tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Faderaalka oo Muqdisho lugu qabanayo

15894881_1792582184338275_6918457531160321795_n

Muqdisho (RBC Radio) Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka dowladda dhexe ayaa lugu wadaa inay maanta ka dhacday magaalada Muqdisho oo diyaar garow xooggan uu ka socdo.

Guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee baarlamaanka,Cismaan Cilmi Boqorre oo ka warbixinayay doorashada wuxuu sheegay in la qaban doono maanta oo ay ka qayb-gali doonan mas’uuliyiin sare oo dowladda ka socda iyo wakiilada beesha caalamka ka jooga caasimada intooda badan.

Wuxuu sheegay inay rajo badan ka qabaan doorashada sidii loo qorsheeyay inay u dhacdo,isagoo marka sheegay si wanagsan inay ugu diyaar garoobeen doorashada.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ayaa dhankooda ku tilmaamay doorashadan inay xiiso gaar ah leedahay,waxaana ay marka muujiyeen inay soo bandhigi doonan natiijo farxadgalisa bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha baarlamaanka ee la filayo manata in la doorto waxaa u tartamaya musharrixiinta kala ah:- Cabdirashiid Maxamed Xiddig, Prof Maxamed Cismaan Jawaari, Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geeseey, iyo xildhibaan Idiris Aadan Dhakhtar.

Natiijada ka soo baxda ayaa laga sugaya doorashada,iyadoo shacabka ay si dhow ula socdaan.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *