tawakal expressgolis logo



Diyaar garowga doorashada guddoonka baarlamaanka oo ka socota Muqdisho

201686636060664241186638201686636060616660880044elecx660Muqdisho (RBC Radio) Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa si weyn looga dareemaya doorashada guddoonka baarlamaanka ee la filaya in berri lugu qabto xarunta golaha shacabka.

Doorashadan waxaa lugu wadaa inay ka qayb-galaan illaa afar musharrax oo loolan ugu jira sidii uu mid walba u noqon lahaa guddoomiyaha baarlamaanka.

Dad badan ayaa u arka doorashada guddoonka baarlamaanka inay go’aamin doonto cida madaxweynaha dalka ka noqonaysa,maaddama loo arko musharrixinta guddoonka baarlamaanka raadinaya inay la safan-yihiin musharrixiinta xilka mdaxweynaha u tartamaya .

Waxaa aad loo hadal-haya oo la leeyahay way ugu cad cad-yihiin ku guuleysiga guddoonka baarlamaanka musharrixiinta kala ah Cabdirashiid Maxamed Xiddig iyo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Ugu dambeyntii,ammaanka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay waxaana ciidamo badan la soo dhoobay gudaha magaalada,iyagoo howlgallo ka wada qaybo ka mid ah degmooyinka caasimadda Muqdisho.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *