ku soo xigay ee Cabdirashiid Maxamed Xidig oo helay 97 cod, iyo labada musharrax ee kala ah,Cabdifitaax Geeseey oo helay 17 cod iyo Idriis Axmed oo isna helay kaliya labo cod.

Buuq ayaa ka taagan gudaha hoolka baarlamaanka,walina lama dhammeystirin tirinta codadka,waxaana muuqata guddiga doorashada ee baarlamaanka inuu awoodi la’yahay in la dejiyo xaaladda buuqa ah ee ka taagan xarunta baarlamaanka.

Guddiga doorashada ayaa laga sugaya inuu ku dhawaaqo guusha uu gaaray Jawaari iyo natiijada doorashada.

Wixii ku soo kordha kala soco Raxanreeb
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *