tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya

2017111636196916313470834lkjhgfGaalkacyo (RBC Radio) Madaxweynaha maamulka Galmudug,Cabdikariin Xusseen Guuleed ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka,sida ku cad wareegto ka soo baxday.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud waxaa loo magacaabay,Maxamed Sheekh Cali Cilmi oo badali doona guddoomiyihii hore ee gobolka,Xusseen Cali Wehliye Cirfo oo xilka muddo dheer soo hayay.

Waxaa lugu sheegay magacaabista maamulka cusub ee gobolka Galgaduud in lugu doonayo sidii lugu dardar-galin lahaa howlaha maamulka ee gobolka oo qaybo ka mid ah ay maamullan ururka Ahlasunna.

Madaxweynaha Galmudug,wuxuu sidoo kale magacaabistan ku soo aadiyay xilli khilaf u dhaxeeyo hoggaanka sare ee maamulka Galmudug,baarlamaanka ayaana shalay ku dhawaaqay inay kalsoonida kala noqdeen madaxweyne Guuleed.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *