tawakal expressgolis logo



Madaxweynaha Marekanka oo khudbadiisi ugu dambeysay ka jeediyay Chicago

3500

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha dalka Marekanka ee dhawaan xilka wareejinaya,Barack Obama ayaa magaalada Chicago ka jeediyay khudbad ugu dambeysay oo u ku macsalaameeyay taageerayaashiisa.

Obama ayaa la hadlayay dad badan oo isagu soo baxay Chicago,waxaana magaaladan ay tahay halka ay ka soo billaabatay siyaasadda madaxweyne Barack.

Isku soo baxa dadka ka qayb-galayay waxaa ay u muujiyeen madaxweynaha xilka ka degaya inay ku qanacsan-yihiin shaqada uu soo qabtay,waxaa la arkayay dadka oo si joogta ah ugu sacbinaya madaxweynaha hadana dareen farxadeede u gudbinaya.

Madaxweynaha Obama,wuxuu ku soo qaaday khudbadiisa arrimo badan oo muhiim ah iyo guulaha uu Marekanka gaaray muddada siddeeda sanno ah ee u hoggaamiyaha ahaa.

Waqtiga uu tallada hayay wuxuu sheegay in uu ku guuleystay koboca dhaqaalaha, heshiiska nuclearka ee Iiraan, soo celinta xiriirka Kuuba, iyo xuquuqda dadka Mareykanka.

Waxa kalo ee u madaxweyne Obama sheegay inay wax ka dhiman-yihiin wali waxaa ay tahay kala qaybsanaanta dadka Marekanka oo wali taagan,sida u sheegay.

Madaxweyne Obama,wuxuu caddeeyay inuu xilka ka degayo Marekanka oo ku jira marxalad wanagsan,awood leh, iskuna duuban,sida uu sheegay.

Xilkan wuxuu wareejinaya Obama, 20 bishan Janaayo waqtiga oo si rasmi ah ay talada ugu wareegayso madaxweynaha dhawaan guuleystay ee Donald John Trump.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *