tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka digay xasillooni darro siyaasadeed oo ka dhacda Galmudug

xasan_shmaxamuud-480x250Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay xasillooni darro siyaasadeed oo xiligaan ka dhacada degaanada Dowladda Gobolleedka Galmudug oo horumar ku tallaabsaday mudada uu jiro.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaan xiligaan la aqbali karin khalalaase siyaasadeed ee u dhaxayeeya Xildhibanaada iyo Madaxda dowlad Gobolleedka Galmudug , iyada oo la ilaalinayo ,Habraaca Baarlamaanka Galmudug islamaraana la dhowro fasaxii uu ku jiray Baarlamaanka Galmudug iyo Dastuurka Galmudug.

54 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa kalsoonida kala laabtay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, kaddib mooshin ay ka soo gudbiyeen.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ku baaqay in la tixgeliyo daruufaha gaarka ah ee ka jira deegaanada Galmudug, sida abaaraha iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *