tawakal expressgolis logo



Madaxweynaha Uganda oo wiil u dhalay xil sare u magacaabay

101711033

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaa dalka Ugandha, Yoweri Museveni ayaa xil sare u magacaabaywiilkiisa curadka,sida lugu sheegay war ka soo baxay madaxtooyadda dalkaas.

Waxaa loo magacaabay,Gaashaanle Sare Muhoozi Kainerugaba la-taliyaha gaarka ah ee madaxtooyada,waxaana magacaabista ay ku timid isku shaandheen uu ku sameeyay ciidamada madaxweynaha dalka Uganda.

Kainerugaba ayaa si dhaqso leh oo xawli ah ku gaaray darajada gaashaanle sare ,dhowrkii sanno ee ugu dambeysay ayuuna helayay darajooyinkii ugu badna oo u ugu dambeyn ku gaaray gaashaanle sare.

Dadka ka hadlay siyaasadda dalka Uganda ayaa sheegay madaxweyne Museveni inuu u diyaarinayo wiilkiisa curudka ah sidii uu xilka uga badali lahaa oo u u noqon lahaa hoggaamiyaha Uganda.

Madaxweyne,Yoweri Museveni wuxuu Uganda maamullayay tan iyo sanadkii 1986-dii, kaddib markuu ku guuleystay shan sano oo dagaal sokeeye ah.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *