tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka oo la soo gaba-gabeeyay iyo natiijada oo lugu dhawaaqay

img_1013Muqdisho (RBC Radio) Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka dowladda Faderaalka ayaa goor dhow lugu soo gaba-gabeeyay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee baarlamaanka,Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada,wuxuuna sheegay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka inuu ku guuleystay,Maxamed Cismaan Jawaari oo helay tiro ka badan codadka laga rabay.

Doorashada oo hal wareeg ku dhacday,si dhaqso ah ayuu u guuleystay guddoomiyihii hore,Maxamed Cismaan Jawaari.

290 xildhibaan ayaa codeysay wuxuuna Jawaari helay 141 cod, taasoo ka dhigan inaan loo baahaan wareeg labaad maadama uu helay seddax meelood laba meel codadkii la dhiibtay.

Natiijada lugu dhawaaqay,waxaa ay musharrixiinta kala heleen:-

1-Pror Maxamed Cismaan Jawaari (141 cod)

2-Cabdirashiid Max’ed Xidig (97 cod )

3-Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geeseey (17 cod)

4-Idir Aadan Dhakhtar (2 cod)

Inta kaddib waxaa lugu dhawaaqay inuu soo xirmay fadhiga baarlamaanka ee ay guddoomiyaha ku doorteen,waxaana sawaxan badan laga dareemayay xarunta golaha shacabka.

Pror Maxamed Cismaan Jawaari oo guuleystay,wuxuu noqonaya guddoomiyihii ugu horreeyay ee labo mar loo doortay inuu hoggaamiyo baarlamaanka Faderaalka.

Baarlamaanka ayaa la filaya inuu berri doonto labada ku-xigeen ee guddoomiyaha baarlamaanka oo doorashadooda la qabanayo.

Ugu dambeyntii,doorashadan oo si nabad-galyo ah ku dhacday,waxaa kalo ay ka dhigeysa doorashadii labaad ee dalka gudihiisa lugu qabanayo tan iyo bur burkii dowladdii dhexe.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *